Al Shabaab oo Shaacisay Inuu Geeriyooday Askarigii Faransiiska ee Dhaawaca Ay Ku Qabsadeen
Muqdisho (RBC) Sida uu shaca ka qaaday afhayeenka dhanka ciidamada ee ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab waxay kooxdu xaqiijisay inuu geeriyooday askarigii Kumandooska Faransiiska ee Habeenimadii Sabtida ay ku qabsadeen dagaal dhexmaray ciidamada Faransiiska iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al Shabaab degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Abuu Muscab oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in askariga Faransiiska uu u dhintay dhaawacisii ka soo gaaray iska horimaadkii habewenimadii Sabtida ka dhacay Buulo Mareer, wuxuuna sheegay in meydka askriga iyo la heystihii Faransiiska ee ay horey u heysatay Al Shabaab oo weli uu sheegay inuu yahay- ay soo bandhigi doonaan dhowaan.
War ay maanta Al Shabaab ku baahisay boggeeda Twitter-ka ayey ku sheegtay inay hayaan meydka sarkaalka geeriyooday oo ay ku sheegeen inuu ahaa ninkii hogaaminayey hawlgalka Faransiiska ee fashilmay.
Halkaan ka daawo sawirada meydka ay soo bandhigeen Al Shabaab
“Xog laga helay ninkaan ka hor inta uusan dhiman iyo sidoo kale go’aanka Xarakadu ka gaartay la heystihii Dennis Alex saacadaha soo socda ayaa la soo daabici doonaa.” ayaa lagu qoray bogga twiterka Al Shabaab.
Ma cadda waxa uu noqon doona go’aanka Al Shabaab ka gaareen Dennis Alex oo ah sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska oo ay ka afduubteen hotel Saxafi bishii July 2009 illaa waqtigaana ay heysteen.
Dawlada Faransiiska ayaa sheegtay in hawlgalkeedii Buulo Mareer uu ahaa ujeedkiisa in lagu soo furto la heyste Dennis Alex hase yeeshee uu ka fashilmay. Sidoo kale madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta cadeeyay in Mareykanka uu ka qeybgalay hawlgalkaasi fashilmay oo ay ku nafwaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan hal qoys oo ku noolaa duleedka degmada Buulo Mareer kuwaasi oo ay dileen ciidamada Faransiiska ee weerarka soo qaaday.
-
AKHRI Sidee ayuu dhacay hawlgalkii fashilmay ee Faransiiska]
AKHRI; Dawlada Soomaaliya oo ka xumaatay hawkgalka Faransiiska]
AKHRI Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose oo sheegtay inuu ogaa weerarka Faransiiska]
RBC Radio














Marka hore waxaan tahniyad iyo bogaadin u dirayaa walaalaheen Alshabaab guusha u Ilaahay ku mannaystey iyo jabka ay u geysteen cadawga cunsuriga saliibiga ah oo sida gardarada ugu soo duuley dhulkeena dad masaakiinana ku laayey, laakiin waxaa xaqiiqaa in guushaan ay siineyso Alshabaab sumcad iyo publicity keeni karta inuu sii xoogoobo fikirkooda khaldan dhalinyaro yar yar oo kaloo badana ku biiraan, taasoo aan ahayn sida muuqata mid u wanaagsan xaalada Somaliya ee khariban.
Alshabaab waa urur Soomali ah, Muslim ah oo weliba caqiido toosan oo saxa ku socda, ka sifaysan cudurka qabyaalada oo Soomalida dhigay meesha ay taallo, jihaadkuna uu dhab ka yahay. Laakiin mushkiladu waxay ka timid fikirkooda iyo hab dhaqankooda khaldan sida inaysan aaminsanayn wada hadallo in wax lagu dhameeyo oo ay aaminsan yihiin inay ayagu mar kasta saxsan yihiin, inay ku dagdagaan daadinta dhiiga Muslimka, iyo inay aaminsan yihiin jihaad aan dhamaaneyn ilaa aduunkoo dhan gaalada laga xoreeyo.
Waxaan shaki ku jirin in Alshaab iyo ururada la midka ha ee ka jira caalamka Islaamka ku fiican yihiin 100% jihaadka iyo xoreynta dhulalka Muslimka ah ee gaaladu ku soo duusho laakiin ay ku guul daraystaan siyaasada sababaha aan kor ku xusay awgood. Hadii Alshabaab is ka sixi lahaayeen arimahaas waxaa marag ma doonta iah nay kasban lahaayeen shacabka Soomaaliyeed maxaa yeeyley waxay si kasta uga fiican yihiin kuwa sheegta inay ka taliyaan Muqdisho iyo land land ta, kuwaasoo ay ka buuxaan juhalo iyo cumalo aan kalsooni dhab ah cidna ka haysan.
Waa laandheerayaal aan qoslin France ma waxay moodey Somalia sida west Africa oo ay siday doonaan ka yeelaan lacalad duub muruxsan way iska dhiciyeen kkkk
Hanbalyo ninkii wadankaga kugu imada waa la iska dhiciyaaa.