Col. Tawane Axmed: Al Shabaabkii Dadka Bastooladaha Ku Leyn Jiray Caawa Xabsiyada Ayey Jiifaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Beledweyne (RBC) Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan, kuwa degmada iyo taliyaasha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne ayaa xalay si wadajir ah uga wada qeybgalay xaflad loogu dabaaldegayey sanadka cusub taasoo ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xaflada oo ay ka hadleen gudoomiyaha gobiolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, taliyaha ciidamada Jabuuti Col Cismaan Dubbad iyo saraakiil kale ayay masuuliyiintu ku muujiyeen in amaanka magaalada Beledweyne uu soo hagaagayo.

“Xafladaan caawa lagu qabanayo Beledweyne waxay muujineysaa in amaanka magaalada uu soo hagaagay.” ayuu yiri taliyaha ciidamada dawlada Soomaaliya ee gobolka Hiiraan Col. Tawane Axmed oo hadal ka jeediyey xaflada.

“Kuwii Al Shabaabka ahaa ee bastooladaha kula dhuudhuuman jiray magaaladan caawa xabsiyada ayey jiifaan, wiilasha iyo gabdhaha reer Beledweyne iyagoo aan cabsi qabin ayey guryahooda ku laabanayaan xaflada ka dib.” ayuu sii raaciyey sarkaalkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Afrxa ayaa isaguna dadweynaha ku nool gobolka Hiiraan ugu baaqay inay iska dhaafaan cabsida oo ay si bareer ah ula shaqeeyaan saraakiisha amaanka si buu yiri, nabada magaalada gacanta loogu wada dhigo.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in sanadka dambe bilawgiisa maamulkiisa uu wada gaari doono dhammaan degmooyinka gobolka Hiiraan oo hadda ay ka taliyaan ururka Al Shabaab.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka dhacday magaalada Beledweyne ka hadlay taliyaha ciidamada Jabuuti Col. Cusmaan Dubbad oo sheegay in wada shaqeynta dadka deegaanka iyo maamulka ay muhim u tahay horumarinta nabadda gobolka iyo guud ahaan dalka.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Col. Tawane Axmed: Al Shabaabkii Dadka Bastooladaha Ku Leyn Jiray Caawa Xabsiyada Ayey Jiifaan”

  1. alle aamin. says:

    waxaa ka go,an jaaliyada reer hiiraan ineey buuxiyaan booskii MSF,isbitaalka b/weyne.

  2. waa sax hadii aynu nahay jaaliyada hiiraan waa in aysan dareemin hay adii meesha iskaga tagtay

    anagoo kaashanayna kalsoonida nafteena kuna dhiiranaynay diinteena oo ma amartay in aan

    wax istarno aaminaynana alaah waxiii dhiigle oo dhan kaca hagar la aan iyo howl badan

  3. rashiid says:

    TALIYAHA CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN COLONEL TAWANE AXMED GUREY WAAKU MAHADSAN YAHAY AMAANKA BUUXDA EE UU U HORSEEDAY GOBOLKA HIIRAAN

  4. Ugaas Raage says:

    Walaalaha reer Hiiraanoow waxaa lagaarey xiligii aad gacmaha isqabsan lahaydeen si markaa nabad buuxda loohelo.Mahad waxaa leh EEBE,ALLAHA kaliga ah ee ka aramiya waxa samawaadka iyo arlada dushooda ah.EEBE kasakoow waxaa iyana xushmad iyo amaan mudan walaalaha Reer Jabuuti ee Soomaaliya usoo gurmadey.

    Waxa kaliya ee reer Hiiraan maantay looga baahan yahay waxa weeye inay kaalintooda kasoo baxaan ayagoo markaa garab istaagaya Dawladatan barakaysan iyo ciidamada reer Jabuuti.

  5. Darwiish says:

    Col Tawane bal adigu magaalada ku dhex Lugee shacabka masakiinta ah ,ha galaafan

Leave a Reply