Bogga Twitter-ka Ay Adeegsan Jirtay Kooxda Al Shabaab oo La Xiray


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Waxaa markii ugu horeysay maanta hawada laga saaray bog ay kooxda Al Shabaab ku lahayd Twitter-ka oo ay ku baahin jireen war saxaafadeedyada iyo sawirada ay soo bandhigaan.

Bogga ayaa xalay hawada ku jiray, waxaana shalay laga daawaday sawirada illaa lix ruux oo u dhashay wadanka Kenya Kuwaasi oo ay kooxda Al Shabaab soo afduubeen bilawgii sanadkii hore, waxayna raggaasi maxaabiista ay ka soo muuqdeen muuqaal film ah oo ay ka soo duubeen Al Shabaab iyagoo codsanaya in laga badbaadiyo dil ay Al Shabaab ku fulin doonto.

Bilawgii bishan waxay kaloo Al Shabaab isla boggan twitter-ka ku soo bandhigtay sawirada askari Kumandoska Faransiiska oo ay ku dileen weerar labo toddobaad ka hor ciidamo Faransiis ah ka fuliyeen degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo iskudhac uu ku dhexmaray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Faransiiska ee ku raadjoogay askari kale oo horey Al Shabaab uga afduubeen Muqdisho.

Baaqyo hore

Illaa hadda shirkadda iska leh Twitter-ka kama hadlin xiritaanka boggaan ay adeegsan jireen Al Shabaab.  Waxaana kaliya awood u leh in bogaga bulshada ay xiraan waa shirkadaha maamula, sida Facebook, Twitter iyo LinkedIn oo ah baraha ay dadka isku hadlaan.

Hase yeeshee wariyaha Raxanreeb oo adeegada Twitter-ka ayaa sheegaya in tan iyo markii sawirada meydadka askariga Faransiiska la soo geliyey bogga twitter-ka ay jireen baaqyo ka imaanayey dadweynaha adeegsada boggaga bulshada oo Twitterka ku jiro kuwaasi oo sheegayay in cinwaanka Al Shabaab ee ahaa @HSMPress uu ku xadgudbayo xoriyatul qawlka ka dib markii uu soo bandhigay muuqaalka meyd askari Faransiis ah.  Sidoo kalw waxaa jiray warar sheegaya in dawlado badan ay ku cadaadiyeen shirkadda Twitter inay hawada ka saarto bogga Al Shabaab.

Waxaa jirtay in 14-kii bishan Jannaayo markii sawirada meydka askariga Faransiiska la soo geliyey bogga Al Shabaab in maalin ka dib laga xiray dadka daawashada sawiradaasi, iyadoo farriin ka timid shirkadda Twitter-ka ay ka soo muuqaneysay isla sawirada halka ay ku jiraan.

Sidee Al Shabaab u adeegsan jirtay boggan?

Kooxda Al Shabaab ayaa dhamaadkii sanadkii 2011 hawada gelisay markii ugu horeysay boggaan @HSMPress kaasoo soo jiitay in ka badan 20-kun daawadayaal oo toos ugu xiran boggaan kuwaasoo u badan wariyaal iyo dad kale oo aalaaba la socda dhaqdhaqaaqa dhanka warbaahinta ee kooxda.

Al Shabaab waxay bogga u adeegsan jirtay baahinta war saxaafadeedyada ay u soo bandhigeyso caalamka, sawirada dadka ay qabtaan ama ay dilaan ee ajnabiga ah iyadoo sidoo kale ku soo bandhigi jiray guulaha ay ka sheegtaan dagaalada ay kula jiraan dawlada Soomaaliya iyo Amisom.

Boggan ayaa isugu jiray dhowr qeybood oo lagu qoro afaf kala duwan sida Ingiriis, Faransiis iyo Carabi.  Waxaa sidoo kale jiray farriimo ay ku soo jireen afka Sawaaxiliga oo ay soo dhigi jireen isla boggan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al Shabaab, waxaase jiray in horey loo xiray bogag internet oo ay kooxdu lahaan jirtay sida boggii Al Kataaib.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “Bogga Twitter-ka Ay Adeegsan Jirtay Kooxda Al Shabaab oo La Xiray”

  1. Af-Aji says:

    Xirtaanka booga Tweeterka ee Al-shabaab kama turjumaayo anshaxa xoriyatul qawlkaa ee mid ku qotoma kala sareenta jinsiga ama midbka. Hadaan mataal uu soo qaato dadka madowga, Al-shabaab waxay dileen askar Burundi, Kenya iyo Ouganda. Isla barta Tweeterka ayey ku soo bandhigeen maydka askartaas ay dileen. Shirkada leh bogaas Tweeterka ma aysan xidhin isla waqtiigaas. Lakin markii nin cadaan ah oo fransis ah lagu soo bandhigay sawirkiisa ay gaalo ama reer galbeed qaylo dhaan ka timid lagu xiray bogaas. Su’aashu waa maxay xiritaankan deg-dega ah? Soomaalay ogaada in uu gaaladu sida maah- maahi dhigi:” ilko abeeso hoos bay ka xirirsan yihin”.

  2. Af-Aji says:

    Xirtaanka booga Tweeterka ee Al-shabaab kama turjumaayo anshaxa xoriyatul qawlkaa ee waa mid ku qotoma kala sareenta jinsiga ama midbka. Hadaan mataal uu soo qaato dadka madowga, Al-shabaab waxay dileen askar Burundi, Kenya iyo Ouganda. Isla barta Tweeterka ayey ku soo bandhigeen maydka askartaas ay dileen. Shirkada leh bogaas Tweeterka ma aysan xidhin isla waqtiigaas. Lakin markii nin cadaan ah oo fransis ah lagu soo bandhigay sawirkiisa ay gaalo ama reer galbeed qaylo dhaan ka timid lagu xiray bogaas. Su’aashu waa maxay xiritaankan deg-dega ah? Soomaalay ogaada in uu gaaladu sida maah- maahi dhigi:” ilko abeeso hoos bay ka xirirsan yihin”.

  3. Wadani says:

    Walaahi waa run 70 African ah markii lagu soo bandhigay lama xirin 1-askari oo Fransiis ahna wa loo xiray. taas waxay na tuseysaa kala sareeynta ay aamisan yihiin reer galbeedka

Leave a Reply