Al Shabaab oo Soo Bandhigtay Meydka Askarigii Kumaandooska Faransiiska (Sawiro)
Muqdisho (RBC) Ururka Al Shabaab ayaa caawa boggooda twitter-ka ku soo bandhigay meydka askarigii Kumaandooska Faransiiska ee ay ku dileen iska horimaad adag oo habenimadii Sabtidu soo galaysay ee toddobaadkan degmada Buulo Mareer ku dhexmaray ciidamo gaar ah oo Faransiis ah iyo dagaalyahahanno ka tirsanAl Shabaab oo afduub u heysta sarkaal u dhashay wadankaasi.
Qoraalo kooban oo hoosta looga qoray sawirada ayaa lagu faafiyey bogga twitter-ka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in askariga ay ka furteen hub uu sitay, waxaana sawirada ka muuqday saddex qori iyo rasaas dul saaran gogol loo dhigay.
Afhayeen u hadlay Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in askariga Kumandooska Faransiiska uu geeriyooday saacado ka dib markii hawgalkii fashilmay ee Faransiiska ka fuliyeen degmada Buulo Mareer habeenimadii Sabtida uu dhacay, wuxuuna ninkani askariga ah u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray dagaalkii dhexmaray askartiisa iyo dagaalyahanada Al Shabaab.
Warka lagu daabacay bogga Twitter-ka Al Shabaab kama hadlin waxa ay ka yeelayaan ninkii la heystaha ahaa ee Dennis Alex oo tan iyo bishii July 2009 Al Shabaab ay gacanta ku hayeen walow ay sheegeen Sabtidii inay go’aanka gaari doonaan.
Soo bandhigista meydka askariga Faransiiska ayaa soo baxday saacado ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Barrack Obama uu shaaca ka qaaday in diyaarad iyo ciidamo Mareykan ah ay gacan ka geysteen duulaankii fashilmay ee Faransiiska ku qaadeen degmada Buulo Mareer.
RBC Radio

koofiloow adaa jiitayoon dunida joogeynee
jahanama la geeyoow hadaad aakhiro
ujihato ood jananadii gaadho…. ku sii dar
adaa koofiloojiitayoon dunada joogeyne
adigaa jidkii lagugu wadin jimicla aaneede
jahanaba lageeyoow hadaad aakharawjahato
nimankii janawkacay warbey jerin inshaalaahe
jameecooyinkii iyo hadaad jowhartii aragto
faransiis jabyoo waxaa kudhacay jac iyo baatuuddheh
Waakan gabaygi sayidku tiriyey. Wuxuu yidhi:
Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh
Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji
Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh
Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh
haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.
Waxay u muuqataa in mayd kiisa ay Bada ku dari doonaan si aysan faransiisku su aalba uga keenin oo ay ahaato sidii sheekadii Obamo TV ga kasheegay oo kale
Dhawaan waxaan soo gudbin doona gabaygaas oo aan fransis ku turjumay insha allah.
Arimaha Dawladaha reer galbeedku ka wadaan dalka Soomaliya maaha mid marwalab naga healya taageerid,in dalka iyo dadkiisa markii larabo layska soo galo laguna laayo shacab aan waxaba galabsan ku taageri mayno ,wadanku waxuu leeyahay maamulo iyo dawlad waa inay og yihiin lagalan tashadaa.tanse gabygii koofil waa arin xaqa inaa ku dhamystiro.
Adaa Koofilow jiitay aan dunida joogayne
Adigaa jidkii laguu waday jimic la’aaneede
Jahanama la geeyow haddaad aakhiro u jihato
Nimankii jannow kacay war bay jirin insha’allahuye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto
Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda
Jigta weerar bay goor barqaa nagu jiteeeyeen dheh
Anigana jikrey ila heleen shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga jiideen dheh
Jidheeyadey ila dhaceen jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray jiirarka u muuji
Nafjeclaysigii baan ku iri jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha jeex i soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor u jillaadeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh
Markaan juuq iraahdaba afkey iga jifeeyeen dheh
Dhaxaan jalaadee dheg baan jalaq la ii siin dheh
Dalakan waxaa iska leh nin u taagan inuuu ka ilaasho cidkasta oo ku soo duusha dagaalka noocaydiisana yaqaan.
hala waydiiyo dadlka dadka iska leh hadii aad u tagaysaan !
Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh
Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji
Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh
Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh
haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.
Farxad weyn iyo guul waaye bal eega qoortisa waxa ka lusha astaantii xumed ee gaalada kirishtanka waa wacal waayo duulan ayuu ku ahaa diintena alshababkana waa wax ay kusoo mar marsiyooden ee waa muslamin diid waayo dadka kale ee dilen ayaa cadaan u ah marka walalaha soomaliyed ee wacaladan taageraya iska jira
Kuwa naata joogiyo markaa jananadii gaarto sida eebahay kuu jirrabay mari jawaabteeda kusii dar
waxa uu dalka u yimid waa muslim naceb wlhi inuusan wax kale u socon
Kuwii Naarta Joogey iyo Markaad Jananadii Gaadho Siduu Bilaawuhu Kuu jarjaray
Mari Jawaabteeda Gaaladii Jabtay oo waxa kudhacay jab iyo Baaruud dheh. Jirkaygii Cadaabay amleey jagac Ku siiyeendhe.
Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato sida Shabaab kuu galay mari jawaabteeda.
Shabaabku haday maalin kasta Gaal dili lahaayeen taageero ayay Soomaali ka heli lahaayeen,maanta ka dib nabadda qaata in aan gaalada iska celino aya inoo balan ah.
NIN DHOOF KU YIMI BAA GEERIDU DHIBAYSAA,JAHANAMA ALLA HAKU GEEYO GAALYOHOW GAALKU DHALAY.
Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato.
Illahay amarkii aan isku dayno inaan tixda hore turjumo af-fransis:
Toi koofil, nous t’avons privé de vivre sur ce monde.
Nous t’avons forcé de partir sans la moindre pitié,
Oh, fervent d’enfer.
Lorsque tu rejoindra enfer ceux qu’y sont.
Transmets, le message de notre part.
Certes, ceux qui sont au paradis,
Attendent ta nouvelle.
Lorsque tu rejoindra les amis et glorieux,
Raconte-le, comment dieu t’infligé sa punition.
Waxa Ilaahey soomaalida uga soo dhex saarey Shabaab iyo mooryaan waa xagjirnimadooda. War caqligiinna isticmaala oo is weydiiya haddii tuug qaatil ah intuu qof soo afduubto uu gurigaaga lasoo galo ee aad ku caawiso ama uu kugu qasbo, dadkii qofkaas laga soo afduubey maka harayaan qofkoodi haddey tabar leeyihiin?
Haddii hal askari meydkiis sidaas idiinla qiimo badanyahey maxaa kuwiinna qiimo tirey ood hal nin meydkiis ugu dabbaal degeysiin iyadoo Shabaab kaligood 17 qofood laga diley oo madax ay ku jiraan? 8 qofood rayid ah oo masaakiin ahna ku dhinteen!
Yaa masuul ka ah mashaqadaas oo dhan maxaase soomaalida meydkooda qiimo tirey?
Waa caqliga xag jirkaa oo idinka muuqda.
@WADAAD@ faransiiska iyo kuwa ay wataan oo ADIGA oo kale ah DILKOODA wuu nala qiimo badan yahey waana u dabaal dagnaa, LAAKIIN SOMALIDA WAA KA NAXNAA WAXAAN SOO QORNAA ,, inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun,,
ASC, dhamaantiin,
@ Wadaad yare, saaxiib waa muhiim su’aasha aad halkaan dadka qaar ku weeydiisay ee ah hadii aan ku celiyo, hadii aad qof muwaadin wadan kale ah aad soo qabsato, oo aad xoriyadiisa ka qaado, xataa hadii lagu qabto dagaal, oo waan waan aad diido, wadamada qaarkood sida Fransiiska muwaadiniintooda qiimaha la leeyihiin, miyeeysan waajib ku aheeyn in eey meeshii eey galaan dadka qofkaas heeysta ka dabagalaan? Taas oo ah waxa meeshaas Buulamareer ka dhacay.
Laakiin, marka loo eego dadka qaarkood oo Somali nala ah, waa baboon ka daanyeerta oo kale, oo aan fakarin, sababtoo ah maba ahan dad “rational” ah waxaana ugu wacan ayaan u maleeynayaa dhowr wax oo eey ka mid tahay aqoontooda oo aad u hooseeysa mid diin iyo mid maadiba, taasoo keentay in maskaxdooda eey wali u qaan gaarin amaba u hormarin sidii la rabay oo kaamil ah. Sababtaas kaliya ayaan ku sheegi karaa dhibka heeysta kuwa argagixisada alshabaab halkaan ka taageersan. Mida kale, hal nin oo Fransiis ah, iyo 17 argagixisa ah, iyo kuwa kale oo badan oo la leeyn doono, lana soo xiri doono, bal “do the math” Yaa qasaaro qabo. Kusii dar, shacabka Sideeda qof ee Somaliyeed ee masaakiinta ah ee ayagana dhibka soo gaaray. Waxani waa qasaaro dhinac walba, Somaliada iyo Fransiiska, iyo bini’aadamka oo dhan, haba u darnaatee Somalida. Waxaana mas’uuliyada dhibkaas iska leh, nimanka burcada ee qawaarijta diinta Islaamkanaa fasahaadiyay, Somaliyana lug gooyay.
Mida kale, waxaan Somaliya eey kasameeynayaan Alshabaab maba’ahan wax diin Islaam shuqul ku leh, waa dagaal qabiil oo qabiilada qaarkood eey ku leeynayaan qabiilo kale, iyo kuwa malcuumiin ah oo u maleeyay beenta loo sheegay in eey run tahay, oo raali ka noqday in dadkooda iyo dalkooda Somaliya la baabi’iyo. Godane, waa kaas ee xabad ha ka rido Hargeeyso iyo Burco? Meesha uu rabo in uu Koonfurta Somaliya ka dhigo meel ba’day oo lagu halaagsamo.