Boosaaso oo fiday, Ganacsigeedii oo Baahay, iyo dadkeedii oo tarmay (Warbixin + Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe( RBC Radio)Tan iyo Burburkii Somaliya kadib waxaa hoos u dhac ku yimid guud ahaan nolosha   dadka   Soomaalida marka la eego dhanka Ganacsiga Amaanka Waxbarashada iyo waliba Caafimaadka iyadoo taas bedelkeed la dhex maquurtay dilal sokeeye iyo dhaawacyo  xoogan oo loo geystay qarankii adkaa ee Somaliya la oran jiray waawayo waayo ahaana libaaxii geeska  Africa.

 

Burburkii ku yimid dalka  wuxuu saamayn ku yeeshay kubucii ku socday Deegaanada Soomaalida iyo horusocdka bilicda Magaalooyinka, mudo kadibse dalku wuxuu muquurtay marxalado kala duwan waxaana dib loo helay kalsooni aan cago badan ku taaganayn iyo in la kaabo kaabayaasha dhaqaale kan aqooneed iyo kan caafimaad ee qaranka inkastoo Soomali wayn aysan wali sidii la rabay isugu soo xirmin.

 

 

Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee  Puntland waxay ka mid tahay Magaalooyinka 10kii Sano ee ugu  dambeeyey ay ka muuqatay horumar dhanka Ganacsiga, dhismaha iyo tirada dadwaynahaba isku darsatay ayna ka wada shaqa galaan dhamaan Dadka wada daga Gobolada Somalia, Magaalada Waxay leedahay Dakadd iyo Garoon diyaarad oo ganacsiga ka socdaa uu yahay mid baaxadleh.

 

 

 

Magaalada Boosaaso oo aan dhawaan hawlo shaqo ku tagay ayaa waxaa si wayn uga muuqday is bedel dhanka dhismaha  ah iyadoo xiliyadii ugu dambeeyey Magaalada ay maalgashi ku sameysanayeen qurba joogta u dhalatay puntland kuwaasi oo dhismayaal casri ah ka hirgaliyay  xaafadaha ay Magaalada  ay ka kooban tahay, waxaa sidoo kale jira shirkado dhismayaasha ku shaqo leh oo ku yaala Magaalada sida shirkada Mubarak Group Of Companies iyo shirkado kale oo Magaalada ka wada Mashaariic balaaran oo Dabaqyo bilic wanaagsan looga hirgelinayo  Ganacsi iyo Dad badnina ay usii dheertahay.

 

 

Dabaqa ugu dheer iminka Puntland oo Gacanta lagu hayo ayaa waxaa dhismihiisa Gacanta ku haysa Shirkada Mubarak  iyadoo loo dhisayo shirkada isgaarsiinta ee Golis dabaqaasi ayaa wuxuu ka kooban yahay 7biyaano  iyadoo sidoo kale iminka Gacanta laga jari rabo Dabaq loo dhisayay shirkada Iftin Bank ee Magaalada Bosaaso oo isla Mubarak ay Dhisayso, Bosaaso ayaa ah marka si gaar ah loo eego meel mashquul badan oo dadka ku nooli ay u badan yihiin Ganacsato kuwaasi oo aroortii ku kalaha goobohooda shaqada waxaana ku yar dadka shaqo la’aanta ah kadib odoros  dheer oo aan sameeyey.

 

 

Dakadda Wayn ee Magaalada oo aan booqasho ku tagay ayaa waxaa ka muuqday xoolo farabadan oo tirabeel ah kuwaasi  oo loo dhoofinayay dibadaha waxaa sidoo kale dakadda ka muuqday alaab u badnayd raashin iyo bagaash kala duwan oo ganacsato ay usoo dagaysay , Maamulka Dakadda ayaa ii xaqiijiyay in goobtu mashquulkeedu badan yahay ayna jiraan dad ay alaabo uga soo dagaan Dakadda oo ku sugan Gobolada Koofureed kuwa Dhexe iyo Waqooyiga, Hawlaha dakadduna ay si xawli ah u socdaan.

 

 

Garoonka Diyaaradaha Bandar Qaasim oo ka mid ahaa Goobihi aan tagay ayaa waxaa iiga muuqanayay Dhismayaal Bilic  wanaag ah iyadoo wali Garoonku uu ku socdo Dayactir oo aan wali la dhameystirin ,waxaa garoonka Dhinacyadiisa iyo gudihiisaba ku beeran dhir kala duwan, wuxuu garoonku sidoo kale leeyahay Baakino Dhaadheer oo la dhigto Gawaarida, waxaa sidoo kale garoonka ka Furan Meherado Raashin kala duwan lagu sameeyo, wuxuu kaloo leeyahay Adeegyada kala duwan ee shirkadaha iyo wixii kale ee Magaalo looga baahdo.

 

 

Inku dhaw Sagaal Boqol oo kun oo qof ayaa ku nool Magaalada waxaana Kubuca Magaalada Keenay ganacsiga  Dhaqaalaha Dakadda iyo Mashaariicaha Dalka laga fulinayo waxaana intaasi gun dhig u ah Amniga Magaalada sidaana waxaa Raxan-Reeb ku yiri Xassan Cabdalla Xassan Duqa Degmada Bosaaso Mar aan Xafiiskiisa ku booqday, Duqu wuxuu cadeeyey Magaalada in uu ka socdo Hormar Baaxad leh ayna iska kaashadeen Dowlada Ganacsatada iyo Dadwaynahaba wuxuuna ku baaqay in Ganacsiga iyo Dhaqaalaha kor loo qaado maadaama ay Bosaaso Loolan kula Jirto Magaalooyin badan oo Gobolada Qaar ee Soomaaliya Ku yaala.

 

Magaalada ayaa waxaa laga dhisay Wadooyin laami ah kadib iskaashi wadareed dhex maray Maamulka Degmada iyo  Ganacsatada kaasi oo laga hirgeliyay xaafado ka mid ah Magaalada kaasi oo qayb ka ah isbedelka Sanadahan dambe ku yimid Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka bari, Sidoo kale waxaa wadooyin waasac ah laga yagleelay  Suuqa weyn ee Ganacsiga Bosaso kaasi oo Dhawr jeer oo uu gubtay ay ku hanti beeleen dad badan oo ganacsato ah kadib markii uu Qasaarahaasi soo noqnoqday ayaa Dowladu go’aan ku gaadhay in wadooyin laga hirgeliyo Hareeraha Suuqa  waxaana taasi uu meesha ka saaray in markale suuqu uu gubto iyadoo Bilicda Magaalada iyo Suuquna uu dib usoo noqday.

 

Magaalada Xeebeedka Boosaaso oo ah Isha ganacsiga Puntland iyo Somaliyaba ayaa xiligan u muuqata mid dhanwalba  ka hormarsan walina sii baahaysa iyadoo himilada ganacsato iyo wax garad badan oo aan la sheekeystay ay ii sheegeen in ay rajeynayaan in ay muujiyaan waxtar baaxad leh iyo bilic ka duwan mida hada bosaaso laga hirgashay, Bosaaso oo ah meel Ganacsi ayaa waxaa ku nool Qabaa’ilo kala Duwan kuwaasi oo u siman ganacsiga Magaalada Iyo sharcigaba.

 

Ibraahim Muuse Dahraan (Wadani )

Wakiilka Raxan-Reeb) Garowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

16 Responses for “Boosaaso oo fiday, Ganacsigeedii oo Baahay, iyo dadkeedii oo tarmay (Warbixin + Sawirro)”

  1. Somali says:

    Very good news allow dalkoo dhan sidaas noogu dada hormari amiiiiiiiiiiiiiiin

  2. jamaame says:

    ALLOW idin kordhi nimcada RABBI idinku maneystay, Soamliya waxaad u noqoteen tusaale.

  3. A.A.Xade says:

    Hantiyeey macaan waa middaan hooy lagaa orane. Waa arrin lagu farxo waxaanse ku talinayaa, in magaalada loo diyaariyo in aay noqon karto Caasimad haddii loo baahdo, oo loo sameeyo Baakino iyo jidad waasic ah sidoo kalena lagu beero dhir fara badan. Reer Gedo.

    Bandar qaasim waa Belad san oo Baahidii tiraye.
    Ka Badbaad Balaayada Ilaah Baasha kaa mariye.
    Anna Booqashaan kuugu iman Bi’idni laaheeye.

    Ninkii Boos ku yeeshaa Wallaan cidina Baadyne.
    Oo Bililiqiyo laguma dhisin Booli qarameede.
    Bahdeeyday ku Baashaala nabad Baaqigaad gurane.

  4. luley says:

    @ a.a.xade , wilka wataa , waan ku salamay boowe,
    aad ayaan kaga helay hadalka quruxda badan aad tirisay , masha alla afkaaga caano lagu qabay , putlaneey illahow cadowgaaga qabo , mid gaal iyo mid muslim ba ……….
    allaha ya cizak xade boowe

  5. CALI DHUUX ADAM says:

    MASHAA ALAAH, ILAAHAY NOO BARAKEEYO CAASIMDA, WAA MAANTO KORIS, WAA HOOYADII ILBAXNIMDA UMADA SOMALIYEED, WAA CAASIMAD TARIIKH LEH, ILAAHAY HA XIFDIYO, WAXAY KU TAALAA BAABU MADAM, TARIIKHDA ISLAMKANA LAGA YAQAANO, WAA MAGAALO LAGU FAANO IYADA DADKEEDABA…

  6. halgamaa says:

    anigu bossaso waxaan tagay xili 2009 waxana is malaha meeshan waa magallada ugu busy san ama ku saxmad badan dalka somalia sida ay shaqadu u kala socoto iyo somali nooc kasta ah oo aad ka helayso runtii dhismaheeda waxa ka qayb qaatay somali oo dhan waxana la oran kara wa magallada ganacsiga somalia ama bussiness-center for the somali community illahay ha u barakeeyo ayan leeyahay

  7. qandalawi says:

    @ a a xade abwaan mahadsanid ka badbaad belaayada ilaah baasha kaa mariye ….. Bililiqo laguma dhisin iyo booli qarameede aad baa tixdaadu u qiima badan tahay in kasta oo gedo iyo puntland ba aynu wada leenahay ilaahay waxaan ka baryayaa kana rajeynayaa in somaliya oo dhan nabad gelyo iyo horumar degdeg ah oo ballaarani ka hana qaado quluubteenana isu soo jeediyo aaammmiiin.
    Teeda kale waxaan aad ugu faraxsanahay warbixintaan horumarka iyo nabadda ka hadleysa maadaama aanu uga baranay mareegaha (websiteyada) somalida warar xambaarsan dagaallo, khilaaf, difaac iyo weerar, colaad, dhaliilo, musuqmaasuq, afduubyo, dhimasho, qaraxyo, dil iyo dhac iyo wax la mid ah wararkaas oo umadda ku kala beeraya kala fogaansho cuqdad is nacayb iyo xasad dhexdooda ah
    Haddaba waxaan ka codsanyaa raxanreeb haddii ay awoodaan in ay toddobaad walba hal magaalo oo waddanka ah warbixino ka soo diyaariyaan sawirro ka soo qaadaan si qurba joogtu sawir fiican uga helaan dalkooda hooyo waad mahadsan tihiin

  8. saami says:

    Masha allah! ilaahay ha u siyaadiyo reer pland horumarka, ha isaga ciyaarina nolosha aysan haysan koonfur isuna tanaasula.

  9. laasqoray boy says:

    waa meesha aanan waligaay ilaaweeyn dugsiga dhexe/sare baan kaga soo baxay waxaan ku dhashay laasqoray laakiin xataa magaaladaan ku dhashay boosaasaan ka jeclahay boosaaso boosaaso boosaso waa beled waana meel barwaaqo ah oo bad iyo buurba leh

  10. Hanad says:

    qoraalkiisu waa sax aan ka ahayn tirada dadka, boosaaso dad aad iyo aad u tiro badan ayaa ku nool waxaana lagu qiyaasaa, 1.5 million iyo 2 million,,,,…

  11. abdullahi hassan says:

    magaalada waxaa ka wareersan city planing-ka waxaad moodaa in awr lagu degay,oo aan loo qorshayn inay magaalo noqoto,xaafadaha qaarkood haddii qof ku dhinto lagama soo saari karo.magaalada iyo airportka boosaaso laami maaha xataa jay fiican maaha,maalin walbana madaxdu waa ka dhoofaysaa mana arkaan waxna kama qabtaan.

  12. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. Maasha’allah, waa arrin aan aad ugu farahsanahay in Boosaaso horumar dhaqaale, iyo koboc bulshada amaba population. Ilaaheey ha u saai’idiyo wanaaga iyo horumarka.

    Sida uu sheegay walaalkeen Abdullahi Hassan, waxaa loo baahanyahay “city planning” iyo in laga firkiraa dariiqyada/jidadka in la dhiso, oo uu qof kastaa amaba ganacsada kastaa kaliya uu ka fakarin in uu sar, iyo dhismo dhisaa, taasoo ah wax Private ah. Somalidana dhibka heeystaa ayaa waxuu yahay wax kasta oo private ah ayaa xooga la saaray, ayadoo la dayacay waxii public amaba bulshada ka dhaxeeyay, sida wadooyinka, sewage amaba biyaha bulaacadaha iyo wasaqda qaada, iiskuulada, isbitaalada yo waxyaabo badan oo umada dhan ka dhaxeeya. Waa in “private/public partnership la sameeyaa, oo dadka canshuurta laga qaado, iyo mida dowladaba la galiyaa dhisida waxyaabaha public ah.

  13. qardho says:

    Good job boowe dhaqa fiican baad qabatay thanks soo gali baran qardho garowe galkacayo galdogob iyo buuhoodle.

  14. caraseedo says:

    Maansha Allaahu:
    puntland:anigaa marmarayoo Boosaaso waa beledka koowaade,
    Ilaahay badbaadiyo barwaaqaan uga baryaynaaye,
    Inta neceb balaayaday wadaan baal ha sii mariyo,
    Bushigooda iyo waxay wadaan baal ha sii mariyo,
    Buuraha kuweer lagu calalay baal ha sii mariyo,
    Boosaaso ,barwaaqiyo,Ilaahayoow beledka Aamiin dheh,
    Puntland Ilaahayoow balaayada hareer mari[aamiin]]

  15. DHeere power says:

    Anigu waxan u dhashay Khatumo state of Somalia weliba xarunta Taleex city
    Bosaso waa magaalo horumar badan samaysay maasha allah eebe ha ukordhiyo
    Magaaladas fasax baan ku tegey xagaagii hore
    lakin weliba waxay u baahan tahay City planning tusaale ahan marka dab meel qabsado majiro dabdamis dadku waxay la cararayan Baaldi iyo caagado !
    mana aha bosaso ookeliya waa qaabka somalidu u dhaqanto waxkasta waxaynu ka bilowna kor.
    magaalada waxa degan dad wanaagsan oo ilbaxnimo ka muuqato waan bogaadinaya.

    Wabilahi towfiq.

  16. DHeere power says:

    Dalkeenu wuxuu u baahan yahay Infrastructure ama kaabayasha nolosha.
    Taasna waxaa samayn kara maamul leh Vision ama qorshe ku dhisan himilo dhow iyo mid fog.

Leave a Reply