C/Xakiin Xaaji Fiqi: Waa In Ciidamada Soomaaliya Xiligaan Wixii ka Danbeeya Tababarada Lagu Siiyo Gudaha Wadanka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay kulamo uu la qaatay saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya.

C/xakiin Xaaji Fiqi wasiirka Gaadhaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyiintaas ay ka wada hadleen sidii loo wada shaqayn lahaa isla markaana leesaga kaashan lahaa la dagaalanka kooxda ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay ka wada hadeen ciidamada dowlada Soomaaliya ee haatan lagu tababarayo wadankasi Uganda, iyo waliba sidii tabatbarkaasi loogu wareejin lahaa gudaha wadanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in haatan dowlada Soomaaliya ay ka baxday KMG isla markaana ay ugudubtay dowlada  rasmi ah, loona baahanyahay in ciidamada dowlada Soomaaliya lagu tababaro gudaha Soomaaliya.

Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inuu kulamo la qaadan doono masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya oo uu qayb ka yahay dhigiisa wadankaasi.

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa maalmihii ugu danbeeyay wuxuu ku sugnaa wadamo ka tirsan gobalka, wuxuuna ka hadlayay arimaha ciidamada iyo waliba dagaalada ay wajahayso dowlada Soomaaliya.

 RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “C/Xakiin Xaaji Fiqi: Waa In Ciidamada Soomaaliya Xiligaan Wixii ka Danbeeya Tababarada Lagu Siiyo Gudaha Wadanka”

  1. mohamed says:

    sacadatal wasiir waa wax wanaagsn hawshaad ku dhawaaqday, ee waaxad ku dartaa in tababarayaashu ay somali noqdaan, tirada aad hadba tababaraysid yaan la ogaan sir ciidan , matariikolo qarsoon sidaas ku wad markay kuu gaarto

  2. Cadaado says:

    Mar hore ayeey aheeyd in sidaas la sameeyo, jaale wasiir. Ilaaheey ha idinku guuleeysiiyo dadaalka iyo fikradaha wanaagsan. Waxaa qasab ah in ciidanka Somaliyeed dalka gudahiisa lagu xareeyaa, laguna tababaraa “basic combat training” oo ah wax ka yar 12 weeks, iyo waliba kuwa “advanced officer amaba special op training” oo dhowr usbuuc sii dheer. Thank you.

Leave a Reply