Ciidamada Dowlada Soomaaliya Oo Maanta Cagta Mariyey Dhismayaal Sharci Darro Ah Oo Kuyaalay Wadooyinka Degmada X/weyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Burbur Xoogan ku qaaday dhismayaasha sida sharci darrada ah looga dhisay wadooyinka degmada X/weyne waxaana saaka aroortii hore kusoo jarmaaday degmadaas ciidamo fara badan sida Booliska, Nabad sugida,Ciidanka ilaalada wadooyinka iyo kuwa Amisom ayaa burburin ugu dhaqaaqay  goobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah looga dhisay wadooyinka degmadaas kadib markii uu idlaaday waqti uu maamulka gobolka Banaadir u qabtay iney dadku uga guuraan.

Ciidamada oo watay gaadiidka loo yaqaan Cagaf-cagafyada ayaa dhamaan dhulka dhigay goobihii ganacsi ee ka dhisnaa hareeraha iyo bartamaha wadooyinka Degmada X/weyne waxaana hawlgalka maanta horkacayey gudoomiyaha degmada X/weyne C/laahi Ibraahi Sahal “Gardhuub” wuxuuna saxaafada u sheegay inuu aad uga xunyahay burburinta loo geystay goobihii ganacsi oo ay lahaayeen dad danyar ah oo qutulyoomka halkaas ka raadsan jiray balse wuxuu hoosta ka xariiqay iney waajib ku tahay maamulkiisa burburinta goobahan oo ahaa kuwo dhibaato ku ahaa amaanka, bilicda iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka degmada X/weyne wuxuuna sheegay iney dadka intiisa badan ay u hogaansameen amarkii kasoo baxay dowlada Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadkii goobohooda ganacsi la burburiyey  ayaa cabasho ka muujiyey waxayna ku andacoodeen inaan digniin rasmi ah la siin ka hor inta aan hantidooga cagta la marin  waxayna sheegeen in maanta ay hanti badan uga luntay hawlgalkii maanta lagu burburiyey  goobohooda,waxaana arintaasi ka jawaabay xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle oo sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dadkaas siiyey mudo ku filan oo ay jiingadahooda uga fujistaan wadooyinka degmada X/weyne, C/kaafi ayaa intaa ku daray in maanta lasoo gaaray kama danbeystii ayna waajib tahay in talaabadaas la qaado.

Wadooyinkii Degmada X/weyne ayaa waxaa buuxdhaafiyey dhismayaal si sharci darro ah looga dhisay hareeraha iyo bartamaha wadooyinka degmadaas, hawlgalkan maanta ayaa u muuqda mid lagu xoojinayo nabad galyada degmada oo uu maamulku sheegay iney qatar ku ahaayeen goobhan maanta la burburiyey.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Ciidamada Dowlada Soomaaliya Oo Maanta Cagta Mariyey Dhismayaal Sharci Darro Ah Oo Kuyaalay Wadooyinka Degmada X/weyne”

  1. Xiis says:

    Waa bilowgii dawladnimada mansha-Allah .waxay qayb ka tahay waxyaabaha aasaaska u ah nidaamka dawliga ah.

Leave a Reply