Caasho Geele Diiriye: Mudada Dawladda Puntland Loo Igmaday Waxaa Ka Harsan 4-Maalmood [Dhageyso]

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrinaha Qoyska Dawladda Puntland Marwo Caasho Geelle Geelle Diiriye
Gaalkacyo[RBC Radio] Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrinaha Qoyska Dawladda Puntland Marwo Caasho Geelle Geelle Diiriye ayaa ka dhawaajisay mudada Dawladda ee Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud loo Igmaday ka dhimantahay afar maalmood oo keliya.
Marwo Caasho Geelle oo Saxaafadda Shir Jaraa’id ugu qabatay magaaladda Gaalkacyo ayaa kaga hadashay arrimo badan oo khuseeya Puntland gaar ahaana Shacabka,Dawladda hadda jirta,Siyaasiyiinta Mucaaradka ah,Issimadda Dhaqanka iyo sida looga gudbi karo khilaafka taagan.
Cadde Muuse iyo Haweenka gobolka Mudug
Caasho Geele Diiriye ayaa faah-faahin ka bixisay kulan uu la yeeshay Haweenka ku dhaqan gobolka Mudug gaar ahaana kuwa kunool magaaladda Gaalkacyo,waxayna sheegtay in Madaxweynihii hore ee Puntland uu si qoto dheer ugala hadlay arrimaha Siyaasadda iyo Nabadgelyada ee Puntland.
Halkan ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Caasho Geelle Guji Halkan
Waxay sheegtay in Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse uu u sheegay in uu u yimid magaaladda Gaalkacyo khatarta Puntland laga dareemayo sidii uu uga horgati lahaa isla markaana waxa uu Wareysi la yeeshay sida ay tiri Marwo Caasho Haweenka iyagoona u sheegay fikirka ay ka aaminsanyihiin in wax lagu Xalin karo.
…”"”Wuxuu rabey in uu Ogaado sida ay tahay Xaaladu,dadku muxuu aaminsanyahay,dadku ma wuxuu aaminsanyahay in khatari soo socoto,dadku ma waxay aaminsanyihiin mudada hadda la isku hayo iney dhaamatay,ma waxay aamisanyihiin iney Sharci-yihiin,..“”ayey tiri.
Waxa ay sheegtay in Haweenku u Cadeeyeen Mudane Cadde Muuse fikirka ay ka qabaan Jiritaanka Mudada Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan taasoo ay ku sheegeen iney ku eegtahay 8-da Janauray 2013 isla markaana aysan jirin wax muddo korarsi ah.
Jiritaanka Dawladda Puntland.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrinaha Qoyska Dawladda Puntland Marwo Caasho Geelle Geelle Diiriye ayaa si cad u sheegtay in mudada loo igmaday Dawladda Puntland ay ka harsantahay afar maalmood oo keliya isla markaaana Shacabka doonayaan Isbadel.
…”"” Maanta anigu waxaan aaminsanahay oon u sheegayo Shacabka reer Puntland mudada Dawladda loo igmaday waxaa ka hartay 4-maalmood,afar maalmoodna Caqliyadu waxay sheegeysaa in inta Baarlamaan lagu xulo oo dawlad kale timaado oo Nidaamkana isbadelo iney adagtahay…”“ayey tiri Caasho.
Khilaafka taagan Sida looga Gudbi-karo.
Dawladda Puntland ee u Madaxweynaha ka yahay Cabdirixmaan Farole iyo Kooxaha Mucaaradka ah ee diidan mudada Sanadka ah ayey ku talisay Marwo Caasho in khilaafka u dhaxeya looga gudbi karo oo kaliya arrimaha soo socda:
01. In horta Issimadu isu yimaadaan markaas ka bacdina ay bilaabaan in Dawladda ay u sheegaan oo u Cadeeyaan in mudadii la doortay ay dhamaatay o horta dawladu ay kasoo degto buurta ay saarantahay oo ah in muddo Sanad ah u hartay.
02. In marka dawladda loo Cadeeyo oo dhulka lasoo dhigto waxa la isla leeyahay ka bacdi in la sameeyo Geedi socod Nabadeed oo dawladdu ay sameyso muddo kordhin ka bilaabata Saddex-bilood,lix bilood ka badan ay u Ogolaadaan markaasna ay dawldu kusii wado Barnaamijyada laakiin mudadaas dhexdeeda lagu soo doorto Baarlamaan lasoo dhameystiro dadka isku Sharaxya Madaxtimadana ay soo diyaar-garoobaan,mudadaas dhexdeedana ay ddhacdo Doorasho xor ah.
03. In isla mudadaas la laalo waxyaabihii khilaafka keenay oo aheyd Dimuqraadiyada,dadkana lagu booriyo in Nabadgelyada Puntland ay tahay lama taabtaan,lama taantaankaasna qof walaba ka shaqeeyo in wax keeni kara gacan ka hadal aan lagu dhaqaaqin
Gabagabadii Marwo Caasho Geelle ayaa sheegtay iney ka Xuntahay in Dawladda,Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada aysan ku dhiiran iney Xal Nabadeed ku raadiyaan Khilaafka taagan isla markaana ku adkeysanayaan oo kaliya Muddo korarsi,Xabsi,dil iyo arrimo kale taasina tahay wax laga damqado.
____________________________
RBC Radio
Xafiiska Wararka
Gaalkacyo.













Waxaa la yaab ah, dad aan Afsoomaaliga ay ku hadlatyaan ama dadwayna Soomaaliyeed rabaan inay war ugu gudbiyaaan aan qeexi karin erayada ay qorayaan iyo micnohooda
Bal RaxanReeb aan waydiiyo inay noo sharixi karaan erayga ah “IGMADAY” ee ku jira cinwaanka ( Mudadii loo Igmaday) xageebuu ka soo galaaa Afsoomaaliga saxda ah!!!. IGMASHO ma laga soo heli karaa Qaamuuska afka Soomaaliga?!.
eraygan hada qoraalkaan buu ku jiraa laakin kuwo fara badan oo khaldan baan maalin iyo hamayn ku arkaa Website-yada Soomaaliga wax ku qora.
miitaal ahaan.
3 qofood baa ku dhintay dagaal [ erayga QOF Afkeena Soomaaliga waa isku mid wadar iyo kali]. waxaana saxa ah in la dhoho, 1 qof, 10 qof, iyo 1000 qof.
xagga iyo xaggaba waa xukun doon dhammaantood, waxa u cad waa kursi keliya laakiin cid idinka yeeleysa majirto in aad isku dishaan dhallinta reer Puntland oo marka uu xaalku xumaado dibadda u carartaan sida rag hortiin yeelay, war caqligu ha taliyo inta aad wiil puntlander ah uu u dhiman lahaa adoo ah kursi doon ah oo keliya,
naagtaan anigu waxaan leeyahay gurigaaga ka adkoow rag siyaasiin ah baa kuuhadlayee
Xaalka allaha dajiyo koley waxaan ogahay in caasho geele ee kun jeer ka taaero badantahay faroole
Asc dhamaantiin saan dan noomaha ee caadifada iska dhaafa Caasho sharciga darstuurka bay ka hadashay. Wax kale kama hadlin marka adeer faroole ha ku laabto Australia baa sugayeysa amay dan u tahay taas.
Casha Gelle Dirie waa halyey somaliyeed sharaf iyo karaamo iyo magacna ku leh bulsho weynta reer Puntland. Intey u tartey dadkeeda iyo wixii ay qabatey oo dhana waa mid cad oo ay ku amanan tahay, waxan leenahay aad ayaad u mahadsan tahay halkaasna kasii wad u adeega bulshadaada. Arintan ay maanta ka hadasheyna xaqbey u leedahay waana qasab inaa runta laga hadlo. Nolow Mama Casha, you said nothing but the truth
Waa dad habowsan, bal daya kuwaan Gabadha weeraraya , waligay ma’arag siyaasi reer puntland ah oo siday wax u cabirayso iyo aragtida dheer ee ay figradaheedu ku qotamaan oo kale leh.
Caasha Geelle waxay la mid tahay amaba ay ka horaysaa madaxdii dumarka ahayd ee aduunka soo maray sida India , Israel, Norway, Newzealand, Australia, Republic of Ireland, Germany wadamadaas oo dhan dumar ayaa soo xukumay qaarna hadda ayay madax u yihiin, waxayna gaarsiiyeen horumar iyo barwaaqo, Caasha Geelle way leedahay aqoonta iyo dadnimada dumarkaasi leeyihiin laakiin mahasato dad wax fahmaya sida dadka wadamadaas oo kale.Caqliga ay kala hortagayaan waa dumar ee maxay tari, gurigeeda hajoogto, waa reer hebel ee sidee ku noqonaysaa madaxwaynaha Puntland.
S/C
Waad mahadsantihiin dhamaantiin.waxaan qofna ka qarsoonayn kadib markii qaranimadii somalia ay duntay waxyaabo badan in ay ladumeen sida afkii hooyo,sidaa darteed comments kii MAXAMED ku dhaliilay howlwadeenada raxanreeb dhinaca qoraalka afka somaliga.dhibaatadaas kuma koobna howlwadeenada raxanreeb,laakiin waxaan orankaraa qaladaadkaas waxaa lawadaaga dhamaan websites kale iyo waliba dadka kahadla idaacadaha sida bbc,voa iyo kuwakale,
waxyaabaha dhagaheena aan ku maqalno waxaa kamid ah.WALXAXA QARXA,hello may MAQASHAA?,iyo waa ku MAQLAA,
Akhyaarta hadaan u soo laabto dhinaca siyaasada. waxaan oranlahaa marwo caasho xilkay u haysay PUNTLAND waa laga qaaday .mar hadii laga qaaday shqadii waa in ay kusugnaataa gurigeeda inta ay shaqo kahelayso, walba waa in ay ogaataa in lagu badaly gabar ina adeerteed ah, caadifad igama aha lakiin waxay iga tahay xal .waxaana kadhashay reerkay kadhalatay,
Dadka qaylinaya waxaan u sheegayaa waxaa idiin hartay 2 maalmood after two days maxaad samaynaysaan? CAASHA, GEN,A.SAID, MUDANE GAAGAAB, IYO GABLAX,caruurta aad dhasheen u dhiibta xabadaha iyo qoryaha aad ugu hanjabaysaan PUNTLAND wallahi reera kale caruurtood in ay san dagaal idiin galayn sheekadaas wiilal badan baa nooga maqan/
Ninka Mudane watoow Caashi Geelle runtii nin aan aqoon ayaa wax ka sheega Caasho Geelle kuwo badna oo rag ah ayey dhaantaa dhan walba waana qof damiir aad u adag leh sidaas darteed baro Caasho adigaa ogaan doono qofka caasho tahay.Hadii aan u soo laabto arinka caasho ka dhawaajisay waa wax jira umadiina kooxda faroole xabsi iyo dil labadaba wey ku wadaan mida kale ninkaan faroole ah waqtigii wuu ka dhamaaday ee haka dago kursiga isimaduna ha soo xulaan ruux dhan walba ka dhisan.faroole oday aan wax faa’iido u laheeyn dadka puntland ku nool iyo somali oo dhan sidaas darteed haku laabto qaxootinimadiisii.
Waad edaab daran tahiin faroole waa ninka ugu waxqabad badan pld magaaladiisina waa dhistay pldna waa ku keligii naagtan afka guduudan warkeedu ima gelin anige gurigeeda ayaan kiu og nahay
axaa dalka dumiya oo qalqalka kena wasiirada xilka waaaya sida caasho geele oo 14 sano aan afkeeda wax hadal ah laga maqal ilaa xilka laga qaaday taasi waa dhibaato xildoonka ka timaada , puntland dadkaa leh dastuurkeedana ddkaa degsaday dawlada waxa u harsan halsano oo dastuuri ah oo umadu ansixisay.dadka yaan la lugoyn iyadoo la radinayo xil subxaana allah fariiso abaayo oo iska naso 14 sano waxad soo wayday maanta ma helayside.
Habrihii xusul buruurta ahaa iyo xaaran kunaax oo dhan weeye waxa qaylinayaa, Fadlan dambe xaaraan ayay idinka tahay ee bal banaanka soo dhiga waxa aad la qaylinaysaan!!!
Ninkaan xisbi ogalaynoow, hadde dadweynuhuna qabiil ma doonayaan ee sidaa ogaada in aydaan dad ku xukumayn!!!
Caasho waal maxay ku hadashay. islaantani 8 sano ayey xoolaha puntland cunaysay oo ku naaxday. waa millionare lacagtay isdaba marisay markay ururka haweenka xakuntay waa la ogyhay oo wax qarsoon ma aha. waxay xoog u sheeagatay gabdhihii la shaqaynayey oo ina ugaas yaasiin ka mid tahay iyadaana jka gardarnayd markii runta loo sheegayna waxay ka soo jeesatay guriga ina adeerkeed gaagaab waxayna noqotay afka ay ku hadlaan qaswadayaashu. waxay rabtaa 4 sano oo kale in ay meel adimaha la gasho waase caqlixumo in qof caynkaa ah la amaano. faroole iyadaa la soo shaqaysatay waxay rabytaa in maamulka xiga hadana dabada qabsato.
waryaaya nimankiina hadlayaa maxaad kataqaanan casho geele guri iyo xaafiis iyo dal iyo dibadba waa ku filantahay waxay ka caqli badantahay raga meesha ka hadlaya oo dhan waxaan leenahay haloo dhiibo xukunka iyada waxaad harki lahaydeen umad isku duuban dal dhisan dad is jecel sharic iyo kala daneyn isku duubni horumar hodontinimo wata waa ninka roon nagana baldaa waxaa waxka sheega liite aan wax ogeeyn bal hubso hadalkaga inaan ku cayo marabo laakiin faker waa laga tegey waqtigaad ku hamiyeeysin waxaa lajoogaa muxuu qofku yahay
Mudane Maxamad Kelamada IGAMADAY Ama Loo IDAMAY Ama Loo CAYIMAY Macanahoodu Waxa Weeye Wax Kooban oo Dhinaca Taariikhda iyo Ficilsamaynta U Baddan Waa Suurto Gal In Aan Buuga Qaamuuska Laga Helin Balse waa Kelamad Jiratah.Waa Kelamad ka Soo Horjeedah AMAR Maha Kelmad Khasab Loo Adeegasadoh Waxay U Baddantahay Dhinaca Nasteexada Marka Amuro Mucayiman Laga Hadalayoh.
Marwo caasho wili ma xukun doon baa puntland waxay 14 sanadood ka ahayd xildhibaan iyo wasiir hadii maanta booskeedii loo dhiibay gabar walaasheed ah waxaa fiican in ay iska nasato rag iyo dumar african xilkama dhergo.
Caasho Geele iyo Gaagaab,ina cali biixi,Odayga Cabdullaahi S Samatar iyo Muuse cali Jamac,C/weli Gaas,intaas iyo in kaloo aanan halkaan ku koobin waxaan kula talin lahaa naga damiya dabkan aad shidaysaan!!!!!!!!!!!!!.
Caasho,14sano kursigii hadduu ku qancin waayay walaashayeey oo aad wali mid kale raadinayso wiilasha yar yar ha nooga jafin xabad uma baahnin dagaal iyo jahawareerin,maanlaawayaasha somaliyeed markay kursiga ka dhacaan bay dib u jaleecaan dab hurin iyo isku dir ,walaaleey 14sano meeshu ma aha dhaxal aabahaa ee waa meerto kursigu oo maalinba waa in qof uu ku fariistaa,ee ha soo libaaxyaynina kiinii ka dhacaaba,marka waa yaabe yaa adinka kaligiin idiin qoray kursiga!!!!!!!!!!!.
Caashoy kursigu waa meerto oo marba ruux baa hatiya,
Ee haddii uu kaa meeray,caloosha adkayso oo meertadaada sugo,KKKKK,
laga yaabee inaad mar kale ku soo noqoto laakiin cagaha dhigo oo jooji qaska iyo kala daadinta sumcad xumada,!!!!!!!!!!!!!!!!.
reer puntland waxa soo maray labo caasho labadiina waa eedeen. midi waatan qaswadayaasha la soo safatay waa casho geelee. midina waa tii maalinkasta ka qaylin jirtay idaacadaha muqdisho oo cabdulaahi yuusuf nafta u keentay had iyo jeerna puntland caayi jirtay. aan u soo noqdo midan guriga guulwade gaagaab ka soo qaylinaysa waxay muddo 14 sano ah xil ka haysay dowladihii puntland soo maray waxayna ahayd lama taabtaan waayo nin waliba waa ogaa inay afka furanayso hadii la taabto. waxay ku taajirtay xoolihii puntland waxayna dagaal cad la gashay cid allaale cidii wasaarada haweenka kala shaqaynaysay ilamaa la bedelo. intay aamusi lahayd oo ka qaybqaadan lahayd nabadaynta puntland waxay isa sii taagtay gurigii guulwade gaagab oo ah the most hated man in puntland. waxay ahayd inay ka qayb qaadato xasilinta puntland laakiin waxay u bareertay duminta puntland oo iyada qaswade gaagaab ayaa ka danbeeyey in la isla sawiro mujrim cabdi qaybdiid oo dad masaakiina oo gaari saaran ka afduubay puntland barxaleyna ku hayst oo had iyo jeerna madaafiic aan loo meeldeyin ku garaaca dadka rayidka ah ee reer puntland oo gaalkacayo degan.
@nuuraani …wiilkaan nuuraani ah iyo inta kale ee gabadhan wax ka sheegaysa kaalay miyeydnaan qaan gaar ahayn oo wadanka waxa ka socda la socon gabadhu wax khalad ah ma sheegin ee wacyiga jira ayay ka hadashay sida faroole loo doortay waana cadahay in faroole 2 bari u hartay oo cid kasta waa ogtahay mise idinka idin gali maysoo waxaa joortaan bilowgii 2012 sida faroole uqabo xishood ma jiro xitaa miyaa wuxuuba lasoo taagan yahay waxaa la idoortay 5 sano yaa isaga ka caqli xun wadanka ma isagaa iskaleh waan ognahay garoowe in reero leeyiihiin oo u diideen xataa in wadadaa dheer la maro run aan isu sheegno odaga wakhtigii waa ka dhamaaday hadu is leeyahay adiga Aaran jaan iyo wiilashaada waxbaa la idiin raacayaaaye ee yaysan waxba idinka danbayn wadanka hala burburiyo walee inaan laga yeelayn waana la is yaqaanaa ninkaan faroole ahna aqoon uma lihidin oo waa ninkii markuu wasirka maaliyada ahaa markii xilka laga qaday soo weeraray gurigii madaxweyne ku xigeenkii hore mohamed abdi xaashi tii xigtayna waxay ahayd markii cade ka cayrshay wasiirka maaliyada tii uu dhigayna waa la ogaa inuu barqo soo weeraray hoolkii baarlamaanka tii ku dhacdayna waa la ogaa uu watuu cararay marka hadana markii maxayne laga dhigay oo wakhtigii ka dhamaatay ayuura rabaa inta wadanka dumiyo uu sidiisii cararo ileen noole ka fulaysan malehe waa la is yaqanaa marka waxba gabadhaan yaan lagu mashquuline idinkoo dhan waa idinka caqli badan tahaye orda oo odoga wax usheega sidaas dal iyo dad laguma xukumee teeda kale wuxuuba iloobay inay tahay bahashu wax dad isku darsaday allah yaa usheega waar orda odaga la taliya oo wadanka dadku waa wada leeyihiine cidna ma muquunin kartide walaaloow wakhtigii waa kaa dhamaadaye nadaa aan qofkale oo intaad qaban wayday noo qabta aan dooraneee
S/C
Waxaan lahadlayaa nika labaxay. Ahmed cade.walaal kuma caayayno somaliduna waxay tirahdaa af caytamay ninkiisuu ku yaalaa,walaal waxaad si idha la,aan ah u support garaynaysaa.caasho geele.waxaad dagaal kula jirtaa si aan kala harlahayn .faroole. walaal liibaane arintu way kawayntahay .caasho iyo faroole.walaal arinta laga hadlayaa waxaa weeye PUNTLAND jiritaankeeda ,hormarkeeda,cadowgeeda in isku aragti laga ahaado,
walaal waxaan ogsoonahay Awooda ugu wayn ee PUNTLAND kajirta waxna soo doorankarta waxna diidi karta waa ISIMADA, walaal adiga,caasho,gaagaab,gablax,samantar,waad ogtihiin in isimada iyo barlamaankuba ugu dareen faroole one year si uu usoo dhamaystiro hanaanka siyaasada wanaagsan ee nadaamka axzabta,
Billahi calaykum sow ceeb ma ahan in aad ku soo celcelisaan 24hrs faroole waxaa loo doortay in uu hayo talada 4 years ,su,aashu waxay tahay maxaa idinka idha saabay sanadka loogu daray?Raadiyaha waxaan ka dhagaystay mucaradka oo leh isimadu waa in ay soo faragaliyaan arintu intaysan faraha kabixin,isimadu sow kuwii ma ahan shalay ugu daray sanadka faroole?
Crabtu waxay tirahdaa qofkay layaabaan oo aan waxba maqlayn waxaa dhagaha kaga jira mithla buc buc, BUC BUC waa miraha geedka yoocada,caruurtu markay yaryar yihiin bay ku cayaaraan haday dhagaha iska galiyaana waa khatar lagama soo saarikaro,
Abdullahi yuusuf ahmed illahay hownaxariistee waxuu oranjiray war shidada halayska daayo ,marka waxaan idin leenahay war tacabkiin jiryaye cadow badan baa nagu hareeraysan ee ina ka daaya SHIDADA,
Regards/
MR.adoon illahay
@mr.adoon ilaahay
walaal waxaan malaynayaa inaadan fahmin mowduuca neeshaana inaynu qof masuul ah wax uga sheegno waa ceeb iyo danbi laakiin mid baan ku xusuusinayaa horta farole manta madaxweyne maaha leh legitimacy sababtoo ah waxaa la doortay 4yrs taa shaki kuma jiro waxaad se ogaataa wixii meesha lagu ansixiyay Dastuurkii wadankuu ahaa ee maahanyn hal sano faroole halogu daro mida kale odagu hada hal sano ha la igu daro ma taagna ee wuxuu taagan yahay 5yrs baa la idoortay marka ma inagaa waalan mise cadan baalaga heesayaa arinta cadowga puntland midaas yaan cidna lagu beer laxawsan waxaan kuusheegayaa inuusan faroole wadankaan soo dicaafi jirin ee dadku iyagu is difaaci jireen midkii kale oo aan dooranaan garab istaagaynaa,waxaanan aniga iyo dad badaniba aamin san yihiin in manta wixii ka danbeeya faroole uusan madax weyne ahayn sababtoo ah 4yrs baa la dhaariyay wixii intaa ka badan waa xaaraan oo anaga nin aan kitaab la marin na xukumi maayo puntland faroole la’aantiis waa jiraysaa insha’allah khayr bayna ku dhamaanaysaa hadii laakiin odagu isku dhajiyo ileen cidna lama caburin karee odagu isagaa ka masuula hadiii burbur iyo dagaal dhaco