Xasan Sheekh Iyo Mwai Kibaki oo Kampala Ku Kulmaya Berito (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kiinya Mwai Kibaki ayaa berito isku arkaya magaalada Kampala markii ugu horeysay, sida ay sheegeen saraakiil madaxtooyada Soomaaliya ka tirsan. [Booqashada Madaxweynaha]

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi ka tirsan xafiiskiisa ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Kampala ee xarunta wadanka Ugnda halkaasoo uu kaga qeybgali doono munaasabada sanadguurada 50-aad ee xoriyada wadankaasi oo dhacaysa berito.

“Waxaan u baxayaa booqasho gaaban wadanka Uganda oo aan kaga qeybgalayo xoriyada 50aad ee wadanka Uganda, waxaana igu martiqaaday madaxweynaha Uganda Yuweri Musefeni” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hor intuusan dhjoofin wariyaasaha kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Waxaan ballansanahay madax badan oo qaaradda ka mid ah .. madaxweyne Kibaki ayaan ballansanahay, madaxweyne Mursi ayaan la ballansanahay, waxaan kaloo ballansanahay wasiir ku xigeenka Talyaaniga..” ayuu sii raaciyey madaxweynaha oo ka cudurdaartay in wariyaasha wax su’alo ah ka weydiiyaan waxa uu kala hadli doono madaxweynaha Kiinya Kibaki.

Kulankan dhexmari doona Kibaki iyo Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli dawlada Soomaaliya iyo Kiinya ay isku mari la’ yihiin qaabka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka oo hadda intooda badan laga saaray ururka Al-Shabaab.

Shalay ayey ahayd markii wafdi ka socda IGAD oo ay ku jireen xubno Kenyan ah ay kylkan madaxtooyada kula qaateen madaxweynaha Soomaaliya halkaasoo ay isku fahmi waayeen hindise ay keeneen saraakiisha IGAD oo ahaa in hogaanka kooxda Raskambooni lagu soo daro maamulka heer gobol ee Jubbada Hoose. [AKHRI Kulanka wafdigii shalay]

Madaxweynuhu wuxuu horey warqad uu u diray Dawlada Kiinya kaga dalbaday in la hakiyo qiorshe maamul loogu sameyn lahaa Jubbooyinka oo laga abaabulay Nairobi.

Wada hadalka dhexmari doona Kibaki iyo Xasan Sheekh ayaa loo maleynayaa inay si weyn u hareyn doonaan arimaha Jubbooyinka gaar ahaan tuhunka dawlada Soomaaliya ka qabto faragelinta Kiinya ee gudaha dalka iyo naasnuujinta kooxda Raskambooni oo beelaha qaar ee deegaanka ay ka tuhun qabaan.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

16 Responses for “Xasan Sheekh Iyo Mwai Kibaki oo Kampala Ku Kulmaya Berito (Faahfaahin)”

  1. Dahabi says:

    Raxanreeb raaskambooni waa dad ka deegaanka iska leh maggana uma cidna sida xasan sheeq iyo kibaki iyo weliba musaveni,iyo idinku raxanreeb sidaad jeceshihiun ,waxaana hubaal ah jubaland waxaa u dambeyn oo ku soo haraysa raaskambooni political party iyo intii taageersan.

  2. farax says:

    kibaki baxar uu ku jiraa …xassan shiekh oo dharsan aya helayo meeshana musafani ayaa loo soo fariisina amison shaqadeeda maxay tahay ??? ma maamul usameenta somalia misa nabad illaa liyaal ?? dowlada somalia kumeel gar waa ka baxday ee kabaki faraha kala bax arimaha somalia…

    masafani xanaqsan soo boodayo .. warya kabaki bariiskeyga ha iga ciiden amison magaca ha uga ciyaarin…sidee ku keentay in aad bada somalia iska cabirato oo shidal ka baarato ??? amison shaqeeda ma saasbaa ..??? sidee ku keentay in ad qabilada somalia iska horkeento….???

  3. War madaxweyne waad dharataye wixii dalka iyo dadka dan ugu jirto ku dhaqaaq.
    Oo xeebta somaliya ha saxeexin in la qoto

    Somalis for somalia

    Arinta kismaayo war dadka degaanku way is yaqanaanene ha sameeyeen sharing power. Laakiin inaad dowlad kale wakiil ka dhigatid waa ceeb. Kismaayo harti iyo mareexaan iyo absame ayaa dega we can make decision to sharing power without interfering.

    Sorry I didn,t mention ogaden as well as harti are kismayo residents. Laakiin joojiya kenyanka aad wadataan sida faroole ethiopia u wato oo ah cadowga dalkeena

  4. wadani says:

    asc, su,aal ayaan qabaa, why nimanka reer mogadisho ay u diidan yihin maamul gobaleedka jubba land,?

  5. rooble700@hotmail.com says:

    waa tayda lihi taadana kula lihi,sidoo kale ayana woxoodu waa ka badbadin iyo kabokawaaweynoo ay rabaan inay xirtaan.

  6. prof piccolo says:

    to/wadani mooryaan ah waa in Kenya ay xoog ku gashaa somaliya oo ay qabsato somaliya oo dhan marka NGO ayaa madaxweyne kuu ah marka waxad sugtaaba waa in lagu qabsado oo lagato wadanka

  7. samatar says:

    @wadani
    beesha xamar oo aad ugaxun in kismaayo lagasaaro alshabaab ,ayaa waxay tolanayaan shaadh cusub oo hadana kismaayo kuqabsadaan,markaa sidey uqabsanayaan,waxay isticmaalayaan dhawr system,
    1-in nabadsugid loo diro iyo ciidama mooyaana kismaayo
    2-in beelo hada kahor alshabaab ahaa lahubeeyo

  8. garyaqaan says:

    Asc Aniga su’aasheyda waxaa weeye.. nimanka Raxanreeb maxay u buunbuuninayaan waxa ay reer xamarka jecelyihiin inay dhacaan. waxay wax u qoraan sidii websiteyada mooriyaanta muqdisho oo kale. waxaan kula talin lahaa dadkiina niyada ha ka dilina.. dufkubaxa e..

  9. daacad says:

    wadani anaa kaaag jawaabaayo juboyinka ma hal qabiiil baa dagoileen waxa wato barnaamjika mamul gobaleeda waa raaskanbooni marka jawaabta waa fududahay hal qabiil looma ogolaan dooono in uu kaligiiiiis meeel lala wadaago mamul u sameeysto

  10. hersi says:

    war madaxweynahan qosolka badan Jubadda hooose ma oga dadka degaan ahaaan ka soo jeeda halkaas waxaaa wax u akhrinaaya rag damac degaan uu hayo Dawladii xiligeedu dhamaaday wasiirkeda Cabdi/saammad baaba ka ssii daran oo doonaya inuu ciidama u diro

  11. wadaad yare says:

    In kastoo dadku dhallin yaro il qabiil wax ku eegaya ay ka buuxaan,haddana inaan u waayeelinno oon wax tusaaleyno waa arrin muhim ah.

    Beel Xamar iyo Beel Kismaayo meeshaan ma taallo ee dowlad soomaaliyeed ayaa jirta. Iyadaana laga rabaa iney fududeyso kuna saaciddo dadka degaanka iney sameystaan maamul iyada hoos yimaada ee aan Kenya hoos tegin. Perio!

    Dadkii u hanqal taagaya factionnimo iyo iney dowladda isku dhereriyaan oo ciidammo shisheeyaad heysataan innaguna kuwaan heysannaa u fekeraya waa arrin runtii ka tarjumeysa wacyi darro weyn oo ku jirta dadka soomaaliyeed qaarkood. kkkkkkkkkkkkkkk

    Dowladda ciidanka shisheeye ee waardiyeeya iyo kan Kismaayo joogaba iyada shabbaddeeda iyo mandate keeda ayuu ku joogaa dalka. Hadhowna iyadaa mas,uuliyadi ka saarantahey iney labadaba ka saarto.

    Dowladda Kenya arrintaasi ma seeggana oo way ogtahey, haddey garan weydana qaabab lagu fahmsiiyo oo badan ayaa jira.

    Qofkii xaq leh oo wax ka cabsanaya ama wax tabanaya waa inuusan dowga ka habaabine uu marinkiisa qabsado waqti hore.

  12. wadaad yare says:

    By the way

    Raxanreeb waa qorayaal xor ah oo ka gudbey dabarka qabyaaladda sida aan ka fahmayo shaqadooda. Xaqiiqatanna sidaas ayey hadda soomaalidu u badan doontaa sidaan dareemayo.

    Ha arkina dadka xamaasadda miiran ah oo meelaha ordaya oo commenstiska qora ama Paltalka jooga. The silent magoritygu way bislaadeen.

    Waan hadal badanahey oo fikrado badan ayaa iga guuxaya. Commenstiska ayaanan caadeystey inaan fikirkeyga kusoo bandhigo. Paltalk kama hadlo. Idaacad kama hadlo,maqaalaatna ma qoro.

    Sheeko xiiso leh oo waxaan idiin sheegayaa ku saabsan gurdanka Kablalaxnimada ee Kismaayo ka yeeraya iyo wuxuu dhib iyo dheef uu keeni karo.

    Hadda kahor markii Shabaabku madaxtooyada ku hareereysnaayeen oo halista ahaayeen ayaan ku oran jirey dad badan Shabaabku si dadban ayey dowladnimada soomaaliyeed u gacan siinayaan!

    Waxaan ka wadey in caalamku ku qasbanyahey inuu dowladda soomaaliyeed taageero. Dad badan oo meel fog wax ka eega ayaana sidaas oo kale ila qabey. Macnaha waxey ahaayeen welina yihiin “a blessing in disguise”. Yaa soomaali daneyn lahaa haddeysan Shabaab aheyn?

    Dabcan igama daahna waxey xanuun geysteen, waxey guri madoobeeyeen, iyo iney weli ku yihiin halis weyn degganaanshaha soomaaliyeed iyo jiritaankeeda. Laakiin taageerada caalamka iyaga sababtood ayaa lagu heley.

    Aw Kablalax wuu sannifsanyahey. Muuqaalkiisa iyo murqihiisa iyo geyrtiisuna waa mid dhibkeeda leh cabsina keeneysa. Laakiin u fiirsada waxaan ka dhex arkaa khatartaas “a blesing in disguise”! Daawo qarsoon oo leh muuqaal sun!kkkk

    Laakiin waxey u baahantahey in dose aan wax dileyn laga isticmaalo suntaas. Ogow daawo kastaa waa sun,laakiin sun kastaa daawo maahan! How? Marar kale ayaan idiin sheegi doonaa sida xanaaqa Aw Kablalax uu u noqon karo “a blessing in disguise”!

  13. suull gooye says:

    to waadad yare
    adiga waxan ku weydiiyay , raxanreeb maa shaqo kuu ah , qoraalkaaga ayaanbaa ku wareeray sxb duf ku dhuumo

  14. Ismacil says:

    ninkaan wadaad yare waa nin cajiib ah xaqiiqdi masha alah ilahay haku dhaafo maskaxdada ciyaalkan aanan waligod qabyaalada ka koreynine ilahay ha soo hanuuniyo 21 sano kadib iyo qabiil waa dhib

  15. sool-man says:

    Somalia soomaali baa leh ,kismayo waa somalia ,kibaki have NO rights inoo maamul o sameeyo kismaayo, somalia madaxwenaheedo waa mudane Hassan isaga kaleya baa maamul o samayn Kara kismaayo…Kenya gardarada ha joojiso…….SOMALIA SOMALI BAA LEH.

  16. [...] in manta uu halkaasi kulamo kala duwan uu kula soo qaato masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan madaxda wadamada kenya  iyo waliba [...]

Leave a Reply