Dawlada Soomaaliya oo Sheegtay Inay Ka Xun Tahay Weerarkii Ciidamada Faransiiska Ka Fuliyeen Buulo Mareer (Hadalkii Siidii oo Meel Maran Ku Dhacay)
Muqdisho (RBC) Golaha wasiirada dawlada federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay weerarkii fashilmay ee khasaaraha sababay ee ay Kumaandooska Faransiiska habeen hore ka fuliyeen degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Shirka golaha wasiirada ka dib waxaa saxaafadda la hadashay raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo sheegtay in dawlada federaalka Soomaaliya ay ka xun tahay weerarkaasi ciidamada Faransiiska ay ka fuliyeen dalka Soomaaliya iyadoo aan la ogeysiin dawlada.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba ogeysiinayaa inay dhacday arrin naxdin leh taasoo ah in ciidamada Faransiis ah ay ku soo duleen iyagoo damacsan inay la baxaan nin ay heysatay koox [group] burcad ah oo argagixiso ah oo mudo labo sanadood iyo bar ah ku jiray meel ay ku hayeen oo la yiraahdo Buulo Mareer, nasiib darro dagaalkaa la soo qaaday wuxuu sababay dhimasho dad Soomaaliyeed iyo ciidamo Faransiis ah.” ayey tiri Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Wasiir Fawsiyo waxay ka tacsiyeysay dadkii Soomaali iyo ajnabi ahaa ee ku naf waayey duullaanka ciidamada Faransiiska soo qaadeen ee ka dhacay Buulo Mareer.
“Waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii ku nafwaayey weerarkaa isaga ah ee Soomaaliyeed Waxaan sidoo kale tacsiyeynayaa ciidamada Faransiiska ee ku dhintay dagaalkaasi.” ayey sii raacisay.
“Wuxuu ahaa weerar aad iyo aad looga wada xumaadey shacbiga Soomaaliyeed meel kastuu joogo, anaguna aad ayaana uga xunahay weerarkaasi khasaaraha geystay ee ay ku dhinteen dad Soomaaliyeed oo aan wax lug ah ku lahayn afduunka ninka Faransiiska ah.” ayey tiri wasiir Fawsiyo.
Kulanka golaha wasiirada iyo hadalka ay bixisay wasiir Fawsiyo ayaa yimid 24 saac ka dib weerarka fashilmay ee Kumaandooska Faransiisku ka geysteen degmada Buulo Mareer habeenimadii Sabtida, halkaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 25 ruux oo ay ku jiraan hal qoys oo Soomaaliyeed oo ka kooban aabe, hooyo iyo wiil labo jir ah oo ay dhaleen.
Hadalkii Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose
Xukuumadda Soomaaliya waxay hadda qirsan tahay inaan lagala tashan hawlgalka gaarka ah ee ay Kumaandooska Faransiiska ku soo galeen gudaha dalka, hase yeeshee waxaa shalay saxaafadda la hadlay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii“ kaa oo sheegay inuu isagu ogaa weerarka Faransiiska ujeedkiisuna ahaa in kooxda Al Shabaab lagu ciribtiro sida uu yiri.
Hadda waxaa muuqata in hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee ka soo baxay kulankii wasiirada ay yeesheen xalay uu khilaafsan yahay hadalka uu horey u bixiyey gudoomiyaha Shabeelaha Hoose, waxaase dhici karta in gudoomiyuhu hadalka la deg degay isagooaan waxba hubsanin!. [HALKAN KA AKHRI hadalka C/qaadir Siidii]
RBC Radio















waa ka xumahay meesha dowlad ma jirto sababtoo ah gudoomiye gobolka ayaa ka buteeri weyn amarkiisa ayaana dadka lagu xasuuqay marka haday wax tarayaan gaalka soo duulay yey u tacsiyeyn ee talaabadii looga baahnaa ha qaadeen
Waxaa ii baxay inay dadka madaxda ah wax isku falayaan oo karaamadooda dhawrayaan , waxaase kasii wacnaan lahayd in la canbaareeyo , la qeexo in lagu soo xad gudbay dalka ,
Gudoonmiyaha hadlay laba mid weeye , inuu asagu ahaa qofkii soo basaasay ee faransiiska u basaasay inuu buulo mareer joogo ninkii la haystay iyo inuu yahay nin iska hadlay oo meel aan laga aqoon isku dhajinaya
waxaan aad ugu xuhamay sida looga jawaabay werarkii Faransiiska, kuma qancin annigu waayo meeshaan waxaa lugu xasuuqay dad soomaaliyeed oo aan waxba galabsan naf naf ka qaalisan ma jirto. waxay dheheen waxaan la soo baxaynaa hal nin badal keedana waxaan dilaynaa dad ka badan ilaa 20 qof———- mideeda kale see lugu tacsiyeeyaa nin tuug ah oo xaqdaro ku socda kulahaa waxaan dacsi u diraynaa ciidanka faransiiska waa duli wuxu xataa damiir malahan xukuumad ku sheego orda ka taga dadka wajigiisa hankii la idiin qabay meesha ka baxye ………. waa billhaai towfiiq
sida aay aniga ilatahay nidam dawladed ma’ah kala hadalka maxa yelay Wasiirka Arimaha Dibadda ayaa porotokolka iska leh maxa yelay askarta werarka qaday waxay kayimaden dhul dibada ka ‘ah somaliya,waxana saxan Gabadha ku hadlaysa magaca W.A.Dibadda ee Somaliya,mida kale ninka sheganaya gudomiyaha degmada marka waa khalad waxa uu ku hadloyo,oo uu leyahay aniga aya wax ka’oga werarka Cidamadda Faransiska ee bulomareer,lomana bahna isbarbar yac nocas ah.
Waa arin wanaagsan oo ah talaabada ay xukuumadena awoodo waayo waxba kama qaadi karno lkn waa inaan muujinaa sida aan uga xunahay duulanka faransiska mida kale ninka gudoomiyaha ah waa qof iska hadlay xil qarana ma hayo ee gudoomiye gobol unbuu ku egyahay waxa inoo hadli kara oo soomaliya dhan xil u hayo waa Foosiyo warkedana waa mid macqul ah ciyalkan leh maa talaabo la qaado maa is weydisan ma diyaarado baan faransiska ku weerarnaa mise weeraro ismiidamin baan sameenaa
shaki kuma jiro in dawladu arintaan wax ka ogayd gudoomiyahana waa saxan yahay
in uu sheegay uin uu arinta wax ka ogaa , waxan waa garan karnaa dawlad daciif ah hadalkeed weeye waxa meesha yaala oo aan magdhaw iyo dhaleecayn aan midna gaysan karin
madaxda wadanka arinta wax ayay ka ogaayeen sida madaxwaynaha FARANCE uu sheegay ,ee waxaad ogaatan in waxmaamul la dhaho uusan soomaliya ka jirin ,maamuladii ka horeeyay markii wxan oo kale ay dhacaan baarlamaanka ayaaa qaylqaylin jjiray ,maanta miyaad ka maqlaysan hal mid o dhaleecaynaya waxa wadanka ka dhacaya , maamulka juba land marka laga hadlo boqol ayaa qaylinya dameero meel laisugu keenay weeye hadalka waxaa uu ku egyahay waa in madaxda u saraysaaw adanka ka hadashsaa kuna qasabtaa inau magdhawka bixiyaan xuduuda ay ku soo xadgudbeen iyo dadkii ay laayeen hadii kale hadlka gabadha HAWHAW dheh.
waa wax dhintay kan gudoomiyaha la leeyahay, waa xoolo waayo arimaha dibada ayaa ka hadlay ,asiga maxuu ogan kara yaase wax u sheeganaya gudoomiye, alahu akbar maxuu wax is ka dhigay laga yaabee inuu lacag qatay waa noocaassi kale dad aya dhintay mana dhahayo ala ya raxmo ilaahayow dawlad fiican na sii oo wax qabad leh tan dawlad nooma ahee runtii ,sbabtoo ah qof yiri ala yaraxmo fowsiya ayaa ka jirta haba ku dartee gaalkii isaga so duulay oo ku baqtiyay meesha ileen asigaa qaldanaa alahu akbar.