XOG: Kooxda “Damu Jadiid” oo Qaadaneysa Wasaaradaha ugu Mumihsan Dawlada Cusub (Magacyo La Helay)
Muqdisho (RBC) Xilli raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon uu ku jiro sugitaanka ansixinta golaha baarlamaanka dalka ayaa dhanka kale kooxda Damu Jadiid oo ah kooxda maamusha madaxtooyada dalka ayaa waxay soo diyaarsatay ragga u fariisan lahaa wasaaradaha waaweyn ee xukuumadda cusub.
Ilo wareedyo la hadlay Raxanreeb ayaa sheegay in kooxdu ay dalbatay illaa 11-wasaaradood oo a mid ah xukuumadda, taasoo qeyb ka ahayd shuriidihii lagu soo xulay raysul wasaaraha cusub oo si rasmi ah u aqbalay dalabkaasi ka hor intii aan la magacaabin Sabtidii 06/10/2012.
Xulista raysul wasaaraha cusub iyo dalabka Damu Jadiid waxay ahayd caqabada ugu weyn ee hortaalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 26-kii maalmood ee uu kala shaandheeynayey liisaska in ka badan 20 musharax oo xilka raysul wasaaraha dooneysay.
Mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxweynaha oo aan rabin la magacaabo ayaa sheegaya in “madaxweynuhu illaa afar musharax oo ka mid ahaa kueii soo dalbaday xilka raysul wasaaraha ay ka diideen dalabka ah in 11 wasaaraood ay noqon doonaan kuwa Kooxda Damu Jadiid” taasina ay ahayd sababtii keentay in illaa 20 nin oo sharaxnaa uu madaxweynuhu kala soo dhex baxo Mudane Cabdi Faarax Shirdoon. [AKHRI TAARIIKHDA RAYSUL WASAARAHA]
“Way dhici kartaa in isaga [Cabdi Faarax Shirdoon] uu ka wareegto dalabkaasi laakiin ballantii hore way ku jirtay..” sidaasi waxay Raxanreeb ka soo xigatay ilo wareedyada ka gaabsaday in la magacaabo.
Wasaaradaha Damu Jadiid
Kooxda Damu Jadiid oo si tartiib tartiib ah beryahan u soo saareysay awoodeeda gudaha ee madaxtooyada ayaa hadda waxay cabiratay illaa dhowr wasaaradood oo ka mid ah kuwa waaweyn “key ministries” ee dawlada iyadoo xitaa durba la magacdhabay ragga loo dhiibayo wasaaradahaasi.
Raxanreeb waxaa u suurtagashay inay hesho qaar ka mid ah ragga loo badinayo inay kooxdu keensato wasaaradahaasi oo ay ugu horeeyaan;-
1) Wasaaradda arimaha dibadda: Waxaa ku dhagan Faarax Sheekh C/qaadir oo ah gacanta midig ee madaxweynaha oo illaa hadda ku doodaya in xilkaasi uu isagu qabto, laakiin kooxda dhexdeeda iskuma raacsana, waayo Faarax C/qaadir waxaa uu ka soo jeeda beesha Reer Aw-Xasan oo aanan beelaha afarta ah (Hawiye, Daarod, Dir iyo Raxanweyn) waxba la qeybsanin balse lagu xisaabiyo beesha Shanaad.
Qaar ka mid ah xubnaha kooxda oo Raxanreeb si hoose ula hadlay ayaa ku dooday inaysan suurtagal ahayn in Faarax loo dhiibo wasaaradda arimaha dibadda, madaxweynuhuna ku qanciyey in Faarax loo dhiibo xil kale- ugu yaraana safiir mid ka mid ah wadamada Carabta looga dhigo. [WAA KUMA FAARAX]
2) Wasaaradda arimaha gudaha: Waxaa xilkan loo diyaariyey C/kariin Xasan Guuleed oo ka mid ah aas aasayaasha kooxda Damu Jadiid ahna xubin ka tirsan Xisbigii Nabadda iyo Horumarka ee madaxweynaha uu hogaamin jiray. Waa nin ka soo jeeda beesha Sacad/Habargidir oo horeyna xilkaasi u heysay beel ahaan.
C/kariin waxaa dhanka kale uu kaalin muhim ah kaga jiray markasta dhaqdhaqaaqyada kooxda Damu Jadiid. Isaga iyo Faarax C/qaadir waxay ka mid ahaayeen raggii ugu horeeyay ee horbooday go’aankii kooxdu kaga goosatay ururka Al-Islaax (Qadiimka) markii Damu Jadiid ay la safatay garabkii Maxkamadaha Islaamiga ee hubeysnaa sanadkii 2006, xilligaasoo odayaashii milgaha u hayey Al-Islaax ay ku adkeysteen in Maxkamaduhu argagixiso ahaayeen. [Akhri warbixin Al-Islaax]
3) Wasaaradda waxbarashada: Ilo wareedyada Raxanreeb u waramay waxay sheegeen in wasaaradda waxbarashada loo dhiibi doono Faarax C/qaadir haddii uu ku qanci waayo xilka safiirka ee uu madaxweynuhu ku qancinayo illaa hadda.
Waxbarashada waa meel uu aqoon fiican u leeyahay Faarax waayo wuxuu ka mid ahaa aas aasayaasha Jaamacadda SIMAD iyo Dallada Waxbarashada FPENS oo illaa hadda uu ku lug leeyahay.
4) Wasaaradda Warfaafinta: Waxay kooxdu soo xulatay Dr Maxamed Nuur Gacal oo hadda ah madax goboleedka Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka “O.I.C” ee Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha caalamiga ee haddana Islaamiga ah ee illaa hadda Damu Jadiid ku tashato.
Dr Gacal oo ka soo jeeda beesha Murusade/Hawiye waa mid ka mid ah tiirarka waaweyn ee kooxda Damu Jadiid. Waxa uu wax ku bartay dalka Suudaan, waxayna weligiis xiriir dhow lahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Faarax C/qaadir.
5) Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha: Warar kale oo isla kooxda laga helay waxay sheegayaan in ay suurtagal tahay in Dr Maxamed Nuur Gacal loo dhiibo wasaaradda macdanta iyo biyaha oo ka mid ah meelaha ay kooxda waqtigan indhaha ku heyn doonto maadaama dawladu ay ka gudubtay ku-meelgaar isla markaana la fili karo in shirkado shisheeye ay maalgelin ku sameeyaam soo saarista macdanta iyo kheyraadka kale ee dalka.
6) Wasaaradda ganacsiga: Markii hore waxaa lagu waday in shakhsi kooxda ka mid ah oo degan Hargeysa loo magacaabo laakiin, sida ilo wareedyada ay sheegayaan hadda waxaa ku yimid isbedel wasaaraddan, waxaana la filayaa in loo dhiibo Maxamed Axmed Abtidoon oo hadda ah xogheynta madaxweynaha.
Abtidoon (oo ku magac dheer Koofi Shabaq) waa shakhsi muuqaal fiican ku dhex leh Kooxda lagana jecel yahay inta badana ogol tanaasulka sidaas darteed baa isaga had iyo jeer loogu dhigtaa keyd ahaan.
Wasaaradaha kale ee la fili karo waxaa ka mid ah; Wasaaradda Maaliyada iyo Wasaaradda dekedaha oo madaxweyne Xasan Sheekh aad uga tuhun qabo inuu ka dhaco musuqmaasuq, si looga hortagana wuxuu madaxweynuhu ku dadaalayaa in labadan wasaaradood la geeyo shakhsiyaad aqoon leh madaxweynuhuna ku kalsoon yahay.
Sidoo kale maamulka garoonka diyaaradaha iyo dekeda Muqdisho oo ah isha kaliya ee hadda dawlada dakhliga ka soo galo ayaa sidoo kale isbedel weyn lagu sameyn doonaa isla markaa golaha wasiirada la shaaciyo.
Talaabadan oo kale waxay kooxdu ka sameysay gudaha madaxtooyada oo boosaska muhimka ahaa ee xafiisyada Villa Soomaaliya ay dhigeen rag ka tirsan kooxda Damu Jadiid iyagoo bedelay xubnihii “Aala Sheekh” ee meersha ku xidideystay. [AKHRI WARBIXIN]
Ragga kale ee saameynta ku dhex leh kooxda
- Jamaal Maxamed Baarow; oo ahaa xubin ka tirsan Xisbiga iyo Kooxda Damu Jadiid ayaa isaguna heli doona xil wasaaradeed; ilo wareedyada ayaa sheegaya in halka wasiir ee beesha Jareerweyne yeelan doonto uu ku fariisan doono Jamaal Baarow oo dhowaan safar caafimaad ka soo laabtay.
Kooxdu waa inay qancisaa Jamaal Baarow oo jagada hab maamuuska madaxtooyada (Protocol) looga qaaday Kamaal Daahir Guutaale [AKHRI WARBIXIN KU SAABSAN] sidaasi darteedna in xil wasiir loo dhiibo markan waa gar.
- Faarax Cabdisamad; Inkastoo uu kooxda ka tirsan yahay haddana ma ahayn nin beryahan saaxadda ka dhex muuqday. Wuxuu isaguna heli doonaa xil wasaaradeed, sida ay sheegayaan ilo wareedyada waxaa ina Cabdisamad loogu yeeray inuu buuxiyo kaalinta beeshiisa (Ogaadeen) si dawlada cusub arimaha Jubbooyinka ee buuqa uu hareeyay u furdaamiso.
- Fahad Yaasiin; oo ah ninkii madaxda ka ahaa xafiiska telefishanka Al-Jaseera Carabi ee Soomaaliya oo dhowaan shaqadaasi iska casilay kadib markii kooxdiisa (Damu Jadiid) ay madaxtooyada ku guuleysteen, ayaa isaguna lagu wadaa in xil safiir laga siiyo wadamada Carabta midkood.
____________________________________________________________________
RBC Radio














waleeee somalia u dhamaaaatay damul jidiid xasan qoslaaaye ma sidan buu rabaa in uu somalia ku xukumo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
war bal yaabkan eega ,magacaantan carabiga ah miyaa laiskadaayo,shalay alshabaab waxaa lanoo fahansiiyey waa dhalinyaro oo wadanka hagaajineysa wixii dhacayna waa la,ogaa maantana damjadiid (dhiig cusub) markaa ma dhiig cusub ayey daadinayaan mise madaadinayaan yaaa og
kkkkkkkkkkk warkaas hadii xataa qayb kamid ah run noqoto waa u dhamaatay soomaaliya iyo hankii lagu hanwaynaa dawladaan cusub warkaan 2 mar ayaan akhriyay ilaa hada marumaysan kari waxaan akhriyay ilaahay waxaan ka baryaynaa inaysan run noqon oo fawdo iyo mucarad cusub aysan sababin xisbigaan dam jadiid, hana ogadaan damjadiid inaysan doorosho xisbiyo ku guulaysan ee doorasho baarlamaan ay ku noqdeen madaxwayne dabcan hadii doorasho xisbiyo lagali lahaa xisbiga guulaysta ayaa u madaxbanaanlahaa xulista wasiirada hada arintu sidaa ma ahan baarlamaankana waa in ay dalka badbaadiyaan oo wasiiradaas aysan siin kalsooni.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waar masidan ayaa udembeysey wadankii subxaan,kolba magac carabiya halala yimaado,alshabaab(dhalinyaro) maanta damjadiid(dhiigcusub) bal tab dhaha idinku
Waan ka xumahay in Raxanrreb isku bedeshey sida websiteyadda dacaayadda iyo mala-awaalka faafiya. Soomaalida waxey wax ku qaybsadeen 4.5, macquulna ma aha in 5 wasiir ee Hawiye ku soo aadayo in labba nin oo Habargidir ah fariistaan waa haddii la raaco sidda aad wax u qorteen, maxaa yeeley Maxamed Axmed Abtidoon iyo C/kariin Xasan Guuleed labbaduba waa Habargidir. Waa fashilka kowaad ee qoraalkiina. Hal arin waa dhici kartaa ragga aad soo tirisey in madaxweynaha siyaabo kale u caawiyaan madaama ay yihiin rag ay isku aragti yihiin laakiin marnaba ma dhici karto xilligan xasaasiga ah in raggaa saaxiibadiis ah uu wasiiro ka dhigo, waana arin caadi ah oo caalamka ka dhacda in madaxweynaha lataliyaal uu ka dhigto rag uu ku kalsoonyahay waa sidda Barak Obama sameeeyey markii madaxweynaha loo doortey. Qoraalkan wuxuu kaloo gaf ku yahay awooda garshada Ra,iise wasaaraha, magacaabista golaha wasiiradda asagaa leh, qoraalkan wuxuu ra.iise wasaaraha Soomaaliya ka dhigey ruux maqaarsaar ah, aad ayaan uga xumahay in sidaas aad ulla dhaqantaan. Calaa iyo kuli xaal isbahaysiga xisbiga wuxuu markasta dhaamaa isbahaysiga qabiilka ka waran haddii lataliyaasha maxaweynaha gedigood noqon lahaayeen rag madaxweynaha ku beel ah.
Dhaartii inuu Soomaali u dhex yahay waa uu gees maray. Koox shaati qabiil gashan baa xukunkii Soomaaliya la wareegtey. Waa kuwo aan wax baran taariikhdii iyo dawladihii Soomaaliya soo maray. Afar sano oo kale oo dib u noqosho siyaasadeed ah qof walbow filo.Damu-jadiid macneheeda durba dadka Soomaaliyeed waxay u akhristeen koox doonaysa inay dhiig cusub oo Soomaaliyeed siduu u daadan lahaa jidka u falaan.
kkkkk maashaa allaah awal ayaan hore ugu sheegay akhristayaasha in daahida madaxweynuhu la daahay wasiirka 1aad ay tahay in uu dawlada horta soo dhiso madaxweynuhu kadibna ninkii aqbala ka dhigo wasiirka 1aad waa sidii aan sheegay , waana sida la filaayey waayo soomaalidu jago hadii ay hesho wax kaste waayeelaysaa ???????????? laakiin baarlamaanku ma yeelidoonaan ???????????
Runtii kooxda dalka taladiisa qabatey waxaan u rajeynayaa towfiiq. Somalidu qabiil unbey taqaannaaye xisbi iyo urur waxba kama oga. Iyagoo qabiil isla buur buuraya raggii PHD ga heystey ayaa dhallin yaro waddamada Carabta iyo Malaysia wax kusoo bartey kala dhex baxeen!
Guul ayaan idin leennahey. Soomaaliduna way u baahantahey dad qabiilka ka sareeya haddana xisaabtiisa iyo isku dheelli tirkiisa ilaaliya!
Ninkaani waa Dam Jadiid Jareer Weyne ah,Kani waa H/G iwm. Yaa diidi kara.
Waa Dam Jadiid miyaad leedahey haddii dowladdu magacaabato nin qabiilka ah ururkana ka tirsan?
Waa qorshe dalka iyo dadkaba dani ugu jirto. Loogana hor tegi karo kala jar jaridda qabyaaleystayaashu ay dalka u diyaariyeen!
Bravo Dam Jadiid! Taariikhdaa idin xusi doona.
Maxaa ku jaban haddii 1 xisbi oo talada dal ku guuleysto uu qaato xilalka muhiimka ah, sida Xisbiga Dimoqraadiga, waayo dadka kale way ku fashilin karaan.
[...] Top Ministries to go to Damul-jadiid ( president’s inner circle) (XOG: Kooxda “Damu Jadiid” oo Qaadaneysa Wasaaradaha ugu Mumihsan Dawlada Cusub (Magacyo La Hela… [...]
Mid yaan la iloobin iin hada weli soomaaliya ay wax ku qaybsanayso 4.5 hadii la hareer marona ay dhaxleyso dawlada isqab qabsi maxaa yeelay madaxweynuhu wuxuu ku yimi 4.5markaa wax la yiraahdo damu jadiid umalayn maayo inay soomaali u cuntameyso car yaanuu baarlamaanka diidin oo aduunku ka hor imaan waxaa laga yabaa xataa in sxbadii u magacaabo jagooyin kale laakiin sida hada meesha ku taal never inay shaqayso waana maalintii uu fashilmi lahaa qlslaaye
asc akhyaarta halays qibleeyo markalana waa la arkin dad alshabaab raadinaya oo dhahaya yaa noo soo celia .tankale raxanreeb ma qorin wax aan webebkale qorin waxa in tooda badana run u badi madaxweynahan asagoon bil gaarin buu fail garoobay,raysalwasaraha uu soo doorayna nin siyasadeed ma ahan waa nin nrbi 20years fadhiyey nasiibkiin soomali .waqtigii siyaad bare alow naga saar aa lalahaa maxaa lahelay kkkk, hadana shariifka alow nadhaafi kaxaaxabiya qoladadan jadiidka iyo hawsheeda.
Somaliya waa u dhamaatay miyaa haddii nin reer hebel ah aan wax lo dhiibin ama uusan maamulin miyaa?war xishooda duf ku baxa marka nin idinka mid ah uu wax qaribana waad taageertaan somalida sax da ee daacadda ahana waad ka daba qaylisaan REER MA SHIIXE ayaan idiin bixiyay
kkkkkkkkkkkkkk kooxdan waa koox caalamka la socdo ee ah Al-Qacida marka sheekadu waa xirantahey Kamal Guutale waa nin naagaha Roma ku gadi jirey oo ahaa Rufiyan ama qaniis ah
ka warrama haddii 4.5 kana aan shaxdiisa laga leexan Dam Jadiid miiranna dowladda laga dhigo? Adigu Dam Qadiim kale oo u dhigma miyaad heysataa?
Qabiilbaad rabtey waana laguu magacaabey nin aad isku qabiil tihiin,laakiin nin ay isku xisbi yihiin oo ku mabda, ah ayuu soo magacowdey ee maxaad ka leedahey?
Xagga fikirka siyaasadda Somalidu weli aad buu u danbeeyaa.
Nin aniga igu aabbe iyo hooyo ah oo federalism aamminsan waxaan kasoo dhaweysanayaa nin Lowyacaddo kasoo jeeda oon aamminsaneyn.
Qabiil kastana dad aan arrintaas iskaga fikir nahey waa laga helayaa!
Sidaas ayaana qabyaaleystayaashii dalka middida afka leh u heystey looga adkaadey. Alxamdulillaah.
Laakiin waan ogahey iney caqabaad badan jiraan oo dagaal gelin danbe yahey!kk
Yaab …madaxwaeynaha waxaa doortay golah barlamaanka ….dalkuna waxa uu u baahan yahay villa somaaliya iyo meelkastab dad siman oo sooaamliya maah hayb maqaaxiyo iyo mawlacyo ku sheekaysan jiray iana ummadan afduubaan waxa loo baahn yahay dad hagi kara dalkan ..ngo angu waa oganahy waxay dalka gaarsiiyeen ,..
yaan runta laga fogaan in wax socdaan baa larabaa haysugu keen xirina marada oo yaynaan iskab dabaka wreegin..dalka wax bad baadin kara ayaa loo baahan ayhay itjaah siyaasadeedna leh .
fashil ayaa noo muuqda xun dawlad kumeelgaara waxaa lag baxayaa marka waxa loo gudbay lagu hasshiiyo.
Raxanreeb waxaa lagu tilmaami karaa Unprofessional tabloid. Fiiri commentga ay fasaxeen ee lagu aflagaadeeyay Kamaal. Sheekadu waa dagaal qaawan oo qorsheysan. Ma waxaad u oyneysaan in Abdiweli term uu ahaa mid loo ooyo. Waaan idin barannay.
walaahi waa wax laga naxo hadii ay sadashaas ay run noqoto maxaa yelay inta badan raxanreeb hadalkeeda waa run hadi aysan wada run noqon 80% waa run marka wax yaala mala ee somaali ha tshato magan qaabka daran waxaa modaa in u rumoobi doono oo dhiig cusub dadan doono ilaah run kama dhigo.
marka hore waa salaanatihiin marxiga waxaan rabaa inaan RAXANREEB USHEEGA anshaxa saxaafada ,waa laga fiican yahay inaad iska soo qorotaan waxii jeebkiina aad ka heshaan oo aad bulshada ku wareerisaan waa ceeb in qabiil walbo websayd samaysyo hadan waxa uu rabo soo qorto aniga waa iga talo isku holcinta UMADDA soomaaliyeed meeshii larabay inaad wanaaga ka shaqaysaan mid aduunya iyo mid qaariba waa laydiin waydinaa nikii bulshada fidno daba dhigo.marwalbo waxaad leedihii sida uu noo sheegay salkaal aan magaciisa diiday in lashego BEENTA iska dhaafa ee u soo noqda anshaxa saxaafad wabilaahi towfiiq.
SCW Raxanreebey waxaad kalood ilowdeen ilaa 69 xildhibaan in ay Dam Jidiid ahaayeen oo markii Madaxweyne Garguurte ladoortay kadibna ay 117 xildhibaan gaareen. Marka nimankaani boowe waa naqabsadeene maxaan kayeelnaa. Ma Isu dhiibnaa oo boos maka heleynaa Dam Jadiid waayaabe.
waxaan idin sheegayaa wixii qalooc ku bilaamba waxa uu ku dhamaadaa jabid sidaa awgeed xasan waxaa laga filaayey in uu badbaadiyo somalia isagana uu samaysto taariikh laga shekeeyo lakiin waa gafey soalina waa ku ciyaarey credit kiisiina waa wasakheeyey
ilaahppw somali u sahal
u duceeyanin qaadka ka baayacmushtara ayaa raiisu wasaare u noqday
Waxan aad uga xumahan in RAXANREEB.COM oo ahayd shabakad wararkeda la jecelyahay ay maanta waxan oo kale ay qorto, war aan sal iyo raad laheen oo wax daliil ah la sheegin, war illahay kabaqa oo dowlada iyo shacabkeda ha iska horkeenina, maka fikirteen waxa yar eed qoreysan dhibka weyn ee uu geysan dono. Waxa iga talo ah in warkan dhaawacayo maskaxda umada somaliyeed oo sal iyo raad iyo meel aad cayinteen ood kasoo xigateen jirin, in laga saaro. Waa hadaad na xushmeynaysaan, waa hadaad somalia wanageda rabtaan. Asc
I believe the President is not obliged to adhere to party politics once he becomes the leader of the whole nation. If he tries to favour somebody at the expense of others because he belonged to his party, then he is doomed and looses the respect and the trust of the people. I do no think that any body with iota of political vision would attempt to take such step. Let us wait and see.
Dam Jadiid waa xisbi leh aragti siyaasadeed. Fikradda ay leeyihiin iyo isku dheelli tirka qeybta qabiilku waa kala labo ee yeysan iskaga kiin qaldamin dersina ka barta oo hadda keddib heyb dadka haka iibinninee fikrad ka iibiya. Heybtii waad u jeeddaan 4-0 ayaa lagu diraye!
Ma ahan markaan kaliya inta goor oo heybta fikraddu ka adkaatey.
Waagii Carta C/Qaasim ururka Islaax ayaa soo saarey.
Sh.Shariif Aala Sheekh Group ayaa gadaal ka taagnaa.
Shabaabkuna iney milleteri ahaan qabaa,ilkii 4-0 direen soo ma aydnaan arkin?
Xagga qabaa,ilka qabiilka la yiraahdo qabiil la xariiftami kara soomaalida kuma jiro. Oo qabiil kasta iyagaa 2-0 diraya. Laakiin waxaa iyagana dhib ku ah wadaaddadooda ayaa Salafiya Wahaabiya u badan.
Wahaabiyaduna siyaasadda waxey ku yihiin sida liintu caanaha ku tahey. kkkk
Soomaalida iyo caalamul islaamina maanta xilligii wadaaddada ayaa lagu jiraa. Laakiin wadaaddadii ayaa u kala baxey saddex group
1.Qolo qunyar socod ah oo adduunka la jaan qaadi karta
2. Qolo Salafiyo la yiraahdo oon siyaasaddana faraha kala bixin sida Suufiyada iyo Tabliiqa, haddana aan waxba kala socone kharribaya uun. Waa goob dumis iyagu.
3. Group saddexaad oo Salafiyada kasii farcamey oo seef la bood ah oo ah kooxahaan dad dilkaa oo qof kastaa ka dheregsanyahey maanta waxey yihiin.
Marka anigaa idiin qishaya bahashee qabiil qallalan oo kaligiis meel taagan siyaasadda wax ka keeni maayee raggii PHD ga heystoow qabiilka kasoo dhex baxee wadaaddada qunyar socodkaa u xereysta iyagaa hadda calankoodu taaganyahe!kkk
kkk ader waxaan idiinsheegayah horta ninkaan asagaa isisoo afjarayah yaan la mucaaradin ayaan dhihi la haa anigu waayo intaas la sheegay haduu labo ka keenoh asagaa is dhibaateeyaya marka hala yaabinina waxaanah uqabanay naah halsano dhibtii asagaa jeebkiisa kuwatoh mar dhownah waad arki doontaah asaga iyo caalamka oo is hayah iyo madax tooyada oo cidlaah marka bal aan dhowrno
Gaashaan
ka leexo raxenreeb…………..warku haduu ku dhaawacey cusbo cun………….
Dowladaan mid dhici doonto ayey u egtahey
kkkkk yaab ma raxanreeb baa waalan mise cadan baa laga heesaayaa.
Dowlada tan dee Ree cadaado baa hor boodaya, Sidaas bay ii la muuqataa..
Somaliland iyo Somalia aya loo hadlii doona, wahas ayan umaqlay innan qof , Somaliland ah
innan ka muuqan. hukuumada dow ow lo samanayo . somalia. hadii ay la yimadan Somaliland
dad u dashay , sidii marki hooraaba loo diiday , aya luugu kala tagii sidii reer Puntland..
Somaliland aadd baay shekaadan uguu farxii doonta .!!!
KKKKKKKKKKK
Dhiig cusub ayaanu daadintiisa diyaar unahay ayay lasoo shir tageen. Shaashar labadasho horaan ugu soo daalnay waa koox u ooman oo siyaasad qabyaaleed wax ku doonaya. Waxaan ka soo gudubnay 5 sano oo dagaal kooxo diimeed. Hadaa waxa noo bilowday 5 sano dagaal qabiil oo shaar dawladeed qaba. Walee sidaas ayaan ku jiraynaa hadaan xaqiiqda loo fakarin aan laga gudbin xasidimada iyo iska dhici. Viva Puntland and Somalia
Maxaa innaga khuseeya ciduu jagada u dhiibanayo, waxa la’eegayo waa habka uu ku soo magacaabo xilalka muhiimka ah isaga oo ku qiimeynaya awoodaha somalia sida wixii lagu heshiiyee ee 4.5,, haduu ka wareegana, ma’ahan kii caqli xumada hawiye ugu horeeyey (xasuusta caydiid, kkkk, iyo meesha uu hawiye dhigey) adiguna kama duwanaaneysid hadaad hab dhaqankiisa la’imaato,.
Calaa iyo kulli xaal qoslaaye haloo sheego soomaali maanta waa sida western ka oo kale, anaga ayaana ka dhigney hadeynu nahay soomaalida diyaasbarada, bal ha’ufiirsado hadalkaa, waxeynu leenahay inta aat xilka heyndooonto waa afar sano, kabacdina waat sii wadi doontaa ama sida sharif baat oran doontaa haduu xil wax tarayo aniguu wax i tari lahaa, kkkk,
Qoslaaye haloo sheego wakhti waa seef inta uusan adiga ku goyn adigu goooy, afar sano orod buu kugu dhaafi ee wax iskula har, dig iyo dam jadiid leey ama dhooola cadeey awoooda 20 ruux kursi kugula fadhida soomaali baa ka weyn, dadku iyagaa shaqeysta dhiig cusub iyo cadaawad cusub hanagu bilaabin allahaa haduu alla yahay, hadaadse arintaa ku dhaqaaqdo, WEYNU KULA DAGAALEYNAA, WAANA ISKA KAA DHICINEYNAA, wabillaahi toowfiiq,.
xasan qoslaye dadki shaacab ayuu kadhigay raganimo dheh. marna ma aalasheekhba marna ma daamjadiid ba somali urur bay udhaxaysa malinkasta ninba magackusoodhumanaya yaala amini doona xoga awoda inlaqaybiyo oo koxlaguobin way wacantahay siduuwadankuyahay hada inkastoo dadka iskufikirka ah haday islashaqeyan ay yaraanayso isqabqabsi .ilaahy wiixiishara hana motiyo
ASC, kkkk, lol, @ Wadaad yare, aniga waxaan wasiirka warfaafinta rabi lahaa in uu wadaad yare noqdo. Ninyahow, maad wadanka tagtid oo aad caqliga aad meeshaan maalin walba kusoo bandhigtid wadanka iyo dadka uga faa’iideeysid.
Mowduucan aniga waxaan ku darsanaa, in dadka Somaliyeed eey iska dhaafaan mucaarad iyo wax ka sheeg sheega dowlad kasta iyo qof kasta oo mas’uul ah. Taas badalkeeda, qof kasta wadaninimadiisa asaga oo muujinaya dalka, dadka iyo diinta wax uun wanaagsan hakusoo kordhiyo. Qofkii aan waxba kusoo kordhin, dee, xaq uu wax ku mucaarado malahan, ee dadka raba in eey wax uun dadka u qabtaaan oo Somali qaranimadeeda soo celiyaan halaga dhaafo arbushka. War qof qabiilkaada ah hadii uu wasiir, amaba madaxweeyne, amaba prime minister noqdo dadkiinaan meesha ka qeeylinayo maxaad adinka ka faa’iideeysiin? Waa waxba, ee dadyahow dantiina garta oo shaqeeysta , shacabkana shaqooyin u abuura dhinaca private ka, iyo howlo badan ayaa jiree, ileeyn population soomaliyeed oo dhan suurtagal maahan in eey kuli shaqaalo dowlad noqdaanee.
Imisaan lahaa war kan foororaa waxba soo kordhin maayee armaa shariifkii bili u caana shubataa,qaar baa waxay ku doodayaan xisbi baa talada qabsaday ee maxaa ku jaban hadii wasiirada laga keeno,waryaa xisbi wax u doortay ?,ninbaa baa baarlamaanku u ilduufay oo moodey inuu wadanka dhibta ka saarayo,wuxuuse noqday la mood noqonse waa,so sad,poor somalis
Aniga waan yaabay!!! daamjadiid??? waligay ma maqal, oo hadana already awood somalia ku leh? hadana waxaaba la leeyahay dhawaanbaa la’aas aasay!!! yaab iyo amakaag. WAR ARMUU FAROOLE SAXNAA MARKU LAHAA’ KHALAD BAA JIRA’ LA IGALAMA TASHAN!!!, WAR BAL DADWAYNOW WAX KA DHAHA? KONFUR MAALIN SHAATI CUSUB OO DIINEED IYO TALA BUR BUR…
dad is fahmayo oo wax qabanayo hadeey yihiin qabaa ilo kala duwana eey ka soo jeedaan maxaa diidaya in loo dhiibo xilal weey wanaagsantahay hal xisbi inuu dalka maa mulo waa yoo wadankuba xisbiyo ayuu yeelan doonaa
kkkkk raxanreeb waa ka baxsateeen saas ayaan idinku ogahaya kii sheeko soo wado fashila ninkaan iska qos qoslaayo micidaa dheeerka leh uma bagin waa nin jilicsan kanoo kale simad ayuu ku fiicanyahaya in uu iska joogo maaxa siyaasada keenay maba kaasayee , xasan mici dheer neefle waa ku dhamaatay waan ka qaadeenaa xilka waana lagu kala cunaa al shabab iyo xisbul islam ayaa laguu geeyna haku jar jaraanee maalin cad
waa sax inay qabsadaan xilalka maadama ay yihiin Xizbiga ku guulaystay doorashada wixii fashil ahna eeddeeda qaadan doonaan Obama markuu qabtay talada maraykanka dhammaan wuxuu layimid dadkiilashaqayn lahaa.
SIDA AY WAX U JIRAAN
Raxanreeb waxay leedahay saaxiibo wax kusoo qora oo isugu jira kuwo xun xun iyo kuwo wanwanaagsanba. Kuwa xun xun ee cunsuriyiinta ah ayaa Xiriirka ay la leeyihiin Raxanreeb awgeed oga faaideysta inay u adeegsadaan qabyaalad, Nabiib, isku dir, iyo dhinacyo khaldan.
Kan qoraalkaan soo qoray waa mid kamid ah kuwa xunxun ee Raxanreeb Dhaqanwanaageeda aawadeed oga faaiideysanaya gudbinta cudurradiisa. Anigu waxaan qabaa Waxaa soo qoray mid reer Garowe ah oo cuqdadi dishay tabar kalena waayay oo ku rafanaya nafisna ka raadinaya hebelbaa la magacaabayaa iyo heblaa la magacaabayaa asagoo ku hadlaya magaca sharafta leh ee Raxanreeb Ileen waji maleh oo ciduna dhageysan mayso haduusan Raxanreeb isku qarine. Kaligiis ma ahan waxa maseyrku halmaansiiyay inuu tixgeliyo bulshada soomaaliyeed oo beenta ka daayo ee waxaa sidoo kale la qaba cudurka MASEYRKA SSDF oo idil.
Hadaba waxaan lasocodsiinayaa dadwaynaha Soomaaliyeed inaysan ku sirmin qoraallada noocaan ah ee ka imaanaya dadka MASYRSAN oo ay ogaadaan in aysan Raxanreeb shuqul ku laheyn. Sidoo kale waxaan ku wargalinayaa Maamulayaasha Raxareeb inay kala saaraan saaxiibtinimada iyo ganacsiga ayna ogaadaan in shaqadoodu u burburi karto ficil ka yimid mid reer Garoowe ah oo Maseyrsan. Labo jeer oo webkiinna Qoraal been ah laga akhristo ayaa ku filan in la idinka aamin baxo halkaasna uu ku baabao CREDIT-kii aad sanooyinka badan soo dhisayseen kana gaarteen meel wanaagsan.
Hadaba waxaan kusoo afjarayaa, Raxanreeb ha ilaashato sumcadeeda oo beenta ha ka dhowrto webkeeda iyo xadgudubka hadii kale waxay noqonaysaa web laga haajiray sida kuwa Garoowe iyo Qardho mana jiri doonto cid war sugan usoo raadsan doonta.
tuugadaan iska qabta
http://codkawaamo.com/2012/10/xasan-sheekh-iyo-mwai-kibaki-oo-kampala-ku-kulmaya-berito-faahfaahin/
In my opinion, what rbc is writing about is what everyone susbects will happen, and it is for the president and the priminister to prove rbc wrong. We should also understand the role of the media which is to keep these individuals in line. After all, no one forced them to seek the office. One issue I would like rbc to take on is the serious concern I have with madam Asha Haji Elmi, a HAG member and the enormous influence she could have on our priminister’s decisions.
Reexamarkaa waxay yiraahdaan indhahaagoo raagay geeldhalay waa kutusaa damujadiid(dhiig cusu)wadamul akhfaa ) baa ku hoos jira nimamkaa sisahlah ayay xukunka kuheleen waxaan.hn umalaynayaa waxaan lasheegayo haday waxkajiraan soomaali waa looyaabaa difoosayaalbaan ka ahaanaynaa waxaanse ubaqsanahay raisulwasaarahaan dhiilkaan lagukeenay haduu yeelo soomaalimaaha xukunjacaylbaa hayay raisulwasaaran waa laguu magacaabay reekoonfureed alaa umaqan waxaygaleen baalagagooynayaa ilaahoo toobo
Cadaado
Waad ku mahdsantahey. Jagada wasiirnimadu igu soo orod ma ahanoo miino Shabaab iyo 4.5 ayaa caqabo weyn ah.kkkk
Waddankana fursadaha yaalla oo qofku uu wax ku faa,iideyn karo isna ku faa,iidi kara way ka badanyihiin jago dowlad laga qabto. Laakiin dadkeennaa jagooyinka lagu imtixaaney!
Tan kalena doonta gubaneysa ayaa dad badan is leeyihiin ka qeyb qaado daminteeda. Qaarbaana laga yaabaa iney baaldi baasiin ah ku shubaan iyagoo damiya is leh. Laakiin iyaga sidaas ayaaba dadaal ka ah. Waa tan Mujaahidiinta Al Shabaab oo kalee.
Raxanreeb Saaid faarax-garaad mahan nin wax loo meeriyo , aaway xisbigiisii RAJO waxaa ila quman inaa afkiina ku hadashaan
Qofwalba meelbaa laga hayaa anigia maanta waxaan qaatay cashar cusub Damul- Jadiid urur ladhaho waligeey ma maqal , Soomaali ilaaheeybeey lee dahay masaanaa
Noo danbeysay , sida lasheegayo hadeey run tahay President Xasan xisbigiisa lama doorane dhiiga cusub lama doorane Isagaa la doortee Maxaa qaldan Ilaahoow umadaan badbaadi
Dhibaa tadaan wax kasaarana sii, Viva Puntland & Soomaalia
@ Omar,
Stop smearing madam Asha Hagi Elmi name, the wife of our new prime minister Abdi Farah Shirdon and she is prominent member of Somali parliament and someone who has done a lot for the women and the vulnerable victims in Somalia. You can go sue us in the court of your Mahiga, whose lap dog you are, pathetic douche bag. Bye the way, if you keep talking about the prime minister’s wife, we will start putting out the dirty laundry of spoiler Farole’s wife who is Isaaq, and former prime minister Gaas’s wife Hodan Isse, beware the warning.
To Omar
The only problem that you all SSDFs have is that you don’t have a confidence in yourselves. According to your (SSDF’s) View, Each and every Somali is threat to you and that All other Somalis want to enslave you (SSDF). I don’t know the cause and why you formed this speculation, but I do know you held this theory for quite some time. There was opposition group called Kulmis in 1950s which was the parent of SSDF and held the very same idea.
So, you Omar are not different from your father or grand father. Like father like son. That is why you see Madam Aisha Haji Elmi as a danger and that is why you all SSDFs felt threateded whenever you see MRs like former Prime Minster Muxammed Farmaajo and the new PM Saacid Faarax Garaad. And unfortunately, what intensifies your fear is that PM Saacid closely related to former President of Somalia, Jaalle Muxammed Siyaad Barre.
damjadiid wax laguma qeysane 4.5 ayaa wax lagu qeysadey hadii arintaasi dhaboowdo waaba hadii ay dhaboowdo midhaa xamar unbey ka shaqeyneysaa oo waa hey’ad samafal oo daamijadiid layiraahdo dadkaa barakacay unbey wax siindoontaa bacdamaa madaxweynuhu ahaa samafalayasha ku soo baxay dagaalada sokeeye sidaas bey aniga ila tahay waa hadii ay dhaboowdo hadiise ay dhaboowi weydo waa madaxweyne umada soomaliyeed oo dowladiisu gaadho gobolada dalka oo dhan bal waa eegnaa uureysataye waxay dhali yenaan deg degin.
Qofka caqli leh ee og halkay somalia marayso iyo cadawgeedu siduu rabo.runtiu unuu ku xisaabtamayo bal inay somalia horta cagaheeda isku taagto
Mida kale wax qabad aan wax ku qiimayno.maxaa ku jaban dad isky xisbi ah kala qolana ahi hadday wada shaqeeyaan? Taasaaba dhib yare.
Hooy si qoto dheer u xisaabtama
ASC,
Yonis, Wadaad Yare & Yaxye ma la yaabteen dadkaan meeshaan wax ku qora, sow ma aha dad jiran, waxay u baahanyihiin in laga daaweeyo cudurka ”xumaan jecel”. Ma uurku baalla dawlad aan dhalan ayay wax qabadkeeda & xumaanteeda ka faallaynayaan. Waxaa cad ineysan kuwaani Diin, Dad & Dal midna hiil u ahayn rajana laga qabin. maqaalku waa diradiraale dadka kala fogeyna, waxaad ku garankarta, dadka uu tixay kuwana qabaa’ilkooda ayuu sheegay kuwana intuu faaniyo ayuusan qabiil ku sheegin, taa waxaa loo qaadan kara inay isku reer yihiin. WBL-towfiiq
Anigu horaan Candhuuf tayda u laqay Markaan arkay Dad ka ku wareegsan Xasan Qoslaaye oo soomaali halkaa dhigay Soomaali ilaah bey leedahay Nirig Xaaraan ah Ma dhasho Hal Xalaala ah Nin ku soo jiray Labaatan Sano dhac iyo barakicin in uu horumar keeno.
Dawladda Qoslaaye waxaan u daayey Dhurwaayo is bahaystay.
amakaag badanaa somaaliya waa layaab leh oo hadba yaah…………war eng.sakiinow farsamooyinkaa la soo bax, war farooloow lugta midig qabo, war shiikh shariifooooooow maanta waa maalitii baarlamaanka aad ka aarsan lahayd. war shabaaboooow xeeladiinii, tan u dhamaatay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Haddii Damul-jadiid intaa la siiyay, Kooxda Shayaadiinul-axmar iyagana imisaa la siinayaa? Soomaaliyadaas ayaa wax laga sugayaa!!! War nin walboow tasho meeshaas Muqdisho waxba kaagama soo socdaan….
damuu jadiid dammu jadiid aa saanaa waligeey ma arki waxaaneeyto carabigaaneeyto laakiin waxaa laga wadaayaan u maleehaa dowlada unka lee waaye idinka iska baxa wax ma heleesiine .
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
SOOMALIYA FIRQOOYINKII AYAA KU BATEY DAMUL JADIID WAA WAX NAGU CUSUB MEESHA WAXEY NOQOTEY XISBIGA DHIIGA CUSUB INAY IYAGA AY QAATAAN DAWLADA SOOMALIYA WAX A EY ISBADASHAY MALAH WAAN FIIRIN DOONAA MEESHA DAMUL JIDIID SOOMALIYA GEEYAAN
Allow alle ma san ba dawlad lagu hogaamiya madaxweynaha ,ra.isalwasaraha .iyo kooxda damjadiid oo dhan ma matali karan ummada somaliyed.
Akhyaarta Salaan diirran.
Haddii xog lasoo bandhigey ee aan daliil loo keenin waa daw in laga cawdaa, dabadeedna ciddii wax laga tabanayey ay cudurdaardaar ama daliil kale la timaadaa. Laakiin in saxaafaddu isha ku hayso wax socda oo ay dadweynaha la socodsiiso waa waajib qaran. Dadka qaar ee aqoontooda iyo fekerkooda aysan beel dhaafsiisnayn inay ku asqoobi oo ay ku jaha wareerayaana waa mid aan sinna looga weecin karin. Aan samirka badino.
damul jadiida
yaa rabi alaa inoo maqan somali malin ba firqaa imaan hadii tasi dhacdo somali siad ay manta tahaysi ka daran bay noqon dad badanian waa dhiman dhiig badana wa quban ee an bal yar sugno waqti kooban
somalia,waxay uga hartay qayrkeed waa mucarad aan loo meel dayin oo qofkii laba bari buug aqriyaba rabo inuu faalo kabixiyo waxuusan arag aqoon ulahayn saadaliyana dhacdo aan dhicin waliba dhinaca xun usaadaliyo,xili baa jiri donta dadkaas qaswadayaasja ah la maxkamadayn doono….damul jadiid waa urur weyne kajira somalia ilaa hadana wng maaahne qof somala ah xumantoda ma arg iska hadlana warkiisa laguma jiro,,,,,,,,,,qolyaha saxafada sida xun u adeegsadana wxn leeyahay ilaahyna ka xishoodo dhiiga cusub eed kuwaalateena meel iska dhiga shacabkana ha jahwareerina dawladu madaxweyne ayay ledahay baarlmana kadanbeeyo waxii si dastuuriya loo ansixiya gudbaya cidii calafkuyeelatana way kamid noqon wasaaradahs,, dhiiga cusubna dhilka dhiga oo camalkae raadsada yaan lisku mashquulin
Soomaali aqoontaa ku yar, ka billow kuwa website-kan iska leh. War yaa yiri miisaanka beelaha ayaa laga tagayaa. Kaliya waxaa la yiri nimankan isku aragtida ah, balse ka kala socda beelaha kala duwan, ayaa wax isla dhisanaya.
Tan kale qoraalku wuxuu sheegaya un in 4 wasiir ay qaadanayaan. Walaalayaalow maxaa ku jaban haddiiba ay jirto in madaxweynaha saaxiibadiis ay qaataan 4 wasiir oo ka mid ah 18ka wasiir. Mise waxaa sax ah inuusan saaxiibadiis waxba siinin?!!
Laa xowla walaa Quwata Ilaa bilaahi al calliyi al caziim, warkaan hadii uu run yahay, Xassan wax uu dhaamaayo maleh Sheriif, maxaa yeelay waa CEEB IYO MEELKADHAC madaxweynaha wadanku inuu salka ku hayo koox diimeed, Yaa rabbi kii laga boxo ba mid kale ayaa irida looga galayaa,,,,,,,,,,,,,,,SHAME. awal ayaa la waalna markii 4.5 madaxweyne lagu soo doorta oo meel uu umadda kaga yimi aan la aqoon, yalla Damijadiid iyo qadiim midna somali u ma baahna ee waxay rabaan dowlad wada fahmi karta shacabka qaybihiisa kala duwan oo dhan.
Annagu waxaan naqaannay Islaam iyo Muslim, haseyeeshee kolkii kooxo “Islaami” sheeganayaa ay dalalkii Muslimka ka keceen baa dib-u-dhac noogu horraysay. Kuwo kastaa inta cimaamad xunoo dhibco badan iyo dhar Carbeed kuu soo xirtaan oo magacyo “AL, AALA iyo AHLU” ka bilowda la bexeen bay kooxaysi qabyaalad ka liita nagu rogeen.
Al Islaax, Aala Shiikh, Al Shabaab, Al Ictisaam iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca xaggee naga soo galeen Soomaali 100% Muslim ah oo baa na loo yaqaannay oo koox hebla aysan tusbaxa iyo ubbada weesada u sidine?
Bal hadda eega kan madaxweynaha loo doortay; Soomaalidu nin ayey dooratay ee xisbi ma dooran, xaqna uma lahan in iyadoo aqoon yahanno jaamiciyiin ah oo xeerarka caalamiga ah iyo kan Islaamkaba yaqaan meel walba laga heli karo, uu Islaax iyo Ikhwaan dharka Nairobi ku xaraashi jiray, waxbarashana ay dugsi dhexe ugu dambaysay uu midna wasiir nooga dhigo, midna madaxa wasiirrada.
Waxaa hungo iyo ayaandarro ah in aynaan garan haddii aynu Soomaali nahay in kooxaha diintu kuwa qabyaaladda isku bahaysta ka daran yihiin, dadka inta garaadka lihina waa hore ogaadeen oo ka fogaadeen wax u dhiibashadooda, kuwii wax u dhiibtayna ay ku hoogeen oo kolkii ay maxastii mardadabaannimo ku rogeen iyagii isu soo jeestay oo shiico iyo sunni, islaax iyo wahaabiyiin, takfiir iyo timoweyn ay geesaha isu haystaan.
Horumar iyo dimuqraadiyad gaari aynu mayno inta kooxahaani nagu gulfayaan, marka hore iyaga aynu iska qabanno, waayo seeska qabyaaladda, sadbursiga iyo dagaalladu ka soo unkamaan waa kooxaha diinta.
KKK WALEE WAAN FILIYEY INAY ARINTAAS IMAN LAAKIN ILAAHAY BAAN LEENAHAY
@Wadaad Yare,
Jaalle waa ay fiican tahay aragtidaada ah in laga gudbo qabiil oo xisbi wax lagu dhisto, waana waxa inteenna garaadka lihi rabto. Haseyeeshee, doorashadii dhoweyd ee madaxweynahaan lagu doortay ma ahayn mid xisbiyeed ee waxay ahayd niman “Yaa Reer Hebel” aheey lagu soo uruurshay doorasho ay madaxweyne ku soo doorteen.
Iyadoo taasi jirto, kama xumi oo Soomaaliyi waa u dhammayd doorashada, madaxweynahana, sida ay iila muuqatay, waxaa lagu doortay si dhexdhexaadnimo iyo isbeddel-doon ku jiro, waxaana gallad Eebbe oo looga mahadceliyo ah in isbeddel dhacay oo madaxweyne aan dadkii horey denbiyada loogu tuhmayey aan ahayn la doortay.
Maxaweynuhu jinnigii uu doono ha ka raacsanaado—dhanka caqiidada diineed—maadaama uu yahay nin Soomaali ah oo dhalad ah, Muslimna ah, balse waxaa xun in uu kala garan waayo in xisbi ahaan loo doortay iyo in nin ahaan loo doortay.
Haddii xisbi ahaan loo doortay, xisbigiisa ayaa la doortay, isaguna waa ninkii xisbiga madaxa u ahaa oo si darwadan (automatically) ayuu madaxweyne ugu soo baxayaa (haddii uu kolkii hore xeerka xisbigiisu sidaas dhigayey), waxa uuna wasiirrada iyo madaxooda u magacaabayaa xubnaha xisbigiisa ka tirsan, waloow uu weli ku sandullaysan yahay in uu dad haaneedka (standards) dawladnimo leh oo xisbiga ka dhex xusho.
Haddii, se, loo soo doortay qof ahaan (sida haddaba dhacday), ee aan xisbigiisa la dooran, xaq uma lahan in uu taladii dalka koox magac Carbeed wadata uu gacanta u wada geliyo. Ugu yaraan waxa ay ahayd in uu Madaxa Wasiirrada u dhiibo nin aan kooxahaan diintii Islaamka isi siiyey ahayn, qabiilkii uu doonaba ha ka soo jeedee. Ilama ahan in beesha uu hadda ka doortay Madaxa Wasiirrada laga waayey nin aqoon yahan ah, hoggaaminna leh, oo aan Islaax iyo Diin-ku-qaraabtayaasha kale ahayn.
Tan dadku ka xumaadeen waxa weeye in kooxihii diin-ku-qaraabtayaashu mid ka daran tii qabiil-ku-qaraabtayaasha ay la yimaadeen. Soomaaliya meel Ahlu Suufi, Aala Sacuud iyo Dammul Axmar loo kala saaro ma ahane waa meel dad isku diin ah oo aqoon la’aani iska horkeentay ay degaan. Dadkaas kuwooda aqoonta iyo garaadka leh baa heshiisiin kara ee niman timirta Gacanka iyo tan Siinaay soo qaatay oo “La jiifshaana bannaan” wax ku wadaa meel gayn mayaan.
Eebboow marinka toosan nagu duw.
Awalba mucaarad ayaad noqon laheydeen ama Raisalwasaare qaata ama ha qaadanina ee calaacalka iska daayee waxaad heysiin soo daaya. Kan leh H/g ayaa laba wasiir la siinayaa taasi ineysin dhiceynin waad ogtahay. Tan kale haddii aanba wax wasiir ama jago kale la siin waan soo dhoweyneynaa dowladdaan ay taladeeda hayaan rag mutacalimiin, muwaadiniin ah. Waxaa kale ee kan rabnaa dowladda iney dadka xoriyadda ka qaadin qof walba uu shaqeysan karo oo nolol maalmeedkiisa soo saaran karo. raisalwassare xor ayaa u tahay ee adigoon cadaaladda ka fogaaneyn ciddii aad ku kalsoon tahay u dhiibo jagoojinka dawladda.
tuugo is biirsatay kuwii hore waba kuwa ka daran ,tan waxay horseedeysaa bur bur hor leh iyo meeshs somaali joogto meel ka fog inay kala istaagto,dumujadiid waba mooryaan qarsonayd kkkkkkkkk baralamanka haduu ansixiyo ha ku xisaabtameen in bur burka somali soo gaara ay hormood ka noqonayaan waa umad aan wax baran jecel wadanka inuu bur burkaa isaga jiro ,aderayaal rag baa meshaa soo gaarsiiyey ee umada niyada ha ka jabina ,waan idin mahad celinayaa bahda raxanreeb oo mar walba jilaafada umada lala damacsan yahay soo badhigta tnkx. waxana xasuustaa kolkii aad soo gudbiseen markii la damacsanaa in aftida madaxweynaha ay damacsanayeen inay labada shariif ku shubtaan iyagoo u balanqaadey lacag ninkii sawir ka soo qaada warqada uu ku codeynayo inuu dortay shariif taas o fashilantay ,lakin umad ka daran ayaa timid hada alaha bad baadiyo somali. tuugo fowqal tuugo-
Mucaaradnimo aan laga daaleyn ayaa ii muuqata. Laakiin raggaan hadda sidaan u maleynayo prioritigoodu waa iney soo xasiliyaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Labada gobol ee maamulka lehna markii intaas kale laga soo jeesto ayaa la arkayaa qaabka ku habboon oo loola xaali karo. Inta ka horreysana si boos celis ah ayey dad iyaga ka dhashey usii fadhinayaan kuraastooda.
Arrintaas waa arrin kharaar dhibkeedana wadata iyo caqabadaheeda,laakiin waxey dhaantaa dad gooni u goosad ah oo ajandahaasi uga muhimsan yahey xasilinta iyo wax u qabashada Koofureed in talada loo dhiibto.
Nin gooni u goosad ah mabda,aasna ku qanacsan waa inaan talada loo dhiibin. Waa go,aanka Dam Jadiid. Waa dad wax fahmaya ee Ilaahey garabkooda ha galo.
Waxan u malayn in sidii lagu heshiiyeyba ay talnigani yahay kii ugu dambeeyey ee lagu soo doorto 4.5, dawladda ku xigta ee 2017 na ay noqon doonto mid lagu soo doorto aftida dadweynaha.
Haddaba shaqooyinka dowladdaan u yaalla, nabadaynta kaddib, waa hirgelinta iyo dhammaystirka federaalnimada. Waxa ay dawladu gacan ka gaysan maamul u samaynta gobollada aan weli dawlad-deegannada lahayn.
Intaas kaddib, dawlad-deegaannada federaalka ee dawlada sare hoos yimaada ayey u taallaa dib’udejinta iyo tirakoobka dadyowga degaannadaas ku nool, waxaa dawlad-deegaannada gacan siinaya oo ka taageeraya dhaqaalaha iyo farsamada shaqadaan ku baxaysa dawladda sare ee Muqdisho deggan.
Kolka intaas la dhamaystiro, waxa ay dawladdu hubin, tifaftirid iyo beeqaabin ku samayn tirakoobkii loo soo gudbiyey si looga saaro wixii farsamoxumo iyo ceebo kale ah ee tirakoobka ku jira.
Sidoo kale waxa ay dawladdani xeer u samaynaysaa xisbiyada u tartami doona wixii hadda ka danbeeya maamulka dalka.
Xeerka xisbiyada waxa la rabaa in lagu qeexo in uusan jirin xisbi diineed, waayo diinta dalku waxa ay ku caddahay axdiga federaalka oo waa Islaam, dalkana waxa lagu maamulin waxa ku qoran axdigaas ee lagu maamuli mayo hadba aragtida diineed ee ama laga soo minguuriyey Xassan Al Banna ama Ibnul Qayim iyo Muxammad bin Cabdulwahaab.
—
Haddaba, iyadoo madaxweynaha looga fadhiyo in uu shaqada caynkaas qabto, sidee ayey suurtogal ku noqon in dalku xisbiyo badan yeesho oo xisbiyadaas si caddaalad ah wax loogu qaybiyo kolka durba xisbi uu jeebka kala soo baxay oo la og yahay in ay shalay uga baxeen Islaax si ay u taageeraan kooxdii maxkamadaha ee raca ka mid ahi argagixisada noqday, racna uurdanbiilladii afarjeeblayaasha ee hantidii dalka dhunsaday, rac kalena ay meelahaas makarafoonno la taagan yihiin oo dadka ka dhaadhicinayaan aragtida isdabamarinta (conspiracy theory) ee loo yaqaan New World Order (Utalinta Adduunka Cusub)?
Miyeysan hadhoow kolka doorasho la gaaro Dammu Jadiidku noola imaanayn CV-yo boqollaal bog ah oo siddaan iyo sidaan ayuu xisbigayagu soo qabtay ay ku doodayaan, iyadoo aan la garanayn—wixii ay doonaan ha soo qabteene—meesha lagu doortay iyo cidda baas ee dooratay?
Teeda kale dalka nin aqoon iyo hoggaamin leh ha loo dhiibaa la isku ogaaye goormaa madaxweynuhu isbeddelay oo niman aan dugsi sareba ka soo bixin la yiri jagooyin sar-sare ha lagu aamino?
Mise waa shaqadii Sh. Shariif ee kanaa wadaad ah iyo kanaa i taageersanaa maalintii isi-soo-baxooyda?
Wadaad baaba na rogay, wadaani ceel ha kula fakatee.
Ma Durba?? Xisbi Dam Jadiid Layiraahadoh Dad Metelah Hadii ay Yimadeen Aynu Axsaabul Dam Qadiim ? ??
Kkkkwar,qayladadaayawajiyo,cusub,balobahayahay.
Kkkkk,Waa Okwarjacelkadaaya.
hogaamiyaha faarax c/ qaadir waa nin rag ah qibrad badan leh waa ninkii puntland aamusiiyay reesalwasaare adiiday bilad dahab ah ama qaali waa in aan siinaah haddii aan nahey somaliland
[...] ka mid noqonaya xukuumada cusub ee Soomaaliya ee wasiirada ayaa intooda badan waxay noqon doonaan xubno ku cusub siyaasada Soomaaliya sida ay sheegayaan [...]
Maashaa Allah, Webkan raxanreeb, waa soo helay in badfan oo ka mid ah xaqiiqda ka jirta Villa somaliya, marka su’aashu waxay tahay meeyey , halkaas bay famaajo oo muraayad isku eegay every 5 mints Diana creamna marsaanaya waxay ellyihiin waa madaxweyne, lix cod buu helay, faroole ayaa god madoow la galay, wuxuuna ka badin la’yahay inuu wiilkiisa wuxuu u sheego dhagaysto, haddana Eyl buu maanta wuxuu ka yiri xisbi siyaasadeed baan smaysanaynaa, Taxi uu ka wadi jirey Melnourne inuu ku noqdso ayaa u roon,
Barre hiiraale oo indhacade iyo yusuf graad oo london afaaro qabiil darteed shaqadiisii ku waayey ayuu wuxuu ku leeyahay ciidan kismaayo iila diro, (gacan maran ayuu gacan u hoorsanayaa), waxaa la yiri war idin meeh, waxaana la garan waayey meel lagu sheego waxayse dhaheen (war nama meeh) malaha dabaylaha ayaa hadba dhinac u wada, (fadlan eeg AminArts SSC oo rabish pin ka Xaglatoosiye ku riday,
, shalayna taageero ayaa laydinku bartey, idin rabaana ma jiro, tookadan in shariif sakiin iyo Cali khaliif galayr iyo sheekh shariif la cayriyo ayaa fursada siiyey ninkan cusub, marka iska dhamaysta afartan sano, koley waxay la mid noqonaysaa tii oo kale, la taliyaha madaxweynaha dhinaca arimaha Dr Cabdulqaasim sidiisii guri afar dariisho leh iska dhex degenoow xoogaa lacag ahna uruurso sidii ina adeerkaa shariif
[...] hordhac ah oo Raxanreeb ay heleyso ayaa sheegaya in xubnaha wasiirada cusub oo la filayo in ay noqdaan inta u dhaxeysa 18 illaa 23-wasaaradood ayna noqon doonaan wajiyo ku cusub siyaasadda dalka iyo xilalka wasaaradaha. Waxaana ragga ku [...]
[...] Warar hordhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in xubnaha wasiirada cusub oo la filayo in ay noqdaan inta u dhexaysa 18-23 wasaaradood ayna noqon doonaan wajiyo ku cusub siyaasadda dalka iyo xilalka wasaaradaha. Waxaana ragga ku jira liiska ay yihiin kala bar rag ka soo jeeda Kooxda Damu-jadiid ee xulufada madaxweynaha. [...]
[...] Xubno ku dhow xafiiska Madaxweyne Xasan ayaa noo xaqiijiyay in R/W Shirdoon oo digtoon lagu qanciyey in uu qaato talada Damujadiid. [...]
[...] (Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka) *C/kariin waa maamule ku xigeenka Jaamacadda SIMAD, wuxuuna ka mid yahay ragga tiirarka ugu waaweyn u ah kooxda Damu Jadiid kana mid ahaa golaha fulinta ee Xisbigii PDP ee Madaxweyne Xasan Sheekh gudoomiyaha ka ahaa. [AKHRI [...]
[...] Warar ku dhow xafiiska wasiirka ayaa sheegaya in wasaaradda ay qorsheyneyso inay ceyriso qaar ka mid ah saraakiisha booliska iyo nabadsugida oo wasaaradda hoos yimaada kuwaasoo lagu bedeli doono rag cusub oo loo arko inay aad ugu dhow yihiin madaxweynaha iyo kooxda Damu Jadiid. [...]
[...] Warar ku dhow xafiiska wasiirka ayaa sheegaya in wasaaradda ay qorsheyneyso inay ceyriso qaar ka mid ah saraakiisha booliska iyo nabadsugida oo wasaaradda hoos yimaada kuwaasoo lagu bedeli doono rag cusub oo loo arko inay aad ugu dhow yihiin madaxweynaha iyo kooxda Damu Jadiid. [...]
[...] Qadar oo ah saaxiibka koowaad ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo xulufadiisa Damu Jadiid ayaa horey u bixisay lacag illaa labo milyan oo doolar oo ku baxday doorashadii madaxweynaha bishii [...]
[...] la og yahay wasiir C/kariin waxaa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhimsan kooxda Damu Jadiid ee ku meegaarsan madaxweynaha, waana saaxiib ka mid ah ragga ugu dhow madaxweynaha sidaa darteed [...]
[...] kaloo maalmihii u dambeeyay saaxiibada kooxda Damu Jadiid ay wadeen inay ragga garbahooda ah ku soo guraan xafiiska madaxweynaha iyadoo la ceyriyey madixii [...]
[...] qiray in saameyn weyn ay kooxda Damu Jadiid ku leedahay dawlada federaalka ee cusub ka dib markii xubno badan oo iyaga ka mid ah ay ku biireen golaha [...]