Dadkii Faransiisku xasuuqay, sharcigu maxuu ka leeyahay. W/Q Ahmed-haadi Muhumad


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dadkii Faransiisku xasuuqay, sharcigu maxuu ka leeyahay.
Ahmed-haadi Muhumad.
haadi30@hotmail.com
Janaayo 13 2013

Dowladda Faransiiska, qaabka ay waddanka Somaliya ku soo gashay, ayna weerar uga geysatay, waa qaab ka soo horjeeda qawaaninta dowliga, waa haddii ay dhacdo, in aysan ogolaasho ka haaysan, dowladda Somaliya.

Arrinka muhiimka u ah qoraalkeyga ayaa waxuu yahay, dadkii shacabka ahaay, gaar ahaan, qoyska ka koobnaay Aabaha, xaaska iyo ilmaha yar ee laba jirka ah iyo haddii ay jiraan kuwa kalaba, in ciidanka Faransiisku ku kaceen dil bareer ah, ee dad rayid ah, oo aanan shaqo ku laheyn, af doobka ninka ay ku raad joogeen ciidanka Faransiiska, marka sidaa darteed, eheladii iyo qoyskii laga gumaaday dadkaa maatada ah, waxaa ay xaq u leeyihiin, in ay dowladda Faransiiska ka dalbadaan mag dhaw, sidoo kale loo maxkamadeeyo, ciidankii geeysta fal dambiyeedkaan asaga ah.

Hadaba, waxaan qoyska ehelkooda la xasuuqay, kula talinayaa ka sharci yaqaan, in ay raadsadaan magta dadkooda la gumaaday, sidoo kala dalbadaan, in caddaaladda la horkeeno dambiilayaashii dilka geystay, si ay u haleen ciqaabta dambiga ay geysteen, ayna la xariiraan marka hore dowladda Somaliya iyo guud ahaan hey’daha dowliga, si gacan looga siiyo helitaanka xuquuqdooda iyo qabashada dambiilayaashaba.

Ahmed-haadi M.

haadi30@hotmail.com

Odesne Denmark

=============================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: , ,

3 Responses for “Dadkii Faransiisku xasuuqay, sharcigu maxuu ka leeyahay. W/Q Ahmed-haadi Muhumad”

  1. Af-Aji says:

    Iska hadlo ina igare. Walaal qormadaadu waa mid ka turjumaysa wadaninimo, ficil iyo xaqsoor. Lakin shurucda aad sheegtay ayaa sameeyey? Soo hashiskii ka dhacay magalda St. Germain-au-laye ee dalka fransiska laguma dhaqo aduunka maanta. Xasuus markii dagaalkii kowaad dhamaday ayaa George Clemenceau iyo wilson maraykanku ayaa budhgeen hay’adda maanta loo yaqaan UN oo markaas magaceedu aha SD ( société des nations). Marka nin isagu qortay sharci aan isaga qaban waa su’aale yaa qaban kara ? Maah-maah fransis ah ayaa tidhi:” la raison du plus fort est toujours la meilleure” oo ka dhigan ( garta ninka awoodda weyn ayaa markasta socota” ismaacil mire ayaa tix ka mid ah gabayadiisi ayaa yidhi isaga oo guuguule la hadlaya ( adigaba lagu gaadayaa goshkan dabadiis e, gaagabso oo aamus yaan gaadh laga qaban” waxaan leeyahay kuwa nool ee soomaali ka hadhay ayaa la raba in la laayee, maxaad xaq iyo magdhow ka hadasha.

  2. samatar says:

    dadka soomaalida maaliwalba waxa laaya,wadamada afrikaana waxna lagamadhaho,hadana waxaa kusoobiirey nato iyo reer galbeed,tani waa bilow kuwa kale ayaa soosocda,ilaahay ayunbaa umadan umaqan

  3. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Dadka shacabka ah ee ku dhintay qorshaha ciidan ee uu Faransiiska ka sameeyay dalkeena, qaasatan Buulamareer waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu naxariista janada ka waraabsho. Kuwa dhaawacmayna caafimaad taam ah oo deg deg siiyo.
    @ Ahmed Haadi, walaal, aniga gartaan hadaan galo, waxaa dhiiga iyo diyada dadkaan dhibka gaaray laga rabaa in eey u raadsadaan argagixisada Alshabaab, ee inta nin cadaan soo afduubtay, gabaad iyo “human shield” shacabkaan masaakiinta ah ee Somaliyeed ka dhigtay. Laakiin, u maleeyn maayo maxkamda caalami ah in Fransiiska magdhow ku xukumeeysa, waloow aan aniga aqoon u laheeyn sharciga. Midse waan kugu raacsanahay, waa xadgudub qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliya hadii uusan Fransiiska la socodsiin, kalana tashan Dowlada Somaliya markii uu falkaan soo furashada muwaadinkooda ka sameeynayeen dalkeena Somaliya.

    Waxaa kaloo dhab ah sida uu Af-Aji sheegay, in sharcigaan caalamiga ah uusan qaban wadamada xooga leh ee markii horeba sharicgaan dajiyay. Sida kaliya, ee wadamadaan dunida Sadexaad oo Somaliya ka mid tahay ula xisaabtami karaan wadamada kale ee xooga is bidaaya, waa ayadoo wadanka Dowladnimadiisa lasoo celiyo si dhameeystiran. Kabacdina waxeey qaadan in ka badan 50 sano oo shaqo adag oo fiican inta dalka Somaliya laga qabto, la gaarsiiya heer Dowlada Somaliyeed eey ilaalin karto, sharafka iyo karaamada qofka muwaadinka Somaliyeed iyo dalka iyo diinteena Islaamkaba. Laakiiin, taas maantay lama joogo, amaba aad ayaa looga dib dhacay sababo aan qaladkeena anaga Somali ah leenahay.

    @Samatar, waxaad kaloo ku dartaa waxa dadka Somalyeed laaynaya alshabaab, iyo Somalida laftigeeda dhexdooda. Marka Afrikaan iyo cadaan kaliya nama leeyn, saaxiib, ee runta sheeg.

Leave a Reply