Boosaaso: Hawlgal Caawa Ka Socda Kadib Weerar Xalay Lagu Qaaday Hotel Panorama


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso (RBC) Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa ciidamada amaanka ay ka wadaan hawlgal baaritaano ah gudaha magaalada iyo qaar ka mid ah waddooyinka muhimka ah ee soo gala magaalada.

Ciidamada booliska, kuwa shirkada Saracen iyo kuwa taabacsan madaxtooyada ayaa lagu arkayaa xaafadaha Raf iyo Raaxo iyo Laanta Hawada iyagoo baaritaano ku sameynaya baabuurta iyo guryaha.

Goobjoogayaal ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamadu ay qabqabteen dad kala duwan kuwaasoo loo taxaabay saldhigyada booliska ee magaalada ku yaalla.

Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa aad gaabis u ah caawa, waxaana dadka magaalada ku nool ay muujinayaan dareen cabsi leh kadib ciidamada tirada badan ee lagu arkay xaafadaha magaalada qaarkood.

Weerarkii xalay

Baaritaanadan ayaa ka dambeeyay weerar habeenkii xalay koox hubeysan ay ku qaadeen hotelka Panorama oo ku yaalla dhanka waqooyi ee magaalada Boosaaso, halkaasoo hal ruux uu ku geeriyooday saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Hotelka Panotama oo uu leeyahay wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan ayaa xilliga la weeraray waxaa ku sugnaa wasiirka amniga laftiisa, wasiirka ganacsiga iyo dhowr xubnood  oo ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Ma cadda ujeedada weerarkaasi iyo cida rasmi ahaan uga dambeysay, walow saraakiisha amaanka Puntland ay ka tuhun qabaan inay ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab oo habeenadan weeraro ku soo qaadeysay deegaano duleedka Boosaaso ku yaalla.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Boosaaso: Hawlgal Caawa Ka Socda Kadib Weerar Xalay Lagu Qaaday Hotel Panorama”

  1. Kenadiid Cumar says:

    Inta been laga sheegeyo xaqiiqada ka jirta gobolka Bari iyo gobolka Nugaal wax walba waa sii xumaanaysa. Waa wada ognahay in aan wax al-shabaab la yiraahdo ka jirin labada gobol bari iyo nugaal, markaa Faroole hadi moodey in been shisheeye laga dhaadhiciyo ku maquuniyo ummada ka yeeli mayno. Mucaarad ama beel bari ama nugaal degta in lagu yeero argagixiso waa sheekadi cabduulahi yusuf wadey waana aragney inta ku dambeeyay odeygu.

    Qofki muslimka ah hadi lagu yeero argagixiso waa inkaar Alle ta inagu dhici doonta. Waa sababta dhaqaalaha puntland dhulka galay haatana marayo meeshi ugu xumeed abid, waa sababta aqoonyahanki ka tegeen puntland, waa sababta qurbajoogu dalxiis ku iman waayeen puntland. Ila runta la sheego waxba hagaagi mahayaan.

    inte aadey canshuuraha dadka laga qaado? Sow jeebka faroole iyo wiilashiisa ma aadin? Maxa mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada loo bixin waayay?

  2. sharmaarke says:

    malaha kuwwinan fahmi la ciidamada taabacsan madaxwaynaha waxaad garan ladihiin inay jiraan ciidan loo yaqaan madaxtooyada.mase hadiiba wax la sheego meel kalla oo idin bugtaad ula ordaysaan. wuu saxsanyahay wariyihu ciidanka madaxtooyada taabacsan waa ay jiraan. laxyahaw aan wax fahmayn mase waxaad u malayseen in sidii cabduliaahi la idin leeyahay dagaal u dhaxeeya shacabka iyo maleeshiyada daacada u ah cabdilaahi alaha u naxariistee. arra boowe taas aaimanysa bal car hala kariyo daangada walee warbaahintaa idin fashilaysa.kkkkkkkkkkkkkkkk

  3. muuse says:

    kkkk,caalamka lamaarrag been intaas le eg kulahaa iyo kuwa taabacsan madaxtooyadda
    walalaale mucaaradnimadu maahan caynkaas

  4. eyl, puntland, somalia says:

    dadka wariyaasha isku sheegayah oo wax soo qorayah, ayaa mucaarad ah, waayo waxaad ka garaynaysaa kalmadaha ay isticmaalayaan. sida ciidamada booliska kuwa shirkada saran, sida ciidamada u daacada ah maxtooyaha. waxaa larabaa in qofka sheeganayah weriyaha uu dhexdhexaad yahay waayo kalmadahaan aad isticmaalaysaan maha dhexdhexaad. waa iska muuqataan in aad mucaarad ku tihiin dawlada puntland. hadii qof wariye sheeganayaa waxa khaldan soo qoroh waxaa larabaa in uu saxoh qofka madaxda ma editorka kaha warbaahintaas.

  5. Puntlandese says:

    Waxaa la yaab leh in maalin kasta ay na qaado ficilo, anagoo u jeedna in Puntland 2 gobol maqan yihiin, hadana gobolo kale qarka ka sii dagayaan, waxaana sabab u ah, in markii fikirka la isku khilaafo loo aqoonsado argagixiso, taas oo dadka wada dhashay sii kala fogeynaysa, siina kala fogaynaysa, madaxweyne faroole wuxuu dhisay oo uu kaga fiicnaa maamuladii ka horeeyey wuxuu ku dumin doonaa maalmo tirsan, waxaana muujinaya sida uu u dhaqmayo, waxaana laga sheegay mar uu wiil uu dhalay Maxamed faroole ka hadlay ” wiilkaas intuu gaarayo 15 sano yaan la ila hadlin, marka sidee sannad ugu darnaa maahan, sidee xaalka Puntland noqon doonaa markii maamulka faroole oo dhaqaale xumada horseeday uu sii jiro hal sano? teeda kale maxaa dekeda Bosaso loo xirayaa, oo canshuurta labo jibaarka ka badan loo saaray? xagee xoolihii puntland aadeyn? guryahan laga dhisay gorowe ma carab baa ilma faroole ugu deeqday? Allaah ka baqa oo runta iska sheega, anigu nacayb uma qabo laakiin qofkii run raba Garoowe ha tago, oo dadka ha soo wareyso, waxaad runta ogaan markaad cunto rootiga ilaa maqaaxi ay ilmo faroole u furnaato!!!!!

Leave a Reply