Ciidamada Kenya oo Maanta Magaalada Nairobi Ka Raafaya Soomaalida (Video)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Maanta oo Isniin ah ayay si rasmi ah u sheegtay dawlada Kenya inay tahay maalinta kama dambeysta ee dadka qoxootiga ee Soomaalida ay sii joogi karaan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya oo ay heshay warbaahinta ayaa lagu sheegay in Isniinta maanta oo ah 21/01/2013 ay tahay maalinta kama dambeysta ah ee loo qabtay in dhammaan dadka Soomaalida ee qoxootiga ku jooga Nairobi iyo magaalooyinka kale ay iska xaadiriyaan xeryaha Dhadhaab.

Telefishanka NTV ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu heley warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Mutea Iringo taasoo uu ku sheegayo in dadka ku harsan Nairobi ee Soomaalida ah la isugu keeni doono maanta garoonka Thika Stadium ee magaalada Nairobi si loogu daadgureeyo xeryaha Dhadhaab.

DAAWO VIDEO NTV

Cabsi fara badan ayaa soo wajahday Soomaalida ku harsan gudaha Naitrobi weli inkastoo dadkii ugu badnaa ee Soomaalida ah ay isaga bexeen Kenya dhowrkii usbuuc ee la soo dhaafay iyadoo duulimaadyo joogto ah oo ay la socdaan dadka ka soo laabanaya Kenya ay maalin kasta ka deganayaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Dadka Soomaalida ee weli ku harsan Nairobi ma ahan kuwo raba inay aadaan xeryo qoxooti, maadaama ay intooda badan yihiin dad ganacsato ah iyo qaar waxbarta oo ay taageeraan eheladooda ku maqan Yurub iyo Mareykanka.

Dhanka kale waxaa arrintan si weyn u cambaareeyay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalim oo sheegay in dawlada ay ku deg degtay in raaf qasab ah ay dadka kula dhaqaaqdo.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Ciidamada Kenya oo Maanta Magaalada Nairobi Ka Raafaya Soomaalida (Video)”

  1. Khaatumawi says:

    The Somalis have no choice but to return to their homeland. No more investments and wasting the diaspora cash into hostile countries such as Kenya and Ethiopia. We are better than those countries in terms of income and life standards.

    We should all go back to Somalia and trust Allah and rebuild the beloved Somalia from coast to coast, and border to border.

    Gob Bless Our Beloved Nation

  2. Matrood says:

    Hhhhhhh no video buddy fixed plz polo.com

  3. garaad yusuf says:

    asc waxay ila tahay somaaliyeey kunoqda dalkiinii dalkiina laidiinmadhaamo kenya waa cadawgasomaliya waana la ogyahay ee ilaahay ha idiin gargaaro ee kabaxa kenya

  4. Kinya ragaad dheer ayay isku eryaysaa sida muuqata waana dowlad aan timeheedu isku dhan uxiimin waayo maalin dhawayd dadka ayay ka codsanayeen inay joogaan isna dajiyaan waxaan leeyahay sidaani waa sidii anaga noo fiicnayad hadaan soomaali nahay kinyana udartnayd markii laga reebo dadka maalgashiga samaystay oo mudan in lala walwalo dhan ay tahayba soomaaliya ayaa maanta dad ubaahan yimaada marka kinya ogaaledeeda ha dubato ogaadana meeshaan qalin ayaa socda qofkii wax garanaya ha khayreysto march intaan lagaarina kinya haka tago waayo waxaano aragnay african jafo nafta isaga jareysa xiligii doorashada taasina wax lasugaba maahan wabilaahi towiiq

  5. saciid gab says:

    waa arin laga naxo lakiin waxaan dhihi lahaa dadkaan soomaliyeed wadankoodii ha aadeen intay aadi lahaayeen xeryo qaxooti walaahi waa arin xun walina ninkaan sanka wayn wuxu uga horeeyaa dhulkii Dowlada soomaliyeed dadkaan arka oo wax u qabta oo dajiya meelo amaan ah. Kenya iyadaa ka beec mushtari jirtay dadkaan . waxayna rabaan in ay wali afduub ku haystaan kulahaa aada xeryahay qaxootiga

Leave a Reply