Boosaaso: Jubooyinka iyo Gaarisa Wafdi Ka Socda oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland [Sawirro+Dhageyso]
Boosaaso[RBC Radio] Wafdi ka socda Jubooyinka iyo magaalada Gaarisa ee Waqooyin Bari dalka Kenya ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid,Ganacasatad iyo Guddiga Ganacsatada Puntland.
Xubnaha Wafdiga iyo Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada Puntland oo kulankoodu ka dhacay Xarunta Rugta ayey uga Wadahadleen Xiriirka Ganacsi ee Gaarisa iyo Puntland.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in kulankoodu ku Saabsanaa sidii Xiriir dhanka Ganacsiga u Yeelan lahaayeen Gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo Puntland.
Wuxuu sheegay in ay Warbixino ku kala qaaten Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Guddiga Ganacsiga Puntland Iskaashi dhanka Ganacsiga oo dhexmara Gaarisa iyo Puntland.Wuxuuna Intaas ku daray in Qodobadii ay kawada hadleen isla afgarteen.
…”"” Warbixin baa lagu kala qaadanayey sidii Calaaqaadka Ganacsiga ee degmada Gaarisa sidaan Ognahay dhawaan caasimada Garoowe lagu mataaneeyey,waxay ahaayeen Wafdi booqasho oo dhulka marayey iney Indha-indheeyan Xaaladaha ka jira goboladaan,khaasatan Guddoomiyuhu wuxuu daba socday Shir horay uga dhacay Turkiga oo Horumarinta degmooyinka iyo Calaaqaadka Maayarada Soomaaliya,Xiriir horay u jira oo Maayarada Puntland iyo Gaarisa ka dhaxeeyey….”"”ayuu yiri Siciid Xuseen.
Guddoomiyaha degmada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya Ismaaciil Cabdi Garaad ayaa isna sheegay in Ganacsatada Puntland ee ku sugan Boosaaso kala hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen Ganacsiga labada hinac,wuxuuna intaas ku daray in Wafdi ka socda Ganacsatada Puntland qorsheynayaan iney Yimaadaan Gaarisa.
Waxa uu Shacabka reer Puntland uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen muddooyinkii ay ku sugnaayeen Magaalooyinka Gaaalkacyo,Garoowe iyo Boosaaso.
 Guddoomiyaha Maamul u Sameynta Jubooyinka Shiikh Khaliif Cali oo isna la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Booaqashada Puntland ku yimaadeen,wuxuuna uga mahadceliyey Shacabka reer Puntland soo dhaweynta ay u sameeyeen.
Shiikh Khaliif Cali oo soo hadal qaaday arrimaha Jubooyinka ayaa sheegay in dhismaha Jubaland uu maraayo meel wanaagsan isla markaana Jubaland yeelan doonto Dawlad u gaar ah oo ay wadashaqeeyaan Puntland iyo Shacabkeeda.
Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid Guji Halkan
Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Gaarisa Ismaaciil Cabdi Garaad Guji Halkan
Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maamul u Sameynta Jubooyinka Shiikh Khaliif Cali Guji
___________________________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso





















Aha is bartaan baan odhan lahaa
hooyadii ka guure aayadii kuma negaado ha ku quduro qaato iyo sidii loo iibiyey iyo xabaasha dheer ee loo qoday, 1960 yaa hormuud u ahaa yaa saddexda wadan u qaybiyey intayse arinkaa qaybintu dhibaataysay.
ka fiirsada hagardaamada idinku socota tolimo xumadana iska daaya oo caawimo idiinka baahane caawiya
waaa guul masha aalh iyo horumar aan ku tilaabsanay waa so dhawaynaynaa duga gaarsa
iyo gudiga mamuul u samanta G/jubooyinka soo dhawaada wlaaladiin ayaa la joogta
waxan ku oran lahaa xasan shiikh gumaysi hada jooga cidna kaa yeeli mayse ama aay dan kuu thay oo aad janiska manta ku so maray aad si fican uga faa idaysataa oo aad sharciga u hugaaansantaa
hadii kale kalsoonida wa laga la noqon ha u malan in aad kursiga ku sii dheganan ee hadii beelaha somaliyed ee ku so dortay aad dacad ugu shaqan waysid ader waxaad dib ugu laban
ENGO DAADI