Ximan Iyo Xeeb: Waxaan Doonaynaa In Lawada Furto Dekada Hobyo laakiin Galmudug Waxay Doonayaan Inay Si Gaar Ah u Furtaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Maxamed Cumar Hagafay oo ah Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa wuxuu ku eedeeyay maamulka galmudug inuu doonayo in uu si gaar ah u furto dekada degmada Hobyo.

Wuxuu sheegay in degmada Hobyo ay wada maamulaan labada dhinac sidaasi darteedna aysan jirin cid si gaar ah kaligeed u furan karta dekadaasi Hobyo.

“maamulkeena wuxuu doonayaa in lawada hadlo oo dib loo furo Dekada magaaladaasi laakiin maamulka Galmudug wuxuu doonayaa inuu si gaar ah uu kaga faa’iideesto”sidaasi waxaa yiri Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed baasto ayaa asna dhankiisa wuxuu qiray in ay doonayaan in la furo dekada Degmada Hobyo ayagoo kaashanaya ganacsatada deegaanka.

Axmed Baasto ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in la furo dekadaasi si ay kaga faa’iideestaan dadka deegaanka iyo waliba dhanactasada gobalada dhexe oo haatan meelo kale ka soo dajista.

Hadalkaan ayaa wuxuu imaanayaa xili shalay uu degmada Hobyo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Galmudug iyo waliba maamulka Ximan iyo Xeeb.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

21 Responses for “Ximan Iyo Xeeb: Waxaan Doonaynaa In Lawada Furto Dekada Hobyo laakiin Galmudug Waxay Doonayaan Inay Si Gaar Ah u Furtaan”

  1. [...] Original post: Ximan Iyo Xeeb: Waxaan Doonaynaa In Lawada Furto Dekada Hobyo laakiin Galmudug Waxay Doonayaan Inay … [...]

  2. Yonis says:

    iyo ugu yaraan 500 oo qof ayaa ugu geeriyootey sanadkii 2004 iyo 2005 dagaal beelleed ku dhawaad sanad socdey waxaan iminkana ka baqayaa in dagaalkaa dib u qarxo mana ii muuqato wax lagu xalin karo. markii ay Cabdi qaybdiid ay u doorteen madaxweyne ayaa dad badani garteen in dooneynin nabad dhexmarto iyaga iyo beelaha la dego oo ay hore colaad u dhex martey sida , , iyo . Hobyo dadka dega waa dad colaad kama dhaxeyso laakiin rag siyaasiyiin ah oo dhiiga ka macaasha oo hami dhaqaalle ku jira ayaa doonaya in dagaal degaanadaa ka dhaco. Cabdi Qaybdiid inta uusan Hobyo deked ku taal furisteed ku dhaqaaqin waa in uu heshiis nabadeed la galaa marka hore beelaha la degan ee Soomaaliyeed gaar ahaan beesha ee walaalaha yihiin, hadiise uu sii wado caqligii hogaamiye kooxeednimada waa lama huraan in dhiig badan uu markale ku daato gobollada dhaxe.

  3. putlander says:

    putland waxay HOBYO lahaansheheeda u aqqoonsantahay ximin iyo xeeb waxayna diyar u tahay inay kuwa gardarada waxada iska difaacidooda ku garab siiso

  4. wadaad yare says:

    Lacalla dad aqli leh oo degaankaas kasoo jeeda oo saameyn leh iney iney boggaan qiimaha badan ee Raxanreeb ay ka aqriyaan comments keygaan kan ah.

    Wixii Koofur lagu gubey oo xoog wax ku raadin ah markey Koofur ka shaqeyn weydey in degaannadii laga yimid lala aado oo dagaal hor Allaa halkaas laga abaabulo wax aan dhibaato aheyn ma soo siyaadinayo.

    Dekad tii dhisneyd ayaa nabad la,aan iyo khilaaf awgeed intaasoo sano loo furi waayey. ee deked aan dhisneyn oo dhisid u baahan, oo jidad u baahan in la isku dilo annagaa dhisaneyna iyo dhisan meysaan soo waalli ma ahan?

    Cabdi Qeybdiid waa dagaal ooge caan baxey, waxa kaliya oo uu meeshaas ka keeni karana waa dhiig dad reer miyi ah oo uu isku daadiyo ee halla qabto cidii qabashadiisa leh.

    Dowlad ayaa dalka u dhalatey, rajo fiican ayaa jirta oo ah in dowladdu shaqeyso. Hallaga war sugo dowladdaas oo yaan mashaakil loo abuurin lagu carqaladeynayo.

  5. Caburiye says:

    Ra yi ahaan maanta maaha Galmudul sii aanu ku baranay sanadihii hore waxaad moodaa inay yara badaleen qaabsiyaasadeedkii hore Cabdi iyo caalin waxaa reer galmudug u roon magac iyo wax qabadba waa Cabdi sidaan anigu qabo waayo waxaa uu ka qaybkalaa col iyo nabad labadaba hobyana Geographic and History waa dhulkii ay ku abtirsan jireen waxaan xasuustaa book uu qoray siyaasi Italian ah sidii ay ukala dagi jireen labadaan beel gumaysigii ka hor iyo shirkii ceel huur ee saxiixu uu dhacay marka taariikhda aanu dib u eegno hobyo baanu u naqaanaa

  6. wadaad yare says:

    Caburiye

    Caqligu ha shaqeeyo walaal. Buug berigii Talyaanigu yimid la qorey wax macnaa kuma fadhiyo. Waxa adduunkoo dhan aan macno uga fadhin miyaad adigu macno u yeeli kartaa? Waaba hadduu jiree.

    Waagaas kaddib immisaa magaalooyin dhismey? Dadka degeyna iska daa dad isku beel ah ama isku degaan ah ama isku waddan ahe ay ka yimaadeen qaarado kale oo degeen dhulkii?

    Marka meeshaan waa meel saxara ah dadna wayba u baahantahey oo dad in laga kiciyo uma baahnee si miyir qabta inta dadka degaanku u wada hadlaan soo iney maamul marka hore wada dhistaan kama horreyso inteysan deked dhisan?

  7. Cumar yare says:

    Cabdi Qaybdiid waa mooryaan doonaya inuu xabad iskugu dhiibo shacab walaalo ah oo nabad ku wada nool. wadaadadii uu itoobiya ka iibin jiray ayaa u socon waayey maadaama uu baqtiyey saaxiibkiis sanaawi.

  8. T says:

    Iska aamusa

  9. ximan iyo xeeeb says:

    anagu hadeynu nahay reer ximan iyo xeeb , magaceena ka garo in eynu leenahay xeebta hubyo
    mideeda kale ina qeybdiid xamar ayaan u celineynaa haduu nooga dhafi waaya dhibka iyo mishaakilka uu gobalka uu ka wadaa , dagaal ooge dhiig cabye caan ka ah oo dagaalkii sukeeye bilaaway ayaa laga dhigtay madax , waaa arin caajiib ah waxaa ka heshaaan waxba hanaga siinina
    viva ximan iyo xeeb

  10. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin walaalaha Somaliyeed. Wadaad yare, aad baad ugu mahadsantahay caqliga wanaagsan walaal. Kuligeen aan dadkeena, saaxiibadeena, iyo dadka Somaliyeedba u sheegno waxii caqli xumo ah oo aan shaqeeyneeynin. Yaan dadka lagala xishoon amaba gamban runta. Runtaas oo ah, sida eeysan suurtagal u aheeyn in maamulo jifo jifo ah inta magaalooyin laga dhiso, taas oo horseeedeysa in dadka is laayaan. Qofka maamul hebel raba in uu magaalo ka dhiso, waa in uu ogaadaa in “in Ilaaheey dadka oo dhan simay, oo uu siiyay xuquuq aan qofna ka qaadi karin” oo haduu reer X uu maamul magaalo uga dhawaaqo, in reer Y asagana sidoo kale maamul uga dhawaaqi karo isla magaaladaas amaba gobolkaas; kabacdina waxaa la isku dili, yaa maamuli dekada xuntaa ee ku taal, airportka xunkaa ee ku yaal, jidadka laga soo galo; waxaa la isku qaban maamul hebel halkuu ku dhamaadaa, maamul hebelna halkuu ka bilowdaa.
    Marka, waxaani waa fikir eey wataan dad faashil ah, oo nolosha ku qasaaray. Waxaan wada ognahay Cabdiqeeybdiid waxa uu yahay, iyo hab dhaqankii qabqable ee asaga iyo rag kale Xamar afduubka ugu heeysteen mudo dheer. Hadaba, Cabdqeeybdiid waa ninka kaliya ee inta uu Xamar kasoo cararay hada fowdada iyo in uu dadka isku dilo u tagay gobolada Galgaduud iyo Mudug. Reerka uu ka dhashay waa uu kala qeeybiyay, oo waa taas, sadex maamul oo midkastaa Madaxweeyne sheeganayo Galmudug leedahay maantay; Sidoo kale, waa tan uu hada dagaal uu tagistiisa uu tagay Hobyo labada qabiil ku dhexmarayaan Hobyo;
    Aniga koleey waxeey ila tahay, maadaama Cabdqeeybdiid uu reerkiisa qaban waayeen; oo ayagiiba uu handaday oo dadka Somaliyeed oo eey dowlada dhexe ku jirtana taladooda uu diiday; waxaan shaki iiga jirin walaahi in beeshan Ximan iyo Xeeb eey dulmiga ninnkaan uu dadka Somaliyeed oo dhana horay uga galay in eey ka jaa’iiseeyso Cabqdiqeeybdiid, oo aan ka hortagno; diidnanana in uu asaga oo aan u qalmin in uu “leader” dadka u noqdo uu dhaho dekad ayaan xaar xaari, iyo wax baan dhisi; saa maba looga baran, ugamana fadhino in uu wax wanaagsan qabto. Dadka Somaliyeed shaqsi shaqsi, iyo reer reerba, iyo dowlada dhexe waxaan ka codsaneeynaa in dadkaan u kala garqaadaan. Waxii eey Somali rabto oo xaq ah, raali baan ku nahay.

  11. ali says:

    cabdi kheerdiid hobyo wuxuu latagay dhaqankii lagu yaqaanay, waxaa laga soo cayriyy muqdisho oo 21 years isbaaro utaalay hadase waxaan umalaynaya in aytahay meeshuu ku dhiman lahaa sheeydaanku isku shartiisii ayuu la soo aaday. marka shartiisa umada allah haka bad baadsho

  12. abdulaahi says:

    The warlord must go. Re instate mr. caalin
    he is likeable by Somalis.

  13. Ugaas Raage says:

    Waxaa layiri Maroodigu ma arko takarta saaran ee tan Maroodiga kale saaran buu arkaa! Waxaa yaab ah waxa beeshan nabada udiiday inay kula noolaadaan umadaha dagan gobolada dhehe! Waxay ahay shalay markii reer Cadaado ay duulaanka kuqaadeen Reer Caabudwaaq oo ay dad masaakiin ah oo reer miyi ahaa tikniko kulaayeen colaadaa ayada ahna lagu sooafjaray Cadaado wiigii dhawaa.Su’aasha laysweydiinayo ayaa ah maxaa udiiday inay nastaan?Mar ay Shabaab taageeraan,marna ay burcad badeed taageeraan,marna ay maalinba qolo kuduulaan reer miyigana kalaayaan ayagoo tiknika wata! Waxaa kaloo cajiib ah in aysanba ogolayn wax horumar ah oo dhanwalbaa.

    Waxa kaliya oo Cadaado ogol yihiin waa SHABAAB iyo Burcad Badeed.

    Reer Galmudug waxaa lagudboon in ay deegaankooda ka difaacaan qowlaysatada burcad badeeda ah hadii markaa difaacaan Burcad badeed iyo shabaab markaa waxa weeye waxba layskula harimaayo marakan ninkii raayaana reerka uhari. xalkaloo yaala aniga iima muuqda maxaa yeelay arinka waan kudaalnay soonoqnoqoshadiisa waana in lasoo afjaraa.

  14. rooraaye says:

    war umadaas nabad ayey kuwada noolaayeen muddo umana baahna dhibaato fadlan isku daya waa dad soomaaliyeed inaad dab hurin dadku waxay doonayaan ayaa muhiim ah anigu ma dago deegaankaa laakiin waxaa i dhibaya inta soomaali ka hartey in la daba qabto oo dhibaatada la joogo oo wixii xaq ah la raaco ragaan umada ku herdamaya ilaah haka qabto waxaan u rajaynayaa inay waxooda ku dhameystaan wada hadal odayaasha loo celiyo wabilaahi towfiiq

  15. saleeman says:

    viva ximeb iyo xeeeb cadowgooda ha dhaco

  16. wadaad yare says:

    Cadaado
    Walaal waad mahadsantahey ra,yigaaga saliimkaa. Waxaan maamul goboleedyada lagu sheegayo dhibkeedu soomaali oo dhan oo dowladdu ugu horreyso ayuu u yaallaa. Laakiin waxaa annaga ka degaan ahaan hadda miiska noo saaran waa inaan colaad dhexdeennaa iskugu baabi,in wax aan u jeedno inuusan shaqeyneyn awgood.

    Ma ahan sida lo,da in calal guduudan naloo tuuro ee aan iska duufno.

    Waa inaan walaalaheenna dhalashada iyo degaankuba naga naxeeyo oo si kastoon isku dilno aanan meelna kala aadeyn la sameyno xirriirro iyo is wareysi loo marayo waddooyin badan.

    Ninkaan Cabdi Qaybdiid ah waa warlord faashil ah oo beeshiisa doonaya inuu dagaal ku mideeyo. Isagu waa neef gowracani geedo kama waabto. Nasiib darro gurbaankiisa kuwo kale oo iyaguna aan duco qabayaal aheyn ayaa dhanka kale la garaacaya. Meeshaasna boqollaal dhallin yaro ah oo iney noolaadaan ay ka fiicnaan laheyd iney dhintaan ayaa ku naf weynaya. Xaasilkuna waa khasaaro.

    Marka hallaga hor tago fitnada uu dagaal ogaahaan khatartaa uu lasoo galey gobollada dhexe.

  17. Puntlander Man says:

    @ wadaad yare iyo cadaado. Wax badan ayaan ka ogahay dhulkaas sida loo dago iyo dadka ku nool. In aan idinka badiyona way u dhowdahay. Hadaan awoodi karo dakad iyo wax ka Wayn waa ka dhisi lahaa magaaladaas. Anigu ma aaminsani in qaybdiid awoodeed lee yahay inuu dakad dhiso. Ka soo qaad waaba awooda maxaad dagaal ugala hortagaysaa waa horumar ilaah keeneye qayb taada maad qaadatid. Markaas saas lee yahay uma doodayo daalinka dadka isku gubaya waxaan ogahay arinka op dhan inay tahay is muuji qolo waxa dhisaysa iyo cid horu usucod wada midna ma arko. Waxa xaqiiqa ah dhaqanka ka jira dhulkaas inuusan somalida badankeda aysan lahayn. Wax walbana ha ku qaymeen isdiidka bahdaa.

  18. dacad says:

    asc wrwr bacda salaan wxaan leyahay alaha kala qaboojiyo muslimka midyaha la iskugu dhiibayo lkn cabdi qeybdiid ujeedkisi u lahay maheyn deked dhisiid wuuna ku guleystay tusaale ahan galmudug waxaa madax weynaheeda shegta 3 nin 1 caalin oo ahay madax weynihii hore 2 cabdi qeybdiid o ah ninkii dhawan la dortay 3 ina tima kala jeex o ah ragii suna wal jameeca ka tirsanay marka cabdi qeybdiid waxuu donaya inuu dagal ku mideeyo besha sacad waxaadna mooda 90 % inuu ku guleystay tusale ahan rer galmudug waeey hesytan xeeb ka dheer 200 km on qofna a dagin laguna heysan tusale ahan hadiiba deked cusub la dhisayo muu meshaas ka dhisto suaal labad qeybiid hadu donayo dekeda hobyo inu mamulo maaxa hamigiisa u dida inuu mamulo airporka galkacyo ogawna galkacyo wa malagala madaxda galmudug sualaah ugu danbeye walala ya iga jawabaya?

  19. Cadaado says:

    ASC, walaalayaal dhamaantiin. @ Daacad, hadii aan isku dayo in aan kaaga jawaabo sababta uu abdiqeeybdiid airkporka kaalgacyo in uu maamulo uga dalbaneeyn Puntland, laakiin hobyo dekadeeda u rabo in uu u maamulo, waa cabsi uu abdiqeeybdiid, iyo nimanka qowleysatatda ah ee koonfurta kaalgacyo la joogo oo isbaaradii Mogadisho hada geeyay Mudug eey ka baqaan beesha Puntland dagto, mana ku dhacaan in eey ka hor yimaadaan.
    Mida ah in uu beeshiisa ku mideeyo dagaal uu la galo beel kale, runtii waa cabir la qaadan karo, laakiin waa bad move. Maxaa yeelay waaba dad inkaar ku dhacday oo aan caqli laheeyn dadka kaliya midoobaya marka eey dagaal ku jiraan, oo aan gacmaha is qabsan oo aan wax wada dhisan marka eey nabad jirto oo ha marka ugu haboon in wax la dhiso. Mideeda kale, muu qabable cabdiqeeyr diid dagaal la galo beelaha Puntland dago haduu sidaas rabo in uu ku mideeyo reerkiisa? Markale, waxeey ila tahay in eey ka baqayaan oo reer Puntland meel iska saareen waxuushtaan mooryaanimada iyo xaaraanta wax aan aheeyn aan aqoon, oo marwalba nin warlord iyo tuug hogaamiya u noqda. Walaahi, xataa alshabaab waxeey u ciqaabayeen ayaa jirta mooryaantan koonfurta kaalgacyo dagto, waxeey ogaadeen in eey yihiin xaaraan quutayaal, aanan lagana nabad galeeyn, dariskoodana ka nabad galeeyn.

  20. Cadaado says:

    ASC, dhamaan. @ Puntlander man, walaal, waa dhici kartaa aniga iyo wadaad yareba in aad Hobyo naga taqaanid. Laakiin weertaada/weedhaada waa eey is burineeysaa sababtoo ah waxaad dhahday waan ogahay cabdiqeeybdiid in uu awoodeeda laheyn in uu dakad amaba wax kala dhiso, hadana waxaad dhahday kaba soo qaad haduu uu dhaho waan dhisaa, maxaa dagaal loogala hortagi, oo maad qeeybtiina ka qaadataan?. Kalmadahaan, waa eey is diidayaan, waxaana aaminsanahay in uu qasaaro maahanee uusan faa’iido laheeyn mujrimkaan faashilka ah ee qabqable cabdiqeeybdiid. sidaas owgeed waa sax in dagaal waxaan aheeyn aan la tusin, si dulimgiisa oo umado badan iska qaban waayeen, aan anaga u qabano. Cidii amaba qoladii nagu kaalmeeysa reebida iyo la dagaalanka qabqablahaan waan soo dhaweeyneeynaa. Hadii kale, anaga ayaa dhabarka u ridaneeyno oo ilaa cadaabta albaabkeeda aan uga soo hareeyn.
    @ Wadaad yare, walaal, kalmada wada dhalasho maxeey tahay? Aniga waxaan aaminsanahay in eey wada dhasheen dadka is nabad galiyo, kalana nabad galo, waliba wax wada qabsado. Laakiin, dad ilaa iyo waqti aan dhaweeyn is dilaayay, is lug gooynayay, ma aan aaminsani in eey wada dhasheen? Waana been, sidaas darteed ayeey lagama maarmaan u tahay in qabiilka laga tago, oo dadka Somaliyeed maskaxdooda meel sare eey gaarto. Waan ogahay, in Cabdiqeebydiid reerkiisa oo dhan wada matalin, laakiin, eeda waxeey ku yeelanayaan, waa eey qaban waayeen fitnadiisa, ayagiina waa eey soo dhaaftay, kaaga daranee waxaa laga helayaa dad u nugul qabiilka oo markii uu cabaado la safto, marka sow ayagana munaafaqiin kale oo faashil ah maahan? Waxaa loo qaatay hadeeyba jiraan dad ninkaan iska dhicinayo eey kaalmeeyaan dadkaas ayagoo meel iska dhigaayo qabiilka beenta oo dantooda kaliya in eey gartaan u baahan yihiin. Ninkaan, reerkiisa wax aan dhib iyo qasaaro aheeyn uma uusan keenin, hadana u keenimaayo. Period.

  21. abdi elmi says:

    marka hore waxan leyahay dadka hobyo degan oo deganka ah haku heshiiyan hana kawada hadlan mustaqbalka hobyo lakin yan laga sugin abdi qeybdiid iyo kuwa lamidka ah why ku was horay ayey ugugubeen hobyo

Leave a Reply