Al-Shabaab Oo Sheegay Inuu Wali Noolyahay Dennis Allex, Ayna Haayeen Ciidamo Kale Oo Faransiis ah (Bayaan)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Kooxda Al-Shabaab ayaa beeniyay in uu geeriyooday sargaalkii faransiiska ahaa ee ay horay afguub ahaanka ay ugu heesteen, ka dib bayaan ay soo saareen.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in uu noolyahay Sargaalkaasi Dennis Allex isla markaana wali uusan dhiman.

Bayaanka ay soo saaray Al-Shabaab oo ay soo dhigeen boga ay ku leeyihiin Twitter-ka ayaa waxay ku sheegeen in ay haayaan sargaalkaa oo wali nool.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay in ay haayaan ciidamo Faransiis ah oo ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday kuwaasi oo ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Buula-mareer.

Dowlada Faransiiska ayaa iyana waxay sheegtay in sargaalkaan iyo waliba ciidamo ka tirsan wixii weerarka qaaday ay ku geeriyoodeen weerarkii ka dhacay Shabeelaha Hoose

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

10 Responses for “Al-Shabaab Oo Sheegay Inuu Wali Noolyahay Dennis Allex, Ayna Haayeen Ciidamo Kale Oo Faransiis ah (Bayaan)”

  1. Af-Aji says:

    Sida ku cad wararkii igu dambeyey ee kasoo baxay quai d’Orsay ama wasaradda difaaca ee fransiska waxay muujinaayan in aysan cadayn dhimashadda Denis Alex oo ah jaajus fransis ah. Magaciisa dhabta ahna uu faransiska qaybta mukhaabaradka oo kali ah ay yaqaanan. Denis Alex wuxuu ka tirsayahay mukhaabaradka fransiska ee loo yaqaan DGSE ( Direction Générale de la Sûreté Extérieure). Hadaba waxay wararku sheegayaan in 2 askari ku dhinteen duulaanki xalay sacaddu markay 2:30 subaxnimo. Lakiin waxaa jira tuhun balaadhan ama warar sheegaya in askar badan oo ku soo 4 hélicoptère ay ku dhinteen dulaankas xalay. Baqdin laga ra’yiga bulshadda ( opinion publique) ayaa keenaysa in ay dawladdu sheego xaqiiqda iyo tiradda ka dhinta ay ciidanka fransiska.
    Que

  2. wiil gedo says:

    kkkkkkkk ceebaa kadhacday shbb majecli. lkn markay dowlado waaweyn cebeyan jecliyaaa @sxb ad aji adaaba jaajus kawarqabeen ah

  3. Yaxye says:

    Dhacdadaan waxay muujinaysaa in Awooda shabaab iyo Mukhabaraadkooda ay adag yihiin, iyo marka ay imaato dagaal farah laysla galo inay wacadaro dhigayaan,
    waxaan ognahay in magaalooyinka laga qabsaday aysan dagaala faraha laysla galaa aysan ka dhicin.
    waxaan kaloo ognahay in al Shabaab wax ciidan ah ama Hub toona laga qabsan wali oo awoodoodi aruursantahay.
    Runtii dhacdooyin ka qaar oo ay sameeyan waa ka murogooda hadan markay sidaan oo kale sameeyaan aad baan ugu farxaa in dhalinyaro Soomaali ah ay wacadaro u dhigaan quwado shisheeye.

  4. okey says:

    aaaheeey ninkii ku soo duula wadanka waa in la ciqaabaaa oo la laaayaa waayo duulaankii xalay waxay ciidamada faransiiska ku laayeen dad maata ah iyo xolahooda.

  5. abdulkadir says:

    ASC.
    Aaway kuwii lahaa Dayaxaan tagnay. Aaway kuwii lahaa ILAAHEEN (swt) waa qaldamay ee annagaa saxayna oo laba nin waa is guursan karaan. Aaway kuwii lahaa cod kasta oo baxa ayaan ognahay halkuu ka yimid. Shabaabku hadday muslim yihiin waxaan rajeeyna inay Diinta wax ka bareen ninkaa, hadday saa tahay ha muslimo ama yuusan muslimine ha dhadhamiyo naxariista Diinta Islaamka dabadeedna iska sii daaya. Shabaab oo cadawgey ah & gaalkaa waxaa ii dhaw cadawgaa Diintayda ku gabanaa. WBT.

  6. KOOMBOOWDA says:

    KKKKKKKKKKKKKK WIIL GEDO SXB WAA KUUGU RAACSANAHAY SHABAAB WAX LA JECLAADO MAAHA LAAKIIN FARANSIIS IN LA LAAYO WAAKU FARAXSANAHAY KKKKKK

  7. soomajeeste says:

    Somaaliyeey ogaada in diintiisu qatar ay galayso markan oo kale qofkii fransiis ankee niyada kala jira mar waa in ay diin ku celisaa marna wadaniyad marna caqli.Ciidanka fransiis kuwaa burcad tuugo kusoo galay wadanka waana xaq in sidan iyo ka daran loo galo.Kuwii hore ayaan qaatir ka taagan nahay ninka jaajuuska reer france muxuukasoo doonay somaliya?jaajuus buu ahaa si shabaab loo dhibaateeyo marka wuxuu ahaa qayb dagaalka lagula jiro shabaab xaq ayay u leeyihiin makraa in ay hayaan ama siidaayaan.

  8. wadaad yare says:

    Midda ku saabsan dhibka Shabaabku maanta geysteen iyo xoogga ay muujiyeen! Waa nabar iyaga kusoo maqan oo caalamka u muujineysa in weli khatartoodi taagantahey. Taasna waxey keeneysaa in dagaalkii awalba lagula jirey lasii labo jibbaaro.

    Faransiiskuna waxaan aamminsanahey inuusan Shabaabka sidaas uga hari dooni doonine uu aarsan doono.

  9. Galdogobian fighter says:

    Ceebtii Maraykan karaacday Mugdisho kuma ciro qaadan Faransiis, Faransiisow ragga Buulo-mareer joogaa ma’aha wiilashii yar yaraa ee Faroole kuu gacan galiyay, hailokopteradii iyo ciidamadii aad suusaadka u soo dirtay waxay mareen jidkii Hailokoptaradii iyo ciidamadii Maraykan ee Mugadisho. Colonail kaadiina waxuu yaalaa bakhtigiisii Buulo-mareer asagoo maray jidkii Koofil oo ahaa Colonailkii Ingriis ee maagay Mujaahidiintii “Daraawiiskeed”

  10. Banaadir Boy says:

    Wadaad yare sxb dhacdadan oo kale si indha la,aan ayaa loogu taageeraa alshabab waayo gaal qurun ah inta la raadinayo ayaa la dilay 3qof oo soomaliyed oo muslim ah midaasna waxay ku tuseesaa isla weynida gaalada iyo inaan isku mid u nahay inagoo shabab neceb iyo midka shababka ahba

Leave a Reply