Amisom Oo Sheegtay Iney Weerar Ku Qaadeyso Deegaanada Gobolka Hiiraan Ee Gacanta Ugu Jira Al-shabaab
Beledweyne(RBC Radio) Taliska Amisom ayaa sheegay iney weerar ku qaadi doonaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ee xiligan ku jira gacanta kooxda alshabaab taliyaha ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Beledweyne Korneel Cismaan Dubbad ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Amisom oo kaashanaya kuwa dowlada Soomaaliya ay weerar ku qaadayaan deegaanada ay ku suganyihiin ururka Alshabaab.
Taliyaha Ciidanka Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee ka socda wadanka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in xliyida soo aaddan ay duulaan ku yihiin deegaanada ka maqan dowlada Soomaaliya ee ka tirsan gobolka Hiiraan, wuxuuna ballan qaaday in Amisom ay ka go’antahay iney gaarsiiyaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan nabadgalyada ka jirta magaalada Beledweyne oo ay si buuxda amaankeeda gacanta ugu hayaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada Soomaaliya.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada Amisom ay ku jiraan diyaar garowgii ugu danbeeyey ee ay ku doonayaan iney kula wareegaan deegaano badan oo ay wali ku suganyihiin ururka alshabaab oo looga itaal roonaaday gacan ku haynta magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ka saareen Ciidamada Itoobiya kuwaas oo markii danbe ku wareejiyey ciidanka nabad ilaalinta midowga afrika dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay.
Ciidanka nabad ilaalinta Amisom ayaa deegaano iyo gobolo badan ka riixay dagaalyahanada ururka alshabaab oo dhowrkii sano ee danbe ka ariminayey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Amisom ayaa wacad ku martay ineysan dagaalka joojin doonin ilaa ay dalka Soomaaliya ka sifeeyaan ururka alshabaab oo la bohoobay ururweynaha al-qaacida.
RBC Radio













SIXID…saxaafada gaar ahaan raxanreeb iyo shabelle plz xaqiiqda warka sida uu yahay u sheega iska daaya inaad mar walbo qalinka ku qarisaan ciidamada joogo gobolka hiiraan ineey yihiin CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIRAAN. ..waayo somali waa federal gobol walba ciidamadiisa asigeey ku magacaaban yihiin…. gobolka hiiraan waxaa ka taliyo maamul dowlada iyo nidaamka federaalka taageersan waana MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN ee u madaxa ka yahay mudane C/FATAAX XASAN AFRAX…. gobolka hiiraan waxaa wada joogo ciidamada maamulka gobolka hiiraan iyo ciidamada walaalaha jabuuti… walaalaha jabuuti dalka waxaay u joogaan ineey tababaraan ciidamada maamulka gobolka hiiraan oo hada ciidamo gaarayo ilaa 4 kun oo ah ciidamada maamulka gobolka hiiraan ayuu tababar ugu soo dhamaaday xera ciidan oo ku taal degmada beergadiid ee gobolka hiiraan. xaqiiqdu waa sidaas