C/xakiin Xaaji Fiqi: Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee Waxbartay Waxaan Siinaynaa Fursad Ay Kaga Mid Noqdaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ardayda ka soo baxa Jaamacadaha wadanka ay siinayso fursad ay kaga mid noqdaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in ay in xukuumada Soomaaliya ay qorshaynayso in ay arintaasi diyaariso.

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in qorshaha dib loogu dhisayo ciidamada mudnaanta lagu siindoono in ciidamada lagu biiriyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka baxday dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha, isagoo intaa ku daray in heshiiskii uu la galay Turkiga uu ka mid ahaa in dhalinyaradaasi lagu soo tababaro dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa hadalkiisa wuxuu intaasi ku duray in dhalinyarada Soomaaliyeed ee haatan jaamacadaha dhigta ay yihiin kuwo wadanka Muhiim u ah, wuxuuna sheegay in dolwada Turkiga ay diyaar u tahay in ay tababarka dhalinyaradaasi ay ka gacansiiso dowlada Turkiga.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay wasaaradda Gaashaandhigga ku horumarineyso ciidamada xooga dalka Soomaaliya, oo bur buray tan iyo markii ay meesha ka baxday dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Dhowaan ayaa shir looga hadlayay horumarinta ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kaasi oo ay soo qaban qaabisay dowlada Soomaaliya isla markaana uu ka qaybgalay wasiirka Gaadhaandhiga Soomaaliya.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “C/xakiin Xaaji Fiqi: Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee Waxbartay Waxaan Siinaynaa Fursad Ay Kaga Mid Noqdaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya”

  1. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. Arrinkaan waa arrin aad u wanaagsan loona baahnaa, marka Ilaaheey haku guuleeysiiyo wasiirka difaaaca, iyo madaxda arrinkaan fahmay oo gartay in eey muhiim tahay in ardayda dugisiga sare ka baxday iyo jaamacadaha loo baahan yahay in la “recruit” gareeyo, oo ciidanka laga qorto. Aniga shaqsiyan arrinkaan xataa marar badan ayaan isku soo qaadanay saaxiibadey oo aan kuwada nool nahay Mareeykana, qaasatan Minnesota, runtiina waxaan isku soo qaadnay sida eeysan suurtagal u noqon doonin in Somaliya dowladeeda cagaheeda ku istaagto, sida eeysan suurtagal u aheeyn in nin kastaa iyo gabar kastaa eey ku fakirto in eey ganacsi galaan oo lacag sameeyeen, balse eey waxaas oo dhan, iyo nololba jireeyn hadii aanan laga shaqeeyn sameeynta ciidanka Somaliyeed, oo tayo iyo tira leh, oo u dhaartay, lana xaqiijiyay in eey yihiin dad waxa kaliya eey u adeegayaan eey yihiin dalka iyo dadka Somaliyeed iyo diintooda. Marka waxaan rajeeynayaa in Wasaarada difaaci howshaan eey shacabka media ha iyo warbaahinta ugu gudbisaa is qorida, iyo aruurinta ciidanka Somaliyeed oo ah waxa kalya ee Somaliya qaranimadeeda soo celin kara, ilaalin karana waligood si kastooy xukuumadaha iyo madaxda u badalmaan. Anaga ayaa xataa ka mid noqoneeyna in aan saxiixno contract 2 sano oo ciidanka ka mid noqono, waliba ayadoo wax mushaar ah aanan qaadaneeynin. Thank you

  2. kayf says:

    waa maa sha allah allah ha noo soo celiyo qaranimadenii iyo ciidankenii loo yaqanay libaxyadii geska afrika

  3. prof piccolo says:

    waa wax laga naxo koox USC iney ciidamo uruuris bilaabaan oo ay ka hadlin guryaha lagu dhacey xaaranta

Leave a Reply