Ahlu Suna Oo Cambaareysay Qorshayaasha Lagu Doonayo In Maamul Loogu Sameeyo Gobolada Jubooyinka & Gedo
Muqdisho(RBC Radio)-Ahlusuna ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qorshayaasha la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo afhayeenka Culuma’udiinka ahlu suna waljamaaca ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa tilmaamay in qorshaha lagu doonayo maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo uu sheegay iney faraha kula jiraan dad aan ahayn dadkii ay ka go’day tadala goboladaas.
Sheekha ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in shaqsiyaad ay u xusul duubaan maamul u sameynta xili uu sheegay in gobol kamid ah goboladaas uu ka maqanyahay gacanta dowlada halka degmooyin dhowr ah oo kamdi ah labada gobol ee kalane ay wali ku jiraan gacanta al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay dadka isku mashquulinaya iney boobaan maamul u sameynta goboladaas sida uu hadalka u dhigay ay u guntadaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u xoreynta degmooyinka goboladaas.
Afhayeenka ahlu suna gobolka Gedo Sheekh Al-qaadi ayaa ku sheegay kulankii ku fashilmay magaalada Doolow kaasoo la damacsanaa in maamul goboleed loogu Sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo isagoona ku tilmaamay in kulankaas markii horaba loo soo agaasimay si qaldan oo aan u adeegeen rabitaanka dadka ku dhaqan goboladaas.
Dhanka kale afhayeenka ahlu suna ayaa shaaca ka qaaday iney ku wajahanyihiin degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo xiligan ay gacanta ku hayaan ururka al-shabaab, wuxuuna sheegay iney heegan buuxa galiyeen ciidankooda dhawaane ay gaari doonaan degmooyinka ka maqan gacanta dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













Dadka la yaqaan ee aan qofna cuqdada u qabin waa la yaqaan waa ninkan oo kale