Cabdilaahi Ciddi libaax oo shaaciyey inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Puntland.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Cabdilaahi Cali Barre

Siyaasi Cabdilaahi Cali Barre (Ciddi Libaax) oo ah aqoonyahan si weyn looga yaqaan bariga Africa iyo Khaliijka, ayaa shaaca ka qaaday in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada ee Puntland. Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ka sheegay, in kadib markii uu arkay; xaaladda uu xiligan dalku ku jiro iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo, hoggaan leh aqoon iyo waaya aragnimo dhaxal gal ah, si dadka iyo dalka Puntland horumar loogu horseedo, uu garowsaday in uu isa soo sharaxo.

Wuxuuna intaas raaciyey in ay ka go’an tahay in uu Puntland ku hago dhabaha horumarka iyo barwaaqada, isagoo xusay in waxyaabaha uu diiradda saari doono ay ugu muhiimsan yihiin: kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha ganacsiga, xoojinta midnimada dadka Puntland iyo ammaanka, kor u qaadista tayada waxbarashada iyo caafimaadka, dhaqan celinta iyo xirfad u abuurista da’yarta, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo xoriyatul qowlka, iyo dib u dejinta dadka soo barakacay.

Cabdilaahi Cali Barre (Ciddi Libaax) ayaa dhinaca kale ka hadlay sida ay xiligan tahay xaaladda Puntland, wuxuuna tilmaamay in ay ka jiraan tacaddiyo iyo dhibaatooyin kale oo ay maamul xumada xukuumadda hadda jirtaa sabab u tahay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar wax laga weydiiyey hirgelinta nidaamka axsaabta iyo wakhtiga doorashada, wuxuu sheegay in nidaamka axsaabtu uu yahay mid aan hadda suurtagal ahayn, islamarkaana waqtiga doorashada la gelayaa uu yahay 8-da bishan January, oo ay maalmo koobani ka harsan yihiin.

“..hanaanka axsaabtu ma ahan mid xiligan ka hana qaadi kara Puntland, sababtoo ah waxaa ka horeeya arimo badan oo ay kamid yihiin: in tirakoob dadweyne la sameeyo, la diiwaan geliyo muwaadiniinta codeynta xaqa u leh, lana kala xadeeyo deegaanada ay doorashooyinku ka dhacayaan, sidaas awgeed waxaa lagama maarmaan ah in doorashada loo galo qaabkii hore ee ay golaha wakiilladu madaxweynaha dooran jireen..” Musharrax Cabdilaahi Cali ayaa yiri.

Siyaasi Cabdilaahi Cali Barre (Ciddi Libaax) oo xiriir dhow la leh xafiiska sare ee dalka looga taliyo, wuxuu noqonayaa siyaasigii 6-aad ee ilaa iyo hadda si rasmi ah ugu dhawaaqa in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee Puntland.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

7 Responses for “Cabdilaahi Ciddi libaax oo shaaciyey inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Puntland.”

  1. Puntland boy says:

    Reer Puntland waxaan uga digayaa dadkaan ka soo Qulqulaya Qurbaha dan idiinma hayaan Qofwalba markii sheekadu xumaato ayuu cararayaa oo meeshuu kayimi aadayaa, Puntland labo maahan waa hal Waqtigii selectionka waa dhamaaday dadkaan sharafta leh ee Reer Puntland waxay rabaan Election diyaar beeyna u yihiin, Qofkii wax isku hayoow xisbi ku biir siiyasada dhabta ahna ka qaybgal,Puntland yaan buuq laga abuurin waa iga talo,Viva Puntland & Jubaland

  2. Hamda says:

    may be u r right bother i agree with u dadkaan waddanaka dan uma hayaan lkin faroolana dan uma hayo waxaa burburka iyo kala daadinta puntland ahayna ka shaqayn maayo
    Haddbaa waa suaale puntland yaa u maqan ????????????????????????????????

  3. Fadhaye says:

    Raxanreeb waa iga su’aal Siyaasi Cabdilaahi Ciddi libaax gormuu siyaasi ahaa?

  4. Abwaan: Cabdi Axmed Nuur says:

    Gabay Faroole ku socota: Talo iyo Tusaalayn!

    Marna cabburin iyo caga-juglayn baan Cabdow, caana kuu badine
    Ninkii cirbataagsadoo yiri cirkaan gaarayaa, weeye camalkaaye
    Caqliga oon cisaynaa ka roon, cudud la feydaaye
    Cakuye carqalad hayna gelin, cudur xun looma caal helo e
    —————————————————————————–
    Mar haddii car iyo wir iyo hanjabaado culus, laysu celinaayo
    Oo aan caloolfiyoobaani jirin, waa col dabadeede
    Cilmi nimuu Ilaah siiyiyo cabqari, caaqibuu dayine
    Cimrigaad haatan joogtaa Cabdow, waa cibaadada e
    Yaan laguu cimaamadin arintaas cakiran, cirib danbeedkeeda
    ———————————————————————————–
    Carra Tuunus ka carar Caabidiin wuxuu, cood lahaan jiraye
    Xusnigii carab u weynaa waa kaa, jeel ka caacyiriye
    Qadaafina waatay caruuruhu heleen, oo kaga catawsheene
    Calaawina waakan ciirsanoo ragaas, buu cirbinayaaye
    Intaasuba cashar bey inoo tahay haddaan, la iscamaynayne
    ———————————————————————————–
    Intaan curaddo dhiigood la qubin, oo warmaha loo cillaan marinin
    Oo aan curdinkii habluhu carmal, naga caloolyoobin
    Oo ay cashiiradu wada cayshayso, oo la isku ceeboobin
    Oo aan Caasumaddu ceel nagaga dhicin, loo cid diriwaayo
    Caymaynu leenahay Cabdow, talada waa cabirayaaye

  5. Wadani says:

    @ Puntland boy!
    Waa yaabe Faroole xagee ka yimid? mida kale xisbiyada lagu biirayo waa kuwee???
    All xisbiyada lagu dhawaaqey waa kuwo gacan rimis ah oo faroole uu lacag ku bixiyey in la furto! hal xisbi mooyee kaasna waa khaldamayoo ma uusan ka fakarin sumcadiisa.
    Ogow 8-Jan Madaxweyne ayaa la dooran Faroole hana dhaafo plz

  6. Ummulkhayr says:

    Waxay ila tahay reer p/land intaa waa ka garaad dheer yihiinoo, goortay arkan sida arintu tahay ayagaaba dib u fariisan. Maanta cid qas wada lama rabo ee waxaa la rabaa isu tanaasul iyo wax xeerin, looma baahno midimidi ku mud. Waxaan taa ku dari lahaa welwel waxaa idiinku filan nimankan idiin dhaartay oo koonfur laga soo eryey haday idin qabsadaan yaad maamulaysan? Tan kale way ogyihiin inay xiligan tahay xili ku haboon khalkhal galinta iyo cabsi galinta dadka aaminkaa ee reer p/land waayo kuwo inaga mid ah baa si xun wax u raadin. Cali dheerana waxan oran lahaa dayniile ka soo bilow maamulka, hadaad wax dhisayso oo diinta gaarsii, hargaysana ha gaarsiiyo godane, kadib noo kaalay, dacwada 13 sanno buu suubanuhu makka joogay oo uusan dagaalamin, oo uu intaa diinta barayey iyo tawxiidka. Allah ma jecla kuwa wax fasahaadsha, dhulka fasahaada ka daaya. Walaahi hadaad khayr leedihiin waa la idin soo dhawayn lahaa ee waxaa la idinka cararay: kow waxad khilaafteen sunadii dacwada, 2: rifqi la’aan oo aad wax walba xal uga dhigteen quwad iyo qori caaradii3: degdeg iyo hubsiimo la’aan xagga cadaalada iyo maxkamadaynta, taas oo la idin weydiin doono Allah hortiisa qofkii idiin fatwoon jiray. Waxan ku soo koobi walaahi qof gurigiisa nabad maanta ku ah dhulka p/land, oo 8bisha nimanka leh waa shaxanahay fidno ay abuureen ku dhinta walaaahi,adinkaa la idin weydiin Alle horttii, markaa waxan idinkula talin lahaa dhiigga muslinka ha ku daadinina dan shakhsiyadeed wabilaahi towfiiq.

  7. RUNSHEEG says:

    Faroole waa LIBAAX, waxaase layiri “Libaax nin aan aqoon ayaa lax ka dhiga.”
    Waa suuragal in nimankaan meelaha ka qaylinaya ee “Fish iyo CHips” ah inay LIBAAXA kuriga ka kacsadaan, waxaase dhici karta inay xaalkoodu noqdo dhurwaagii shukaansiga doontay ee asagii la shukaansaday.Madaxwayne Faroole nin lagu gardaroodo ka aqoon badan oo ka awood badan oo ka dhaqaalo badan, ninkii intaas oo kale hayaa ama leh fagaaraha ama barxada ha iskeeno, haddii kale meel hala fariisto.

Leave a Reply