Bogga Raadiyo Muqdisho oo la noqday war lagu weerarayay qof Soomaaliyeed
Minneapolis (RBC) War lagu soo saaray bogga codka dowladda Fedraalka ee Raadiyo Muqdisho ayaa dhaliyay muran kadib markii boga dowladda lagu weeraray shaqsi Soomaali ah.
Warqad ka timid Xafiiska Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Ankara ayaa lagu daabacay bogga dowlada Fedraalka Soomaaliya.
“Waxaa Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga laga codsanayaa in ninkaas si deg deg ah ku soo qabtaan ayna saaraan Maxkamad eedeysane Gode gode,” bay warqaddu tiri.
Maalin ka dib baa warka waa laga saaray websaytka Raadiyo Muqdisho.
Ninka la isu kaashanayo ayaa lagu magacaabaa Xuseen Yaasiin Godogodo.
————————
Nin Af Lagaaddo Bareer Ah U Geystay Madaxda Dowladda Qaarkood Oo Turkiga Lagu Maxkamadeynayo
Dalka Turkiga ayaa dhowaan lasoo hor istaajin doonaa nin caadeystay inuu si bareer ah u af lagaadeeyo madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayadoo ninkaasina uu hada ku sugan yahay magaalada Istanbul ee isla dalka Turkiga.
Ninkan oo warar dacaayad ah ku qori jiray websiteyada qaar kuwaasoo uu ku aflagaadeynayo Madaxda ugu sareysa dalka, Diblumaasiyiinta, Shaqaalaha Dowladeed ee Ka howlgala gudaha Dalka iyo Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay Dibadda ku leedahay.
Waxa uu dhowr jeer warbixino been abuur aan la dhayalsan Karin ka qoray madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha, Madaxda Maamul Goboleedayada, Wasiirada Arrimaha Dibadda, Safiiradda Diplomaasiyiinta iyo Siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Soomaaliya.
Hadaba Gode gode oo Magiciisa caadiga uu yahay Ibraahim Da’ud passborka uu watana uu yahay mid Norwijyan ah ayaa hadda ka hor lugu xirey dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Ankara oo uu hadda yahay Maxkamad suge ku eedeysan inuu af lagaadeeyey shaqsi diplomaasi ka ah oo lagu Magacaabo Yuusuf Axmed Xassan iyo gabar soomaaliyeed oo ardayad ah.
Ibrahim da’ud waxay Garyaqaanadu ku taliyeen in maxkamad caalami ah lalafuulo taasoo sheegeysa in qofka sharaftiisa iyo sumcadiisa aanan lagu xadgudbi karin.Gode Gode oo hadda ku sugan Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga gaar ahaan xaafadda Fatix ayaa waxaa Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga laga codsanayaa in ninkaas si deg deg ah ku soo qabtaan ayna saaraan Maxkamad eedeysane Gode gode.
Xafiiska Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Ankara















