Ciidamada Midowga Yurub oo 12-Burcad Badeed ah Ku Wareejiyey Dawlada Mauritius


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in markab dagaal oo ka tirsan hawlgalka ka hortagga burcad badeeda EUNAVFOR in uu maanta geeyay wadanka Mauritius12 ruux oo burcad badeed Soomaali ah.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in 12 nin laga soo qabtay meel 80 nautical miles ka baxsan biyaha Soomaaliya 5-tii bishan Jannaayo ka dib markii ay weerareen markab ganacsi oo ku safrayey badweynta kaasoo soo wargeliyey ciidamada caalamiga ee jooga xeebaha Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in 12 nin ee loo heysto burcad badeednimada la soo taago maxkamad wadanka Mauritius, iyadoo wadankaasi uu qeyb ka yahay wadamada horey ugula heshiiyay Midowga Yurub inay xiraan burcad badeeda la soo qabto laguna maxmakadeeyo wadankooda.

Falkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Midowga Yurub iyo kuwa Nato ay sheegeen inay si weyn hoos ugu dheceen falalka burcad badeeda ay ku weeraraan maraakiibta sanadkii dhammaaday ee 2012.

Dhowaana dawlada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in lacag kor u dhaafeysa saddex milyan oo doolar ay ku bixineyso barnaamij loogu talagalay dhismaha xabsiyo iyo diyaarinta hannaan maxkamado lagu qaado burcad badeeda kuwaasoo la hirgalinayo deegaanada maamulada Puntland iyo Somaliland.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Ciidamada Midowga Yurub oo 12-Burcad Badeed ah Ku Wareejiyey Dawlada Mauritius”

  1. abdulkadir says:

    ASC.
    Waxaan dawladda kula talinaa in ninkaa (Ducaysane?) dabagalay inuu ogaado meel kasta ay ku xiranyihiin dadka burcad badeedka loo haysto in loo magacaabo xil uu dabagalkiisaa ku sii wato. Dabagalkaa waxaa xitaa ku ammaanan Abduraxmaan Faroole. WBT.

Leave a Reply