Ciyaartoyda Kubadda Kolayga Soomaaliya Oo Guulo Kasoo Hooyay Tartanka Ka Socda Dalka Tanzaniya Oo Casho Sharaf Halkaas Loogu Sameeyey(Warbixin+Sawiro)
Muqdisho(RBC Radio) Casho Sharaf heer sare ah ayaa habeenkii xalay ahaa loogu sameeyey magaalada Daaru-Salaam ee wadanka Tanzaniya Ciyaartooyda wiilasha Kubadda Kolayga qaranka Soomaaliya kuwaas oo guulo wax ku ool ah ka soo hooyey tartamadii ay uga qeybgaleen wadankaas waxaana casho sharafta u sameeyey ciyaartoyda Soomaaliyeed ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mahad Gurguurte kaas oo ku dhiiri galinaya ciyaartoyda Soomaaliyeed oo xiligan muujiyey guulo la taaban karo.
Soomaaliya ayaa group-kii ay ku jirtay kaga soo baxday kaalinta koowaad kadib markii ay dhirbaaxo ku dhufteen wadamada Kenya iyo Burundi waxaana ay Soomaaliya xiligan u gudubtay wareegga xiga, Ciyaartooyda Soomaaliyeed ayaa rajo wanaagsan ka qaba iney ku guuleystaa Tartankan oo ay ka qeyngalayaan wadamo caan ku ahay kubadda kolayga oo ay kamid tahay dalka Masar.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay guusha ay soo hooyeen geesiyaaasha kubada kolayga qaranka Soomaaliyeed mid lagu diirsado taasoo kor u qaadeysa sharafta umada Soomaaliyeed oo aan waayihii danbe looga baran fagaarayaasha sida oo kale ah iney guulo ka gaaraan,waxaana ay shacabka Soomaaliyeed u direen hambalyo iyo bogaadin ku aaddan guusha ay u soo hooyeen umada Soomaaliyeed.
Guushan ayaa loo aaneynayaa kadib markii isbedel lagu sameeyey ciyaartoyda Soomaaliya uga qeybgalaysa tartamadan kuwaas oo qaar kood laga keenay wadamada qurbaha iyo kuwo laga kala keenay gobolada dalka waxaayna taasine keentay iney kun talaabsadaan horu marka la taaban karo oo ay ka gaareen tartamadii ay ciyaareen iyadoona laga rajeynayo iney guulo l fiican ka gaaraan tartamada u dhiman ee ay ciyaari doonaan.
Soomaaliya oo xiliagn kasoo kabanaysa dagaaladii sokeeye ee dalka ragaadiyey ayaa u muuqata iney soo ceshaneyso kaalintii ay ku lahayd masraxyada caalamka ee lagu kulmo sida ciyaaraha kala duwan waxaana xiligan ay dhalin badan oo Soomaaliyeed aamineen iney heer ka gaari karaan ciyaaraha kala duwan ee Isboortiga kadib markii uu sanadkii dhamaaday wacdaro la yaableh ka dhigay ciyaarihii Olombikada adduunka orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Faarax oo u orday dalka Uk.
Mo Faarax ayaa adduunyada baray Soomaalida iyo iney awood u leeyihiin hanashada orodka dheer oo ay caan ku ahaayeen wadamada geeska afrika gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya wuxuuna Mo meel cidlaa kaga dhaqaaqay ciyaaryahandii Itoobiya iyo Kneya oo loo saadaalinayey iney ku guulaysan karaan orodka dheer ee 10-ka kun iyo 5-ta Kun.
RBC Radio


















ISKU DAYA IN AYDUN MAGACA SOMALIYEED EE LA DILEY WALINA DADKA QAAR XUMEYNTA KU WADAAN BAL INAAD XOOGAA SUMCADIISII WAX KA SOO CELISAAN, waa mahadsan tihiin,
galkio hadaad timaadaan cashada anaa qaba..
Dhalinyarada dibada laga keenay oo uu ugu horeeyo ina qaaffo waa reer muqdisha, xul qaran oo puntland ka maqantahay iyo somaliland xul qaran ma ahan.
Guulaysta
Abdi: Dadka jiran baad ku jirtaahe Ilaahey haku caafiyo. To the boys: Congrats! We are all proud of you.
Abdi brother somaliland iyo putland cid ay marti uga yihiin arinta qaranka soomaaliyeed ma jirto hadii ciyaartooy ay jiraan dibada ka ciyaarta they are more than welcome guul caam ah ayaa inoo soo hoyaday brotther taageeraa lagaa rabaa ee mucaaradka iska daa iyo waa reer muqdidho, siyaasadaha isdiidan waxaa ka wayn soomaalinimada ee la soco maanta qof kasto oo soomaali ah meel walbo oo uu joogu guushaan waa uu ku faanayaa.
walaal cabdi illaahey hakutuso wada jirka soomaaliya insha,allaah aamiin
waxaan oo kaloon leeyahay maasha,allaah xulka soomaaliya meeshiina kasiiwada illaaheyna ha,idingarabgalo