Dawladda Britain Oo Uga Digtay Dadkeeda Somaliland iyo Somaliland oo Ka Jawaabtay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargaysa [RBC Radio] Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Ingiriiska ayaa soo saartay [Axad] digniin ay u direyso Muwaadiniinteeda ku sugan deegaanada Somaliland,waxayna uga baaqday in si degdeg ah uga soo baxaan.

Warka kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay heleen fariimo digniin ah kuwaas oo toos loola beegsanayo dadka u dhashay dalalka reer Galbeedka ah ee ku sugan Somaliland.

Waxaana sidoo kale looga Codsaday dadka u dhashay dalka Ingiriiska in sida ugu dhakhsiyaha badan uga soo baxaan Somaliland,waa sida lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibada Ingiriiska.

Afhayeen u hadlay Wasaarada arrimaha dibada Ingiriiska ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhashay wadankooda oo ku sugan Somaliland haba u badnaadeen Shaqaale hay’ado Samafaleed balse ma uusan Cadeyn fariinta khatarta waxa ay tahay.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Warka kasoo baxay dawladda Ingiriiska ay khuseeya Nabadgelyada dadkooda ku sameynayaan baaritaan,wuxuuna xusay in Somaliland aysan hayn Cabsi dhanka amniga ah.

Dr Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa ugu baaqay beesha Caalamka iyo dalalka reer Galbeedka oo Ingiriisku kamid yahay in ay u sheegayaan in amniga Somaliland xiligaan uu yahay mid sugan kuna jira gacanta Ciidamada.

…”"” Nabadgelyada Somaliland waa mid sugan,waa mid ku jirta gacanta Ciidamada iyo hay’adaha nabadgelyada dalka,Waxaan u sheegeynaa in kalsooni buuxda ku qabno hadaan nahay Somaliland nabadgelyadeeda dibada iyo gudaheedaba….”"ayuu yiri.

________________________

RBC Radio
Xafiiska Hargays

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

15 Responses for “Dawladda Britain Oo Uga Digtay Dadkeeda Somaliland iyo Somaliland oo Ka Jawaabtay”

  1. Puntland boy says:

    Ma Qabo in amniga Soomaaliland xunyahay ama Xumaanayo Waxaanse kula talin lahaa Walaalahey Soomaliland Iskadaaya Calankaan aad gubeysaan isagaaba dhibaato badan soomaray. Soomali nimadu maahan waxaan dooranay ee markii aan aduunka nimi ayaa ilaaheey nagu abuuray , Waadheceen dhibaatooyin badan qaybtiinana waa idin soogartay , Midse waaqabaa wa in laga wada hadlaa waxii dhacay si mardanbe aysan u dhacain , Viva Puntland & Jubaland

  2. mohamed says:

    waxay aniga ilatahay warka kaso yeray Dawladda Ingiriska ma’ah mid sahalan oo layska yiri,kolay waxaba jira,oo aan sidhaba loshegin,mamulka somaliland wax nabad galyo xumo ah oo la’aqonsan yahay kama jirto,lakiin dawladda ingirusku waxay uga jedo waa wax kale oo dan qarson kadan beyso,hase yeshe way so bixi donan.

  3. geel jire says:

    to Puntland boy hambalyo, hambalyo. walaal si fiican oo sharaf leh ayaad u hadashay . haddii ay Soomaali sida aad u soo qortay ku dhaqmi lahayd bari hore ayaa la heshiin lahaa.
    keep up the good work

  4. wamo-man says:

    ILAHEY WUXUU YIRI XAQO KAHADAL HADUU QARAR YAHAYBA, SOMALILAND FAR FROM NABAD SABABTO AH AL-SHAABABKA AYAGAA HOGAMIYE U AH UNA BADAN. MIDA LABAAD MALIN WALBA XASUUQ BAA KASOCDO OO INTAAS LAGU GUMADAYO BEELAHAN AHEYN ISAAQ. WHAT THE NABAD BUU KA HAGLAYO BUSKEETIGAAN.

  5. Khaatumawi says:

    Snm ama maamulka Hargaysa ee siilaanyo horjoogaha ka yahay maadaama sanadkan 2013 guul daro weyn ay soo wajahday oo ilaa dowlada ASA tidhi ordoo Soomaalidiina dhinac ka raaca waxaa marka looga cabsi qabaa in jabhada snm oo kaashanaysa alqacida iyo alshabab oo rag beesha snm kasoo jeeda hogaamiyaan ay falalargagixiso ka fuliyaan gobolada waqooyiga Somalia ayagoo beegsanaya dadka cadaanka ah.

    Markaa reer galbeedku maadaama ay sirdoon casriya leeyihiin ayna dhageystaan telefoonada iyo isgaadhsiinta snm sheekada way ku fahmeen weyna ka hortageen

    Somalia waa mid qudha

  6. deeq gessod says:

    Inriisga waa xeey oog yiihiin inu kaa dhalaan karo dagaal iyo buuq…..waa xeey America guu amaarday ineey guu dhaa waaqdo regonizetion oo u maaro meeshii ms cliton mareesay iileen maareekaanba aamree

    reer waaqooyiga if you dont get the regonizetion dont cry your somalian and u will be somalian ever sorry if u hate your self the truth is somalia is one

  7. Xaaji Cali says:

    Af waakane May Lagu Aamee?

    Walaal Soomaali Waa Rabnaa Waana Fiicantahay Hadii Lahelaayo.
    Su, aashu Waxay Tahay Walaal Somaali Meeday? Aaaway?
    Xagaad Ku, ogtahay Maanta. Yaa Heshiis ah? Yaa Wada Socda?
    Walaal Makhiyaaligaa & Beenta ayaad Run moodey?
    Walaal Noqo Qof Xaqiiqada Ku nool. oo Ka Turjuma.
    Fekerka aad Qabto Waan Kugu Hambalyaynayaa.

  8. Xaaji Cali says:

    Qoraxda Sacabada Malgu Qarinkaraa? Maya Maya .
    S.L Way Tashatay ee Tasho Walaal.
    Aabahay Baa Geel Lahaan jirey, Waxa Ka fiican Anaa Dameer Leh.
    Walaal Somaliya Marbay Jirtey, oo Lahayey. Midnimadeeda.
    Maanta Lama Hayo. Haday Kala Nabad Gasho, iyadaa Fiican.

  9. A. Cosoble says:

    Hore looma maqal loomana arag qof madaxa la’ oo jirkiisa kale uusan dareemin ama fayow yahay.Sidaas darteed,marka koofurta soomaaliya gaar ahaan Muqdisho caafimaaddo uun baa soomaaliya inteeda kalena caafimaadayaan,inta ka horraysa qaybaha u malaynaya inay fayow yihiini way bukaan subax walbana jirrada ayaa ku soo xumaanaysa oo soo baxaysa dibaddana laga arkayaa,Tan Hargeysana waxba kama duwana ee qaraabooy is-deji.

  10. Qaranka says:

    Ku: Puntland boy

    Nabada Somaliland ka jirta halkeebay taallaa? Soo Soomaaliland ma ahan waxa maalinwalba carruuraha iyo dumarka ku laynaya Awdal iyo Agagaarka Laascaanood? Soo isla reerka Magaca la baxay ma ahan waxa qabaaillada kale oo Hargeysa iyo burco ku nool waxa tacaddiga ku haya?

    Yaase iyaga wax gaarsiiyay waa adiga leh waxbaa gaaraye? Ma adigaa gaarsiiyay? Mise waxaad ka hadlaysaa jabhadii SNM ee amxaaradu tiri ordoo dalkiinna ku duula oo dhallaankiinna laaya? Bull shit!

    Kuwaas hadaaba la rabaa in haraadigooda la qabqato oo mudankooda la mariyo.

    Mida kale maxaa Jubaland kaa galay oo aad viva iyo vuva ugu haysaa? Waxyaabaha aad isku dhex yaacinayso sida; Puntland, qirashda beenta ah ee ah SNMland waxbaa gaaray, iyo Jubaland isma galaane waxaa tahay nin Walaaqan oo isku dhexyaacsan ee isi soo sax.

  11. cali says:

    qaranka ninka la baxay
    waxa ka galay jubaland wilka wata pland boy , waa meeshuu ka dhashay marka qofka mesha uu ku dhashay wuu dhihi karaa viva maxaa ugu diidantahay adiga hadaa gumeeysi ku jirtid wiilkani waa xor cid gumeysata ma jirto ma kastay. waa dadkiisa jubaland waa dadkiisa saas la soco adeer
    reer hargeysa waa dad nidaam sameystay waana dad aan ogoleyn iska dabawareega menta ah aad meesha ku heysaan ma yaqanin reer hargeysa waa dad maamulkooda dhistay mana u baahna carqalad taas ku bishaareyso

  12. Banaadir boy says:

    Kkkkkkkk@Qaranka sxb jawaab culus ayaad siisay canugan inuu waalanyahay mar hore ayaa la wada arkay lkn halka meel oo aan aadka kaala fakirka ahay ayaa ah Jabhada SNM oo loo soo abaabulay in shacabkeda leeso oo Dowladii dalka ka jirto mucaarado iyo Jabhadii kale ee Cabdullahi yusuf waxaana qabaa hogaamiyayaashi labadas jabhad in maxkamad lasoo saaro qof walboo ka tirsanan jiray

  13. mohammed ali says:

    ASC dhamaantiin,

    Waa war yaableh, Waxaa loo baahanyahay in markaan lafahmo xaalad guud hadii boqortooyada ingiriiska sidaan u hadashay. Arigtidayda ku aadan amaanka waa macquul, waayo doorashooyinkii degaanka ee sanadkan wuxuu kala qaybiyay bulshada reer waqooyi galbeed, sidaas owgeed waxaa isbiirsan kara ururada argagixisada ee buuraha galgala iyo beelihii codkooda laboobay. Waa macquul in amni daro ka dhacdo degaanadaas.

    Wbtfq

  14. natah says:

    waa runtooda reer Galbeedka waxey la socdaan dhaq dhaqaaqa shabaab shal waxey aheed xamar mantana waa reer hargeesa la yaab malaha ninba waa kal kiisa

  15. asad says:

    waxan garan wayay waxa ay shacabka puntland ugu nacmleeyan somalidiidka ilee geeludu ma wada daqaan degan kama dhexeyo khaatuma u dhaxaysa maxay tahay heshiiska ka dhexeya maxa mataaneyay amaba walaalo ka dhigay ileen snm waa somalidiid amaba somaliland aka beesha dhexe ma shacabka puntland baa doonaya inay goaan ma qaranimadi ayay ka doorten qabiil maxay tahay nacaybka ay u qabaan wlaaladood khaatumo state maxay tahay nacaybka ay u qaban konfuur ileen shacabka puntland kaliya kama so qaxiin somali oo dhan baa kaso qaxay maxase ka qaldan oo ay u afduuben qaranimadi maxay ku diidanyihiin dawalddi laso dhisaba oo ay u mucaraadan oo ay ugu danbaysay ti claahi maxay tahay sababta somaliland ay u doonayaan inay ula heeshiyaan dawladda oo ay ula heeshin wayeen khaatumo state oo degaan iyo derisnimo ka dhaxayso maxay ugu nacmlaysa snm amaba somaliland ingriiska iyo galaada maxa ka dhexeyaa miyaysan ahayn dad islaam ah maxay dadka ugu necebyihiin somalida iyo calanka buluga ah muxuuse u dhimay calanka buluga ah ileen siyadbare ayay isdagaaleen ???

Leave a Reply