Beelo Mudo Dheer Ay U Dhaxaysay Colaad Oo Wadadega Gobalada Galgaduud iyo Mudug Oo Heshiis La Dhex Dhigayo (WARBXIN)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Dadaalo nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelo wada daga gobalada Galgaduud iyo waliba Mudug ayaa haatan waxay ka socdeen gobaladaasi waxaana wada xubno ka tirqan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Qorshuhu wuxuu yahay in beelahaan la heshiisiiyo isla markaana walaaltinimo iyo iskaashi xoogan uu dhexmaro maadaama colaada u dhaxaysa ay mudo soo socotay .

Shalay ayaa wafdi ka tagay magaalada Gaalkacyo oo ka socday maamulka Galmudug iyo xubno matalayay bulshada rayidka waxay tageen magaalada Cadaado ka dibna halkaasi waxaa ka dhacay kulan balaaran.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay sidii shacabka daga gobaladaasi ay ugu noolaan lahaayeen walaaltinimo iyo waliba iskaashi buuxa iyo waliba in ay iskaashadaan labada maamul ee Xima iyo Xeeb iyo Galmudug.

Muhiimada Kulanka.

Xabiibo Maxamuud Cabi (Xabiibo Koofurow) oo ah gudoomiyaha ururka Haweenka ee Galmudug oo qayb ka ahayd kulankaan ayaa sheegtay in kulankaan uu ahaa muhiim, isla markaana uu gogal xaar u ahaa in nabad waarta la gaaro.

Xabiibo ayaa sidoo kale waxay sheegtay in kulankaan uu bilow u ahaa in kulamo kale lala qaado dadka reer Miyiga ah ee colaadu wali ay ku danbayso iyo in dadkaasi loo sheego in loo baahanyahay in colaada laga tago.

Sufyaan Sheekh Axmed oo ka mid ah aqoonyahanada ka qayb galay kulanka ayaa asna dhankiisa wuxuu sheegay in kulankaan uu ahaa mid xiligaan loo baahnaa, wuxuuna tilmaamay in haatan laga soo gudbay xiligii qabyaalada.

Dadaalada socda iyo Kaalinta ay ku leeyihiin labada maamul.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Galmudug ayaa sheegatay howshaan dadaalada ah in ay wadaan xubo ka madax banana labada maamul ee Galmudug iyo waliba Ximan iyo Xeeb, isla markaana ay la kulmeen labada madaxweyne ee maamuladaasi, waxayna sheegtay in labadooda ay soo dhoweeyeen howshaan ay wadaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar maxamed Diiriye ayaa asna dhankiisa wuxuu sheegay in aysan jirin wax qilaaf ah oo haatan u dhaxeeya labada maamul, wuxuuna tilmaamay in qilaafka uu ku koobanyahay dadka shacabka ah.

Qilaafka u dhaxeeya beelaha dega gobalada Galgaduud iyo waliba Mudug ayaa wuxuu saamayn ku yeeshay maamulada Galmudug iyo waliba Ximan iyo xeeb oo aanan wax wada shaqayn ah aysan ka dhaxaynin.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Beelo Mudo Dheer Ay U Dhaxaysay Colaad Oo Wadadega Gobalada Galgaduud iyo Mudug Oo Heshiis La Dhex Dhigayo (WARBXIN)”

  1. Banaadir Boy says:

    Maasha allah alxamdulillah farxad aad u weyn waaye oo astaan iyo bilow u ah in Soomali nabada usoo jeesatay waa farxadii iigu weyned dhawanahan inaan maqlo labo walala oo si kal iyo laab ah isku cafisay hadii labadan is kaashadana waa cudud weyn oo soomaliya usoo hoyatay waanse dareeemi dad bay wadna xanun ku noqonesa lkn ani wan ku farxaa walalo is cafiyay kamana soo jeedo labada deegan ee wapka uu faah faahinta ka bixinayay m from galgadud dhuuso mareeb

  2. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,

    @ Banaadir boy, thank you walaal, waad ku mahadsantahay niyada wanaagsan iyo taageeradaada dad walaalo ah oo la’isku soo aruurinayo in eey nabad kuwada noolaadaan, walaalahood iyo umada Somaliyeedna waxaan u rajeeynayaa in Somaliya midnimadeeda iyo isku soo celinteeda magaalo magaalo, iyo gobol gobol inta loo sii wado, midnima buuxda iyo barwaaqo iyo bash bash dadka ku wada noolaadaan. Waxaan kaloo u mahad celinayaa inta wanaagaas ka shaqeeysa oo maalin walba waqti galiya midnimada.

Leave a Reply