Banaanbax Balaaran Oo Lagu Taageerayay Aqoonsiga Dowlada Maraykanka Ee Soomaaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho [Sawirro]
Muqdisho (RBC Radio) Banaanax balaaran oo lagu taageerayay dowlada Maraykanka oo aqoonsatay dowlada Soomaaliya iyo waliba xiriirka haatan dhexmaraya labada dowladooda ayaa maanta wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Banaanbaxaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne badan oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir kuwaasi oo ruxayay calanka Maraykanka iyo waliaba Soomaaliya.
Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Raysal wasaaraha Soomaaliya, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya iyo gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Gudoomiyaha maamulka gobalka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ugu horayn ka hadlay banaanbaxaan ayaa wuxuu u mahadceliyay dhamaanba dadka ka soo qaybgalay banaanbaxaan ee ka kala yimid degmooyinka gobalka.
Tarsanm ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay soo dhowaynayaan heshiiska Soomaaliya iyo waliba Maraykanka iyo xiriirka wada shaqayneed ee haatan dhexmaraya.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay banaanbaxaan ayaa wuxuu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay soo dhowaynayso banaanbaxaan iyo in shacabka magaalada Muqdisho ay soo bandhigaan fikirkooda.
Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo asna ka hadlay banaanbaxaan ayaa wuxuu sheegay dadaal weyn oo ay samaysay xukuumada Soomaaliya in lagu gaaray guushaan.
Sidoo kale Raysal Wasaaraha Soomaaliaya ayaa wuxuu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay in horumarinta dowlad nimada Amaanka iyo waliba horumarinta Shacabka Somaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho


























Warka laysla dhexmaray laguna farxay ooah “soomaliya ayaa Ameerica hadda aroonsatay” sax ma aha.Ameerika waxay ka mid ahayd dawladihii badnna ee Soomaaliay aqoonsady 1dii luuliyo 1960kii.Waxay kaloo ka mid ahyd dawladihii u codeeyey inay UNka ka mid noqoto,marka waa qlad in la yiraahdo soomaaliya ayaa hadda la aqoonsaday.Waxa dhacy waa in maamulkii dawladeed ee soomaaliya dumey haddana dib loo dhisay,ameerikaankuna waxy sameeyeein waa inay caddeeyeen inay xukuumaddan cusub u arkaan mid dadka soomaaliyeed matisha ayna si toos ah ula shayn doonaan.Arrintu waa intaas.Soomaaliya waa qarn UNka ka mid ah cidnana qoonsi ugama baahna waxayse u baahan tahay dawlado u arka in xukuumaddeeda cusubi tahay mid si sax ah ku timid lalana shayn karo.
Ameerikaanka waxaa aqoonsiga soomaaliya uga horreeyey dawlado badan oo afrikaan ah,carab ah,taliyaaniga iyo miowga yurub.Tan hadda ee ameerikaankuna waa muhiim mase gaari karto tan turkiga.Sow ma aha?
su’aashu waa somali intee le’eg baa aqoonsan dawladdaan jawaabtu waa reerka uu ka dhashay un baa aqoonsan taageersana reer kale oo taageersan ama xasan culusaw madaxweyne u aqoonsan ma jirto.amerika ama ha aqoonsato ama ha iska dayso.