WAX KA DHEH: Xisbiga Faroole “HORSEED” Ma xal baa, mise waa xeel?
Garoowe (RBC) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa kaga dhawaaqay magalada Garoowe Xisbi uu Furtay kaas oo uu ugu magac daray HORSEED.
Madaxweyne Faroole sida uu uu sheegay xisbigiisa waxa ku jira inta badan madaxda sarsare ee Puntland.
Madaxweynaha mar uu ka hadlayey dadka diidan qaabka loo wado hanaanka xisbiyada badan ayaa waxa uu eed dusha uga tuuray Siyaasiyiinta kasoo horjeeda waxa uuna yiri.
“Dad aan qiimo siyaasadeed ku lahayn Puntland balse si kale u dhaqma iyo maquustayaal kale ayaa cilad u yeelay waana ka saarnay cilaadii baarlamankuna wuu ansixiyay, anagu mucaarad ma diidanin laakiin mucaaradku waa in uusan xadkiisa soo dhaafin burburka dalkana uusan ka shayqan waana ogolnahay in ay asxaab furtaan marnabana ka hortagi meyno arintaasi hadaan nahay Xukuumada Puntland”
Xisbigaan waxa uu noqomayaa kii ugu horeeyey ee u taagan in uu ka qeybgalo Doorashooyinka soo aadan.
Hadaba Sidee kuula muuqataa Xisbiga HORSEED ee uu Madaxweynuhu u Furtay? Maxuu soo kordhin karaa? Yuu ka horeynayaa, yuuse ku horeenayaa Madaxtooyada Puntland?
Wax ka dheh oo ka dhiibo Fikirkaaga ku aadan HORSEED Ma xal baa, mise waa xeel?












hanbalyo waansoo dhawaynaynaa xusbigaa iyo kuwa kuxigaba tani waxay meeshakasaaraysaa .hagbadii, iyo isku dhidhiibkii ,waxanay kadhabaynaysaa waxay shacabka puntlan usoo samrayeen 14sano.waxan kulatalinyaa mucaradku inay xisbiyo adag oonidaamkawadanka wafaqsan ku dhawaqaan iskadayaan 66odey eelagu khasaray hadiilasoo celin lahaa 66oday faroolaa helilahaa waayo isagaa lacag haysta 8gobol iyo inay cod kooda dhiib taan oo cida xukumaysa soo doortaan waa wadadaan kusoconaey mudo wana soo dhawynaynaa gaar ahaan sanaag iyo haylaand wana wadad kaliya ee nin walbaa xaqiisa kuhelayo one man one vote .viva puntland
asc\ waxaan uarkaa in aytahay xal iyo guul usoo hoyatay umada nabada jecel ee puntland waxay kaloo guul utahay cidii dhaliilsanayd dowlada ama ku doo daysay xageenii maanan helin waxaana oran karaa waa wadada kaliya ee dalka ku hormarikaro bulshadana ay kusoo xulankarto qof daacad ah aqoon leh loogana gudbikaro qabaailka waaanse leeyahay faroole intii uu balan qaaday wax kakeenyay siida dastuurkii sida shidaalkii sida xisbiyada iyo inkale oo badan sidaa awgeed waxaan waydii naynaa mucaaradka maxaa latimaadeen faraskiinii booditaanka dhee raa ma lug buu kajabay mise waa aamusay qaasatan gaagaab iyo samater aaway xisbigiinii iyo wax qabadkii aad kufaanayseen shacabka puntland qabiil uma baahna ee waxuu ubaahanyahay waxaqbad guuuuuuuuu puntlanddddd
waaa xeeel wayo maxa washa iyo wada koliyeey balayiiri soo mahan iin marka hore laa heelo kobaladii puntlanti
maxaan faroole xisbigiisa idhaadaa isagaaban aqaanaye,dee waa xisbi cagoole,ama kaboole kaad ddontid dheh…..
HAMBALYO ayaan leeyahay dadweynaha PUNTLAND. Waa guul inoo soo wada hoyatay haddii xisbigii ugu horreeyey madaweynuhu furtay!!!
maasha alaah waan soo dhaweeyneeynaa cid kasta oo furata xisbi
waayo waxaa bilaabanaya in aan loo tartamin ama lagu dooran qabiil ee lagu doorto muxuu noo qabanayaa oonaloo balan qaadayaa hadii ay ahaan lahayd waxbarasho shaqo abuurid wadooyin maalgalin ganacsi caafimaad biyo nadiifa koronto joogta ah kala dan beeyn iyo amni
markii hore lagu xaglinayey qofka tartamaya in uu noqon doono
balse waxaa hada boosasku ubanaanaadeen aqoonyahanada qabiilooyinka kale iyo cidkasta oo loo ogolaaday aqoonsiga reer puntland
marka hada waxeey taagan tahay nimoow naftaa nabiyoow umadaa
ninkii raaya ayaa reerka u haraya oo shicibku u hiiliyo oo codkoodu siiyo marka yaan labaqin ee hala soobaxo mideeda kale ninka ee leh wax mahelayo waxaad ogaataa hadii balan qaadkaadu wax jira oo dad weeynaha kagadmaya uu yahay waa lagu dooran ee soobax kartidaada muuji waliba ololaha doorashada waa in qofka tartamaya uu balan qaad kiisa ku soodaraa gobolka maqan ee ( sool) ogoow hadii lagu doorto oo lixda bilood oo ugu horeeysa aad ku soo celin weeydo gacanta bulshada reer puntlaan (sool) waxaa laguu qaadayaa mooshinoo lagaaga tuurayo madaxweeyna nimada lix bilood ku dahood waxaan ku soo dooran doonaa madaxweeyne kale
tastuurkana waa in lagu daraa laba kabadan oo ah 8 sano kabadan in uusan qofna maamulin xafiiska madaxtooyada ama white houska (sida mareeykanka) qofka u tar tamaya madaxweeynaha waa in uu noqdaa qof gobol ka ahaa barasaab
marka yaan labaqine codka shicib baa ku dooranayee xisbiyo sameeysta waa hadii aad wax isku haysaan ama qabiil dabataagnaada
masulsare
faruure waa riyoonayaa waxuu sugayaa inta garoowe xoog looga saarayo.
kkkkkkkkkk xisbi ku lahaa xisbigu adeer haynoo danbayyee puntland xageey ku danbaysay?
adeer puntland waxaa wada dhistay qabiilo walaalo ah oo wada dhashay oo dhiig iyo dhalasho wadaaga
laakiin maanta taasi majiorto waa hadii xaqiiqda la doonayo maanta puntland qabiilada qaarkood baa marti loogu noqday faroolena wax walba oo umaddu lahayd reerkiisuu ku soo koobay horta xisbigu hakuu danbayyee farooloow xagee puntland ku danbaysay adeer qof ii jawaabaan rabaa?
waxaan u hambalyaynayaa xisbiga horseed ee maanta lagaga dhawaaqay garowe,hambalyo hambalyo ayaan leeyahay, cidii damac ka hayo in ay puntland ka taliso hafurato xisbi hana timaamo goobta so dhowaada sodhowaada ayaan leeyahay,waxaan taageersanahay nabada iyo horumarka puntland cid alla oo noo hogaaminaysa allaha la garab qabto,
waad mahadsanthiin bahda raxanreeb
faroole firdhiye waa dictater nacas ah , waa riwaayad waxan uu wadaa walaahay cid ka yeelaysaana ma jirto
Waa guul iyo horumar. Qolada qowlaysatada ah ee awal ku fashilmay siyaasada bal car shacab haku kalsoonaadaan. waxay ogyihiin ogyihiin waxqabkoodii waagay meesha fadhin jireen. Waxaa iigy naxdin badnayd waagii uu Gaagaab ahaa ku xigeenka oo ciidankii burburay oo Laascaano laqaatay, Garowana agteeda layimi oo lawaayey 50 qof oo ciidan dowladeed ah. Waa kanaa ninkii waagaas dalk dhuuqayay.
asc waxay ila tahay faroole waqtigiisii waa dhamaaday ee ha iska tago cidiidoorataana waa cadawga buntaland
waa xeel iyo khiyaano qarsoon uu rabo inuu shansanoo dambe gobolka ku burburiyo
waa soo dhawaynaynaa nidaamka xisbiyada badan
wixii ka soo horjeedana waa kuwo bulshada aan hortagi karin sida: ina siciid samater. gaagaab. iyo wixii lamida
Bismillah hadi aan cabiro fikirkayga waxan u arkaa in ay tahay xelad uu faroole ku doonayo in uu ummada reer puntland ku sii caburiyo
s/c
waa wax wanaagsan in loogudbay qaab casri ah lagana tagay qaabkii horay loogu aasasay puntland.hadaba waa muhim mucaaradku ayaguna in ay furtaan xizbigooda soona bandhigaan hormar,waxaan shaki ku jirin xizbigii soo bandhiga siyaasad caafimaad qabta ayaa talada dalka qabanaya.balankeenu waa kaas,
dagaalka afka ah iyo kan gacanta waa islamid ,
waa la arkijiriya nin waalan laakiin wuxuu lahaan jiray ehel qabta ama xukuumad celisa oo waxa kudiida laakiin nin waa lan waa lagartaye ehel iyo xukuumad isku caqli ah sidhe. mida wax kadhehida waa in dagaal lagaga qaado puntland ma garooway isugu ururtay meelkae maleh miyaa run hadii larabo waa in lahelaa kacdoonkii carabta oo kale hiida kale hala aamuso
Kan wax xuma iagaa sharciga da jiya.
Ilaa wiilkiisu uu gaaro meesha faroole
Joogo kkkk maxaa kala haysta bashar
Assad iyo reer siiriya!!! Kkk dhibku waa
Dhaqaalaha dekeda boosaaso.
Aniga waxan u arkaa iney tahay ceyryaamo isku qaris sababtuna waxa weeye ninka Kan ee m/weynaha sheeganaye ee garoowe fadhiya waqtigii loo ikmadey inuu xilka hayo bil iyo bar baa ka harsan sidaa darteed wuxuu doonayaa in dadka puntland idhohooda inuu kujeediyo xisbiyo iyo wax yaalo kele oo iminka aan loo joogin’ sidaa darteed furashada urur siyaasadeedka uu furtay madaxweynaha waxaan dhihi lahaa waa xeelad ee xal ma’ahan
X H K. PUNTLAND ALAAH HANOOGA GARGAARO WAAYO WAXUUNA SOOXUSUUSIYAY.DICTITOORIYADII. NAGUREEBTAY MUGDIGA LAGADA BAALAN LAYAHAY1
faroole waxaanu fahmin kelmada xisbi ?
marka hore ururaa la furaa kuwa hanka leh ay furtaan
doorashadii deegaaankaa la abtaa waa la wada baratamaa 2 ugu sareysa ama 3 urur ee ugu sareeya
noqda 2 xisbi ama 3 da xisbi ee qaranka
laakiin hadaad ku bilodid adoon qaban dorashadii deegaanka
ururkiina aad ku bilowday xisbi
dadkii kalee aqoonyahanka ahaana aad car juq dhe tiri
it means anaa amiir
ta labaad ururku xaguu ka soo baxay ma golihi deegaanka ?
mise wa ax jeebka lagala soo baxay