AUN Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo Galabta Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

AUN Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor.

Nairobi (RBC) Waxaa galabta isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo ka mid ah salaadiinta Soomaalida ee sida weyn looga yaqaano gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay Raxanreeb u sheegeen ehelada suldaanka waxaa Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor beryahanba lagu hayey magaalada Nairobi oo caafimaad loo keenay ka dib markii mudo uu la jiifay xannuuno hayey illaa afartii bilood ee u dambeeyay.

Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor ayaa geeridiisa waxaa galabta xaqiijiyey wiilal uu dhalay oo Nairobi ku sugan, waxayna sheegeen in meydka loo qaadi doono dalka si loogu aaso.

Marxuumka ayaa ka tagay carruur fara badan oo isugu jira kuwo ku nool dalka iyo dibadda.

Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor ayaa xilka suldaanimo loo caleemasaaray sanadkii 1990-kii waxyar ka dib markii uu geeriyooday walaalkiis ka weyn oo xilka suldaanimo ee beelaha Aji hayey.

Suldaanka ayaa ka mid ahaa odayaashii ka qeybqaatay dhismihii dawladii KMG ahayd ee lagu dhisay wadanka Jabuuti iyo shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida loo qabtay sanadihii laga soo bilaabo 1999 illaa 2012.  Wuxuuna ugu dambeyntii ka mid noqday odayaashii 135 xubnood magaalada Muqdishi bishii Agoosto 2012 ku soo xulay ergooyinkii ansixiyey dastuurka federaalka Soomaaliya.

Wuxuu kaloo waayadan dambe qeyb ka ahaa suldaanka waxgarad ku hawlanaa sidii maamul goboleed looga hirgalin lahaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Warar ayaa sheegaya in meydka Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor la geyn doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose si loogu aaso.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “AUN Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo Galabta Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi”

  1. mohammed ali says:

    ASC, inaali lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun.
    Waxaan halkaan ugu tacsiyanayaa dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay inuu samir iyo iimaan kasiiyo.I Iaah hanoo wada naxariisto Suldaan Abdi Sonkor.

  2. Abdulkadir Afmaged says:

    INNAA LILLAH WA INNA ILEYHI RAAJICUUN,LAA XAWLA WALAA QUWATA ILLA BILLAH.,,
    WAXAAN HALKAAN UGA DIRAYAA TACSI AAD U TIIRAANYO LEH,DHAMMAAN QOYSKII IYO QARAABADII SULDAAN CABDI SULDAAN CALI SONKOR IYO GUUD AHAAN BEELAHA WALAALAHA AH EE DEGA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
    WAXAAN ALLAH(SWT) UGA BARYAYAA INUU KU DEEQO RAXMADDIISA BALLAARAN ADOONKIISA,QABRIGANA U WAASICIYO EE UU HOY UGA DHIGO JANNATUL FARDOWSA;INNAGOO DHANNA SAMIR IYO IIMAAN INNAGA SIIYO….AAMIIN YAA RABBII !!!!

  3. Allaha unaxariisto Suldaanka Wuxuu ahaa Suldaanka daarood ee jubooyinka markale alaha u naxariisto Suldaanka

  4. Abdisalaan says:

    inaalilaahu wa,inaa ilaahu raajicuun ilahay ha u naxariisto samir iyo imaan dhamaan umada somaliyeed gaar ahaan eheladiisii iyo ree jubbaland.
    AMIIN,AMIIN…

  5. Mohamed Abdirahman Wardheere says:

    Alle ha unaxariisto suldaanka janadii fardowsana alle haka waraabiyo waa suldaankii waamo
    eheladii uu ka tageyna samir iyo iiman alle ha ka siiyo Amiiiin

Leave a Reply