Dr Cabdullaahi Siciid Aw-Muuse: Taariikhda Boosaaso Laguma Arki jirin Cudurka Duumada [Dhageyso]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 


Agaasimaha Guud ee Isbitaalka magaalada Boosaaso Dr Cabdullaahi Siciid Aw-Muuse

Boosaaso[RBC Radio]Agaasimaha Guud ee Isbitaalka magaalada Boosaaso Dr Cabdullaahi Siciid Aw-Muuse oo maanta la hadlay Raxanreeb ayaa faah-faahin ka bixiyey tirada dadka Cudurka Duumada laga helay iyo inta qof ee ay ka daaweeyeen.

Dr Cabdullaahi Siciid ayaa ugu horayn sheegay in magaaladda Boosaaso Taariikhyan marnaba aan lagu arag Cudurka Duumada isla markaana mudada uu Isbitaalka joogay dadka qabaa ay yaraayeen.

…”"” Horta haddaan idin ka waramo Taariikhda magaaladan laguma arki jirin Cudurkaan la yiraahdo Duumada,waxaa dhacday 13-sanno ee aan Isbitaalkan joogay inaan Saddex qof ama afar ka badan aan la arag,…”"”ayuu yiri Dr Cabdullaahi Siciid.

Halkan ka Dhageyso Codka Dr Cabdullaahi Siciid Aw-muuse Guji Halkan

Waxa uu sheegay in 5-ta bishii November lagaga dhawaaqay gudaha magaalada Boosaaso in Cudurka Duumada uu ka dilaacay,taasina ay tahay khatar kusoo foodleh Shacabka iyagoona loogu baaqay iney xarumaha Caafimaadka tagaan cida Isaga shakida Cudurka.

Isbitaalka Boosaaso

Dadka ugu badan ee Cudurka Duumada laga baaray ayuu ku sheegay in badankooda laga waayey Calaamo muujinaya in Cudur jiro balse ay noqdeen dad aan qabin Calaamadihii lagu yaqiinay Cudurka.

Dr Cabdullaahi Siciid Aw-muuse ayaa sheegay in dadka Isbitaalka ugu yimid ee Cudurka Duumada laga helay ay tiradoodu tahay 6-qof,iyadoona afar qof ka baxeen Isbitaalka halka laba qof weli jiifaan Isbitaalka oo daawadu u socoto.

…”"”Ilaa iyo hadda cida noo timid waa 6-qof,afarna wey baxday,labana Isbitaalkey weli ku jirtaa,dadka noqday Positive-ka ee laga waayey Cudurka iney Sagaashan ku dhowyihiin baan u maleynayaa,…||ayuu yiri

Sidee Lagu Kala Qaadaa Cudurka Duumada?

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka magaalada Boosaaso Dr Cabdullaahi Siciid Aw-Muuse oo Raxanreeb ay Weydiisay sida ugu fudud ee lagu kala qaado Cudurka Duumada ayuu ku sheegay Dhakhtarku iney tahay Kaneeco qof Cudurka qaba qaniintay una gudbisay mid Caafimaad qaba!!.

….”"”Sida la isaga qaado,waxa weeye Kaneecadii waxa ay qaniineysaa qof qaba oo qof la qaniineysaa,saasaa la isaga qaadaa,dhiigayna raacdaa!!!….”"”ayuu yiri Dr Cabdullaahi Siciid Aw-muuse.

Si kastaba Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maalmo ka hor ka dhawaajisay iney Xakameysay fiditaanka Cudurka Duumada isla markaana hadda ay bilowday la dagaalamid Kaneecada.

_________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

3 Responses for “Dr Cabdullaahi Siciid Aw-Muuse: Taariikhda Boosaaso Laguma Arki jirin Cudurka Duumada [Dhageyso]”

  1. Jugsodhacay says:

    Juquraafi ahaan waxaa isbedel ku dhacay cimilada iyo deegaanka aduunka oo dhan oo waxaa baraf xad dhaaf ah kada ay Syria iyo urdun oo Uusan baraf kadi in 200 sano, Markaas Waa macquul in boosaaso isbedesho Inkastoo kanecada xeebaha ay ka dhib yar tahay kanecada Wabiga ,waxaa macquul ah 20sano kabacdi in boosaaso baraf ka da,o .

  2. muuse says:

    ALLOW SAHAL AMMUURAHA OO CAAFIMAAD WAASAC AH NASII DHAMMAAN TEEN

  3. Ina bulsho says:

    Waxaa fududaaday isku socodka dadka iyo ganacsiga aduunka.Sidaas daraadeed waxaa suurta gal ah in kaneecadu soo raacday shandadaha ama alaabada dadku la safrayaan.Sida ka dhacdo wadamada yurub in la arko cayayaan ka yimid meelaha juleylaha ama dhul baraha aduunka.Markii baaritaan la sameeyey waxaa la tuhmay in uu soo raacay muuska iyo qudradda ka timid meelahaas ama qof safray eey shandadiisa soo raaceen.Tusaale ahaan jiirka iyo barambarada Hindiya iyo kolombiya oo lagu arkay wadamada yurub.
    Boosaasso waxaa yimaado gawaari badan oo eey ku raran yihiin muus,cambe iyo masago iwm oo ka yimaado koonfurta Soomaaliya. Ayaamo horena waxaa aad magaaladaas looga cabaadayey Duqsiga.
    Boosaaaso ma magaalo duqsi iyo kaneeceey isku bedeshay? kkkkk

Leave a Reply