XOG: Isku Xirka Afgooye Illaa Baydhabo oo 30-Maalmood Lagu Gabagabeynayo Iyo Amisom oo Diyaarad Wax Ku Duqeyneysa Markii ugu Horeysay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Sida ay Raxanreeb ka ogaatay saraakiil ka tirsan taliska militariga dawlada Soomaaliya iyo madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa la qorsheeyay duulaan culus oo dawladu ku dooneyso inay isku xirto wadada dheer ee Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose illaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qorshaha duulaanka ayaa waxaa uu ka dambeeyay amar rasmi ah oo ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo dalbaday in mudo 30-maalmood ah lagu soo dhameystiro isku xurka jidka dheer ee Muqdisho illaa Baydhabo, ciidamada dawladuna la wareegaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya wadadaasi illaa Baydhabo tagta.

Il wareed ku sugan madaxtooyada ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in madaxwunuhu rabo in gargaar bani’aadanimo oo deg deg la gaarsiiyo illaa gobolada Baay, Bakool iyo labada Shabeellesidaasi darteedna ay tahay in marka hore la isu furo jidada muhimka ah ee ay Al-Shabaab weli ku sugan yihiin.

Hawkgalkan ayaa kii ugu horeeyay waxay ciidamadu sheegeen inay shalay ku gaareen duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose taasoo Muqdisho u jirta ilaa 90-km.

Barakacayaasha oo laga saarayo caasimada

Waxaa uu madaxweynuhu isla qorshahan ku soo daray in dadka ka soo cararay abaarihii ku dhuftay gobolada dalka ee daadsan daafaha iyo gudaha caasimada laga rarayo magaalada dibna loogu celinsyo deegaanadii ay ka yimaadeen oo u badan labada Shabeelle, Baay, Bakool illaa Gedo, iyadoo dhamaan guryaha cooshadaha ah ee ku yaalla waddooyinka Muqdisho la amray in la baabi’iyo.

Wadada isku xirta Afgooye iyo Wanlaweyn

Mid ka mid ah saraakiisha madaxtooyada ayaa Raxanreeb u cadeeyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ganacsatada weydiistay lacag dib loogu dejiyo dadka barakacayaasha iyo gaadiid isla markaana dawladu suurtagaliso marka hore in la sugo amaankii saamixi lahaa in qorshaha iyo codsiga loo jeediyey ganacsatada uu ku meelmari lahaa.

Duulaanka illaa Baydhabo soconaya waxaa xigi doona mid kale oo ku wajahan degooyinka Baraawe illaa Jilib oo weli ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada Al-Shabaab, sida saraakiisha Raxanreeb la hadashay ay sheegeen.

Amisom oo diyaarad wax ku duqeyneysa

Dhanka kale taliska AMISOM ayaa keensanaya diyaarado nooca qumaatiga u kaca ee “helicopters” kuwaasoo ay ugu talagaleen in duqeyn loogu adeegsado deegaanada ku teedsan wadada Afgooye illaa Baydhabo ee ay weli ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa waxay ka qeyb yihiin duulaanka la qorsheeyay ee ku wajahan jidka dheer ee taga Baydhabo, waxaana sida xogta nagu soo gaareyso, diyaaradaha wax duqeynaya la shaqeyn doona qalab dhanka satellite-ka ah oo tilmaamaya goobaha ay tahay in la duqeeyo ee ay joogaan ciidamada Al-Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo AMISOM ay keensato diyaarado wax duqeeya inkastoo ciidamada Kenya ay diyaarado u adeegsadeen duqeymihii Jubbada Hoose kuwaasoo AMISOM ay ku dooday inaysan ka mid ahayn hawlgalkooda.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “XOG: Isku Xirka Afgooye Illaa Baydhabo oo 30-Maalmood Lagu Gabagabeynayo Iyo Amisom oo Diyaarad Wax Ku Duqeyneysa Markii ugu Horeysay”

  1. hassan wadani says:

    xaashaa lillaah… Qaranimadeenii dib ayaan u soo ceshaneynaa….shuruudaha ku xiran waa in la sifeeyaa jidka isku xira xamar ilaa kismaayo oo ah the FOOD BASKET OF SOMALIA ama meeshii siyaad barre allaha u naxariistee uu soomaaliya ka quudin jiray…..kadibna waxaa xigaysa in gobollada dhexe loo celiyo dadka daadsan ceelasha…madaxweynahaan waa madaxweyne AQOON IYO KHIBRAD U LEH DHIBAATOOYINKA DAGAALKA SOKEEYE…..XABADOO WIIFLANA WAA NIN WAX BARAAYEY MARKII KULI INTII CILMIGA LAHEYD AY DALKA ISAGA HAYAAMEEN…………..
    QARANIMADA SOOMAALIYA ……saddex magaalo ayaa muqaddas u ah Muqdisho, Hargeysa iyo Kismaayo…..saddexdaasna qolo iyo qoys kaliya ma sheegan karo WAA NATIONAL STRATEGY…

Leave a Reply