Abuu Mansuur Al-Amriiki Oo Al-qaacida Ka Codsaday Iney Al-shabaab Ka Badbaadiyaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Cumar Xamaami oo u dhashay wadanka Mareykanka oo markii uu Soomaaliya Soogaaray sanadkii 2006 la baxay Abuu Mansuur Al-amriiki ayaa ururka alqaacida ugu baaqay iney ka badbaadiyaan alshabaabka Soomaaliya oo uu sheegay iney qatar ku yihiin noloshiisa, Cumar Xamaami ayaa bartiisa Internet-ka soo dhigay Fiidiyow soconaya wax ka yar hal daqiiqo, wuxuuna ku bilaabay salaan uu u diray hogaamiyaha ururka alqaacida ee xiligan.

Abuu Mansuur oo wajigiisa laga dheehan karay cabsi iyo qalqal ka muuqday xiliga uu hadlayey ayaa ku bilaabay hadalkiisa salaan uu u diray hogaamiyaha alqaacida intaa ka dib ayuu gudaha galay cabashadiisa wuxuuna tilaamay isagoo xaaladiisa uga warbixinaya alqaacida” Hadaan idiinka warbixiyo xaaladeyda gaarka ah ee igu haysata wadankan Soomaaliya waxaan weydiisanayaa adiga iyo hogaamiyaahs kale ee kula jooga inaad igu kaalmeysaa sidaan uga badbaadi lahaa Shabaab oo nafteyda qatar ku haya” ayuu ku yiri cajalkan cusubee uu barta Internet ka soo dhigay Abuu Mansuur Al Amriiki

Abuu Mansuur ayaa mar ahaa horjoogayaasha igu cad cad ee kooxda alshabaab balse waxaa xiliyadii danbe soo ifbaxay qilaafka u dhexeeya alshabaab oo u adkeysan waayey fariimaha ka dhanka ah ee uu soo diro ayaa ku sheegay hadal rasmi ah oo ay soo saareen in Abuu Mansuur Al Amriiki uusan ka mid ahayn madaxda ururkaas uuna yahay nin istustus badan oo jecel inuu ka muuqdo saxaafada caalamka.

 

 

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

11 Responses for “Abuu Mansuur Al-Amriiki Oo Al-qaacida Ka Codsaday Iney Al-shabaab Ka Badbaadiyaan”

  1. DHeere power says:

    What goes around comes around
    Omar hamaami Alshaydaan bloody terror
    You have test the Bullet and the death because
    You have killed so many Somalis innocent people
    including children,women,elders,academics, intellectuals,Businessman and zo on
    Now is your time for the bullet and don,t cry like a Baby !

  2. DHeere power says:

    What goes around comes around
    Omar hamaami Alshaydaan bloody terror
    You have to test the Bullet and the death because
    You have killed so many Somalis innocent people
    including children,women,elders,academics, intellectuals,Businessman and zo on
    Now is your time for the bullet and don,t cry like a Baby !

  3. qoono says:

    saan saan ku gud saxan saxan ku gud,cidii ay u wada shaynayaan ayuun baa kal celi
    karta ama qandaraaskii ayaa dhamaan raba,,,,,,,,,,,,,,,,,

  4. mohammed ali says:

    ASC, dhamaantiin
    waxaa is waydiin ah intay idaacadaha istaagaan ayay u yeerteen carab iyo hindi iwm, markay dantay lahaayeen kagaareen, ayay doonayaan inay dilaan. War ninkaan maskiinka ah maxaad karabtaan oo xasan daahir hoosta ugu haysataan. Kolay waa arin aan kufarxayno hadaan nahay
    yamanta carbeed iyo iyagaa iswatay awalba meeshaad rabtaan isla’aada.
    waa guul inoo soo hooyatay qowmiyada

  5. laasqoray boy says:

    kkkkkkkkkkk adeer ama afeef hore lahaw ama adkaysi danbe imisaa lagu lahaa ka joog! waan ogaa maalin uun inaad saa u calaacali doontid laakiin waligaaba iska calaacal waan ku faraxsanahay waliba in lagu gowraco ilaahay alshabaab hakugu salido ilaahaay iyaga haaysku diro oo balaayo haka dhex kiciyo balaayo cirka idnkaga soo dhacday ilaahay waxaan uga rajaynayaa kuwa dhiiga umadda muslimak ah banaaystay in ilaahay musiibo ku rido rabaaniya aamiin

  6. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin.
    Ninkaan waa xaaraami argagixiso ah, oo Somaliya u yimid in uu gabdhaha Somaliyeedna toban toban u guursado, wadankeenana qaribo. Marka waan ku farahsanahay in asaga iyo waxmagratada argagixisada alshabaab eey is dilaan. Markii horeba, qof aan caqli badan laheeyn oo sawir ah ayaa cunugaan xunka ee aan diin waxba ka aqoon u ogolaaday in uu dadka iyo dalka Somaliyeed iyo diinta islaamkaba ku ciyaaro.

  7. Ali soomali says:

    Who ever live with sword will die with sword, nobody buys what you are whining, Somaalidii aad xasuuqday nabsigeedi ayaa ku haya, gacantooda ilaahay hakugu bixiyo, shan qaaradood ayaa soo goysey si dhiigooda aad u daadisid gabdhaha soomaliyeedna ugu takarfashid, carab iyo cajami waxaad doonto waco sidaad moodka uga baxsataa waa barkumataal.

  8. B Jameeco says:

    Omar Xamami how many you killed??? Good now iz your turn now dig your grave!!!

  9. Haashimi says:

    kkkkkkkkk waa riwaayad raqiis ah oo loo jilaayo dadka lana rabo in lagu marin habaabiyo si la isu yiraahdo nimanki shabaab ahaa iyaga dhexdooda ayeey ka tafatay waxna islama hayaan si culeeysku uga yaraado! SU’AASHU SE WEXEEY TAHAY nin la rabo in la qarajiyo sidee ayaa loogu ogolaaday in uu isticmaalo aalad caalamka oo dhan uu ugu gudbin karo fariin raad reebi karta? Waxaa halkaas ka cad in arin kale jiro ee kala is jiro….

  10. Hanad says:

    Ninkaan sidaa fuleyga u ah, maalinkasta wuxuu ku hayaa hala i badbaadiyo iyo hogeyeey ba’ayeey hala iga soo gaaro, waa yaab, iimaan buu sheegtaa dhimashadana wuu ka cabsanayaa, sidee isku raaci karaan? Haduu ilaahey rajo ka qabo, oo uu aminsanyahay inuusan cidna duliminin, ha’isdajiyo,

    Laakiin haduu ka naxsanyahay dadkuu qaarijiyey iyo fasahaadka maanta jirana sabab u ahaa, dadkii jaajuusnimada lagu edeeyey oo la qaarijin jirey, odayaal badan la leyn jirey, hadde meeshaat ilaahey uga fakan lahayd ayaa la rabaa, Ilaahey soomaali ma’aha mareekanna ma’aha, meelkastana wuu joogaa cidii uu doonana wuu kuu adeegsankaraa, alla maanta ma’idiin qadarey dhexdiina inaat is xag xagataan, illaahow laxisaaabtan adaa qaadir ah,,,…

  11. Ayuub sofiya says:

    All asc aniga waxaa aaminsanahay in abuu mansuur alimriikii lagu hayso gardao oo waayo godane ayaa diiday in lisku xukumo kitaabka alle asna waxuu yiri aan isku xukunno kitaabka

Leave a Reply