Xaflad Lagu Taageerayo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Dhacday Pakistan (Warbixin & Sawirro)
Karachi (RBC Radio) Ardayda Soomaaliyeed ee kunool gobolka Sindh ee Pakistan ayaa 7-dii bishan October soo agaasimay xaflad ballaaran oo ay ugu ducaynayanaan dawladda cusub ee Soomaaliya ee uu madaxwaynaha u yahay Xasan Sheekh Maxamuud .
Munaasabaddan waxay ka dhacday magaalada Karachi ee caasimadda gobolka Sindh, halkaasi oo ay kunool yihiin arday iyo qoysas Soomaaliyeed oo badan.
Qaban qaabada xafladdan oo soo socotay tan iyo bishii September bartameheedii ayaa waxaa ugu danbayn lagu guulaystay inay si habsami leh u dhacdo, laguna soo bandhigo barnaamijyo , hadallo taariikheed, wacdiyo diini ah, majaajiloyin, kaftan iyo maad.
Aayadaha Quraanka kariimka ah kadib , waxaa xafladda furay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada xafladda Axmed Siciid Maxamed oo dadwaynihii kasoo qayb galay uga mahad celiyay imaanshohooda , wuxuu kaloo mahad ballaran usoo jeediyay guddigii hawsha kula jiray oo ahaa qayb kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee gobolka Sindh ee Pakistan.
Xasan Hilowle oo kamid ah indheergaradka kusugan Pakistan ayaa asna halkaasi kasoo jeediyay hadallo isugu jira taariikh, talo iyo tusaalayn kusocotay dawladda cusub ee Soomaaliya.
Arimaha aadka u xiisaha lahaa ee uu ka sheekeeyay Xasan Hilowle waxa kamid ahaa sooyalka dawlad nimo, faa’iidada dawladdu ay leedahay, sida loogu baahan yahay in dawlad walba caddaalad ay la timaaddo iyo qodobbo kale.
Dawladdan cusub ee uu madaxwaynaha u yahay Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyeha baarlamaankana uu ka yahay Prof. Jawaari, isla markana raysulwasaaraha uu ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon ayuu Xasan Hilowle usoo jeediyay talooyin wax ku’ool ah oo ka dhigi kara dawlad taabbo gal ah.
Qodobada uu taabtay waxaa kamid ahaa in dawladda cusubi ay dadkeeda si caddaalad ah ugu adeegto, in dawladda cusubi la timaaddo garsoor iyo caddaalad fiican asagoo tusaale usoo qaatay caddaaladdii lagu bartay Ameerul Muuminiin Cumar Ibnul Khaddaab.
Madaxwaynaha ayuu si gaar ah ugu soo jeediyay inuu wakiil ka yahay shacabka Soomaaliyeed oo dhan meel walba oo ay joogaan, xafiiskiina uu kusoo dhaweeyo qof walba , noocuu doono ha ahaado, tabartuu doonona halahaadee .
Dhinaca kale waxaa sidoo kale khudbad baraarujinta iyo taloooyin isugu jirta soo jeediyay Sh. Khaalid C/raxmaan (Usaama) oo ka hadlay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Pakistan uu saaran yahay waajib wayn, oo ah hawshii loo igmaday inay gutaan isla markaana dalkooda iyo dadkooda ay anfacaan.
Waxa uu ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed in jaanisyada waxbarashada ee ay haystaan ay yartahay dad haysta, fursadda ay haystaanna ay yartahay inay mar kale soo marto, sidaa daraadeedna ay habboon tahay inay waxay barteen wax uga badalaan dalkooda iyo dadkooda.
C/naasir Maxamed Sheekh Nuur (Shubka) oo kamid ahaa ardayda Soomaaliyeed ee gobolka Sindh, kana mid ahaa qaban qaabiyeyaasha xafladda ayaa halkasi kasoo jeediyay khudbad kusaabsanyad doorka dhallinyaradu kuleeyihiin isbeddelka nolosha.
Waxa Cabdinasir faah faahiyay dhallinyarada doorkooda ku aaddan wax ka badalka dalkooda iyo dadkooda uu yahay mid wayn oo loo bahan yahay inay garawsadaan dhallinyaradu. Waxa uu xusay in isbeddelladii hore adduunkan uga dhacay iyo kuwo xilli dhow ka dhacayba ay dhallinyaradu masuul ama hormuud u ahaayeen.
Tusaale wuxuu usoo qaatay in Saxaabadii rasuulka (SCW) ay doorkooda hogaamineed qaadan jireen ayagoo waliba da’adoodu yarayd , sida Cali Bin-Abii Daalib, iyo Khaalid Bin Waleed, oo ayagoo da’doodu aysan wali gaarin 20 sano sameeyay hoggaamin wanaagsan. Waxa kaloo uu tusaale usoo qaatay Maxamed al-Faatix oo furtay Qusdandiiniya asagoo da’adiisu aad u yarad, iyo tusaalooyin kale oo uu soo qaatay. . Waxa uu ugu baaqay dhallinyarada Soomaalida in horumarka waddankooda ay qayb ballaaran ka qaadan karaan, balse ay habboon tahay inay fahmaan in doorkaasi ay cayaari karaan.
Jawiga xafladda ayaa u muuqday mid aad u daggan, una qurux badan. Waxaa goobta isugu yimid arday Soomaaliyeed, waalidiin, iyo caruur , halkaasi madadaalo iyo murti wanaagsan ka helay.
Qaybaha madadaalada waxaa aad ugu farayaraystay ardayda Soomaaliyeed oo halkaasi kusoo bandhigayay , madadaalooyin, iyo riwaayado, iyo suugaan kala duwan. Ardaydu waxay soo bandhigeen riwaayad ka tarjumaysa wadciga jira , iyo muhiimadda ay leedahay in dalka lagula laabto waxa la bartay.
Suugaanta gabayada ah ee u badnaa ducada ayaa ayana goobta xafladda laga soo jeedinayay, waxana dawladda cusub loo rajeeyay inay wax wayn ka badasho dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee 20-ka sano dhibaatadu soo haysatay.
Waxaa kaloo jiray barnaamij WAQTI YAA NASIIB ah oo ardayda su’aalo kala duwan lagu waydiinayay, isla markaana abaaalmarino lasiinayay dadka su’aalaha ka jawaaba.
Xafladdani waxay ahayd mid kamid ah kuwii ugu agaasinka wanagsanaa , sida ay falcelin kumuujiyeen dadkii kasoo qayb galay , oo horay looga qayb galiyay fikirka ku aaddan qurxinta munaasbadda.
Waxaa Soo Gaarsiiyay RBC Radio Ardayda Soomaaliyeed ee Gobolka Sindh, Pakistan















