Waxaa La Shaaciyay Xilliga La Aasi Doono AUN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)
Hargeysa (RBC Radio) Maamulka Somaliland ayaa caawa shaaciyay xilliga la aasi doono marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Norwey.
Wasiirka war-faafinta maamulka Somaliland Abiib Nuur Diiriye oo maanta saxaafadda kula hadlaayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in meydka marxuum Gaariye in la keeni doono Hargeysa siddeeda bishan October ee 2012-ka.
Wasiirka oo ah guddoomiyaha qaban-qaabada aaska Abwaan Gaariye ayaa sidoo kale sheegay in meydka laga soo dajin doono garoonka diyaaraha Barbara maalinta Isniinta ee soo socota, isla markaana taarikhda ay ku beegan tahay 08/10/2012-ka.
Wasiirka ayaa sheegay in qaban qaabada aaska inta badan ay ka dhicin doono magaalada dekadda leh ee Berbera, laakin ugu dambeyn marxuumka lagu aasi doono magaalada Hargeysa, xarunta maamulka Somaliland.
Wuxuu sheegay in aaska abwaanka ay ka qeybgali doonaan madaxda iyo shacabka reer Somaliland, kuwaasoo uu sheegay in ay ogsoon yihiin wixii uu qabtay abwaanka geeriyooday.
Allaha u naxariisteen Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa geeriyooday30-kii bishii hore, kaddib markii uu xannuun in ka badan halsano uu la jiifay isbitaal ku yaalay dalka Norwey.
Abwaanka ayaa waxa uu ka mid ahaa abwaanada caanka ka ah dhulka Soomaalidu degto, wuxuuna ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaha Hargeysa iyo Camuud.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] Taken from: Waxaa La Shaaciyay Xilliga La Aasi Doono AUN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) [...]
waxaan ALLAH uga baryaynaa in uu janadii fardowso ahayd uu geeyo intii uu kadhintay oo qoys iyo qaraabo ahaydna samir alaha kasiiyo abwaan Gaariye wuxuu ka dhintay soomaali oo dhan.
alle naxariis & jano hasiiyee marxuumkan waxuu ahaa nin ku wangsan waxqabadaka unada somaliyeed
inaa lillaahi wa innaa ileeyhi raa jicuun allaha u naxariisto abwaan gaariye samir iyo iimaanna allaha nagasiiyo
inaa lillaahi wa inaa ilaahi raa jicuun allaha u naxariisto abwaan gaariye samir iyo iimaanna allaha nagasiiyo ilaahoow janadii fardoowsa geeh [aamiin]