XOG: Maxaa Ka Jira In Sirdoonka Yuhuuda Ay Ka Qeybqaateen Duulaankii Kismaayo?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Sida uu shaaciyey wargeys caan ah oo ay Yuhuudu leedahay ciidamo sirdoonka Yuhuuda ah ayaa gacan ka geystay duulaankii ciidamada Kenya ay magaalada Kismaayo kaga saareen ururka Al-Shabaab toddobaadkii hore kaasoo soo socday mudo hal sano ah oo ay ciidamada Kenya ku jireen gudaha Soomaaliya.

Wargeyskan oo lagu magacaabo Debka [http://www.debka.co.il] ayaa warbixin uu daabacay 30-ka Sebtember, 2012 wuxuu ku cadeeyay in “mahada ugu weyn ee duulaanka Kismaayo ay qaadaneyso Yuhuuda [Israaiil] oo ku caawisay ciidamada Kenya saddex dhinac oo muhim u ah kaartada dagaalka, taasoo ciidamada Kenya la’aantood aysan ka guuleysteen Al-Shabaab.

Haddaba waxaan halkan ku soo gudbineynaa qormada wargeyska ee soo baxday 30/09/2012 oo sideeda ah, kuna qoran afka Cibriga [ee Yuhuuda] iyo meelaha qaar oo Af Soomaali aanu ku tarjunay.

Cinwaanka wargeyska uu siiyey qormada ayaa ahayd;

Oo micneheedu yahay “Guusha weyn ee Kenya ka gaartay Al-Qaacidada Soomaaliya, muhimada ay lahayd Istaraatiijiyada Israa’iil“.

Faalada wargeyska ayaa ugu horeyn ka hadashay mudada sanadka ee ka soo bilaabatay Bishii Oktoobar 16-keeda sanadkii hore 2011, ee ay ciidamada Kenya la harjadayeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo bilawgii hore lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro dilal ah iyo afduubyo dad ajaaniib ah loo geystay oo gudaha Kenya laga soo fuliyey.

Wuxuu leeyahay wargeysku xitaa wadamada reer Galbeedka oo Mareykanka ugu horeeyo ma aysan fileyn in Kenyanka si fudud Al-Shabaab uga qabsan karaan magaalada Kismaayo, isagoo wargeysku dib u soo xusay fashilkii Mareykanka ka soo gaaray dagaalkii Maleeshiyaadkii Gen Caydiid ee Muqdisho ku dhexmaray ciidamada “Rangers” iyo maleeshiyaadkii SNA ee sanadkii 1993 iyo duulaankii ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ee sanadkii 2006 kuwaasoo wargeysku leeyahay dhamaantood waxay ahaayeen hawlgalo guuldareystay.

Debka Waxaa qormadiisa ka mid ahaa “….

“..Sanad ka hor khubarada dagaalka ee reer Galbeedka oo ay xitaa ku jiraa Amerikaanka, ma aysan aaminsaneyn in tirada 60,000 askari ee Kenyanka ah ay qabsan karaan qeyb weyn oo ka mid ah dal sida “Soomaaliya oo kale” ayna ka guuleysan karaan maleeshiyo sisa Al-Shabaab oo heysata 25,000 ciidan ah, Hawlgal ay ku fashilmeen ciidamada aadka loo qadariyo ee Mareykanka sanadkii 1993 iyo ciidamada Ethiopia sanadkii 2006 oo ay soo gaartay khasaare weyn…”

Gacanta muuqata ee Israa’iil

Ciidamada Kenya oo miino baaris ka sameynaya gudaha Kismaayo.

Wargeyska ayaa sheegay in mahadcelinta koowaad ee duulaanka Kismaayo ay yeelaneyso Israa’iil xitaa haddii buu yiri [wargeysku] aaney Israa’iil iyo Kenya arintaasi qirin!!!

Arintaasi markii uu ka hadlay Debka waxaa uu yiri;

Oo micnaheedu yahay “Mahada waxaa iska leh talada Israa’iil iyo joogitaanka ciidankeeda sirta iyo khubarada la-dagaalanka argagixisada ay joogaan labo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Kenya oo ay Al-Shabaab ku dhiiran weyday inay qaraxyo waaweyn ka sameeyaan..”

Kaalmada Saddex jiho

Sida wargeysku sheegayo Yuhuudu waxay hawlgalka Kismaayo ka geysatay caawimaad saddex dhinac ah oo [sida wargeysku leeyahay] Kenya u fududeysay inay magaalada Kismaayo ka saarto kooxda Al-Shabaab.

Wuxuuna wargeysku uu sharaxay saddexda jiho ee Israa’iil ka caawintay Kenya, taasoo uu u faahfaahiyey sidan;

“Inkastoo Dawladaha Nairobi iyo Jerusalem aysan hal erey xitaa ka soo qaadin ku lug lahaanshaha Israa’iil ee dagaalkan, hadana Israa’iil waxay dagaalkan militari iyo midka sirdoon ka qaadaneysaa saddex jiho oo waaweyn;

Wargeyska waxaa uu sheegayaa saddexdaasi jiho waxay yihiin;

Mida koowaad: Saraakiisha Israa’iil ayaa si toos ah ugu lug lahaa qorsheynta hawlgalada qaaciga ee ciidamada Kenya iyadoo talooyina ay siinayeen ciidamada hawlgalada gaarka ah ee Kenyanka ee ku jira safka hore ee dagaalka Al-Shabaabka Soomaaliya..

Ciidamada Kenya waxay kaloo xeelado suurtagaliyey in dhul badan lagu qabsado ka heleen sarakiisha Israa’iil oo ay barbar socotay duqeymo hab nidaamsan u socday si maleeshiyada Al-Shabaab ee Al-Qaacida daacada u ah loo jabiyo.

Mida labaad:  Israa’iil waxay ciidamada Kenya siisay hubka ku haboon dagaalka noocan ah oo ay ku jiraan calaamado, tilmaamo iyo qalabka sirdoonka.

Mida saddexaad: Cutubyo ka mid ah booliska, sirdoonka Mosad iyo ciidamo gaar ah oo ka tirsan kooxaha la dagaalanka argagixisada iyo amaanka qaranka Israa’iil ayaa kula taliyey Kenya inay ka hirtagaan weeraro argagixisanimo oo ka dhici lahaa gudaha Kenya.

Wadamada Faransiiska iyo Mareykanka, ayuu sidoo kale wargeysku sheegay in taageero dhanka badda iyo cirka ay siiyeen ciidamada Kenya tan iyo markii ay gudaha u gashay Soomaaliya sanadkii hore.

Waa markii ugu horeyay oo askarta Yuhuuda ay ka qeybqaataan hawlgalka gudaha Soomaaliya ka dhacay iyadoo horey dawlada Kenya codsi ay ugu dirsatay Israa’iil kaasoo ku wajahnaa in lagu taageero hawlgalada Soomaaliya halka wadamo Carbeedna ay weydiisatay Kenya dhaqaale walow Carabta aysan ka soo jawaabin dalabka Kenya.

Faahfaahinta wargeyskan uu soo bandhigay ayaa durba calaamad su’aal gelineysa qaabka ay u socdaan hawlgalada ciidamada Kenya iyadoo dawlada Soomaaliya illaa hadda aysan ka hadlin wararka soo shaacbaxay ee ku sabsan in Israa’iil lug ku lahayd duulaankii Kismaayo.

 

Tixraaca wargeyska; http://www.debka.co.il

 

RBC Radio

————————————————————————————-
Fiiro gaar ah: -Tarjumaada waxaa naga caawiyey; google translator

Share

10 Responses for “XOG: Maxaa Ka Jira In Sirdoonka Yuhuuda Ay Ka Qeybqaateen Duulaankii Kismaayo?”

  1. farhan says:

    maxaa ilaahay kuugu jaanjaamey kismaayo
    maku waalatay raxanreebeey
    xamar waxaa jooga oo xalane ku leh xarun ururka sirdoonka yuhuuda ee (musad)
    maxaa taa u arkiweydey oo ka qayb qaatay xamar qabashadeedii balcad iyo afgooye iyo marka
    marka wax cusub maaha waxaa ka sheekayneeyso waxaa waxaa dhameeyey xamar oo qaabishay sirdoonada aduunka oo dhan

  2. Abdi says:

    Your news used be reliable but now it’s slowly becoming a prapaganda iyo been been. Kismaayo was xoroowday, habargidirareexaan iyo alshabaaba lagssaar.. Dadkii udhashay stay igu danbeentii gacanta ugujirtaa, wax kasaari karaana jirin Keenyaanka, rag Ogaadeen la yiraahdaa udhintay.. So, rehanreeb get a news worthy news or and leave kismaayo to its people

  3. Beyle Diiriye says:

    Labo xasaasiyo ayaa Soomaali weligeed ka dhammaan doonin;

    1) Dalka yaa la qabsan doonaa

    2) Yuhuud baa mindiyo noo soofaysanaysa

  4. Beyle Diiriye says:

    Haddii Soomaaliya kaalmo u baahan tahay waxay qaabbilaysaa dhammaantood dalalka ay ka heli karto oo danta guud ayaa sidaas mudan. Israa’iil waa dalkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u codeeyey markii Qarammada Midoobay dooodda la hor keenay, dalalka Carabta ee Soomaalidu u naagayso jeer walba ayaa ahaa kuwii diiday. Soomaaliya iyo Israa’iil weligood colaad ma dhex marin oo xiriir horeba ma jirin, waxaa se jira Soomaali Carabtu maankooda doorriday oo ciddii Carabtu neceb tahay cadow u arka.

  5. Cali says:

    kkkkk. yuhuuda waxey rabaan iney sheegtaan gool eysan dhalin. qofkasta waa ogtahay cida Kismaayo shabaab kasaartay. SNA+KDF+RKB

  6. xassan Waayeel says:

    Waxaa xaqiiq inay Yuhudi kaqayb qadatay dagaalka Kismaayo weliba xamarna kama marna , lakiin waxaa shacabku kula miirmayaan aragtida ay kakala bixiyaan inta iimaanka leh way kadanqanayaan Yahuuda dalkoodii kula dagaalantay Muslimiin iyo kuwakufarxa Yahuuda imaashahooda waayo Imaanka qofka ayaa lagu kala baxayaa

  7. Asxaabey waa aayatiin xumo inaan isra,ail yuhud ugu sacabo tuno duulanka dalkeena waxan oranayaa dadka lagusoo ganbanayo oo is mooda in iyaga kismaayo loo qabanayo indhaha fura dadkiina iyo dalkiina dhinac ka raaca walee ineesan yahuud iyo kenya ururuf guushooda aan meel lagu gaari karinee plz walalaha raaskaanbooni Soomalida la hadla wax la qeebsada dad adinkaa u badan xoogiina ankee soomalida kusoo dhex bandhigta lkn cadowgan eeyahaa iska reeba shisheeye Soomaliya wax kama qaban karaan ogaada

  8. liibaan says:

    dadkii uu shaki kaga jiray inuusan jihaad ka jirin soomaliya arintaan wexey utahay cadeyn rasmi ah. awalba qofkii caqli lahaa wuu ogaa laakin qofkii doqon maanta ha ogaado. gaalada caalamka oodhan baa soo weerartay hal koox wax loo reebtay majirto dadkii ay ka dhasheena iygaaba ugu daran oo MALINKASTA KUSOO HOGAAMINAAYO GAALO, ALLAH QURAANKA WUXUU INOOGA SHEEGAY GAALO IYO MUSLIMIIN IN AY DAGAALAMAYAAN ILLA QIYAAMAHA. SUASHEEDA WEXEY TAHAY GAALADA WAAN GARANAY MUSLIMIINTA DAGAALANTA WAA KUMEE? WAA MUJAHIDIINTA ALQAACIDA DAALIBAAN ALSHABAAB BOKO XAARAAM IYO KUWA LAMIDKA AH,

  9. lee gaas somaliland says:

    ama yuhuud haqabsato ama kenyaan haqabsado sow maydaan tashan waayin waaladiin talin soomalida koon kuray kkkkkk

  10. lee gaas somaliland says:

    saw maaydaan tashan waayin ama yuhuud haqabsato ama keenyan haqabsado waa laydiin talin somalida koon furay sidaa ogaada

Leave a Reply