Alshabaab Oo Wacad Ku Maray Iney Dilayaan Mawaadiniin Kenyan ah Oo U Afduuban Hadii Aan La Sii Deyn Muslimiinta Kenya U Xiran


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa wacad ku maray mawaadiin Kenyan ah oo ay gacanta ku hayaan hadii Kenya aysan fulin dalabka ka yimid kooxda alshabaab bogga ay alshabaab ku leeyihiin Twitter-ka ayaa waxaa lasoo dhigay cajal muuqaal ah oo ay ka muuqdeen mawaadiin ay sheegeen iney u dhasheen wadanka Kenya kuwaas oo alshabaab u afduuban iyo bayaan ku socda dowlada Kenya waxaana digniin culus loogu diray Xukuumada Nairobi.

Cajalka ayaa waxaa ka muuqanayey ilaa 6 ruux oo Kenyan ah kuwaas oo ay afduub u haystaan ururrka alshabaab kuwaas oo wacad ku maray iney dilayaan dadka u afduuban hadii aysan Kenya fulin dalabkooda waxayna ku sheegeen bayaanka ay soo saareen in dowlada Kenya ay dhamaan sii deyso mawaadiniinta Muslimiinta ah ee ku njira xabsiyada dalka Kenya,in Kenya ay gacan ka geysato soo deynta ragga xiriirka la leh alshabaab ee Kenya ay u gacan galisay wadanka Yugaandha iyo in ciidamada dalka Kenya ay ka baxaan gayiga Soomaaliya.

Alshabaab ayaa ballan qaaday in hadii aan dalabkooda lagu meelmarin ilaa 14 bisha labaad ee sanadkan oo ay ka hartay mudo saddex isbuuc ah ay qudha ka jari doonaan mawaadiniinta Kenyan ka ah ee ay gacanta kuhayaan waxayna sheegeen in Kenya ay ku jabi doonto dagaalka ay kawado dalka Soomaaliya gaar ahaa gobolada Jubooyinka oo Kenya dagaal ay alshabaab kula gashay ay kaga qabsatay magaalo xeebeedka Kismaayo oo ahayd xarun muhiim ah oo alshabaab ay ku tiirsan yihiin dhanka dhaqaalaha.

Dagaalka Kenya iyo alshabaab ayaa soo shaac baxay kadib markii dowlada Kenya ay bishii December ee sanadkii 2011 ku dhawaaqday iney ciidamkeeda u daad guraynayso gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan alshabaab oo ay markaas ku eedeysay iney ka masuul tahay falal amaan darro oo ka dhacay dalka Kenya waxaana xiligan Kenya ay la daalaadhacaysaa sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada alshabaab oo hadheeyey wadankaas.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Alshabaab Oo Wacad Ku Maray Iney Dilayaan Mawaadiniin Kenyan ah Oo U Afduuban Hadii Aan La Sii Deyn Muslimiinta Kenya U Xiran”

  1. Sama_Kataliye says:

    War nimankan Al-shabab siyaasad iyo caqli xeeldheer midna maleh waayo maba yaqaanin dadka loogu booteeyo dadkaan waa dilaynaa iyo wax kale baan ku sameynaynaa. Sababtuna waxay tahay dadka iyo dowladdaha Africanka ah maba yaqaanin qaymaha ay noloshu ku fadhido marka dhagax taabasho iyo tuujin waa iskugu mid………waxaan kula talin lahaa yeysan isxiiqin cidna dad uma siideyn doontee.

Leave a Reply