Cabdi Qeybdiid oo Booqday Waqooyiga Gaalkacyo, Kulamana La Qaatay Islaan Bashiir Iyo Cadde Muuse
Gaalkacyo (RBC) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa maanta booqday masuuliyiin iyo waxgarad ka mid ah maamulka Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Cabdi Qeybdiid oo ay la socdeen dhowr wasiir oo maamulka Galmudug ka tirsan ayaa ugu horeyn saaka la kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland Jen Maxamuud Muuse Xersi “Cadde Muuse” oo haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo, waxaana kulanka uu ka dhacay hotelka Sugulle oo uu degan yahay Jen Cadde Muuse.
Kulankan dhexmaray Cadde Muuse iyo Cabdi Qeybdiid ayaa la sheegay in looga wada hadlay amaanka gobolka iyo iskaashiga labada maamul u dhexeeya.
Waxaa kaloo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa xiisado ka dhashay dad lagu afduubay magaalada Gaalkacyo iyo falal aanooyin qabiil oo dad lagu dilay kuwaasoo ay isku eedeeyeen labada maamul Puntland iyo Galmudug.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid ayaa booqday guriga uu degan yahay Islaan Bshiir Islaan Cabdulle oo hadda ku sugan Gaalkacyo, waxaana Cabdi Qeybdiid iyo Islaan Bashiir dhexmaray kulan ay kaga wada hadleen arimaha amaanka, iskaashiga labada maamul iyo ka hortaga wixii dhibaato ku ah bulshada deegaanka.
Kulankan ayaa waxaa uu ku soo beegmay xilli dhowaan masuuliyiinta amaanka ee gobolka Mudug ee kala raacsan Puntland iyo Galmudug ay ku baaqeen in si wadajir ah looga wada hortago kooaha maleeshiyaadka ee magaca qabiilka dadka ku dhibaateeya gudaha magaalada Gaalkacyo, arintaasoo salaadiinta iyo waxgaradkana ay soo dhoweeyeen.
RBC Radio













mashaa allaah waa guul la gaaray mar hadii madaxda iyo wax garadku isa soo boqanayan oo talada la wadago iyo walalnimada iyo slamnimada intaba waana wax wanaagsan in laga fejignado malashiyadka labada dhinac kaso kala jeeda ee dadka wanagsan isku diraya ayaga oo magac qabiil huwan kuwaas alle haka baqan war reer puntland iyo reer galmudugoow adinka ayaa dad deris ah oo hadana wada dhashaye walalanimada iyo amaanka ku dadaala
Is good in la isku soo dhawaado lkn ciyaal doqoman maan gaab ah ayaa wax qaldan oo maco xun sheegi doona
faroole ninkaan oo kale ayuu maqlaa dad kale ma maqlo ileem Jiri mooryaan baa u jawaab ah….nacas aafaroole aan waxba fahmeyn.
nugaalbaa durdur wayday docmaa loo hayaamay dad ma u qaadanayaa?colaadu mudug bay ka timid ilaahay nabada somaliyana haka keeno mudug…..