DAAWO SAWIRADA: Suxufiyiinta Soomaaliyeed Oo Maanta Ka Shiray Xariga Wariye C/casiis Koronto
Muqdisho (RBC Radio) Qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayagoona ka hadlay xariga wariye C/casiis Ibraahim Koronto.
Suxufiyiintaan ayaa waxay sheegeen in ay dhobaatooyin badan ay qabaan suxufiyiinta Soomaaliyeed isla markaana haatan ay ugu sii darantahay dilalka loo geesto suxufiyiinta iyo dhibaatooyinka ay kala kulamaan laamaha amaanka.
Kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen suxufiyiin badan iyo masuuliyiinta warbaahinta Soomaaliya iyo ururka Suxufiyiinta qaranka ayaa waxaa sidareen leh loogu muujiyay ka xumaanshaha xariga wariye Koronta.
Suxufiyiinta maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in si sharci daro ah uu ku xiranyahay wariyahaan mudo ku dhow 20-maalmood iyadoona wax maxkamad ah aysan xukumin.
Sidoo kale Suxufiyiinta ayaa sheegay in kiista loo heesto wariye C/casiis uu yahay kiis aanan sax ahayn isla markaana lagu doonayo in si sharci daro ah lagu xakumo.
Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah xogheeyaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay dowlada Soomaaliya ka socdsanayaan suxufiyiintaan in ay sii dayso wariyahaan.
Wariye c/casiis cabdi-nuur ayaa loo gubiyay xabsiga dhexe ka dib markii hay’ada danbi baarista ay sheegtay in ay kiiska wariyahaan ay ku soo wareejiyay xeer ilaalinta Qaranka.
Xafiiska Wararka Muqdisho























kkkkk war yuusan SHEEKHUNA MAYE caawa idin xirxirinee WAJIYADIINA QARIYA.