Al Shabaab oo Labo Maalin u Qabatay Nolosha Dennis Alex


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Kooxda Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in muddo labo maalmood gudahood ah ay go’aan kaga gaari doonaan wixii ay ka yeeli lahaayeen nolosha la heyste u dhashay Faransiiska Dennis Alex oo habeenimadii Sabtida hawlgal ay ciidamada Faransiiska ku soo furan lahaayeen uu fashilmay.

Bayaan kooxda Al Shabaab ay ku daabacday bogga Twitter-ka ayey ku sheegtay kooxdu in muddo labo beri ah ay ku gaari doonaan xukun ku saabsan waxa ay ka yeeli doonaan Dennis Alex oo bishii July sanadkii 2009 ay ka afduubteen hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho xilli ay u joogeen inay tababaro siiyaan ciidamada sirdoonka ee dawlada Soomaaliya.

Dhawaaqa Al Shabaab ayaa soo baxay wax yar ka dib markii ciidamada Kumaandooska Faransiiska ee watay illaa shan diyaaradood ay weerar ku soo qaadeen degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu soo furto Dennis Alex hase yeeshee uu fashilmay ka dib markii iska horimaad uu dhexmaray ciidamada Faransiiska iyo dagaalyahannada Al Shabaab.

Wasiirka difaaca Faransiiska oo shalay ka hadlay magaalada Paris ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Al Shabaab ay dishey ninka la heystaha ah oo horey u ahaa sarkaal ka tirsan sirdoonka Faransiiska, balse Al Shabaab waxay sheegtay inay hayaan Alex oo nool ayna dhowaan soo bandhigi doonaan.

Warbaahinta dalka Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in laga yaabo in hawlgalkan fashilmay ay dharbaaxo ku noqoto dawlada madaxweyne Hollande oo hadda wada faragelin kale oo ay ku qaaday wadanka Mali, waxaase arrintu ay sii cakirmi kartaa haddii Al Shabaab ay goostaan inay meel fagaare ah ku soo bandhigaan Alex oo nool markaasina ay shuruud ku xiraan siideyntiisa ama noloshiisa.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “Al Shabaab oo Labo Maalin u Qabatay Nolosha Dennis Alex”

  1. Qoono; says:

    Dadka ay dilaan waa somalida ma filaayo
    Iney waxa ay yihiin ay ka badalan yihiin .

  2. Ahmednuur says:

    War ninka Qaarijiya haduu diiday inuu Islaamo, intaad haysashadiisa khasaare kale kala kulmi lahaydeen. Maxaa yeelay haysashdiidusu waxay ku dhiirigalinaysaa Dadkiisu inay raadsadaan.

  3. dhenged says:

    rasuulkeena mahamed csw axaadiista uu ka waramay khawaarijta muslimka inaay laayaan
    laakiin gaalada asnaamta caabuda oo ku kufrisa ilaah diintii ma dilaan marka
    waad arakteen khawaarijta shabaab inaay ku degdegaan ruuxa muslimka dilkii oo qawracaan
    laakiin ninkaan ee’ay heestaan sadex sano oo uu kucad yahay falkiisa jaajus
    rasuulkeena hadalkiisa waa xaq

Leave a Reply