Beelaha Tanade oo isku raacay dhismaha waddo laami ah oo isku xirta Galdogob iyo Gaalkacyo (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Photobucket

Cabdulqaadir Khaliif Xaashi

 Minneapolis (RBC Radio) Shirweyne ay Beelaha Tanade uga tashanayeen dhismaha waddada isku xirta Galdogob iyo Gaalkacyo ayaa maanta ka dhacay magaalada Minneapolis ee xarunta gobolka Minnesota.

Shirweynaha oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tira badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ay bulshadu isugu jirto ayaa waxaa warbixin aad loogu riyaaqay ka soo jeediyey Mudane Cabdulqaadir Khaliif Xaashi oo 15 sano ka hor ka tagey dalkaan Maraykanka horumar weynna ka sameeyey degaannada Puntland ee uu muddadaas ku noolaa.

Mudane Cabdulqaadir wuxuu ka war bixiyey waxtarka ay waddadaanu u leedahay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulsha Gobolka Mudug iyo bulshada ku nool degaannada Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia iyo sida waddadu ay wax weyn uga baddeli doonto nolosha dadka dhinac walba.

Mudane Cabdulqaadir Khaliif wuxuu Beelaha Tanade ugu baaqay in ay bilaabaan waddada si beelaha kale ee degaanka iyo kuwa soomaaliyeedba ay uga qayb qaataan. “Markii aan innagu dhismaha bilowno oo shaqadii oo socota la arkayo, ayaan gacan waydiisan karnaa dadka kale ee deegaanka inala deggan iyo Soomaalida kaleba” ayuu yiri Cabdulqaadir Khaliif.

Wuxuu gaar ahaan Cabdulqaadir Khaliif ugu baaqay Jaaliyadda Reer Tanade ee Gobolka Minnesota in ay hormuud u noqdaan mashruucaan oo ay ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay afar malyan iyo siddeed boqol oo kun, ayna ka qaataan qaybtoodii libaax ee looga bartay ee ay mar walba ka qaadan jireen mashaariicda lagu horumarinayo dalka iyo dadka si markaas ay ugu daydaan dalalka iyo magaalooyinka kale.

Dadkii ka hadlay shirweynaha ayaa dhammaantood aad u soo dhaweeyey mashruuca, waxayna uga mahad celiyeen Mudane Cabdulqaadir Khaliif hawsha wanaagsan ee uu ummadda u hayo, waxayna aad ugu ammaaneen waxqabadkiisii shan iyo tobankii sano ee uu dalka joogey iyo horumarkii uu ka muujiyey deegaannadii uu ku noolaa ee Puntland sida dhismaha Isbitaalka Prof. Yusuf Xirsi ee Galdogob iyo korontada joogtada ah ee taariikhda markii ugu horreysey uu ka hirgeliyey magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob taas oo qayb weyn ka ah horumarka labadaas magaalo maanta ka muuqda.

Aad iyo aad ayaa Reer Minneapolis usoo dhaweeyeen mashruuca waxayna ballan qaadeen in ay dhaqaalaha ugu badan bixin ku bixin doonaan. Waxayna odayaalka iyo Waxgaradka Beelaha Tanade ay ugu baaqeen beelaha degaanka, kuwa deriska ah iyo dhammaan ummadda soomaaliyeed in markii Reer Tanade ay waddadaan bilaabaan aan loo kala harin oo laga wada qayb qaato maadaama ay waddadaani adduun iyo aakhiraba na anfici doonto adduunkana la wada intifaacsan doono, sidoo kalena uu dhismaha waddadu yahay SADAQA JAARIYA aan wada intifaacsan doonno maalinka danbe.

Raxanreeb.com
Minneapolis
(612) 615 9556
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
PhotobucketPhotobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket
Photobucket

Use Facebook to Comment on this Post

Share

23 Responses for “Beelaha Tanade oo isku raacay dhismaha waddo laami ah oo isku xirta Galdogob iyo Gaalkacyo (Sawirro)”

  1. cali vijay says:

    mashalah waa ficinta

  2. Xiis says:

    Guulaysta walaalayaal.

  3. Mursalow says:

    Maashaa Allaah.Ilaahay ajar ha ka siiyo walaalahaas hawsha ay umadda u qabteen, waana in lagu caawiyo.

  4. dhenged says:

    waa guul guul guuul iyo hormar ilaah baa awooda leh yaana loo kalaharin waana sadaqo tii ugu fiicneed oo nabigeena udgoonaa xabiibka alaah nabi mahamed csw baa noo sheegay (sadaqati jaariyah)
    ILAAH HANOO FUDUDEEYO aamiin aamiin aamiin

  5. ceyni says:

    masha allah aad iyo aad ayaan u soo dhaweyneenaa reerka walaalaha ah ee wadaagaya horumarka
    saas ku socda iyo hormarkiina oo sii balaadha insha allah

  6. xasan says:

    ilaahay haydinlagarabgalo mashalaa dhamaan shacabka iyo dawlada puntland waxan kacod sanayaa inay kaqayb qataan hanbalyo

  7. WadaniD says:

    Reer Minneapolis waxay noqon horseedka mashruucan inshaAllahu. sida ka muuuqata wajiyadooda

  8. prof piccolo says:

    vivvo tanade guul ayaan idiinsoo direy dhamaan

  9. beesha tanade aad iyo aad ayay umahadsantihiin taagerada ay taageeren wadada laamiga ah ee galdogob iyo gal kacyo iyo dawlad deegaanka somalida itoobiya taasoo madaxweynanihii hore ee
    itoobiya iyo madaxweyne ismaamulka somalida.mudanae cabdi maxamed cumar.iyo madaxweynihii hore ee somaliya mudane c/yusuf saxiixeen in wadadan lasameeyo si ay unoqoto kastanka ugu wayn ee somaliya laga gali karo itoobiya.taasoo qiimantaas madaxweynihii hore ee somaliya hormuud ka ahaa.si deegaanka horumar ugu talaabsado inakastooy soo daahday waa ilaahay mahadiii hadii beesha tanade bilaabayaan.dhaliyarada.haweenka ganacsatada.aqoonyahanada iyo beelaha dariska ah ee sida beesha gabalka mudug iyo puntland oo insha alaah.
    c/qaadir.intuu joogay waxqabadkiisa masha alaah lama soo koobi karo.ilaahayna ajir haka siiyo
    kuwo wasiiiro noqday ee beesha tanade ah buukaqiima badanyahay.iyo xildhibano noqday.kuna shaqayn jiray.dadkiisa inuu hormariyo
    wadani beesha tande

  10. CALI DHUUX ADAM says:

    mashaa laah galdogob waa magaalo wayn oo u baahan lagu xidho gobolada kale, guul iyo barwaaqo

  11. Puntland boy says:

    Waa arin fiican waana soo dhaweynayaa ,Shaqsiyan diyaar baan u ahay inaan ka qayb qaato dhismaha wadadaas , waxaana kula talin lahaa qofkasta oo reer Puntland ah gobolkaa rabto ka imoow waa inaa ka qaybqaada taa waxii wanaaga oo dhan , Wadada, schoolka cisbitaalka Iwm. Waa ladhaafay waqtigii Dowlad wax laga sugijiray Qofkasta oo naga mida ayaa dowlada markii wax la’isu geeyo waxbaa ka soo baxa, Viva Puntland & Jubaland

  12. abdikariim yuusuf abdigiir says:

    waxaan aad ugu faraxsanahay arinta uu wado abdulqadir khalif xaashi waa arin aad u fiican waxtarna u leh bahwaynta tanade daarood magaalada galdogob waxay noqonaysaa magaalo waxwalba laga heli karo wayna dhismaysaa ee arinta uu wado abdulqadir khaliif xaashi ha lagu adeeco oo waxa uu u baahan yahay halala garab galo

  13. Masha allah ilahay ha fududeeyo wadadaas waa waddo muhiim u ah somalia oo dhan ilaa kilinka shanaad ilaa mudug oo dhan waana muhiim qof walba oo somali ah in uu kaqayb qaato waa sadaqo jaariya ah sida masaajjidkoo kala ah

  14. manshalaah tolka waa umahadcelinayaah ilaahay hawsha halagarabgalo aamiiiiiiiiiin

  15. abdiwahan says:

    mansh aallah waa guul in kastoo ay ficnaan lahay in aan la oran besha leelkase oo wado dhisaysah ee la oran lahaa umada dagan degaanka galdogob

  16. qardho says:

    Guul Waa in ay ku daydaan beelaha kale

  17. Binmaxmud says:

    Maasha Allaah, Mashruuc dhinac kastoo la fiirsho khayr ku jiro…Allaah ha fududeeyo.

  18. Ina bulsho says:

    Qabiil baan wax ku dhiseynaa baa la leeyahay anagoo reer hebel ah.Haye,Meeyey dowladii gobolka?Meey dhisto,Berri marka leyska hor yimaado maxaa dhacay? Aniga intaas oo lacag ah ayaan ku darsaday sidaad darteen waa in aan halakaan Isbaaro dhigtaa oo canshuur ka qaada gawaarida reerkaa kale,waa macquul sidaas.
    Waxeey ila tahay in eey dan u tahay gobolkaa bulshada degan guud ahaan aniga fikrad ahaan.Isbaaradii dhulka markaasi waxaa dhalay isbaaradii badda.Isbaaradii baddana waxeey dhashay isbaaradii dhulka.Hadda qof jidgooyo sameeyo umaddoo dhan buu cunaha qabatay taasi waa uga digayaa reerkan.

  19. GAROWE says:

    A S C WAA ARRIN AAD IYO AAD UWANAAGSAN HAWSHA AY KUDHAQAAQEEN WALALAHAYO TANADE DAROD ANNAGUNA HADANU NAHAY QAYBAHA KALE EE PUNTLAND
    WAANNU KUGARAB TAGANAHAY XAG DHAQAALE IYO XAG CUDUDEEDBA.

    GUUUUUUL GALDOGOB GUUUUL PUNTLAND.

  20. abdisamad yasin AFCAD says:

    ASC walaalaha galdogob aad iyo aad baan ugu faraxsanahay
    dadaalka aywadaan walaalaha reer galdogob..

    Mr A.qadir khalif thanks for your hard work bro
    good luck and hope u get ur mission done.

    Moreover, i am glad to recognise the face of UGAAS abdinasir UGAAS axmad.

  21. laasqoray boy says:

    waa horumar aanu idinku garabtaaganahay walaalayaal waana mid ku dayasho mudan

  22. Samatalis says:

    Walaaalayaal waa Mashruuc qiimo u leh ummaddeena, Degaanka Degmada, Gobolka, Puntland Iyo Soomaliba, Haddii beeluhu sidaa u Fakaraan oo loo tartamo horumarka ummadeenaani khayr ka suuli mayso…

    Wadadu hagaajinteedu iyo masaafurka u fududaynteedu waa imaaanka iyo islaamku wax ay ina farayaan,
    horumarka umaduhu sameeyaan waa dadaalo is biirsaday, ee hadalka inta yarayno qof walbaa wax haku darsado..
    Dadka fikradda keenay ma aqaan anigu lkn wax macno ah ma ii samaynayso cidda khayrka waddaaa ayaa ii muhiim ah…. beesha arrintaan keentay oo walaalahyo ahi ilaahay ha idinku Guuleeyo, ku dhaqaaqa, bilaaba, waan idinkula jirnaaa, waanad arki doontaan alle idankiii….

  23. Dhurwaayo-aabahood says:

    Walaalayaal, muddo ayaan maqlayay arrinkaan, reer goldogob ma ihi, laakiin hindisahaan aad baan u jeclaystay, isagaa iga dhigaya inaan idinka mid ahay inta khayrkaasi socdo, maalin dhawayd ayaan wadada soo maray ( rafaad ayay ahayd)

    Haddaba Tanadoow , (Korshe,leelkase,maalasmoge intaba) madaraqa iyo badeelkaugu horeeya ku dhufta ilaahay baa barakayn doonee..

    Dhurwaayo aabahood

Leave a Reply