Booliska Iyo Nabadsugida Muqdisho oo Maanta Xirxiray In Ka Badan 400 Ruux
Muqdisho (RBC) Saraakiisha hay’adda nabadsugida ee gobolka Banaadir iyo taliska booliska ayaa galabta ka hadlay hawlgal dhowr saacadood qaatay oo saaka ciidamada booliska iyo nabadsugida oo ay caawinayeen kuwa Xooga Dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha booliska iyo kuwa nabadsugida ayaa sheegay in hawlgalka saaka la qaaday ujeedkiisu uu ahaa in lagu xaqiijiyo amaanka isla markaana lagu soo qabqabto kooxo ay ku sheegeen inay amni darro ka wadeen degmooyinkaasi.
Liibaan Axmed oo ka tirsan saraakiisha hay’adda nabadsugida oo saxaafadda la hadlay hawlgalka maanta ay ku soo qabteen dad gaaraya 490 ruux oo dhammaantood ah dhalinyaro kuwaasoo laga soo qabqabtay xaafado kala duwan oo ku dherersan wadaa laamiga ee isku xirta Warshadaha iyo deegaanka Suuqa Xoolaha.
“Dadkaasi waa la kala saaray qaar wax waa lagu waayey, waana la siidaayey, qaar kalana waxaan ku socda baaritaan iyo su;aalo weydiin waxaana uga shakisanahay inay ka tirsan yihiin kooxaha nabaddiidka ee Al Shabaab.” ayuu yiri sarkaalkan u hadlay nabadsugida ee la hadlay saxaafadda.
Dhankiisa taliyaha booliska gobolka Banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa isaguna sheegay in 150 ruux oo ka mid ah dadkii ay maanta soo xirxireen ay weli ku hayaan xabsiga baaritaano dheeraad ahna ay ku wadaan, halka ay siidaayeen illaa 340 ruux.
“Dadka qaar waxaa lagu waayey wax dembi ah waana la siidaayey. Waana ugacudurdaarnay in marka hawlgal dhaco waxaa suurtagal ah in qof aan dembi lahayn la soo xiro.” ayuu sii raaciyey taliyaha booliska.
Dhanka kale wararka laga helayo degmooyinka maanta hawlgalada laga sameeyay ayaa sheegaya in ciidamada weli ay hayaan dhalinyaro arday ahayd oo u socitay waxbarasho iyo rag ganacsato ah oo saaka waaberigii la soo qabqabtay iyagoo u socda goobahooda shaqo.
RBC Radio














DADKA sida ARIGA ayaa maalin walba loo soo qabqabtaa oo LAGA GANACSADAA meeshii XAMAR ahayd waxay isu badashey NAIROBI, askarta xamar DUMARKA wey kufsadaan hadey hadasho ama qeylisana waa alshabab ama waa laiska xiranayaa RAGANA maalin walba horin baa la xirtaa oo qolada MAXKAMADAHA iyo kuwa JEELASHU hadhow ALSHABAB ka iibsadaan, DADKII BALAAYAA ILAAHAY TUSEY, DOWLADOODA MA AQAANEE!!
Yaab iyo amkaagow ha yaabin wixii umadda xamar gaysatay maalinba darsan dhib ah ayay la kulmayaan imisa miskiin aan waxba galabsan xamar lagaga oohiyay ma u malayn in xaqdarda la gaystay ay cidla dhacayso maalinba baal cusub ayaa u furmaya marka rabi ha haleelsiiyo umadihii dhibkaas gaystay wixii ka nool in ay rabigood u Towbad keenaan dadkii ay dhibka u gaysanteena cafis waydiistaan markaa rabi waa Qafuuru raxiim umadiisana waa u naxariisan ilaahay idinkiis laakiin inta ka horayso oo nin walbaba isla qumanyahay aad bey u adagtahay in dhibkan laga baxo.. ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,sahal lanaa bimaa nuriidu wanajinaa bimaa nakhaafu,,,,
[...] maanta ayaa noqonaya maalintii saddexaad oo hawlgallo xiriir ah ay ka soconayaan magaalada Muqdisho, waxaana saddexda maalmood hawlgalada lagu xiray dad aad u fara badan walow saraakiisha booliska ay [...]