Xassan Sh. Maxmuud: Lamood Noqonse Weyday. W/Q Cabdi Gadad
Xassan Sh. Maxmuud: Lamood Noqonse Weyday
Cabdi Gadad
Mrxabiib@yahoo.com
Oktoobar 08 2012
Iyadoo madaxweynuhu weli cusub yahay haddana ilaa hadda calaamadaha aan ka aragtay Xasan sh Maxmuud ayaa muujinaya in uusan ahayn hoggaamiyihii Soomaaliya waqtigaan dhibaatada ka saari lahaa. Inkasta oo dadka dareenkoodu kacsanaa oo aan shakhsiyadda madaxweynaha waqtigaas la fiirinayn haddana qof kasta oo khibrad siyaasadeed lihi wuxuu wax badan ka fahmi karay labadii khudbadood ee ugu horreeyey ee uu madaxweynuhu jeediyey oo ahaa khudbadihii uu ka kala jeediyey goobtii lagu doortay iyo goobtii caleemo saarka. Khudbadahaas waxaa aniga iiga soo baxay in uusan madaxweynuhu laheyn aragti ama “vision” hoggaamiye iyo khibrad siyaasadeed midna, annaguna haddaan nahay shacabka soomaaliyeed aan “laf toobin ku hayno”.
Qaabka Khudbadaha Madaxweynaha
Tan koowaad qaabka ama “style” ka uu Madaxweynuhu khudbadaha u akhrinayey waxaa laga dheehan karey karti yarida iyo kalsooni la’aanta madaxweynaha. Sidaan og nahay marka madaxweyne la doorto khudbadda ugu muhiimsan ee uu jeediyo waa tan caleemo saarka oo Madaxweynuhu isku baro ummaddiisa si koobanna ugu soo gudbiyo wax qabadkiisa muddada la doortay. Khudbaddaan waxaa lagu ogaadaa kartida madaxweynaha. Sidaas darteed ayey hoggaamiyeyaashu maskaxdooda isugu geeyaan khudbadooda ugu horreysa ee caleemo saarka, shacabka iyo madaxda adduunkuna khudbadaas waxay ka dheehdaan qaabka hoggaamineed ee madaxweynahaas cusub.
Madaxweyneheennu labadiisii khudbadood ee doorashada iyo caleemo saarkaba wuxuu akhrinayey waraaqo diyaarsan oo xitaa wax tacliiq ama faah faahin ah kuma dareyn inta waraaqaha ku qornaa. Saasoo ay tahay haddana waraaqaha si fiican uma akhrinayn ee hadba meel ayaa ku istaageysey sidii nin aan akhriska ku fiicnayn. Kaaga darane khudbaddii dambe ee caleema saarka, maalintii uu akhrinayey maalintii ka horreysay ayuu madaxweynuhu idaacadda VOA-Somali ka sheegay isagoo xitaa aan erayada kala beddelin, taasoo khudbaddiisii caleemo saarka ka dhigtay “war la qabaa xiiso ma leh”.
Style-ka ka sokow, nuxurka khudbadaha ayaan ahayn kuwo dhiirri gelinayey qalbigii niyad jabay ee shacabka soomaaliyeed. Waxaa la sugayey in uu ummaddaan niyaddu ka jabtey uu dhiiragelin, baraarujin, iyo abaabul ku sameeyo, uuna dareensiiyo in wax kasta oo na hortaagan laga gudbi karo haddii aan si fiican u hawl galno.
Taas beddelkeeda waxaa khudbaddiisii caleemo saarka ku jirtey in godka aan ku dhacnay aannaan kasoo bixi karin in adduunku naga soo saaro ma ahane, taas oo ahayd niyad jebin iyo dhiirri gelin la dhiiri gelinayey dhaqan xun oo 20-kii sano ee dagaallada abuurmay, dhaqankaas oo ah in aan haba yaraatee waxba dadku qabsan karin haddaan NGO-yada iyo “Beesha Caalamka” gacan laga helin.
Dhaqankaani waa caqabadda ugu weyn ee hortaagan in soomaalidu kasoo kabsato burburkii ku dhacay, waxayna ahayd in aad loola dagaallamo oo ummadda maskaxdooda laga tir tiro, dadkana la baro in ay iyagu wax qabsan karaan, ee ma ahayn in la sii dhiirageliyo dhaqankaan xun.
Tallaabooyinka Siyaasadeed ee Madaxweynaha
Inkastoo uusan madaxweynuhu ilaa hadda tallaaabooyin badan qaadin haddana ilaa hadda tallaabo kasta oo uu qaaday waxaad moodaa in ay sii yareynayso rajadii laga qabey hoggaamintiisa. Arrimaha shacabku uga niyad jabay waxaa kamid ah:
Wuxuu booqashooyinkii ugu horreeyey ku tegey Baydhabo iyo Beledweyne. Marka laga soo tago su’aalaha ka imaan kara sababaha uu u doortay labadaan magaalo oo labaduba ah meelo ay ka taliyaan ciidamada itoobiya (asagoon meelo kale booqan), wuxuu madaxweynuhu dhaliilo iyo ceeb kala kulmay qaabka booqashadiisa loo qorsheeyey.
Iyadoo shacabka labada magaalo ay aad ugu han weynaayeen madaxweynaha haddana madaxweynuhu labada magaalo midna ma uusan gelin shacabkana ma uusan arag.
Xaqiiqdii waxaa la dhihi karaa labada “booqasho” waxay ahaayeen safar uu madaxweynuhu ku tegey xeryaha ciidamada shisheeye ee duleedka labada magaalo ku yaalla. Weliba Baladweyne oo shacabkii magaalada oo dhan ay magaalada daadad uga carareen oo ay bannaanka magaalada tuban yihiin xitaa hadduusan waxba u tarayn in uu soo kormeero oo “isku soo sawiro” wax dhan bey ahaan lahayn. Taas beddelkeeda inta duleedka magaalada kula shiray saraakiisha shisheeye iyo dhowr qof oo loo sii diyaariyey ayuu villa soomaaliya kusoo laabtay.
Deegaannada iyo maamullada soomaalida sida Puntland, Somaliland, GalMudug, iyo gobollada dhexe midna ma uusan booqan, ma uusan casumin, xiriir wanaagsanna lama uusan sameyn. Deegaannadaan hadduu booqan lahaa waxay ahaan lahayd calaamad wanaagsan oo kalsooni abuurta shaki badan oo abuurmi karana meesha ka saarta.
Jubbooyinka oo ay AMISOM iyo Ciidamo Soomaali ah qabtey kana wada saareen Al Shabaab wuxuu ula dhaqmey sida in aysan soomaaliyaba ka mid ahayn.
Iyadoo qarannimadii soomaaliya ay qar ka laa laaddo oo lagu jiro waqti kala guur ah oo aad u dhib badan ayuu sidii nin aan shaqo sugaynin oo kale hal bil oo dhan sugayey magacaabidda raysal wasaaraha. Arrintaan waxaa keeni kara labo arrimood midkood: in uusan madaxweynuhu ku fiicnayn go’aan qaadashada, ama in uusan fahamsanayn shaqada hortaalla ee laga sugayo. Shacabkii kacsanaa ee la rabey in uu dareenkooda ka faa’iidaysto ayuu “ku bargooyey
Dookha raysal wasaaraha ee madaxweynuhu taageero uma soo kordhinayo dowladda, iyadoo taageero ay awal haysatey ku luminaysa. In kastoo raysal wasaare Cabdi Faarax aanan shakhsiyan aqoon u lahayn haddana waxaa muuqata in jagada loogu dhiibay “bal ku tijaabi” sababtoo ah waxaa muuqata in uusan ahayn nin lagu soo doortay aqoon uu leeyahay, khibrad uu leeyahay, taageero uu maamullada deegaannada ka haysto, taageero uu shacabka ka haysto, aqoon diimeed oo uu taageero uga heli karo wadaaaddada iyo culimada, xiriir wanaagsan oo waddamada hodanka ah la leeyahay, iyo wadaniyad lugu soo xushay midna.
Inkastoo aan aad ugu faraxnay doorashadii Xasan Sh. Maxmuud aanna is tusinay waa cusub oo noo soo iftiimay haddana waa tii la yiri “sadaqadaan cuni doono, saasaankeedaan ka gartaa”. Marka ilaa hadda calaamadaha aan ka aragnay madaxweynuhu waxay sii yareynayaan rajadii waagii cusbaa ee inoo muuqday. La mood noqonse weyday!
A. Gardaad
===============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM















kkkkkkkkkkkkkkkkkk warkaaan waxaaa qoray HABAR AMA AYEEEYO AMA AWOOTO REER PUNTULAND OO MASEERSAN WAX BADAN KUR WAA U OYNEYSAAAN KKKKKKKKKKKKKKKKK CALAACALKA KAN KABADAN AYAAN IDINKA SUGEYNAAAA
Mucaaridnimadii ayaa billaabatey! Maya maya kan kalsoonidaan kala laabanney! Marka taas laga soo tago aan caanka ku noqonney.
Wuxuu yiri qoraagu:
“Dookha raysal wasaaraha ee madaxweynuhu taageero uma soo kordhinayo dowladda, iyadoo taageero ay awal haysatey ku luminaysa”!
Hadalkaasi waxba kama jiraan, waxaanan Ilaahey uga mahdinayaa inuu madaxweynuhu u fahmey arrintaas sidii saxda aheyd oo dadweynaha soomaaliyeed badankoodu u fahamsanaayeen!
Waxa aan wax aan dhib aheyn usoo kordhiyeen waa hadduu soo dooran lahaa ra,iisal wasaare uu kaalin ku leeyahey Faroole.
Sababtoo ah waxaan soo tijaabinney 3 ra,iisal wasaare oo 2 na kasoo jeeddo Puntland, halna kasoo jeedo meesha uu kasoo jeedo ninka hadda la doortey.
Ninkii kasoo jeedey Galgaduud iyo Gedo ciidanna wuu keeney calafkii yaraa ee yaalleyna wuu beekhaamiyey, buuq siyaasadeed iyo meel kale wax u jiidashana ma keenin. Sidaas ayeyna dadkii caasimaddu ku jeclaadeen.
Ogow anigu Farmajo personally uma taageersani, ragga kalena personnaly uma mucaaradsani. Laakiin xaqiiqda la isku fahmey oo nin kasta u caddaatey ayaa waxey aheyd in Puntland siyaasadda hadda ka arrimisaa aysan ka shaqeyneyn dadnta guude ay siyaasad gaar ah wadato.
Marka ninkii inta xaalkoodu sidaas yahey iyaga lagu tix geliyo wax aan dhib aheyn uma soo kordhinayo dib u dhisidda dalka soomaaliyeed.
Haddey is beddelaan oo good will iyo siyaasad danta guud ku saleysan laga arkose waa aragtideed.
Indheer garadka Koofureed oo dhan arrintaas sidaas ayey u dareensanyihiin.
Puntland oo gooni dhaqaalo ahaan iyo siyaaso u taagan iyo iney kasii shaqeyso iney inta kalena qurub qurub usii kala jar jarto!
Sidaas waxaa ka khatar yar dhaqanka soomaali land mana isku dhowa.
100% waa kugu raacsanahay
aqyaareey qoraal fiican ayaa qortay laakin nin reer mudug ah oo qabyaalad ka buuxdo iila ekaatay, marka saad doontaan u hadla anaga somalia nabad ayaan u rajaynaynaa adinkana habaar iyo cuqdad la fadhiya meesha
Soomaali Waxaa rogay waa dag dag iyo dulqaad la’aan
La eedeeyn okaa waliba kabihii Iskama bixine !!!!!!???
QORAAGA WAAN KU RAACSANAHAY XASAN NGO WAX JIRA MAAHAN WAXAADNA KU GARAN
KAN UU RA’IISUL WASAARAHA KA DHIGAY EE AY USOO XULEEN MAHIGA IYO KENYA
SHARIIF AYAA DHAAMAY OO GO’AAN LAHAA XASAN NGO WAA BAQTI
KKKKKKKK waxaad moodaa saakibkay inuu qalnigayga ka hadlayay, dad badana wayba igu maageen markay farxad aad u daran la boodboodeen ayaan ku iri yaan la deg degin ee aan in yar dhawro wuxuu sameeyo, waxaan saaxibkay ugu dari lahaa in uu diiday inuu ka qayb galo shirkii muhiimka ahaa ee arimaha soomaaliya lagu qaadaa dhigayay, wuxuuna ku jiraa arimo qabyaaladeed wuxuu abaabulay qabaailo si loo hor istaago dhisidda maamul goboleed isaguna si cad u sheegay inuusan raali ka ahayn dhisida maamul goboleedka Jubbaland, waa su’aale maxaa ka khuseeya awoodda uu ku hor istaagayase xagee ka keenay. Midda kale mid nasiib leh maaha oo markii la doortay qaraxii bilowday wuu socdaa weli wax lagu farxana lagama arag.
Ilaahaow adigaan wax khayr leh kaa sugaynaa
Runta ayuu taabtay anigaba iilama eka nin dal usoo jeeda nin gurigiisa jooga oo aan warhayn ban u arkaa
asc wr wr waxan u hanbalyeyneyna shaqalaha iyo mamulka raxaneeb intaas kadib qoralkan aniga iyo somali badanba waxaan u arkeyney inuu ahay mid an ka turjumeyn danta guud ee somali ana ka naxeyn shacabka somali ee adunka iyo dibada ku dacdareysan laguna donayo in somali god dheer oo eysan kasoo laban lagu rido , waxaan dhihi lahay waxa yiri walaalihi iga horeyay onka xusayo wadaad yare lkn raba inaan umada somaliyed suaal weydiyo ?somaliyeey faroole waa ninkii umada somaliyed dhibatada 22 sano ku jirto 1 haben anlaga maqlin tacsi zanawina waxuu ka yiri waad ogeyden ,, somaliyeey ninkaas somali nimo makala tashan laheyden?
Haddii aad weydey Raiisul Wasaare kugu beel ah ma booyeysa boowe?
Maalmihii qaar baa dambeeyee milgaha Soomaalinimada ha xumayn.
doorashooyinka mustaqbalka ayaad heli doontaane bal anaaniyada (Selfishness) iska aayara.
Ra’iisul Wasaaraha cusubi waa kugu beel, Madaxweynuhuse xayndaabkii kama bixin.
Ninkii isku daya inuu wada qanciyo dadka oo idil cidina qancin maayo. Bal ogow Jagooyinku sare waa saddex uun, Soomaali oo idili ma wada deeqdo.
Wasiirro ayaad heli doontaan markan, mararka xigana waxaa laga yaabaa inaad madaxweyninimo ama raiisul wasaare ama raiisul barlamaan heshaan.
Balse marka hore aan yeelano u turid iyo tanaasul wadaninimo intey dawladninmado saldhigeyso.
Haddey hagaagto waa guul aad libinteeda leedihiin. Haddey markan hagaagi weydo dib dambe yaan loo haweysan gabannimo iyo qarannimo. waa magacaa ba’ iyo Soomaaliya oo maxmiyad noqota.
Oo kaalaya ninkii wax laga sheego ma qabyaalad baa loo mucaaraday?! Kii la taageero ma qabyaaladbaa loo taageeray?
marka haddee aan iska wada aamusno……………………….waa yaab. maqaalkaan xaggee qabyaaladi uga jrtaa?
For the most part I agree with the writer, but please let us give him sometime. We have no choice now but to support the president in every which way we can. My only concern about the new priminister is that he is married to madam Asha Haji ELmi who is known to be very active member of HAG( Hawiye Action Group). As its name shows this group is lower than any of the nasty groups of last 20 yrs. at least the previous groups were respectful enough to replace their tribal names with patriotic sounding abbrevitions such as Ssdf,snm,sdn, USC etc.
ASC, dhamaantiin. @ qoraaga faaladaan soo qoray waxuu iila egyahay nin eey iskufikir yihiin Faroole, oo sidiisii oo kale u hadlay. Sida uu wadaad yare,
sheegay ayaan ku raacsanahay, oo ah in qoraaga warkiisa eeysan wax ka run ah jirin, balse waa sida uu asaga u arkay waxa uu meeshan kasoo buuxiyay. Runtii Faroole waxaan kula talin lahaa in uu iska daayo shidada iyo qaska oo uu ninkaan cusub ee Prime Ministerka “good will” u muujiyo oo uu dadka deegaanka Puntland iyo Somalida kale sii kala fogeeyn taasoo ah waxa uu ku dhaqmaayay ilaa iyo markii uu xukunka maamulka Puntland qabtay. Faroole waxaan siin lahaa “F” score ka oo ah in uu ku dhacay wanaajinta iyo isku keenida dadka maamulkiisa iyo Somalida kale. Taasoo uusan saaxiibo u sameeyn shacbiga Puntland oo sii jiri doono marka uu asaga shaqadaan ka tago.
Hadalkaan FAROOLE ayaa qorey, kkkkkkkkkkk PUNTLAND ha ku taagnaaato, kkkkkkkk. Cagtii joogsan weysa marbey ceeb la kulantaa. Qosol badanaaa kkkkkkkkk
waan u malaynayay waana sugayay masayrkaas iyo hinnaasahaasu inuu reer puntland iyo reer bari kasoo yeeri doono waana sugayay markay lahaayeen haddaan saan rabno layeelin waan isku tashanaynaa in waxaas iyo wax la mid ahu ka imaan karaan lkn waxaa ilaahay mahaddiis ah in faroole iyo faquuqiisii iyo wax isla rabiddiisii iyo danihiisii gaarka ahaa la fahmay lana kala tuuray oo rag khibrad waaya aragnimo leh iyo indheer garadf soomaali nimadu ka dhabtahay ay heleen
faroole iyo asxaabtiisana waxaan leeyahay ismoodae noqonse wayde.
waxaa layaabay ninka waxaan soo qoray dad buu rabaa in uu wax kasheego lakinse isagu ma fiir shay wuxuu ku hadlaayo maxaa yeelay wuxu leeyahay madaxwayna dadka kumuusan dhihin hadal dadka moral kooda dhisa isaguna wuxuu hada ku hadlaaya wa hadal kii uu lahaa mdax wayna muusan samayn adiga waxaa iska dhigaysaa nin muural hada dhisaaya ee adigu horta dadka moralka haka dilin hadii aa wayday wixii aa rabtay iska sug waa imaanayaa ee dadka somaliyeed mana matashid intaa hadalkaas ku hadlaysid
Asc, Walaalayal horta niyad san ayaan qaba iyo in ilaah dawlad khayr qabta nooga dhigo somalina ku midawdo dhib ayaa lagasoo daalay, laakinse walaalka qoraalkan qoray waxaan dhihi karaa xaqiiqo ayuu kahadlay jirta 95%. niyad jabinta waa ku diidanahay laakin warkiisa inta badan waa run Madaxwayne Xasan karti badan, siyaasad hufan, jaaniska inuusan lumin iyo inaan dadkiisa isku mid u yihiin qolo gaara dhagta wax ugu sheegin laga rabaa.
S/C
point fiican oo qoraagu tilmaamay aniguna ku raacsanahay waa in la burburiyo dhaqanka xun ee ah wax kasta laga sugo NGO iyo hay’ado, arrintaas oo aad mooddo in madaxweynuhu sii dhiirra gelinayo.
Waxaan ku dari lahaa in sidoo kale lala dagaallamo dhaqan kale oo aad u xun oo ah in qofku uu difaaco weligiisna wax ka sheegin ninka ay isku qabiilka yihiin, si kasta oo ninkaasi u xun yahay. Waxaan sidaas u leeyahay ninka maqaalkan qoray wuxuu soo bandhigay qodobbo macquul ah oo uu ku dhaliilay madaxweynaha isagoon wax qabiil su saabsan soo hadal qaadin. Sidaas oo ay tahay haddana dadka qoraaga mucaaraday doodoodu waxay noqotay oo keliya QABIIIL BUU ULA JEEDAA iyo FAROOLE ayuu taageersan yahay. Taasi soo ma ahan niman qabyaalad KELIYA ku difaacaya madaxweynaha? Qoraagu hadduu khaldan yahay may noo sheegaan wuxuu ku khaldan yahay maxay qabiil ula soo boodayaan?
waa figrad qoto dheer laakiin dadka aragtida yari u arkaan mid qabiil. Madaxweynihii abdulahi,sheikh shariif ayaa ku soo cidiya murxay hadana waxaa loo dhiibay kabasiidar. waxaa xusid mud jawaabtii ahayd “MAANTA WAA AXAD BERINA WAA ISNIIN’ oo uu yiri mid ka mid ahaa musharaxiinta soomaaliyeed
Qoraalka nuxur balaaran buu xanbaarsanyahay balse ninkii Allah ka indha tirey wuxuu doona sheeg, aniga waxaan u arkaa madaxweynaha nin sagaara dabin u dhigtey baciidse uu ku dhacay dabinkii, waa nin aan u weel tuman xilnaa weyn balse.wax ceeba ma laha wasiirka koowaad oo waa jago uu ka bixi karo saacid waaya aragnimo ka weyn maareynta ganacsiga ma jirto.
Hada iyo Dan halala shaqeyo madaxda cusub oo aan la imaano tanaasul iyo sariig.
Wabilah Towfiq
Akhyaareey marka hore intaad faroole ka cararaysaan yaan la fuulin fardo jaan qoraagur un ayuu sheegay laakiin meeshaan amuur ayaa ka socota dowladdaan filanwaa ayaa la dhahaa nasiibkaa waday madaxwaynuhu kumuusan xisaabtamin inuu madaxwayne noqonayo ,ilaa haddana ma aaminsana xilligii ololaha wuxuu waziirka koobaad ka shaxaadayay rag uu ka cod badnaa markii wax la dooranaayey kkk hadda iyo dan weli muu doobbi dillaacsan waana nin iska miskiina he haloo samro ama qaylo afka kushubta waa caadadiine….midda kale qoraayada iyo dadka wax sheega may wax saxaan oo wacyi geliyaan umadda waa kuwa xumaanta bes aruuriyee anigu yaabay !!!!
S/C
ikhyaareey waad salaaman tihiin kuwiina qoraalkeyga kasoo horjeeda & kuwiina kaleba. Horta sida ‘ina Cabdi’ sheegayba soomaali haddaan nahay waxaan yeelanay dhaqan xun oo ah in qofku ninkii ay beel ama isku fikir yihiin khalad iyo saxba difaaco.
Waxaan la filayey in la i yiraahdo waxaas ayaad ku khaldan tahay oo madaxweynuhu waxaas ma samayn, ma taas waad ku saxan tahay oo waan kugu raacsanahay. Laakiin dadka i mucaaraday intooda badan waxay ila aadeen Faroole & Puntland. Horta anigu Faroole ma ahi waadna ogtihiin baan u maleynayaa. Tan kale puntland uma aanan hadlin ee muwaadin soomaaliyeed oo dhaliilihii uu madaxwenaha ku arkay sheegay baan ahay.
Tan kale madaxweynaha ma oran ha la mucaarado anna kama soo horjeedo laakiin sideedaba siyaasadda caafimaadka qabta waxaa calaamad u ah madaxda oo dhaliilahooda aan shacabka laga qarin ee lasoo hordhigo si ay dadaalka u badiyaan, haddaad aragto madax la isaga sacabinayo oo aan suaalba la weydiinayn taasi waa calaamad maamul aan xididdo adag ku taagnayn.
Wadaad yare
inta qabyaaladda & Faroole ku saabsan kaagama jawaabayo; xaashaa lillaahi nin waqtigiisa hawlahaas ku lumiya ma ahi. Tan dookha raysal wasaaraha ku saabsan, waxaan ka wadaa waxaa jiray rag badan oo taageerayaal awood badan lasoo geli lahaa halka Cabdi Faarax uusan waxba wadan. Tusaale, Farmaajo shacbiyad ayuu heystey halka Dhoodhisho iyo Ina Barre ay xiriir hoose la lahaayeen dowladaha khaliijka oo lacagtooda loo baahan yahay.
Cadaado
waxaad tiri qoraaga waxay isku fikir yihiin Faroole warkiisana waxba kama jiraan. Walaalle fikirkeyga ma waxaad ku diidan tahay faroole ayaa kula qaba oo keliya? Mise anaa wax khaldan sheegay? Haddaan wax khaldan sheegay maad ii saxdid, faroole maxaa iga galay!
Waad mahadsan tihiin dhammaantiin
Walee ceeb badan baa soo socda, waliba ku saabsan ninka hadda Madaxweynaha loo doortay laakiin waqtigeeda la sugeynayaa. Wax looga hordhaco dhiiqadiisa soo socota ma leh. Only time will tell.
Laakiin Arinta kale ee jirta waxay tahay, ninkan intuusan magacaabin reisul-Wasaaraha waxaa ii cadaatay inuu yahay nin daciif ah, haybad iyo Go’aan adag qaadasho, iyo leadership midna uusan laheyn markuu yiri Habar-Kuuleey iyo Odey Culusow walba baan ra’yigiisa rabaa, waxna ka weydiinayaa. Hadda waxaaba lasoo ogaaday in Ninka uu magaacabay uu lacag ku baxshay doorashadiisii, Arinta Reisul-Wasaare mar hore loo calaamadiyay. Taasi waxay ku tusaysaa inuu beenlow oo munaafaq ah yahay. Process Waxba ka jirin dadka ku maaweeliyo.
Waxaa la Rabay maalmo kadib inuu qof magaacabo mar Hadii diyaarba u ahaa qofkaas. Waana run Hal bil gudaheed wuxuu taabtay waa dhiiqo, dhowr bilood kadib Walee dhiiqo badan Baa soo socota.
3 months ka dib baan iswareysan doonnaa, haddii eebe idmo.
Runtii waxaadba moodaa waxa aan akhriyayo in laabtayda lagga qoray. Qoraagaan oo kale wadanka macno wayn buu uggu fadhiyaa, nasiib daro dadka uu wax u qorayaa waa ciyaal qabyaalad laggu habay oo xataa nin hooyadood kufsanaya kugu dhaafsanaya waxkasta xataa haddaad Sunaddii Nabigga u qorto.
Aad buu runta u dheegay qoruhu.
Sc waxaan Rabaa qoraalkan qurxoon Ee walalken inan rayi ka dhiibto,umada somaaliyeed Ee dagaaladu la Degeen sanado badan ,waxaa u muuqday iftiin ay mudo badan sugayeen maalintii la doortay mundane hassan. Sheikhna and Ayala loogu farxay . Aniga aragtidayda ,Somalia arinteeda kuma fila laablakac nin bedel oo mid kale ku bedel, inagoo og Somalia in waxa la degey ay qabyaalad Tahay sida dhiigana ay qof kasta ugu jirto . Iyadoo taasi jirto Ayala loo Baahan yahay in qabyaalada iyadoo casriyeysan loo gudbo siyaasad Iyo aragtidayda dheerna lagu dabaqo si’aad u heshid taagerayaal badan is ku reerbaa yeydinan ka soo jeedine.madaxweyneheena saad la socotaan waa nin ku cusub saaxada siyasaded Ee qabyaaladu dilootey Ee wadanka Iyo munaafaqada badan Ee ay inkula dhaqmayaan dowladaha deriska,sida walaalkeen Sheegay hadaadan bisleyna ay badan karto turunturoyinkaaga durbana muuqda,sida khudbadaha An AMA tanaaqudka badan, amaba safaradii uu kuntegey baydhabo Iyo beledweyn jubada hoose oo amanuensis la soconba doorashadii reysalwasaare Ee lasugayey 25 cisho iyadoo wadanku ku jirey marxalad kala guura waxaa ini muuqatay inan madaxweynaha bisleyn, eyna cadahay inuunan is ku kalsoonayn,taladuna gacantiisa ka maqantahay,
Pintland Sheekh Khariif ha moodina cid walba,
Sheekh shariif oo ah nin miskiin oo aan qabyaalad aqoon oo aan u aqaan MR OK ah nin jecel in uu qanciyo cidwalba, ayaad in taad shidaal kaad qidaney seen iyadoon dowlad dhexe la soomarin Ok ka saarateen, oo uu idiin saxiixay, oo waliba, garoowe in taad uga heesteen ayuu tagay, waxaa kasii daran ina yay cabdulaahi yussuf ayuu idinka aqbalay in loo aaso sidii madaxwayne qaran markaas ayaad abaal uga dhigteen in aad ku caay saan afxumo meel walba
pintland kuwa xamar ka jooga oo uu cabdiwali gaas ugu horeeyo oo aan salaad dukan ayuu markay xamar yimaadeen waaniyey baray na in ay dukadaan 5ta waxqi, nin kii qalbigaas saliim ka lahaa ayey iska daa in ay thanks yiraah daan, meel walba ayay ku caayeen, marka madaxwaynaha cusub wuu ka dharagsan yahay warkiina, wuxuuna diyaar u yahay in uu idiin saxiixo in aad goosataan.
reer bari iyo ilma faroole Pintland iska daa cabudwaaq in aad taageertan xitaa kuwa aad dad is kugu xigtaan ee dega puntland ayaadna waxba u ogoleyn. war kiinu waa cad yahay, talyaani kuwii Soomaaliaya soogeliyey waa idinka oo uu ina cabdule xassan ku gabyey.
Priminister ka cusub waa in uu soo dedejiyaa sidii puntland loo gu saxiixi lahaa dhulkooda in ay soomaalia kala tagaan qayla dooda.
Qoraagu waa mahadsan yahay, qoraalkiisa aad baan ugu raacsanahay marka saddex arimood laga reebo dadka ka soo horjeeda hadalada qoraagana waxan leeyahay dadka afka ha qabanina mucaaradnimo khaldani qoraalkiisa kama muuqato wixii u qarsoon iyo ciduu taagersan yahay ama faroole ha ahaado ama cid kale ee anaga nooma taalo oo kama aragno qoraalkiisa madaxwaynaha iyo cidii kale ee ummada masuuliyad u haysaba waa la dhaliili karaa qoraaga kama muuqato hadalkiisa in uu cid garabka saaraayo bal wax badan oo run ah oo jirta buu taab taabtay
Hadaba aan arimaha kala qaadee horta raisalwasaaraha halkaa inaga dhiga wuxuu la iman doono iyo wuxuu noqon doono aan eegno ogowna waxyaaba badan oo durba lagu tuhmaayo waxa laga yaabaa inaan waxba ka jirin oo hadalka ah qofkaa waa la yaqaan sax maaha ee isaga oo keli ah baa naftiisa yaqaan oo xaqiiqadiisu waxay soo baxdaa qofka markuu masuuliyad qabto inagu se ma ogaan karo ilaa aan ka argno wuxuu qabto iyo wuxuu haleeyaba marka isaga hala sugo
Saddexda aanan qoraaga ku raacsanayn 1) cinwaanka qoraalkiisa inuu intaa ka debecsanaado bay ahayd oo weli ilaa halkaa ma gaadhsiisna arintu 2) shirkii UNta oo aanu ka qayb gelin madaxwaynuhu waxan qabaa waa ku saxsanaa inta badan shacabkuna waa ku qaderiyeen maaha meel walba inuu isaga ordo sidii kii ka horeeyay ee shariif allaah inaguma soo celiyo ee inaad qaranka u soo jiidid kharash wayn oo si kale u dhimi karaysid iyo inaad karaamada iyo haybada madaxnimo ku lumisid shirar aan muhiim ahayn waa laga haboon yahay maaha inuu sidii ka horeeyay ee fiidmeerta ahaa hadba NGOyo meel ku shiraaya ka qayb gashid ood ku lumisid karaamada iyo haybada dalkaaga iyo naftaadaba 3) maamul u samaynta gobolada jubooyinka maaha arin sahalan waa in dib u heshiisin beelaha halkaa dega ah ay ka horaysaa dabadeedna loo dhiso maamul ay ku midaysan yihiin oo wada raali geliya markaa waxaan qabaa inuu ku saxan yahay madaxwaynuhu inuu taas hada ka caga jiido sidaan maqlayna wuxuu rabaa marka dowlada la dhiso inuu gudi arintaa u saaro kiiniya wuxuu ka codsaday in aanay ku deg deign qabsashada kismaayo iyo maamul u samaynteeda inta uu ka soo dhisaayo dowlad lkn kiiniyaa dana gaara kale arinta
Sidaa uu sheegay qoraagu dhiliilaha madaxwaynaha cusub way soo badanayaan madaxwaynuhu wuxuu ummada ula dhaqmay sidii geeljirihii usha soo qarqooran jiray ee hadana dadka waydiin jiray xaguu ka gooyaa ugu dambayntana halkuu ka qarqoortay ka gown jiray iyadoo uu markiisii horeba saaxiibkii qorshaytay buu hadana ummada iyo dalkaba waqti badan kaga lumiyay la tashiyo aanu qaadanayn qorshihiisaa sida muuqata shacabka kuma qaderin wadankana uguma danayn oo shacabka rabitaankoodii oo ahaa farmaajo kuma qaderin ee wuu ka horyimid, wadankana uguma danayn oo waxaa laga filaayay maadaama uu isagu ku cusub yahay siyaasada inuu keeno shaqsi khibrad u leh dowladnimada wax qabadkiisana la yaqaano xataa farmaajo maaha nin khibrad u leh dowladnimada lkn wuxuu ahaa nin daacad ah shacabkuna ay rabeen, waa ninka keli ah ee beelwayntaa ka soo jeeda ee laga jecel yahay dhulka SNMtu haystaan ma ahayn nin uu iska indha tiri karo nin maslaxada wadanka raadinayaa
Booqashadii uu ku tegay baydhabo iyo beledwayne waxay ahayd inuu ku horeeyo beledwayne hadhow meeshii kale ee uu doono ha soo maree sababta booqashaduna ahaato musiibada ka dhacday beledwayne isna dul taago oo dhex galo dadkii dhibtu ka soo gaadhay fatahaada webiga si caalamka looga daawado oo loo ogaado baaxada musiibada halkaa ka jirta madaxwaynuhu kama hadalin shacabkii uu madaxda u ahaa ee ciidamada kiiniya ku xasuuqeen janay cabdalla iyo kuwii diyaaraduhu ku xasuuqeen baardheere madaxwaynuhu khudabadiisii ugama hadal arinta shabaab sidii la rabay ee dibu heshiisiin dhaba ku iman lahayd ummaduna dhibta kaga bixi lahayd madaxwaynuhu markuu kaga hadlaayay khudbadiisii gobolada ay SNM jujuubka ku haysato waxaa ka muuqatay caadifad beelaysan oo uu ku soo dhowaynaayo beel gaar ah halka uu iska indha tiray xuquuqda beelaha kale ee woqooyiga dega wadankana wuxuu ugu kala qaybiyay laba gobol oo aan sax ahayn sidii kuwii ka horayayba yeeli jireen wuxuu ka hadlay jujuub yaa horta wax jujuubaaya ma beel gaara oo doonaysa waxaanay xaq u lahayn mise ummada rabta inay wadankeeda iyo midnimadeeda ilaashato madaxwaynaha dhaliila badan baa dul hoganaayo waxaana lays waydiinaya dowlad siyaasada kuwada cusub horaan u aragnay waxay geesatay oo xataa badii bay iibsadeen ee kuwanuna maxay samayn doonaan ma dalkay kala jari doonaan mise dhaamaantiiba way iibsan doonaan si kastaba ha ahaatee yaan dadka afka la qaban oo ha la sheego dhaliilaha dowlada lag yaabee inay toosin u noqoto ee waxana jecelaan lahaa dowlada ka madax banaan cadaadiska beesha caalamka dowladaha deriska NGOyada iyo xataa maamul goboleedyada ayna la timaado in soomaali isku tashato oo aynaan cidna wax ka sugin shaki kuma jiro hadaan sidaa samayno in aan caalamka ka helayno saxiibo badan oo ina qaderiya inoogana roonaada kuwa hada danaha gaarka ah inaga leh
salaan ka dib. Maqaalkaan waxa u arkaa mid ku saleesan aqoon dari iyo eexasho. marka hore madaxweyne xasan shiikh magaalada baydhabo dadka jooga shir weyn ayuu la qaatay waxa oo kale la kulmay community elders sida odayaashaya malaaqyada iyo siyaasiinta joogtay baydhabo waliba ay dheertay dad weynahay waxa uu kala hadlay meel fagaaro ah marka nin la socdo ma tihid arimaha somalia waxa tahay filaa dadka ku dhafro paltolk. mida kale baladweyne waxa ka jirtay musiino jid la maro ma lahan oo biya ayaa wada buuxay waxan filaa nin wali tagay baladweyne ma tihid ama la socdo xaalka meeshaas. mida ah madaxweynaha ma lahan vision. waxan ka dhaha madaxweynaha mar walba waxa meesha ka sheega ama ka aqriyaa 6 tiir ama 6 principal oo dowladiisa ku shaqeen doonto oo ka aqriyay baarlamaanka maalinta musharaxiinta jeedinaayen khudbooyinka. meel walba waa ka sheega waane ambray in uu ku shaqeeyo prime minister
Alla runbadana Qoraagu oo Maxauu kala ogyahay maxaase Puntland lagu maagayaa waa dad wixii uxun iyo wixii u san kala yaqaane
Hasan NGO wuxuu meesha keenay Raysal wasaare NGO ah waxaana ku xigi doonta Dawlad NGO ah
that is the point really
Qoraaga qormada wuuu faraxsanaa kolkii laga guuleeysanayey Madaxweynihii Hore Shiikk Shariif laakiin markuu Xasan Shiikh Maxamuud soo xulay R/wasaare aanan ka soo jeedin beesha isku tiriso in iyagu Puntland tahay ayuu bilaabay in uu Madaxweynuhu dhaliil u raadiyo tusaale madaxweynuhu wuxuu booqday baydhabo iyo baladweyne waana magaalooyin ka mid ah magaalooyinka dowladu xakunto weyna muqdnaayeen in uu booqdo laakiin qoraagu wuxuu rabay in madaxweynuhu booqdo Puntland carabkana wuu soo marin waayey inuu toos sidaa u dhaho.Puntland waa qeyb ka mid ah somaliya madaxweynuhuna wuxuu booqanayaa marka isagu u arko in waqtigeeda la joogo ee cid walbo oo jecel in uu puntland booqo sidaa ha u ogaato.Qoraaga iyo faroole isku caqli dhawaa falaai gil gilasho kaagama godo,beesha puntland is mooday in ey iyadu tahay runtii siyaasada waa looga badiyey hadii aan eegno loolankii kuraasta ee ey la galeen madaxweyne shariif sababtoo ah inkastoo madaxweyne shariif kursigii baneeyey hadane kursiga madaxweynaha beeshiisa ayaa nasiib u yeelatay laakiin beesha faroole iyo C/weli kursigii madaxweynenimo ma hayaan kursigii R/wasaarana kuma fadhiyaan waana jabeen laakiin qoraaga waxaan kula talin lahaa in uusan raacin raadkii Faroole oo loo wada jeedo meesha uu ku dhamaaday ee fashilka ah.
Raxanreeb
Waad ku mahadsantihiin sida hufan eed ugu adeegeysaan aqristayaashiinna waanad ku ammaanantihiin aqoonta iyo wacyiga idinka muuqda.
Soomaalida Ilaahey danahooda ha garansiiyo. Waa ineysan xaqaa,iqa naga indho tirin xamaasadda qabiilku. Qofka soomaaligaa waxaa kala jiidaneysa afar arrimood oo u kala horreeya sidaan:
1. Dantiisa shakhsigaa
2. Qabka iyo wax uu maslaxo moodayo oo qabiilkiisa ku saabsan
3. Xamaasad diineed oon qoto dheer laheyn
4. Qarannimada iyo soomaalinnimada
Afartaas arrimood ayaa isku sameeya interference ama is dhex gal. Wuxuuna qofka soomaaligaa ugu macangag sanyahey oo aan waxba la fahamsiin karin marka ay xamaasad qabyaaladeed heyso ama mid diineed.
Dad badan dhalasho ahaan ayey Faroole u difaacayaan oo qiiro ayaa wadda. Laakiin isma weydiinayaan siyaasaddiisu maxey uga dhigantahey qarannimada iyo wada jirka soomaaliyeed.
Sababtoo ah dadkaasi iyagaa markii horeba xagga prioritiga ama kala hor marinta qabiilka ayaa uga muhimsanaa qarannimada.
Ma ahan taageerayaasha Faroole oo kaliya ee waa dhammaan soomaalida waxa sidaas ka sameysan nasiib darro.
Siyaasadda Puntland ee ku wajahan qarannimada soomaaliyeed way ka wax dhibaal badantahey midda Somaliland marka runta laga hadlo oonan afka baarkiisa hadalka ah ku kaaftoomin.
Maamul goboleedyo iyadoo kalaa oo ku xiran dibedda oo aysan dowladda dhexe waxba uga xirneyn ayey dooneysaa Puntland iney dalka u kala qeybiso.
Hadii sidaas la sameeyana shaki la,aan waa sidii Midowgii Sovieti iyo Ugoslavia oo waa la kala tegayaa mooyee wax lama wada lahaanayo qaranna lama wada ahaanayo.
Laakiin qofka soomaaligaa waa qof danta malo awaalkaa ee qabyaaladda wax ku qiimeeya.
Bal Puntland sida hadda ay ku socoto maxey uga geddisantahey Somaliland dadka aan is weydiin karin maxey tahey garashada laga sugayo?
Waxey kaliya oo uga geddisantahey waa in Somalilanda geed ay ku xirantahey oo saameyn aysan ku laheyn siyaasadda Koofurta, Puntlanda ay inta gooni isku taagtey usii hanqal taageyso iney intii kalena sii kala jarjarto iyadoo u mareysa waxa loogu yeero federalismka oo ku yimid baqo maal ama black mailing loo soo marey dowladaha deriskaa iyo jirro soomaalida heysatey markaas.
Federalismka muqaddaska nalooga dhigayo oo caammada afka loo gelinayo oo qabaa,ilku u wada hanqal taagayaan waa trojan horse(burburin gudahaaga ah) ee ma ahan wax dan soomaaliyeed ku jirto. Laakiin innagoo jirran oon waxba iska diidi karin ayaa dad cadow ah waxey iskaga keen dhigeen iney na daaweynayaan, markaas ayey faleebbo federalism ah(daroogo) dhiigga noo raacsiiyeen!
In daroogadaas nalagu sumeeyey aan iska nadiifinno si tartiib tartiib ah oon caafimaadkeenni dib usoo ceshanno miyey dantu ku jirtaa, mise inaan addicted ku noqonno oon iyada joogteyno?
Waad ku mahad santahay faaladan cilmiyaysan. Ninkii warbixintaan ku tilmaama mucaaradnimo waxaa u arkaa qof ay aqoontu ku yartay. Qoruhu wuxuu si naxaariisi ku jirto madaxwaynaha ugu tilmaamay meelaha uu ka liito. Hadii uu madawaynuhu qaato talada ninkan Soomaaliga ah waxaan qabaa inuu horumar gaarayo.
Soomaalidu waxay tiraahdaa nin wax kusiiya waad araagtaa, nin wax kuu sheegase ma aragtid.
Wax sheegidaasna maaha hadala macaan ee niyad dhiska ah ee waa runta qaraar ee qofka dariiqa saxa ah raacsiisa.
Qoraaga, mahadsanid markale!
Fitaax
good idea wan kugu raacsanahay.
ku iriye taliska NGO ga cawaaqibkoodu ma badna,
maxaad ku tiri i dheh, meesha ay wax ka bilaabeen baa ah icaawi,
hadii kale kici an maayo.
Walee waa waa puntland oo biyo ku gabad ah
Raysalwasaraha, waxaa keenay hawiye action group waayo gabadha uu qabo ayaa katirsan hawiye action group. Gabadha uu qaboh rawsalwasarihu waa gabar libaaxad ah oo ka soo jeedah cadaado galgaduud. Waxay leedahay afar haydood iyo bisinisyo. Ninkeedunah waligii mashsyn caruurta ayuu hayn jiray nayroobi kenya.
@ wadaad yare. Ninkaan wixii soo aan ku cibra qaadan waxa soo socda taldeeda ma helo. Waxaa xaqiiqa ah in uusan la imaan hogamiyaan cusub aragti cusub. Kaliya wuxuu soo celiyay fikarado siyaasadeed oo ay qabiilkiisa qaar ka mid ah ay aamin sanaayeen. Somalida in ka badan 22 sano is laynayay oo is aamin koodu eber joogo. Sidee ku wada socon kartaa markaad jeebka kala soo badax fikradaha iska soo hor Jeeday mid ka mid ah. Puntland fikradaha ay miiska soo saartay waa khibrado laga dhaxlay dhib kii mudada dheer soo jiray. Waliba waxaan aamin sanahay waxa Somali ku faanaysa maanta in ay iyagu dadaalkooda u yahay. Nin aan maanta Somali meesha ay joogta ku qaymayn waxaa xaqiiqa ah in uusan meel ka fiican gaynayn.
waxan amiinsanahy anigo oo fikirkayga dhibanaya qoraaga maqalkan so qoray maso qoreen haddi lo magacabi laha raisul wasare nin kaso jeeda pintland war dadkan maxa ka qaldan dawladd ba rabna naga dhaafa mucaradnimada qabylaada ku dhisan ee aan macnaha lahayn immisa waxa la burburiyay dawladdan laso dhisan somaalay haka hordhicina waqti siiya lama joogo waqti wax la mucaarado qabylaada dalkena iyada burburisay walaahi somaliya inay nabadi ka dhalato waxa hor tagaan laba qoys kaliya somalida kale oo dhan waa diyaar anigu waxaban qaba in gacan bir ah lagu qabto ciidi ka hortimada dawladda sida alshabaab loo la dagalamy waa iin lool a dagalama sababta waxa weeye alshabaab snm iyo ssdf ba waxay ka midaysanyihiin dawladd la aanta iyo inay dawladd walba burburiyan sababto wa parasit ku dul nool dadka kale waayo laba qoys oo yar aya horbooda somaliland iyo pintland dadka kama xoog badna kamana dhaqale badna marka wa inaynu iska qabana u midowna ciidi isku dayda inay burburiyaan iminka qoraaagu qayb buu ka yahay burburinta dawladda curdunka ah ee iminka laso doortay adeer meel fadhiso ha iskaga ka ya dhigin nin wax dhisaya anagu ma nihiin caamo amaba dad aan waxba qorin we know every thing get it
Nin Marqaansan in Loo dhiibo masabka Soomaaliyeed, waa ayaan daro weyn ,Raysal wasaarahana waxaan kula talinaynaa hadaanu nahay bahda kadagaalanka QAADKA inuu Joojiyo Cunida qaadka si deg-deg ah,
Tusaale kudayasho mudan ( Good role Models ) ayay unbaahan yihiin dhalinyarada maanta .
Laakiin Hadaanu way nagu adkaanaysaa inaan ku qancino dhalinyarada inay QAADKA kafogaadaan waxaa dhici karta inay noogu jawaabaan Adeer hadaan qaadka cuno MADAX baan wadanka ka noqonayaa.
Ninba meesha bugtaa asagay balbashaaye, Aniga waxaa iigu daran nin Maalinkii Qaadiraysan galabkiina Marqaansan ayaan kasugaynaa in uu dowlada soo dhiso, oo dalka is bedel weyn iyo horumar u horseedo.
A/C
marka hore waad mahadsan tihiin dhammaantiin. Qoraalkaan horta anigu shakhsi iyo qabiil midna kuma maagin ee wixii igala muuqday madaxweynaha aan dooranay ayaan soo gudbiyey. Marka ninkii damqaday asagaa yaqaana meesha uu ka damqaday.
Midda kale haddii cilladahaas aan madaxweynaha ku arkey aan ku khaldanahay ha la i saxo.
Ugu dambeyntii dadka Faroole & Puntland meesha la yimid waxaan idin leeyahay anigu Faroole ma ihi Puntlandna kama hadlin ee muwaadin soomaaliyeed oo fikirkiisa ka dhiibtey madaxweynihiisa ayaan ahay. Marka dhamaanteen Allaah ha ina caafiyo.
A. Gardaad
Ninka maqaalkan qoray siyaasad shaqo kuma laha..!! Ma ninka ku leh m/waynuhu muxuu u booqan waayay Somaliland? Kkkkk
Adeer mucaaridnimadu ha kuu danbaysee ee bal horta toos..Waxaan u malaynayaa inaanad ogayn meel laysla marayee..kkkk
asc
waa idin salaamay soomaali kuli qabyaalad iyo cuqdad ayaa kabuuxda in yar maahe aragti kastana waxaa lagu qiimeeyaa qabiilkeena dan ma ugu jirtaa isbadal haddii ay haa noqoto waa la taageeri haddiii kalen waxaa loo sameeyaa iino lagu mucaarado
ilaah xaqa ha ina garansiiyo
waxas oodhan waan kugu raacsanahay , khudbaduhuu jidyey midna ima soo jidan hadaan ta kuwaad oron lahyin maano filnyin tii labaad inu diyaarsdao oo u xataa dad khubaro ah u dhiibtay ahyid , waxaan ka baqayaa cida doortay madxwynaha iyo ku uu latshanyo inay dawladnimo wali doonyin , waxaa ka si daraan inu resalwasaare doorto markay bil ku qadatay sidii nin dal dhisan oo macluul iyo qax iyo dagaal ku jirin u soo doortay tartiibtiisa, aniga waxaa ii muqata 4 sano oo aan hurumar lahyin hadaano reslwasaaruhu karti dheraad la iman
waxbaa ka jira warkaan lakin wa la buunbuniyey o qof 4sano hayrta 20beri laguma qiimayn karo.
anigu walalk maqaalka qoray wax badan baan ku raacsanahay waayo runtii markii XasanSheekh ladoortay Somalida badankeedu way ku faraxday soona dhowaysay mar haddii laba shariif iyo gaas iyo kmg kii laga baxay oo weji cusub yimid laakiin xaqiiqatan sida qof walbaa ka dheregsanyahay oo dheehan karo Xasab sheekh maaha nin somali hogaamin kara maaha nin go.aan leh aniga waxaaba iigu yaab badan markii olalaha magacaabista raysal wasaaruhu socotay maalin kasta warka madaxtooyadu suuqa iyo saxaafadda ayuu yaalaa taasi waxay ku tusaysaa in uusan ahayn qof isku kalsoon oo dadka ku xeeran ama la taliyayaashiisu go.aanka gaadhaan runtiina sheekh shariif baa si kasta uga khabiirsanaa oo hogaamiyanimo u dhowaa bal aan aragno sida wax noqdaa ilaahow khayr ka dhig
Mr.Garaad
Waxaad ka dacwootey inaanan ka faalleyn nuxurkii maqaalkaaga. Mana ahan sidaase waxaan kugu sameyney “psycho analysis” aysan ku adkeyn xataa qofka caadigaa inuu fahmo meeshaad ka imaaneyso.
Waxa kaa guuxaya ayaan u gudubney oo ah “federalismka” gooni uggoosadnimada salka ku haya oo ay wadaan Faroole iyo dadka ku aragtidaa.
Qabiil kasta haddii la yiraahdo “aayihiisa haka tashado” waxaa weeye hallagu kala tago meesha dowladnimo ma jirtee.
Madaxweynuhu muxuu ka sameynayaa Somaliland ma gooni isku taagguu u barakeynayaa?
Muxuu Puntland u sheegayaa ma gooni isku taagguu ugu hanbalyeynayaa?
Gooni iskuma aynan taagin uun hannagu oran, dad wax fahmayaan nahaye!
Puntland gooni isku taaggeedu wuuba ka khatarsanyahey kan Somaliland.
Waxey la mid tahey iyadoo qabiilka goostey Somaliland inta loo daayey Somaliland haddana loo oggolaado iney inta kalena kasii shaqeyso iney qeybo kale sii sameyso!
Dadka soomaalidaa xagguu caqligii ka marey?
Bal waxa afka baarkiisa dhaafsiisan oo ay Puntland uga baddalantahey Somaliland yaa noo sheegi kara?
Waxey uga baddalantahey oo kali ah dhanka fursadda loo siiyey iney Koofurta maamulkeeda lug ugu yeelato si ay qeybo kale usii jar jarto.
Aqristayaasha garashada u saaxiibkaa home work u qaata kana fakara sida la isku qabadsiin karo Puntland oo sida ay hadda tahey uga mid dowlad dhexe ee soomaaliyeed? Maxaa ka dhaxeeya?
Waxey doonayaan in saddex gobol oo Jubbooyinkaana sidaasoo kale ay ka sameeyaan.
Haddana saddex kale oo Bay iyo Bakool iyo Shabeellada hoosena sidoo kale.
Inta soo harteyna ama dowlad dhexe ha sheegato ama iyaguna maamul ha sameysteen.
Nagu kala dhaqaajiya.
Dadka ku doodaya iney arrintu tahey adminstrational oo markii sidaas wax loo soo qaabeeyo kaddib in dib la iskugu soo celin doono waa dad riyoonaya.
Waxaan ku faraxsanahey inaan dhegeystey ra,iisal wasaaraha cusub fahamka uu arrintaas ka heystana ay tahey kii saxda ahaa.
Madaxweynuhna nin fahamkaas leh hadduu soo xushey wuu ku mahadsanyahey.
PHD holder wax ka dhiga Harvard University oo doonaya inuu dalka cad cad u kala jar jaro waxaa ka qiimo badan odey reer miyi ah oo niyad sami iyo dal isku keenid aamminsan.
pintland,iyo ,boyland kii ladoonaba ha loogu yiro dhulkii Ilaahay ku uumay bay fadhiyaan Allena wuu solansiiyay balse kii ay dhibaysoow adiga iyo yeelkadaa,mana Afar Afleeyaan,mana Afarjeebleeyaan xoogooday maalaan,mana tuugsadaan asaagood albaabkoodana ma dhoobna,dawarsi nin asaagood ah Allaa ka koriyay,mooryaanna magacaas baad ka dareemaysaan in ayna wax xalaala diyaar u ahayn waxooduna deeqin,dadkaas xaaraanta miistoon xalaasha garan kii tuugsi u aadayana waa yeelkadiis.
Caqli aan puntland ahayn ma jiree ciidda wada cuna,Cadawga puntlandiyoow ciidda wada gala,
Ciil qaboow cadaabti gal,Calaf kuuma harine ma dadkaad cunaysaa,
bililiqada iyo boobka,wareerkiyo waalidana waligiin hadaynina.
Dadka qaarkiis waxaa laga dawayn la’yahay cudur la yiraahdo NACAYBKA puntland iyo oday faroole, oo ku noqday cancer,waar puntland socotay oo dayaxay gaadhay,ee kanaxoow nafta waa[Alle idanki]].
After six months you will see,in roob da’o iyo in abaar laga qaado mid bay noqon,xukun dabacsan waa lagu dufoobaaye,ninkii tabcanwaaya,ninkii tolanwaaya,ninkii tashanwaaya,habaaska iyo siigadaa looga tagayaa,baaaaaay,baaaaaaaaay,baska dambe soo raaca,saaxiibayaal intaad xaaraan raadinayseen baa xalaashii laga dhagay,Alloow noo kaalmee.
Aniga siyaasadda paus ayaan ka qaatay maadaama aan madaxweynaha, raisalwasaaraha iyo guddoomiyaha barlaanka iyo waliba barlamaanka aan ku kalsoonahay. Waa markii ugu horeysay oo waddanka u taliyaan saddex nin oo isla jaan qaadi karo laga soo bilaabo waagi ina yeey waddanka somlaiya ka iibiyey amxaaro iyo reer galbeed. Aan talo idin siiyee dadkiina dhinac ka raaca waad jirantihiine oo iska adkeysta afarta sano ee socoto. waa laga baxay ku meelgaarnimo cid dambe oo amar ku taagleyn laga yeelaayo ma jirto. Madaxweyne, raislawasaare iyo gudoomiye baarlamaan waa usimantahay umadda soamliyeed. Adeer aniguba waa jeclaanlahaa nin igu qolo ah oo muwaadin ah inuu waddanka madaxweyne ka noqdo laakiin taa macnaheedu ma aha inaan mucaarado ciddii ummaddu doorato.
waa warkii faroole iyo nin aan xishoon oo dhan fikirka uu qabo reer puntland ha is daba qabteen walee xalku waa idin ku xumaan doonaa hadad dadkiina gees ka raaci weysaaan.
Runtii waa qooraal qeexan runtana abaaray. Xasan Shiikh uma muuqdo nin wax soo wada. qaabkuusu wuxuu isoo xusuusiyay Cali Mahdi !!
Waxaan hubaal ah in fashilaada ugu weyn uu la kilmi doono marka uu ka leexdo dastuurka federalka ah uuna hirgalin waayo wixii hore loogu heshiiyay, ama uu moodo in wadanku uu muqdisho un yahay
ma filayo in ad u hadashay somaliway waxan filaya in ad fikirkaga ka hadashay lakin waxan leeyahay yaynan dag dagin roonaba raba oge mida kale haloo duceeyo in ilahay noo saxo ee ha mucaradina waxase kaloo idin sheegaya qofkasta iin wuu yelan kara ilahay ayan iin lahayn ee wanaga an ka racno mahadsanidin and raxanreeb asc
Qoraagu wuxuu istaahilaa in loogu hambalyeeyo sida qurxoon ee uu wax u qoray ina isticmaalay afsoomaaliga.
marka laga saaro caadifadda, qabyaaladda, iyo nin jaclaysiga ee aan is hoga tusaalayno waxaa inoo soo baxasa in doorashadii madaxwayne xassan sheekh si aad u wayn loo soo dhaweeyay shacbiguna sacab fiicanna u tumeen duco aad u waawayna loo diray shakhsiyan in aan xassan jecelnahayna nagama ahayne waxaan u fahannay nin aqoon, karti iyo wadaniyad leh waana sababta keentay in aanan ka dul kicin tv yada laga baahinayay doorashada hase yeeshee madaxwaynaha in muddo ah waxa alaga sugayay raysal wasaare tayo leh dadkana u cuntama in kastoo uu la raagay hadana dad badan oo somaliyeed baa ka gaabsaday raysal wasaaraha cusub , sabab too ah nin horay loo yaqaanayna ma ahayn nin aqoon baac dheer watana maaha balwad iyo wax yaalona waaba lagu sheegayaa marka in badan baan is waydiiyaa madaxwaynaha sabab ta ku kaliftay ninkaan in kastoo aanan shakhsiyan aqoon dher aanan u lahayn hadana waxaan jeclaaa wax dadka u wada cuntama farmaajo oo kale waa nin horay loo soo tijaabiyay kartidiisana la arkay iyo wadaniyadiisa lakiin bal ayaamaha soo socda baa wax kala saari doona in uu ku guulaysto madaxwayne xassan iyo waziirkiisa koobaad iyo in ay noqoto la mood noqonse wayday ama ridii iyadu is nuugtayba ilaahse waxaan waydiisananaa in uu ku guuleeyo oo dawladnimadii somaliya noo soo celiyo
@ wadaad yare. Laf jabtay siday ahayd ma noqoto. Waxaa xaqiiqa waxa Somaliya ka dhacday 22 sano inaysan wakhti fudud ku dhamaan karin. Hugun iyo guulwadayn meel ma gaarayso hadii somalidu qabiil ka tagayso waanu usoo joognay kacaan dalka soo maray siduu u la dagaalmay qabyaalada iyo qoqobka. bulshada Dagan geesoka afrika ku nool qabiil ma daynayaan waanta qayb dhaqanka kooda soo jireenka ah ka mid ah dhaqan umadi mudo dheer ku jirtay maalmo kuma tago. Maahmaah Sidee xeego loo xagtaa ilakana ku nabad galaan. Umadaan is aaminku ka tagay sidee ku wadanoolata. 1 maahan hadii la yiri aynu wax wada yeelano waxna kala yeelano micnaheedo ma ahan aynu kalatagno wadaniyada halaga tago ee waa shaqada noo qaybi. 2 Mida kale faragalinta shisheeyaha waa jiraysaa intaan isdiidanahay. 3 hadii hogaamiye gobol uu ku celceliyo xuquuq raadinta xaqa dadka uu matalo ma ahan inuu kasoo horjeedo xuquuq gobol kale lee yahay AMA sad bursi Hadal iyo dhamaan kalimad macaan meel magaaresee dhabta haloo dhaadhaco
runtii jawaabta ay akhyaarta iga horeysay ayaan dhihi karaa waa middii ku haboonayd haddiise aan fikirkeyga ku darsado waxa qofkaani meesha ku malmaluuqay waa iska cadahay inay tahay cuqadad qabyaaladeed iyo reerkeena maxaa wax looga dhigi waayay waxay ila tahay taasi waa midii soomaali halka ay maanta taalo dhigatay ,sidaasi awgeed inta jecel qaranimada soomaaliyeed ilaa hadda sida wax u socdaan waa la dhacsanahay waxaanan wax ku qiimeynaynaa wax qabadka dawladu la timaado, dhamaan arimaha uu qofkani soo qoray waa shaki iyo waswaas uu shaydaan qalbigiisa ku shubay. soomaliya ha noolaato, horumar ayaan u rajeynayaa
Wadaad yare
Sxb waxaan u malaynayaa in aad bog khaldan wax ku qoraysid oo aad maqaal kale soo akhrisatey. Puntlandta iyo federalismka aad ku kacsan tahay aniga maqaalkeygu kuma saabsanayn. Anigu waxaan “analysis” ku sameeyey oo keliya progress-ka ilaa hadda madaxweynuhu sameeyey iyo waxaan ka filan karno.
Tan aad ka hadlaysid ee ah federalism-ka way fiicnaan lahayd in laga doodo in ummadda soomaaliyeed dani ugu jirto. Laakiin qaabka looga hadlayaa ma noqon karo qaabka aad u hadlayso ee nacaybka iyo karaahiyeysiga deegaannada qaarkood ku dhisan. Dadka nacayb in aad tustid laguma kasbado.
waad salaaman tihiin. Horta soomaalidu miyaysan aqoon cid kale oon puntland ahayn. hadii wax la soo hadalqaado waxay la soo boodayaan puntland, hadii madaxwaynaha la dhaliilo waa inaad ka doodaa qaladka laga sheegayo madaxwaynaha ood difaacdid ama taageertid dhaliisha. hadda markii la yiraahdo buurhabo, waxaa soo boodaya puntland ayaa sidaas rabta. kiis iska waalka iyo qabiil faquuq hadii uu meel idin gaarsiinayo horaad barwaaqo u dagi lahaydeen.
puntland kama hayso dalka wax jago ah, waxayna xaq u leedahay inxaqeeda la ilaasho. noqda dad edeb leh oo ixtiraama dadka kale dalka wax ku leh. pl dadaal ayay gashay nabad yar ayay samaysatay, waxayna ka cabsanaysaa in ay fareeheeda ka baxdo nabadaas yar. inta wax laga sheegayo kuwa ku dhagan calankii iyo wada jirkii maxaa loo ilaaway ku tagay ee calanka kale leh. kuwa aaminay ianaysan noolaan karin hadii aysan qof kale oo soomali ah ay dulmaan mooyee!
soomaalida dulmi jecelaa.
horta aan kuu maah maahee ninka wadani soo qortoow bari baa waxaa jiray wan iyo orgi way ballameen oo waxay ku ballameen in ay dun dumo ka boodaan kadib wwankiii ayaa boodaddii ku hor maray orgigii wuu qoslay oo aad u qoslay wankii baa way diiyoo wuxuu yiri maxaaad laqososhay wuxuu yiri futadaadaan arkay suu wan kii wuxuu yiri taadu waligeed bay qaawanayd kugumana qoslin ee ma maantaa an bari tuqmay baad qososhay haadaaba waxaan ula jeedaa nacasoow 22 sano ayeey cawradaadii qaawan tahay puntland na miraha aad guranayso geedka aad ka goosanayso iyadaa beertay maarkaa ninkii puntland iyo dadka degan u ciilqaboow kula tartama ama kula loolama in aad ku dayataan ee haka caytamina meelaha qaar
Nuxur wanaagsan iyo khayr baa ka muuqday dhuuxa khudbaddii caleemasaarka Madaxweynaha, ninkase maqaalka dusha ku xusan qoray wuxuu ku dulwareegayaa ‘xirfadda af-soomaali aqrinta’ madaxweynaha taasoo dadku kala aqrin og-yahay hase yeeshee aan marnaba nuxurka iyo dhuuxa khudbadda waxba ka baddali doonin. Nuxurka waa lagu qancay, aqrintana Madaxweynuhu dadaal buu muujiyay isagana lagu qanci karo. Ninkase maqaalkan soo madoobeeyay wax buu isku qasayaa waxaana warkiisu u eg yahay: ‘BAROORTU ORGIGA KA WEYN’.
Taariikhda 12kii sano ee ugu dambaysay ee Soomaaliya waxaa mar kasta hawlaha dowladda xagal-daacin iyo cuuryaamin ku hayay madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare is-haysta oo iyagu dagaal labadooda u dhexeeya mar kasta qaranka caqabad joogto ah ku noqday. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud isagoo si xikmad xeel-dheer ku jirta hadduu doortay oo magacaabay Ra’iisal Wasaare uu ku kalsoon yahay in wada-shaqayn wacani dhex mari doonto, tacliin iyo aqoon heer jaamacadeed-na leh – arrinkaas wuxuu muujinayaa in Madaxweynuhu yahay shakhsi Ilaahay fiiro-dheer iyo aragti fog oo meel shishe wax ka fahmi in Alle ka dhigay madaxweyneheenna. Qoloda kaliya ee waxa shacabweynaha Soomaaliyeed doonayo wax hareer marsan doonaysana waa qolyaha Faroole boholaha iyo gebiyada ka tuurayo maalin kasta oo wax ka tan weyn iyo culays aysan qaadi karin iyagu doonaya inay dushooda saartaan mana xammili karaan run-ahaantii xaqiiqo ahaan.
Madaxweynuhu sidaannu ka filaynay iyo si ka wanaagsanba wuu noqday, meeshuu caloosheennu rabtayna caynaddeed noqoy. Rabbi-na waxaan ka baryayaa inuu cawro iyo ceebba ka dhowro, kuwa ceebaha u raadinaya Madaxweyne cusub iyo Ra’iisal Wasaare cusubna – war sow idinku marnaba ceeb kama dhowrsataan. Warsan.
Hassan Shiikh ma mid ka liituu dooray, aaway dadkii waaya aragnimada iyo aqoonta lagu tumayeye. R/wasaaraha xaaskiisa waa xubin baarlmaan oo saameyn ku leh magcaabista xasan shiikh, taasi Soomaali ma qabato. Maanta waxaan jeclaan lahaa Pr Samatar isu qolana ma nihin laakiin nin qaad habeen oo dhan u fadhiya waxba keeni maayo.
Waa sax ma raysalwasaaraha cusub xaaskiisa ayaa xasan shiikh saameyn weyn ku leh, waxayna
dhashay R/saraha cusub marka labaad maxay dhali doontaa. ogaada dalku waa federaal,
Puntlander
Walaal ma xuma inaan waxna kala yeelanno waxna wada yeelannee maxey tahey waxa maanta la oran karo dowladda dhexe ee soomaaliyeed iyo Puntland ayaa wada leh?
Astaanta calanka
iyo dowladda dhexe jagooyinkooda
Somaliland astaanta calanka kaliya ayey uga sokeysaa. Maxey tahey waxa kale oo ka dhaxeeya?
Xataa sovereigntiga dhabtaa kama dhaxeeyo oo maamulka u taliya Puntland wuxuu u dhego nugulyahey dowladda dhexe ee soomaaliyeed iyo Itoobiya waa Itoobiya. Haddaan been ku sheegayo igu dheh waa beentaa.
Shirkadeheeda shidaalka iyo contactiyadeeda caalamigaana waxey ugu madax bannaantahey sida Somaliland.
Bal isku day inaad noo sheegto waxey Puntland uga geddisantahey Somaliland oo aan astaantaas calankaa aheyn? Fadlan xumaanna ha u qaadane si deggan uga jawaab.
Garaad
Walaal horta midda maqaalkaaga nuxur ahaantiisa inaan arrimo kale ku xirey oodan si toos ah uga hadlin waan kaaga garaabayaa qeyb ahaan, walow aan si dahsoon wax uga dhadhamiyey. Laakiin sidaad la socoto mararka qaar dareemayaashu way qaldamaan. Marka taas point ayaan kaa siiyey.
Midda federalism ka iyo naceybka
Abadan naceyb iguma jiro aniga laakiin federalismka qaabka uu uga muuqdo Puntland waa dalka oo la kala gooyo. Macno kale oo kasoo baxaya ma arko anigu.
Hadalkeyga kore oon Puntlander siiyeyna qeyb sharraxaaddaa ayaa ku jirta.
Waxaan aamminsanahey waqtigii dadka intellectuals ka oo federalismka diiddan ay wax sharxi karayeen ayaa hadda lasoo gaarey.
@wadaad yare. Macnaha Calanka lawadaago ayaadan si fiican u fahmin ayaa dhici karta. Dawlad nimadu waa hashiis bulsho. Ma ahan wax kale puntland wax badan ayay kaga duwan tahay somaliland. Hadii dhaqaaha kasoo xarooda puntland lagu dhiso gobolkaas waa qayb qaranka ka mid ah. Hadii hadalkaagu yahay maxay khasnada dawlada dhexeeya qayb ugu shubi waysay. Waad saxan tahay laakiin. Xiisaabtan baa meesha yaal oo ah waxaad magacayga ku soo qaadatid qayb tayda aaway. Arinka aad ka hadshay oo ah faragalin shisheeye way jiraysaa Inta aan is diidanahay oo ay tahay I jiid aan ku jiidee. Nin walba meeshuu calaf iyo ciidan ka heleyo ayuu aadaya. Anigu puntland ayaan ku dhashay hadii meel aan ku noolanayo waxaan aad u jeclahay magaalada Baraawe
Cabdi, qoraalkaaga waxa gabagabo haboon u ah:
“Taas beddelkeeda waxaa khudbaddiisii caleemo saarka ku jirtey in godka aan ku dhacnay aannaan kasoo bixi karin in adduunku naga soo saaro ma ahane, taas oo ahayd niyad jebin iyo dhiirri gelin la dhiiri gelinayey dhaqan xun oo 20-kii sano ee dagaallada abuurmay, dhaqankaas oo ah in aan haba yaraatee waxba dadku qabsan karin haddaan NGO-yada iyo “Beesha Caalamka” gacan laga helin.”
Waxan rajaynaya Madaxwaynaha cusub inu dibb u fiiriyo talaabooyinkii u qaaday tann iyo antii la doortay. Ha fahmo inay Shacab Weynaha Soomaaliyeed u baahan yihiin dhiiri gelis iyo kalsooni. Umma baahna ‘business as usual’ oo saldhig u ah fakirka: NGO-yada iyo “Beesha Caalamka” ayaa godka madoow ina ka saaraaya. Kaa saarin maayaan oo ku sii qodan yaan!
ASC, bravo Wadaad yare, sida aad ninka walaalkeen ee mowduucan meesha keenay aad sidii Sigmund Freud maskaxdiisa u dhex geshay oo misana si runtii “clever” ah dadka Somaliyeed ugu sharaxday waxyaabo badan, sida maamul goboleedyada, Federalism vs centralism, midnimo iyo waxyaabo badan. Waxaan rabi lahaa runtii in arrimahaan hadii dadka Dowladan hogaaminayo oo eey ku jiraaan xildhibaanada in si hufan oo karti leh uga doodaan, markaasna meeshii eey majoritigia 275 xildhibaan ku jirto la raaco. Muhiimada waa in ayadoo dadks Somaliyeed ee si walba walaalo u ah ayadoo aan kala tagin misana la maalgaliyaa gobol kasta iyo magaalo kasta sidii uu wax walbo oo u baahan yahay u heli lahaa, oo uusan magaalo kale u aadin. Midnimadeenana la ilaaliyo.
@A Gardaad, walaal waxyaabaha aad dhahday hal sheey hadaan ka tilmaamo waxaad dhahday “aniga Faroole ma ihi, hadii aan isku fikir noqono Faroole ma qalad baa? Walaal, hadiiba aad isku firkir tihiin Faroole, intaas waaye waxa eey dadka kugu tilmaameen, waadna qirsantahay, ee iska daa is qar qarinta. Marba hadii aad Faroole isku fikir tihiin, Somalina ninkaas odayga ah walaahi waa uu sii kala fogeeynayaa, ee dadka uu matalo ha fahmaan in uusan dantooda iyo mid Somali ka shaqeeyneeynin, sababtoo ah, “result” siyaasadiisa waan wada aragnaa.
Runtii A. Garaad waxaad soo bandhigtay dareen ay Somali badan qabaan oo aniga aan ka mid ahay, dhaliilo badan oo madaxweynaha lagu dhaliili karo ayaa jira oo ka mid yihiin kuwaad xustay iyo kuwo kale oo fara badan oo aanan halkan ku soo koobi karin, hase yeeshe ilahaay qarankan ha badbaadiyo, waxa hadda dowladan aan uga shakisanahayna ilaahay run kama dhigo.
mad madowka umada iyo midab kalasooca ummada somaaliyeed mahaboon.
Waa run oo madaxweynaha aan waqti siinno:
Laakiin dhowr wax yaalood waa lagu arkaa:
1) waa afgarooc aan dadka hadal deeqsiin karin.
2) waa nimaan isku kalsoonidiisa cabbiri karin
U fiirso magacaabistii Rw shirdoon xita si daciidnimo ah
Buu u hadlay sidii nin ka marmi waa u doortay
Ee aan ku niyad samayn.
3) waa nin aan dadka isku soo jiidi karin oo aan dhiirri gelin
Lahayn ummadana hammigooda jabinaya.
4) waa nin 20 sano dhaqan NGO iyo tuugsi
Ku tababartay… Ee ay ku adagtahay inuu dal
Horumario isku fillaanshona gaarsiiyo.
5) waxa uu u muuqdaa nin dad kale maamulaan
Oo u dhega nugul koox kooban oo aan dooneyn
Deegaano qaarkood inuu la xiriiro o talo la
Wadaago.
A. Gardaad shaki Kuma jiro waxa aad qortay inay sax yihiin somaali badanina kugu raacsantahay laakiin dadka wax akhriyaa waxay wax ku cabiraan qoraaga fikirkiisa maaha waa qoraaga qabiilkiisa… Markaa hadaad qabiil xun u dhalatay eeda akhristayaashu ma leh qabiilkaaga oo faroole ugu horeeyo ayaa leh sumcadiinii dhulkay ku dhacday markaa isku noqda oo saxa wax qaldamay… Xigto iyo shisheeye labaduba idin nece. Wax kastaba Aniga.
qoraaga maqaalku wax u so gudbiyya aragtida inta badan somalida caqaliga ka bedqabta wana in la in la isa saxo hadi qalad muuqdo ama loo arko shaqsi wax badan laga filayay inusidii loobahna wax uqaban marka waa in laga hadala laguna dhiiriya inushaqadisa qabsado wajiibadkisana garto sidaa darteed in la is dhaliilo macanehdu ma ah in cuqdad laqabo oo cid gaara loo jeedo ee wa istoosin iyo istalosiiin wax haboon in madaxwaynuhu qaato talada dadkisa una muujiyo karti dheerada waxa inta dheer madaxwyne hadu dad taloqabeen ah iyo xisbi siyaasadeed oo himilo fog leh katalo qaato dalka waxu kasarikara isaga iyo groupkisu xalada lagu jiro hadii se u isu arko inuyahya awood xaga sare laga doortay oo iasaga un ay taay in la adeeca waxu bedeikaro mala arko asc
Puntlander
Saaxiibkeeyow waxaa jira iney iska hor imaan karaan mararka qaar danta qaranka guud iyo danta amaba hanka qeyb ka tirsan dalka. Waa arrinta loo yaqaanno “conflict of intrest”.
Danta iyo qabka qaranka soomaaliyeed si guud iyo waxaa iska hor yimid tan Somaliland. Waxey hor mariyeen R/Somaliland tii gaarka aheyd oo goonibey isku taageen.
Ma dhici kartaa in Puntlanda ay sidaas oo kale tahey? Si fiican dib ugu eegid ku samee.
Arrintaas iney sidaas noqoto eeddeeda qeybta ugu weyn siyaasaddii ka jirtey Koofur ayaa mas,uul ka ah. Labadaba waanan qirsanahey taas. Laakiin haddana haddey siyaasadda Koofureed waddadeeda qabsato oo toosto ma qaladkii iyo gooni isku taaggii ayey go ahead tiraahdaa oo shabbad ku dhufataa?
Somaliland waxey ku status tahey xagga aqoonsiga gobolka Georgia ka go,ay Abkhazia.
Puntlanda waxey ku status tahey Kurdistanta Ciraaq oo labo calan leh. Calanka kaliya kama hadlayee waaqicaan ka hadlayaa. Miyaad igu diiddantahey walaal taas?
Waa xaalad qallooc ah oon waqti dheer si normal ah u shaqeyn kareyn.
Cadaado
Walaal waad mahadsantahey jazaakallaahu kheyr. Waxaan kuugu bishaareyneynayaa ragga dowladda hadda gar wadeenka ka ah waa rag leh wacyi sare iyo daacadnimo,markii heerka soomaalida lagu cabbiro. Kheyr faro badan ayaan ka rajeyneynaa in Ilaahey gacmahooda ku xaqiijiyo.
Ra,iisal wasaaraha cusub dhegeyso wareysigiisa,gaar ahaan kan ku wajahan federalismka. Waa arrin lagu farxo runtii wacyiga ka muuqda ninkaas.
Dadka masaakiintaa Farmajo ayey lahaayeen.Laakiin kuma aanan arag Farmajo nin u leh visionka uu ninkaani u leeyahey inuu ahaa. Aadbaan uga maqsuudey fahamkiisa. Wax qabad waa meeshiisee.
Dadkaan Soomaaliyeed waxey u baahanyihiin dad gacmaha ka qabta oo naftooda ka badbaadiya.
Qof isla qumman oo jadbeysan oo haddana middi u wata inuu dalkiisi cad cad u kala jaro bal ka warran?
Ninka Puntlanderkaa kuma adka inuu fahmo qaladka uu ku jiro ninka Somalilanderkaa oo wuu la yaabayaa siduu wax u wado! Laakiin isagu iskulama yaabayo inuu Kurdistanta Ciraaq oo kale sameeyo. Haddana uu u hanqal taago inuu Jubbooyinka ka sameeyo. Oo haddana Digil iyo Mirifle u sameeyo. Oo mid kastaana uu la hoos galo dalalka deriskaa mid ka mid ah oo si uu u guerenti gareeyo jiritaankiisa! Mid kastaa Muqdisho wuu yasayaa wuuna ka faanayaa, laakiin Addis ama Neyrobi ayuu ixtiraam iyo respect u hayaa.
Ma ahan wadci siyaasadeed oo ay aqbali karaan dad wax isku falaya oo dignity qarannimo leh. Laakiin dantaa keentey iyo duruufta. Waxaana loo baahanyahey inaan wixii hore u jirey maahane wax kale lagu darin. Kuwii hore u jireyna markey xaqa arkaan iyagaa toosi doona.
Dowladdaani habkaas ayey u taagantahey wayna ku guuleysaneysaa inshaa Allaah, haddey Koofurta waddada kusoo riddo.
Laakiin aan wacyiga dadka oo la qalloociyey sixitaankiisa ka qeyb qaadanno intii tabarteen ah.
HUunguri-land (putland) iskadaaya hantaataca waxa uu sooqoray shaqsigaani waa doqonimo
taageerada iyo tayada aysan keeni karin raga kasoojeeda gado Gobolada dhexe ma qof uu soo diro Faroolka waxdhagihiisu maqlaan unnecceb nabad XAMAR lagasheego oo lawada ogaa shirki london wuxuu kayiri ayaa keeenilahaa?
tankale faroolle inqilaab iyo xoogkuma qabsan putland mana ahayn nin aanla aqqooon hase yeeshee wuxuu yahay waa lagu soodoortay ceebtuudhigana intii dooratay wayla wadaagaan
Asc Mashaa allaah Wadaad yare waad asiibtey 1000 adigoo kale oo fikirkaaga saliimka wadato eey Somali u baahan tahay Fadlan qoraa maad noqotid.
Wadaad Yare.
Saaxiib fikir badan ayaan kugu raacsanahay, Ilaalinta midnimada Soomaaliyeed waa Muqadas, taas ayaan aaminsanahay hadaan nahay Reer Puntland waana tan aan u sidano calankii Soomaaliya, laakiin arintu meel bay ka quruntay, Tusaale yar oo fudud ayaan ku tusinayaa markii ay burburtay Soomaaliya nin waliba gobolkiisii ayuu tagay, Magaalo madaxdii Soomaaliya waxay noqotay tuulo reer sheegto, Dr Faroole oo 40-sano deganaa Xamar gurigiisii waa la qaatay isagiina carar ayuu kaga soo baxay Xamar, hadeerna gurigiisii weli waa la haystaa oo waxaa degan nin xubin baarlamaanka federaalka ah oo aaminsan in Dr Faroole uu Xamar ku joogay qalad, ahaana Ajnabi. Reerkii Xamar ku haray weli ma garansana qaladka dhacay oo waxay meel walba la taaganyihiin Xamar waa Caasimada Soomaaliya, Kolkaa sidee ayaa Dr Faroole iyo boqolaalka kun ee la mid ah ee ay arintaasi ku dhacday aad uga dhaadhicinkartaa in ay aaminaan in ay Xamar tahay Caasimada Soomaaliya.
ma waxaad rabtaa in Dr Faroole uu inta uu Xamar kuugu yimaado oo hotel ku dego uu yiraahdo Xamar waa caasimadii Soomaaliya. May ha sugin taas Midnimada Soomaaliya waxaa god dheer ku riday dadka Xamar Degan una malaynmaayo in ay soo noqonayso.
mida kale waxaad tiri Reer Puntland waxay ka jecelyihiin Adis Ababa iyo Nairobi oo wey yasayaan Xamar Saaxiib taasi waa runtaa oo Waxaan shaki ku jirin in Xamar looga taliyo Adis Ababa iyo Nairobi marka maxaan Xamar ka doonayaa mar hadii caasimadeenii tahay Adis Ababa, mise waxaad rabtay in Garowe iyo Adis Ababa ay Xamar noo kala tarjunto taasi waa wax aan dhici karin.
Arinta Federalism-ku waa burburinta midnimada Somaliya laakiin sabab ayaa keentay.
hadii anigu Xamar aan ka ahay Ajnabi oo maal iyo naf waxaan lahaa la xalaalaystay welina uu igu jiro jacayl jiritaan Soomaaliyeed, dariiqa ii furan waa in Soomaaliya laga Sameeyo 4-maamul goboleed si la isugu soo dhowaado oo nabarkii xanuunka badnaa uu u bogsado.
Talo soo jeedin lagu ilaalinayo Karaamada midnimad Somaliya.
1-In Caasimada Soomaaliya ay noqoto meel u dhaxaysa Soomaali oo idil loona soo celiyo umadii hantida ma guurtada looga dhacay.
2-In la joojiyo Nacaybka iyo aflagaadada la isaga tebinayo warbaahinta.
3-In la xuso lagana tiiraanyoodo xumaantii dhacday 21-kii sano ee burburka.
4-In Soomaali dal ma kala laha oo waa la isdhex degenaa uu muwaadin kasta oo Soomaali ah uu ku soo noqdo deegaankiisii hore oo uu uga cararay colaadaha awgeed.
5- in lagu sameeyo dhalinta wacyi galin aad u blaaran oo ku saabsan qiimaha iyo sharafta midnimada loogana sheekeeyo xumaanta qabiilka.
6-in la joojiyo nidaamka Federalismka inta xal laga helayana lagu sii shaqeeyo qaabka 4.5.
7- In 2-mas,uul ee dowlada ugu saraysa oo ah Madaxweynaha iyo Ra,iisal wasaaraha la siiyo beelaha loo yaqaan 0.5 si ay ugu noqoto raali gelin uuna u yaraado is qabqabsiga iyo tartanka beelaha waaweyn.
8-in garaadka aqooneed ee Soomalida kor loo qaado si dadku u ogaadaan in dalkeenu uu qaadi karo 300-milyan oo qof sida lagu ogaaday baaris cilmiyeed la sameeyay xiligii Dowladii Kacaanka.
Safiya
Waad ku mahdsantahey walaal. Inshaa Allaah way dhici kartaa inaan wax qorid isku dayo mustaqbalka.
By the way Safiya
Maqaal aan qorey ayey Raxanreeb iyagoo ku mahadsan soo dhejiyeene aqri bal inshaa Allaah.
Maqaalka waxaa la yiraahdaa Yaa Kismaayo iska leh.
Durba dad badan oo careysan ayaa ii soo qorey jawaabo caro leh oo u qaatey inaan magaalada tolka ka qaadayo.kkkk
Laakiin waxaan ku faraxsanahey in dadka qaar ay fahmayaan waxa aan ka hadlayo. Waana iyaga kuwa aan ugu talo galey inaan fikirka la wadaago. Dadkaas aan ugu talo galeyna waa kuwa dadweynahaan careysan wax u sheegi kara.
To wadaad yare
Waxaa xaqiiqa ah in naqdinta aad ku samaynayso qoraaga qolaalkiisa ay dhaafsiisan tahay fikrada sida waadixa ah uga muuqata qoraalkiisa, waxaanad u eg tahay nin akhrisanaya waxa qalbiga qoraaga ku jira, waxa qalinkiisu qorayna aan isku howlin inuu ka hadlo ama fikrad ka dhiibto.Hadaba ma shaashada qalbigiisa ayaa kaamaro kuu saaran tahay?
Wadaadow sheekado waxay u muuqataa amaba tahay saabiq muqarra ah inuu lafaha kaaga duugan yahay, taasoo ah pl nacayb, taasina waxay kugu bixisay inaad iska dhaadhicisid cid aan pl ahayn inaysan madaxwaynaha dhalili karin.
Madaxwaynaha waa lagu adhaliili kara wixii khaldan ayadoon adaabta iyo akhlaada laga tagin,waxaanan qabaa in waqti la siiyo oon lagu dag dagin, wixii uu saxana waa in loogu hambalyeeyo laguna taageero, adugse wadaad yarow haday kaa dhab tahay inaad somali wanaag la rabtid, jooji colaada iyo dagaalka aad kula jirto dad soomaaliyed oo aan meeshaba joogin, ee la xaatlatan waxa kuu muuqda iyo ninka qoraalka iska leh, haddii kale halkaas ka sii wad wixii soomaali lagu yiqiin, illayn waa caadadeedoo ceebteed maahane!.
xaalqaado .22 sano waxaa maskaxdayda ku jirtey ama badi shacabka somaliyeed ay u qabeen in fidnada somali kadagi weydey ay aheyd laakiin waayahaan dambe waxaa la ogaadey halka ay sartu ka qoruntey oo noqday gobolada waqoyi bari dadka daga .hada waxaan ka baxney kmg kii .waxaan helney dawlad sax ah .baarlaman xalal ah .gudomiye cusub madaweyne cusub .rw cusub .halbi ayan mareynaa waxayna bilaabeen mucaradad iyo lamood noqonseweydey .warxishoda
Mowliid
Waan aqriyey commentskaaga wuxuuna u badan yahey wax sax ah. Wax aan practical aheyna way ku jiraan.
Waxaan aamminsanahey haddey dowladdaani shaqeyso iney xallin u noqon doonto dhibaatooyin badan oo hadda jira.
Haddey shaqeyn weydana hadde dantaaba keeneysa iney intii is bixin karta awoodded lehna ay cad goosato.
Haddii si saraaxad leh loo doodo wax waa la isla soo dhaweyn karaa.
madaxweynuhu xamar magaalo haw ekeysiiyo hanna soo gaadhsiiyo sida puntland oo kale. dawlad cida ubaahan waa la og yahay
asc dhamaan aqyaarta meeshan isugu timid , sidaan aaminsanahay madaxweynuhu saasaan fiican iigama muuqato , waxaadna hadaladiisa ka dareemi kartaa ,kalsooni yari aad u baahsan oo soo wajahdey madaxweynaha , Really wa nin iska miskiin ah markaan u fiirsasdey , anyway ilama haboona inaaaan hadda bilowno mucaaradnimada waayo , bur-bur ayey bilaabeysaa oo kaliya waxba soo siyaadin meyso , so aan taaageerno wax walbo oo uu ahaado iyo wax wallba uu la yimaado .. waad salaamantihin
CEESAANTII MAS IYO GOD MADAX SHABEEL LEEFTAA MALAGEEDI BAA GALAYEE WARDAD WAA IS BARTAY HADANA WAA AGABAGABADII FILINKA SOOMAAL BUU LAKACDAY SIDAY ISAGA DHIGAAYEEN LAFDHABAR AYAY SEENTA FIIDEEDI NOQDEEN MAHAD AALEE SOMAALINA MARKEY TIGREEGAAS MEEL UGA SOO WADA JEESATO AYA QARANIMADII AY BURBURIYEEN BLAND AYAY SOO NOQONAYSAA INSHAALLAH MA MASKIINKII BAY MUCARADEN
@wadad yare. Meel kasta oo aduunku nidaamka federal ka jiro waa caadi laba calan. Hadiise aad aragtay umad sideena oo kale burburtay ama gobol ka mid ah wadan oo aminsan xoog lagu haysto labadaasba dhibataba meeshay yaalan wadaniyad way dhimatay. Ma is waydiisay qof wuxuu walaal uga tago oo shisheeye hiil uga raadsado. Shaqo guri u qaado. Anigu waxaan ku talin lahaa federal waliba nooca awoodu ay aad u qayb santanay. Noocyada ay ku dhaqmaan. Malaysia, Bosnia iyo Swisserland. Oo hogaanku xataa meerto yahay.
dawladii hore imisa ayuu ka lunsadey,? Qaadka miyuu cunaa? Khamrada ma cabaa? hadey jawaabtu noqoto haa. Soomaaley tasho.
asc commetley waan idin salaamay meesha laysma caayeyn lasmama amaanayn baan u qaatay,tan kale aniga to late 84 qof oo iga horeeyey illaa 60 qoraalka waa fahmeen waana la dhaceen 20 ga kale meelo kale la adeen any way aniga horta qoraagu waa mahadsan yahay wax run ah buu qoray dowlada cusub rajo la aanbay nagu riday xaqiiqdiina way fail garawday lakiin hadaa halasuga leedihiin waa arkaynaa.tusaale shicib soomaliyeed oo aan waligiis ku riyoon mucaarad bay mucarad u dalaceen anigaaba ka mid ah kawaran hada alshabaab waa u dhamaatee qolyo cusub baa laraadinaa kkkkkk.
Asc .waa dhaliili karaa madax kasto oo dowlada ah waayo waxaa ay u shaqeeyaan dadweynaha hadii ay wax qaldaana. Waa in lasaxaa. Waxan umaleynayaa in badan oo somalida kamid ah aysan garaneenba in ladhaliili karo waxqabadka siyaasada aqoonta iyo kartida ay leeyihiin madaxda sare. Ma ahan mar hadii adigu aad taageersantahy ama aad isku heeb tihiin in dadka kale aysan wax kasheegi karin madaxweynaha iyo pm ogoowse iney madax u yihiin kuwa diidan iyo kuwa taageersan labaduba .waxad moodaa in dadka qaar ay u arkaan puntland inaysanba somalia kamid aheen oo ay aad ula dhacsanyihiin.Inaan raysalwasare lasiinin taasna waa fikir qaldan .hadaan somaliweyn raadinayo puntland iyo somaliland ba waxay mudanyihiin hormuud hadi kale ninkii aqli leh waa ogyahay WA waxan soo marnay 22 ki sano. Xasan sheekh waxay aheed pm keeno leh aqoon qibrad taageero bulshada iyo inuu waliba eego isudheelitirka dalweynaha somaliyeed tusaale madaxweynaha iyo jawaari waxay kasoo jeedaan koonfur marka waxaa habooneed pm buuxin kara sharuudaha shaqada kana soo jeedo puntland ama somaliland si wadanka loo mideeyo dheeltirna loo helo. Taas hadii la waayey madaxweynaha waa. Inuu kasbadaa tageerada somaliland iyo puntland
Walahi waxaan qoraaga ku raacay in xasan sh uusan lahayn hadalo madaxweyne sda runta waxaan daawaday qudbadiisii caleemasaarka wax nuxurleh kuma arkin aadbaan uga xumaaday markaasaa iigu horaysay niyyadjab
Awalba Xassan Sh Maxamuud horta waa nin ah,Laakiin waa CALI GAAF Reerka uu ka yahay waa qolada ugu saboolsan siyaasadna Shaqaba kuma lahan,waxuuna ku helay sida uu qirtey isaga oo uu yiri,Aniga jaceyl kuma imaaan ee qolyahii blan A ga u socon waayey ayaa blan B ugu doortey,iyagoo ka cararaayo Madaxweyne sh Shariif,isagaana afkiisa ka qirtey mudane GARGUURTE
Waa su.aal in rabi laga baqo waa dambi in bina aadan laga baqo habar kasta kii hadlaa waa dhahayaan kkkkkkkk webkan malaha ee somalia federaal ama ooy ama alqacida u yeedha sidiini reerka sharciga ilaalsha ama tii dhacday 2007 dib idinku celinayaa waxeey moodeen in aan kamaqanahay dowlada hadaan gacmaha kalaabto waxaad noqoneysaan alshabaa iyo wax aan aduunka laga rabin I have 8 gobol dhib imaheesto