Al-Shabaab Oo Ku Hanjabay Inay La Wareegi Doonaan Deegaanada Puntalnd


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Al-Shabaab ayaa ku hanjabay in ay la wareegi doonaan deegaanada uu haatan ka arimiyo maamulka Puntland.

Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo Afhayeen u ah Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigi doonaan maalmaha dhow gobalka Bari ee haatan uu ka arimiyo maamulka Puntland.
Afhayeenka Shabaab ayaa wuxuu sheegay in dagaal ka dhacay Boosaaso meel udhaw dhibaatooyin ay ugu geesteen ciidamada Puntland sida uu sheegay.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay sidoo kale in dhawaan ay qabsan doonaan deeganada Puntland sidoo kalena laga dejin doono calanka Puntland calanka raayada towxiidkana laga taagi doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maalmulka Puntland ayaa dagaalo xoogan ula jira koox uu hogaamiyo wadaadka lagu magacaabo Sheekh Atam, kooxdaasi oo ka tirsan Al-Shabaab.

Hadalkaan ka soo yeeray Al-Shabaab ayaa wuxuu imaanayaa xili deegaanada Puntland ay ka dhacaan dilal qorsheesan iyo waliba falal ka soo horjeeda amaanka.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

24 Responses for “Al-Shabaab Oo Ku Hanjabay Inay La Wareegi Doonaan Deegaanada Puntalnd”

  1. Geeljir says:

    Ma Alshabaabkii ‘koonfurta ka soo cararey ayaa Puntland soo gaarey, waa in Amison la keenaa Puntlant si looga badbaado haddii kale wey qabsan doonaan.

  2. Hanad says:

    Dameerkii ceelbuur hadalkiisu haan ma buuxshee, anagu weynu naqaanaa sidaan isugu gargaarno markii nala dulmiyo ka bacdi, waxaa layiri taariikhdu waa furaha mustaqbalka, bal dib ha u dhugto waxa ku dhacay cabdiqeybdiidkii qabsadey gaalkacyo, iyo xasan daaahirkii magaca u yaalka ahaa ee boosaaso,,,,…..

    Dameerkaan soo kii ma’aha ciyaal la qirxiyey ku faani jirey? Waxa afkiisa ka soo baxaya dhuusaan u arkaa, wadadii mooryaanta uunbuu hayaa, waa xoolo u baahan in la hogaamiyo, kir kir kir,kir, halkaa iyo muqdisho u leexo,lol,,,,,..

  3. Ahmednuur says:

    Nimankaa Gobalada dhexe iyo kuwa Puntlandba kuma dagaalami karaan, maxaa yeelay waa meel banaan oo aan lagu dhuuman karin-marka Saliid 2 ayaa soo socota.

  4. Geed jicibeed... says:

    Waa cadahay ineey somali ay u wada
    Shaqeeyaan dadkii dalka qabsan lahaa
    Laakiin ali dheere waa taneg ay yeeriyaan
    Kuwa qandaraaska soo qaattey ee ay u sha
    Qeeynayaan.akhristoow u fiirso xiriirka ka
    Dhexeeya afduubta & Ethopia filinku yuusan
    Dhamaan laba somali oo lakala celiyo is
    Mustaqbalka fog loo helo in aduunka laga
    Gado waxaani isma maamuli karaane ha
    La maamulo.
    In puntland ay soo galaan ciidamo Ethopian
    Ah is sheerkii Ethopia uusan ulumin kenyaati
    Ugaandhays & purundi ay ayaguna sheekadoodu
    Aysan u laalmin marka kan ciyaaya waa yeerid
    Kaalayoo puntland qabsada anaga ayaa idiin
    Sahleeynee na baacda,gogol xaarid ma maqasheen
    Alshabaab ayaa ethopia wax u geeystey ?
    Ethopia & kenya ama kuwa kalaba waxay haystaan
    Waxay dalka ku joogaan waa shabaabe dadka
    Somalida ah kooda wax galka ah laaya !!!
    Waxayna ku dadaalayaan is aan loo ciribtirin
    Ilaa dantii laga lahaa laga gaaro “”"”"”"”

  5. Maxamad says:

    Ma amar baa lugu siiyay inay Faroolay taageeraana?. waa lugu yaqaanay waligood inay u fuliyaan Cadawga shacabka waxa uu rabo !!!….. bal iswaydiiyoo why to day!!?

  6. runshegto says:

    S/c
    Ilaah baan ka magan galey,adiga iyo inta kula midka ah.Insha alah baqtigaaga ayaa puntland dariiqyadeeda lagu jiid-jiidi doona bi’idni lah.

  7. HAFUN BEST says:

    QABIIL QABIIL KU DUULAY HADA NOOGUMA HORAYSO WAN LA DAGALMYNA WANA IDIN JABINAYNA INSHA ALAH WAN OGNAHAY DADKAYAGA QAR KA MID AH OO CALOOL U SHAQAYSTAYAL AH AYAAD WADATAAN LKN NABSIGA AYA HELIN AYAGANA

  8. Waraabe says:

    Kuma dhacaan inay putland qabsadan Waa faan iyo dhuuso.

  9. Mursalow says:

    Bismillaahi raxmani raxiim, Allow naga qabo shabaab iyo faroolaba.

    Waxaan maqli jiray Dharbaaxo rag waa kugu dirtaa kaamaso celiso. faroole cadow badan ayuu puntland u sameeyay!

  10. muuse says:

    Iskahadlle alshabaab waxoodu waa waan soconwaynee aar oradno
    ayagoo dhanbaa wax bilkayar looga sifayniyaah south somaliya markaasay leeyihiin puntland baanu weeraninaah

  11. Jamac says:

    Hadalkaas. Alshabaab. Waa. Mid. U hiilinaya faroole oo mucaradka faroole dhib u Keenay waayo waxaa Loo Arkaa in putland duulan lagu soo Yahay. , mucaradkuna uu Rabo fawdo, faroolana Dalka iyo dadka difacayo, markaa alshabaab waxa ku habonayd Inay sugaan. Raga ishaya.

  12. Darwiish says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war awalba korneyl Abdilahi Yusuf Ayaa badbaadiyey xiligii Daahir aweys . Abdilahi ilaahay ha u naxariisto . Maanta Laakiin googarado Ayaad xidhaneysaan sidii leynu ku yaqaanay pintiland ,

  13. kkkkk ma aaminsani inuu diinta islaamka haysto ninkaan dhiigyacabka ah ama muslim yahay haduu islaan yahay kuma faaneen dhiiga muslinka 1xasuuqii ay ka geesteen baldwayne 2xasuuqii shaamoow 3 xasuuqii hargaha iyo saamaha kuna sheegay inay laayeen gaaalo

  14. Out-land says:

    anigu waxan usharaxanahay madax weynaha maraykanka dorashada inaku soo aadan .kk saas cml

  15. adanilaeri says:

    nin daad qaaday xumbo cuskay alaa ilehee shabaab waa cadahay waa waa naftii ugu danbaysay waxuu ka wadaa puntland baan u baxsanaynaa laakiin maxaa kaa sooo horeeya

  16. adanilaeri says:

    sida howtul hamagaad dabnool hawku leedahaye waxaad ku hunguriyaysaana waa caqliga hoos u foorare

  17. haraglibaax haad majiido says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk aaabow kan yar iga celi aan kawayn iska celiyee walaahi waa qaligii doqon iyo nin jabay lagu yaqiin

  18. caraseedo says:

    Bismillaahi raxmaani Raxiim:
    Waar dhuumaalaysigii koonfureed miyaa dhamaaday,duf ku baxa,,,waxay ila tahay in ay raadinayaan meel lagu aaso oo ah markii la buufiyo sida kaneecada iyo daqsiga,wayna helayaan,well come to xabaalihiina,!!!!!!!!!!!!!.
    Ka soo doonta qabuurihiina puntland,waad helaysaane,mooryaan Cali dheere,Diinta aad ku qaraabanayso maadigaa iska leh oo dadka ka xiga,reer puntland inta wax garanaysa waa idin yaqaaniin,mooryaan gareey iyo waxay ay dabada ku wadato,qabiil gar la baxay,oo diin sheeganaaya,inaad thiin,waa idin fahanay.
    Holac iyo dab baa kaa horayn,hawtalhamagoo dheh.
    Buuruha Galgala geesiyaal daacadaa Eebbe soo dhigine,
    Adiguna inaad hoogin baan haatan qirayaayee,
    Cali dheere hooggii ku dhicin baan dunida gaarsiine,
    Caliyoow caruurta iyo ciroolahaa dhagaxyo kugu diline,
    Kadaydayo adduunyada meel kalood jaaha sii saarto,
    Dhuumaalaysigii buurahaas way soo xirmanayaane,

    Reer puntland mooryaantaas koonfur laga soo jafay ee dalkiina duulaanka ku soo ah iska jira,
    haddii kale cawaaqib xumo ayaad la kulmi doontaan iyo iyagoo idin qasa,wiilasha yar yar ee ay madaxa ka qabsadeena waxaan kula talin lahaa fiiriya xaqa iyo diinta waxa uu Ilaahay ka yiri,No more warka dhiigyacabka Cali dheere iyo qaswadayaasha kale noocaydoonaanba ha ahaadeene,iska jira cadaawahoo isku tiirsanaada.

  19. Banaadir Boy says:

    Balaayo kaa maqan looma yeerto mida kale waxaa war xaqiiqda u dhow ka hadlay Geed jicibed yarka u qoranyahay si macqul ah ayuu wax runta noqon kara u taabtay lkn ciyalkan waalida u hadla bal koonfur oo kun jeer ka awood badan Puntland waxii koonfurtas dab ka kacshay ee hogaamiye kooxedyadii balaayada iska dhigi jiray aamusiyay aad wacaten ka sheekeya hee koley anigu idinku habaari maa shabab idin arag ee allaha idinka qabtan leeyahay waayo ma jecli in dhulka Soomaliya oo dhan ciidamo wada ajnabi joogan meelaha ee hada joogan ajaanibta allaha ka baxsho wlhi igaarkan dhahay shabab waxay wada shaqen hoose la leeyihin wadamadan musharka usoo doonta soomaliya been ma sheegin waa nin aragti fog

  20. muse says:

    Wuu riyoonayaa hayaabin waxaa hubaal ah in uusa aqoon xitaa meesha uu kuyaabo gobalka bari.Hada ka hor Al itixaad iyo Xassan Daahir ayaa jeclaaday gobolka bari walina way xussustaan wixii karaacay marka tuug Cali dheer waa in uu waraysto Xassan Daahri Aways wuxuu ka yaqaan dadka bari dagan iyo guud ahaan Puntland.kkkkkkkkkkk

  21. dhenged says:

    ADEER MORYAAN GAREEY (MORYAANTA GARKA LEH) waxay faafiyaan caqiida faasid ah wahaabiisam beey u akhriyaan caruurta waxay ku baraan iskuulada oo ka dhadhiciyaan walidkood inuu
    ku dhalay xaraan (isku qabeen meher la’aan ) marka adeer nin wacal isu heesta inuu yahay oo dadka
    uu la’noolyahay gaalo u heesta kaas weeye alshabaab PUNTLAND way taqaan dhegeda magaratay
    haatan se waxaad ka heshaan waa la’arki donaa dheged baa’nitaqaan VIVA PUNTLAND

  22. Deeq Gessod says:

    Geedi jeciibed

    Waa runta intaas lee weeye

  23. Wallaahi wixii lagasoo jafay koonfur oo dhan iyo gur,madka yeman uga imanaya dhayalsi maahan shaydanadan ku,dhufoo kadhaqaaq iyo arbush bay wadaan waa in dagdag dad dag wada jira shacabku ugu diyaar garooba dowladan kumash quulsan sanadka lagu ma halayn,karo dameerahan reeri lahaa inagu soo didiyeen

  24. deeqa says:

    hadalka calidhere waguul shacabka utimid wayo dadkii burahasjogay wxayyihin balaoganaya oo qabilkii balatagaya jegadanlagagawracaya

Leave a Reply