Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Kulmay Madaxweyne Mwai Kibaki (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulankii ugu horreyay la yeeshay dhigiisa dalka Kenya Mwai Kibaki. PHOTO / PPS

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulankii ugu horreyay la yeeshay dhigiisa dalka Kenya Mwai Kibaki. PHOTO / PPS

Kampala (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah, waxa uu magaalada Kampala ee caasimada Uganda kula kulmay dhigiisa dalka Kenya Kibaki.

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadlay arrimihii ugu dambeeyay ee labada wadan.

Madaxweynaha Kenya ayaa u sheegay dhigiisa dalka Soomaaliya in uu taageersan wax yaabaha hadda ka socda dalka ku yaalla geeska Africa.

Wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Kibaki in dowladda Kenya iyo shacabkeeda ay ka go’antahay siddii xasilooni iyo nabadgalyo uga dhallan lahayd Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay kooxda Al-Shabaab inay hubka dhigaan oo ay nabadda qaataan.

Madaxweynaha Kenya ayaa u sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in Kenya qorsho gaar ah aysan ka lahayn Soomaaliya, laakin ay doonayaan in ay arkaan Soomaaliya oo ka dhalata xasilooni iyo babad.

Wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay madaxweyne Kibaki Kenya howgalka ay ka wado koonfurta Soomaaliya uu yahay mid lagu xasilinaayo halkaas, iyadoona markasta taageersan yihiin in maamulka loo sameenaayo gobalka Jubbadda Hoose laga sugaayo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay meelaha ciidanka Kenya ay joogaan mustaqbalka haddii ay nabad noqoto loo rari doono qoxootiga Soomaalida ee ku noo Kenya.

Madaxweyne Kibaki ayaa waxa kaloo uu ku baaqay in la kordhiyo waqtiga AMISOM oo ku egyahay dhammaadka bishan, si loo wiiqo awooda kooxda Al-Shabaab.

Waxa ugu dambeyn u sheegay in Kenya ay taageersan tahay madaxweynaha iyo dowladiisa.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay dhigiisa dalka Kenya taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Waxana uu sheegay in labada dowladood ay isla shaqeyn doonaan

Kulanka maanta waxa ka qeybgalay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Prof. Sam Ongeri, Ambassador Patrick Wamoto  iyo xubno kale.

Waa kulankii ugu horreeyay ee dhexmara madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishii hore loo doortay madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Kenya Kibaki.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Uganda waxa uu kulamo la qaadan doono madax uu ka mid yahay madaxweynaha Masar Maxamed Mursi.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

11 Responses for “Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Kulmay Madaxweyne Mwai Kibaki (Warbixin)”

  1. [...] View original post here: Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Kulmay Madaxweyne Mwai Kibaki (Warbixin) [...]

  2. somali says:

    Kibaki ma somali baah?inuu xitaa dhaho maaha maamulka loo sameynayo gobolada jubooyinka dowlada somaliya aay laga sugayaa oo howl markiisii horaba isaga la weydiisanayo maaha.madaxweyne Xasan shiikh waxaan ka sugeynaa in uu maamul somalida oo dhan u dhan tahay oo raali isaga tahay uu u dhiso dhulalaka aanan maamulka laheen laga soo bilaabo konfurta gaalkacyo ilaa xuduuda somaliya la wadaagto Kenya oo uusan beel gooni ah rabitaankeeda ku shaqeyn oo uu noqdaa mid ku mintida cadaalada sababtoo ah cadaalad dari la isku maamulo waa mida somaliya 22 sano ood aglaalo ah gelisay.

  3. Maxamad says:

    War ma anaa indha yareeyay mise Madaxwayneheenii Calankii Kenya kaliya buu hoos fadhiyaa?!!

  4. ina bulsho says:

    kenya waa in eey NFD ka baxdaa shuruud la’aan.Tilaabada eey xuduudka uga soo talaabtay waa iska yeel yeel eey uga dan leedahay in eey NFD xaqooda ku qariso waana jar ka boodo cad oo aan ilduuf laheyn.Yaa ka caqli yar ileen kan waan heystaa kaasna ul iyo camaamad baa ii saaran weeye arintu.Sidaas ma u garateen?Guuleysta geedigana wada.

  5. Sokor says:

    Cadaalada iyo dawladnimada laga sugaayo maxay tahay ….xaaraan ayay 22sano kunoolaayeen hadana rabaan iney ku noolaadaan…aniga iga qora hawiye Dawlad inuu soomaali gaarsiiyo ha yaabina ileyn Samir kaas ma laha iyo aqoonta ay ku gartaan iney isku xukumaan soomaali waa federal nin walboow bacdaa dhuuqsow meshaad degan tahay aamin waa dhamaatey boobkii indha cade ee marko uu iska dhaadhiciyey yeelo

  6. somali ninkan labaxay koonfurta gaalkacyo waxii kabilowda markaad leedahay waqooyi bari mamaamul baa kajira mise xero geel oo xaaraan u ah dixriyahow horta adigu isxali koonfur aad afka ku taagtide

  7. Jama says:

    Waxaa igu maqaal ah in Kibaki uuyiri hayskudayin inaan booskaaga lumiso farahana aad kalabaxdo danta dadka deegaanka Jubbaland taasina uu adeecay Hassan. Waxaa sidookale igu maqaal ah in Hassan lawaydiiyay yaa Xamar kugu haya, ma ciidan Soomali mise AMISON. Waxuu kujawaabay Amison? Waxuu kaloo waydiiyay, xaguu maray Sharif, Farmaajo iyo Sharif Sakiin. Waa lagataqalusay ayuuyiri, hade isilaali ayaa layiri. Isagoo aamusan ayuu baxay. Kibaki waxuu ugudaray in Shirka kasocda Nairobi dadka deegaanka ay codsadeen in looweeciyo Kismaayo maadaama Amison joogto. Waxaan laleeyahay ciidan Soomaali baa lakeenayaa iwm waa sheeko raqiis, Uganda iyo Kenya wadanka waakala qaybsadeen, Xamar iyo gobolada dhexe Uganda, Jubooyinka iyo Gedona waa Kenya, sidaas ayayna kukala qaateen contractiga ama qandaraaska. Websiteyadii iyo VOA, iyo BBCdii lakari la’aa way aamuseen, why? they have been warned. Waa loodigay shaqaalaha xamar soogubay ee kashaqeeya ee aanan garanayn protocal journalismka. Dowladu waa federaaal cid laqasbi karana majirto ninkii kufikiraya maamul Xamar kayimi candhuuftaada dib ulaq.

  8. sool-man says:

    Guul somalia…kismaayo Somali baa leh, dowlda somalia uunbaa kismaayo maamul u sameynkara ,kenyatigu kenya ha ku eekaato…..somalia somalibaa leh.

  9. Galinsoor says:

    Kkkkkkkkk Alla maxaa calaacal reer halamash ka baxaya waligiin cabaada cid idinka siibaysa malahan kan waa idunkujiraa ha Isku ruxina yuuna idinku fogaane giigsada ama xagsada. No calaacal madaxwayna waa Saan waxba idiinma tareyso 4yaers giigsada ok no more calaacal byeeee.

  10. Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
    TALO SOO JEEDIN:
    DOWLADDA SOOMAALIYA:
    Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
    waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
    1. inaanay boogaha damqin.
    2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
    3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
    4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
    PUNTLAND:
    waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
    waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
    1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
    2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
    3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
    4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
    5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
    6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
    SHACABKA SOOMAALIYEED
    Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
    FG:
    Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
    B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
    T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
    Mahadsanidin
    ASALAMUCALAYKUM W. W. B.

  11. qabiil haku feera jabin says:

    Aqyaarta waa salaamantihiin dhamaantiin.

    kan labaxey JAAMA. guri albaab furan maalagugu dhalay waxaa igu maqaal ah markad meelaha la imaaneyso kkkkkkk fiiri markaad leedahay aaway farmaayo aaway shariif intuu kabaxey war nacas ayaa tahay waxaas waba kenya kama oga kenya hadeey cid wax uqabaneysay Dr Abdi wali ayeey wax uqaban laheyd oo eey urabtay Reysal wasaare weyna ku guul dareeysatay oo Madaxweyne Xasan sheekh ayaa ku adkeeyay, marka war maheysidee dhoocilaha xaafada kula jooga ayaa kaa xog ogaal badan ee Mardanbe raga meelaha ey kusheekeysanayaan hadalada raqiiska ah hala imaanin, kismaaya iyo Somalia oo dhan dowlada somalia ayaa Maamul iyadu wadato usameysan doonta noo kenya no ethiopia no daba dhilif warkiisa latixtalinaayo Viva Dowlada somalia

Leave a Reply