DEG DEG: Al-Shabaab Oo Xukun Dil Ah Ku Fuliyay Sargaalkii Faransiiska Dennis Allex
Muqdisho (RBC Radio) Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xukun dil ah lagu fuliyay Dennis Allex oo u dhashay wadanka Faransiiska.
Al-Shabaab ayaa sheegay xalay fiidkii in la toogtay sargaalkaan oo dhowaan ciidamada Faransiiska ay isku dayeen in ay si xoog ah ku furtaan.
Kooxda Al-Shabaab sidoo kale waxay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan cadaymo muujinaya qaabka loo dilay sargaalkaan u dhashay wadanka Faransiisa.
Dowlada Faransiiska ayaa horay u sheegtay Dennis Allex in uu ku geeriyooday weerarkii ka dhacay degmada Buula mareer ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Shalay ayaa bayaan sidaan oo kale ah oo ay soo saareen Al-Shabaab ayaa waxay ku sheegeen in ay dili doonaan Dennis Allex oo ay qabsadeen sanadii 2009-kii.
Dhowaan ayay ahayd markii weerar uu ka dhacay gobalka Shabeelaha Hoose kaasi oo lagu doonayay in lagu furto Sargaalkaan ay heesrteen Kooxda Al-Shabaab
Wixii ku soo kordhaa kala soco RBC Radio.















Weligey al-shabaab ma taageerin, lkn midda ay maanta sameeyeen aad baan ugu faraxsanahay
Soomaali. Sirdoonka reer galbeedka Waa badan Yahay ee dhib haysku keenin email kaga iyo pcga Aad isticmalaysid Si fudud Ayaa lagu ogaan Karaa.
Walal Jug soo dhacay aad baad u mahadsan tahay.
Laakiin sirdoon kasta ilaah baa ka weyn…..aynu ilaah aaminno…….sirdoonku waa uun bini aadam innagoo kalaa
Soomaali
Walaal caadifadda iyo dhiigga intaad u kaadiso ma is weydiisey waxa aad taageereyso iney morally iyo dadnimo sax yihiin iyo in kale?
Askarigaani waa qof aadane ah oo leh dhiig u guduudan sida kaaga oo kale. Naf sida taada oo kale ahna wuu leeyahey. Ahal iyo family ka naxayana wuu leeyahey.
Wuxuu u yimid dalkeenna inuu soo fuliyo howl qarankiisu usoo dirsadey. Dalkeennana oggolaasho qarankeennu siiyey ayuu ku yimid oo isagoo hotel dowladdu dejisey deggan ayaa si dhagar ah loogala baxey. Waxey taasi ceeb iyo weji gabax ku aheyd dowladdii uu martida u ahaa iyo shacabka soomaaliyeedba.
Kasoo qaad adigu hadda inaad joogto dal Yurub ah ayaa laga yaabaa. Haddey koox gangs ah ku dilaan waxaa isku si uga dhiidhinaya dowladda aad joogto iyo shacabkeeda. Iyageyna ihaano iyo xad gudub ku tahey in adiga lagugu xad gudbo.
Maxaad ku keentey xaggeyse kasoo jeeddaa farxadda aad ku farxeyso xad gudubkaan lagula kacey ruux marti u ahaa ummadda soomaaliyeed?
Dad badan iyagoon is ogeyn ayey Shabaab yihiin. Colaad aysan garaneyn sababteeda ayaa ka buuxda. Sababtoo ah dadkaas propagando ayaa waqti dheer maskaxda looga shubayey oo waa la prograameeyey iyagoon is ogeyn.
Musiibada ay geyigeenna usoo jiidayaan argagixisadu ayey dad badan ka qaadeen colaad ay u qaadayaan dadkii argagixisada baacsanayey. Waa inaad noqotaa qof kala hara oo aqli leh. Gurigaaga argagixisadu ka dhigatey godka ay lasoo galaan wixii ay soo jiitaan adigaa waajib kaa saarnaa inaad ka qabato ood caalamka shartooda ka celiso. Haddaad kari weydey oo aad noqotey qof qafaal loo qabsadey haddii caalamku ka dabo yimaado dhagar qabayaasha oo dhib ku yimid collateral damage kusoo gaaro waa inaad fahamto in sababtu xaggaaga ka timid mar haddaad gurigaagi ka ceshan weydey in gangs ka dhigtaan hooy.
Colaadda nacasnimadaa ee dadkeenna ka buuxda miyuu caalamku noo qabaa mise innaga unbaa caalamka colaadineyna?
mabruuk alshabab waxad qabateen shaqadii ay dad badan oo muslimiina ay kacaajiseen, somaliyana waad qabsadontan maalin ay noqotoba. Tani waabilaw fiican.
Gaal baan dilay haday sheekadu tahay ogow dadkeena oo dhan waxey ku nabad qabaan wadamada kale ee waxa laga badbaadi la’yahay waa kuwaan xun oo burcada ah ee magaca islaamka ku qaraabanaaya aniga marka ayaga la dilaan farxaa
To Wadaad yare
Haa wayjiraan dadka waxlagu shubtay adiguse ama ku jirta oo gaalo waxkugu shubatay?
Waxaankuu waydiiy arintan difaacidda ad siisay Askarigan Gaalka ah, waxbana kamaadan sooqaadin
Muslimiinta fransiisku ku tuntay oo qaarkod somali yahay!
dawladdu ayadaba wajigabax ah, dadkediba laxasuuqay waxayna tacsitiiraanyo leh u tirtagtay tuugadi sooduushay hilbihiilaga haray saasdarteed du,dun ciidi wax u madhibto.
TO:somali:Ilaahay ma ogola dadka maganta kuu ah inaad ku xadgudubto,ummadda soomaaliyeedna ma matalaan kuwaan ceebaynaaya,oo maganta laaya,!!!!!!!!!!!!.
Reer afduub Ilaahay ha idinka jaaseeyo,gafka aad ku haysaan ummaddiisa,noocaydoontaba ha noqotee,Muslin iyo gaalaba,marka cara’Alle fisha,mar haddiinaan ku socon xaqii Eebbe ee ahaa magantiina magan galiya.
Cadaado
Saaxiib waxaan arkey comments kan oo kale ah jawaab aad iigu reebtey. Maashaa Allaah. Aad ayaa loogu baahanyahey saaxiib iin dadka garashada u saaxiibkaa oo kooxdaan falan kasoo horjeedaa ay dhiirradaan oo kuwaan dufeysan lagu yiraahdaa “uf” dad qalatayahey nama matashaan.
Haddaan ka aammusno oon dugaaggaas u banneyno goobta ciyaalka iyo maangaabka ayey ku prograameynayaan qurunkooda.
Yaa u dirsadey Alshabaab howsha ay hayaan? Sheydaan ayaa u dirsadey.
Qofka hadduu dalka kusoo galo oggolaasho dowladeed wuxuu ku jiraa “thimmatullaahi warasuulihi” sida xadiisku sheegayo. oo macnaheedu yahey “Ilaahey iyo Rasuulkiisa ayuu magan ugu jiraa”. Qofkii Ilaahey magantiisa ku xad gudbana Ilaahey ayaa la xisaabtamaya.
Masaakiintaan aad baboonka ku tilmaantey waxeysan waxba kala socon ineysan Shabaab dowlad aheyn, diinna aysan aheyne ay yihiin koox gangs ah oo la mid ah ama ka liidata kooxaha ka ganacsada daroogada iyo dumarka jirkooda oo qaab abaabulan looga ganacsado.
Haddaba nin dowladda soomaaliyeed magan gelyo siisey haddii lagu xad gudbo waxey la mid tahey soomaaliya oo lagu xad gudbey. Dilka ninkaasna wuxuu meel ka dhac ku yahey diinta iyo dadka soomaaliyeed.
TO: wadaaad yare
Quf wliba aduunkaan kunool ilaah wuxuu siiyay arakti u gooni ah uu dadka kala kaga duwanyahay. marka adiga aad saa u fakirta kula yaabi maayo ee waa ra,yigaaga soomaalidana waxey tiraahdaa nin waliba cindigiisuu ciyaa.
Taa waa tii araktidaad ku saabsaneyd, aniga iyo adigaba waxaan kawada simanahay naceybka alqacidada soomaaliya, lkn waxaan ku kala duwanahay qaacidada aan kadooleyna ee ku wajahan nimankaan.
In ninkaan ladilo anigu qalad uma arko waayo isaga iyo cidda soo dirsatayba maqadarinin qarannimadii soomaaliya waayo isaga sharci darro ayuu kujoogay wadanka kuna yimi markiisii horaba dowladii waagaa jiratayna maba kawar heyn taa cadeynteedana waa heynaa. wuxuu wadanka kujoogay iyadana iskiiga sheekeyn meyno oo waad lasocotaa.
Tan dowladdiisa waxey hadda sameysay waa mid aan waafaqsaneyn international lowga walina waxeedu waxey ahaayeen daandaansi diblumaasiyadeed.
Waxaa tiri ninkaan wuxuu leeyahay ehel iyo dad kanaxa, ma,ilowday maatidii tobonaanka aheyd ee faransiisku ku dileen sida sharci darrada ah iney walaalo iyo qaraabo kanaxayaa leeyihiin.
Soomaalida waxey kumaahmaahdaa nin iska riix iyo rabi kacabso meel mawada galaan.
Marka walaal yaanu kula gaarin naceybka nimankaan inaad qarankaagii iyo dadkaagii aad ilowda. wabilaahi tofiiq.
asc walaalkay wadaad yare sida aad sheekada uu qurxineyso ma aahan xaqiiqadu ninkaan iyo umadaha qoxotiga ku ah dalalka reer gablbeedku waa kala duwanyihiin ninkaan wuxuu uu yimid fidno iyo in umadaan somaaliyeed dhib loo geysto sharaftooda lagy ciyaaso diintooda lagu soo duulo been iyo wax aan jirin lo kala sheego taasna ilaah baa fashiliyay taaso jirta buu hadana asaga sababtiis dad muslim ah oo dhinteen waa in uu asna dha dhamiyaa xabada waa in uu silic uu dhintaa hadii naxariis kaa hayso gaal xarbiya aada yaqaan waxaad ilaahay la hortageyso.waxaana kugula talin lahaa adi iyo gaalo isku dhinac ha ka soo jeedsanina fadlan
asc sidaad hadalka uu qurxineyso ma aahan xaqiiqadu wadaad yarow ninkaanu wuxuu aaha daalim uu yimid in uu qeyb ka qaato burburinta diinteena dalkeena iyo shacabkeena wuxuuna uu socda wax qaribaad waxaase ilaah mahadiisa sida alle uu fashiliyay xumaantii uu maaganaa waxaa sababtiis uu dhintay dad muslima asna wuxuu mudan yahay in uu dha dhamiyo wuxuu la maagana umadaan masaakiinta waa in gacan lagu dila loona diraa aakhiro jahanama lageeyaha waxaana nasiib daro aan uu arkaa in aan arkayo dad uu doodaya gaaladii oo ka sokeeya gaaladii qof ilaah hortagayana uma suubana in uu ka naxo jab gaaray gaalo waana ka waaninaya walalaha somaaliyeed ee muslimka in aan madba caamka ah uusan ka lumin
Suudaani
Wax aad Alqacida ku necbaato ayaananba arag haddaad dhaqankooda xun taageereyso! Hadduu xataa sharci darro dalka kusoo galo qofka malla dilayaa?
Hadduu jaasuus ahaa ma adiguu ku jaasuusayey mise nimanka aad sheegtey inaad necebtahey?
Soomaalida caadiga ma jirto wax ay qarsanayaan oo laga jaasuuso. Laakiin daroogiiste, argagixiso iyo denbiilayaal kale ayuu raadsanayey hadduu cid raadsanahey.
Waxa dhan oo na heysta waa hummaag been ah ayaan ka baqnaa. Alqacidana iney islaamkii yihiin ayaa si dadban dhallin yarada qalbiga looga geliyey.
Ninka Alqacida la dagaalayaa ma islaamkuu la dagaalayaa? Ninka jaasuusayaa ma islaamkuu jaasuusayaa? Haddey jawaabtaadu maya tahey, ninkaasi howl aan adiga iyo dalkaaga lid ku aheyn ayuu watey oo la mid midda saxafiyiinta,booliiska iyo hay,adaha gargaarkee maxaa lagu dilayaa?
wadaad yare haddii alshabaab yihiin xagjirka u janjeedha alqaacida, adna waxaad tahay xagjirka u janjeedha reer galbeedka,kolka labadiina waxaad tahay xagjirka ah, ummada islaamku waa bayna daalika.
Wadaad yare
Adaa dhameeyay sxb inta hadalkaaga fhibsatayna waa inta runta dhibsata waana madax duub marka how jawaabin,
Madax duub ilahay waa jabiyay dadkuna waa nacay diinta oo laysku nabad galiyo layskuna ixtiraamo baa hada loo noqonayaa madaama at madax duubku diinta ay layimaadeeb dadka ku xanuujiyeen!
Allah habarakeeyo intay naafo kadhigeen intay dileena allaha janadii hageeyo somali waa dhameeyeen waxaanse sugi la”ahay inta madaxda u ah goorta laysoo sheegayo,
Allaahu Akbar walillaahi xamdu.
Guuulmuslimiinta u soo hoyatay Waaye.
Wadaad yare iyo khaniisiinta lamidka ahna
hantaatocoodu wax qiimo ah malehan.
Wadad yare, hadalkagu macne wanyn buleeyhay!! lakiin dadka muwadinin ta, ah ee, aan ayugu waxba galabsan oo lalaayay markii ay , ayugu muwaadinkooda soofuranaayeen maxaad kaledahay? aniga waxay ilatahay somalidu waxay tiraahdaa saxansaxankugud, xumaantaan xuman baaka horaysay.
Somaliyey waxyaabaha dagaaldii sokeeye ay noo keeneen ayaa waxaa ka mid dhalanrog ku dhacay dhamaan ummadda soomaliyeed xitaa sida ay u fekeraan, kala garasha la’aanta cadowgooda iyo saaxiibadooda, taasi waxaan ugala jeedaa dad maanta shabaab ku garab taagan inay iska af duubtaan dad u yimid inay tababaraan ciidamada soomaliyeed, munaaqifnimada ma aha wax fiican, shabaab ma maantay soomali u hiiliyeen oo noqdeen xabiibka soomalia mise weligood waxay ahaayeen cadowga soomaliyeed? nimankan nin ajnabi ah oo u yimid inuu tababaro ciidanka qaranka ee sirdoonka soomalia ayey xamar kasoo afduubteen 3sano ka hor. yaa baneeyey qof bani’aadan ah la iska haysto? caqliga fayow makuu ogolanayo inaad qof bani’aadan ah iska haysatid. qaar baa ku andacoonaya waa jaajuus iyo diinteena ayuu u socdaa sheeko raqiis ah, war maxaa laga jaajuusi aduunka maanta wax qarsoon miya jira? haddiise islaam u socdo faransiiska waa wadanka ugu islaam badan yurub, shicibka faransiiska boqolkiiba toban ayaa muslim ah kuwaas muu u shaqo tago haddii uslim dhibkiis uu u socdo.
WADAAD YARE waa ku saxsan yahay fikradda saliimka ah ee soo bandhigay, qofna dembigiisa qof kale loo saarin maayo, bal ka waran haddii kooxo faransiis ah ay qafaashaan soomalida faransa joogta ayna u aaneeyaan ooh burcadbadeed soomali ah ayaa beri dad faransiis ah afduubatay, qiil ma noqonee jawaabtu waa maya sidaas si la mid ah ayaa dilka soomalida ee askarta faransiiska dusha looga saari karin ninkaas madluumka ah ee saddexda sanno xaqdarro ay u haysteen cadowga soomaliyeed ee shabaab.
To:wadaad yare
Waxa lagu weydiiyay ama qufkakula doodaya uu sheegaya haddaad fahanto waa adoo jawaabta barkeed haya sxb aniga waxaan kahadlay iyo adiga waxaad kahadleysa ismalaha maxaa yeelay aniga waxaan u damqaday qarankeyga iyo dadkeyga ileen wadanka halaaqya mareen ma,ahee waa wadan madax banaan farasiiskuna waa uu ku xadgudbay madax banaanidaas aniga meesha aan kaduulaya waa taas ninkaan dhimashadiisana waxaanaan uga xumeyn anigaaba asaga dhibana u ah anoo ku hadlaya magaca dadkii masaakiinta ahaa ee lagu laayay buulo mareer.
Waxaan iri ninkaan si sharci ah kumuu iman wadanka dowladdii soo dirsatayna waxey sameysay waxaan sharciga caalamiga ah waafaqsaneyn.
Taas micnaheeda ma,ahan inaan taskiyadeeynaya falalka nimankaan ku kacayaan, ileen kaney dileen iyo iyagaba waa isku key mid aniga haddii amisom dili laheyd sidaanoo kalaa ayaan dhihi lahaa anigu shaqa kuma lihi cidda dishay.
Waxaa tiri waxey daba joogaan argagixiso iyo daroogiistayaal, maxuma anigaba waan daba joogaa waa inoo wada cadaw wadankana anaa iska leh ee aan mel wax wada dhigno ayaan qabaa aniga ciddii taa diiddana iyadana waa tuugo kaloo rabto in dadkeyga gumaaddo madaxa banaanideydana meel uga dhaceyso.sxb marka sidaa aan isu fahanno wabilaahi toowfiiq
Wadaad Yare dowlada aad sheegeyso halkee taal sxb ma tan gabdhaheeda kufsanaysa! Yaaaa dowlad wax waydiinaya ninkan danaha dalkiisa ayuu u yimid, ee sxb qiyaaliga iyo beenta aad noo sheegeyso iska Daa! Qaranimada Somaliya tii marxuum maxe’d Siyaad Ayaa u dambeysay! Believe or not somalia gumeysi ayay ku jirtaa! Nimankan wajiga duuban Dan uma hayaan shacabka somaaliyed!
Ali Somali
Walaal dhibka dhan oo dadka ka dhigey iney noqdaan sidii wax waalan waa halbeeggii iyo miisaankii ay qaladka iyo saxa ku kala garan lahaayeen ayaa ka maqnaa muddo dheer. Halbeeggaasi waa qarannimada. Muddo dheer markey ka maqneyd ayey illoobeen iyadu tahey miisaanka lagu miisaamayo cidda ku soo xad gudubtey dalka iyo cidda saaxiibtinnimo u timid.
Waxey illoobeen in qof iyo qaran aysan isku mid aheyn shaqadooduna kala geddisantahey. Qaran ayaa ninkaan u oggolaadey inuu dalkiisa yimaado. Hadduu qalad ka galana isagaa kula xisaabtamaya way garan la,yihiin.
Waxey la mid yihiin dadka jidadka guryaha ka dhistey iyo dhismayaasha danta guud oo u maleeya in laga qaldanyahey haddii ka kaca la yiraahdo!
Qofka soomaaligaa caalamku abaal ayuu ku leeyahey. Oo dalkiisana markii aafo ku timaado waa loogu gurmadey intaasoo goor. Dibeddana si aan la qiyaasi karin ayaa loo soo dhaweeyey oo loo dejiyey.
Diinta iyo akhlaaqda wanaagsan waxey na bareysaa inaan abaalkaas gudno oon u ogsoonaanno dadkii abaalka noo galey.
Qur,aanku wuxuu leeyahey “hal jazaa,ul ixsaani illal ixsaan”. Wanaagga ma waxaan wanaag aheyn ayaa lagu gudaa. Weeye macnaha aayaddu.
Abu Tayib Al mutanabbi, oo ah shaacir carbeed wuxuu leeyahey:
“in anta akramtal kariima malaktahu, wa in akramta la,iima tamarradaa”! wuxuu leeyahey : “Haddaad qof sharaf leh karaameyso qofkaas wuxuu noqdaa qof aad leedahey, haddaad duf ku baxe karaameysana wuu kusii fogaadaa”!
Dadkii badaha isku soo gurey oo iyagoo gacmaha hoorsanaya yimid oo lasoo dhaweeyey oo la dejiyey, gudihiina abaartii iyo daadadkii loogu gurmadey iney caalamka col la xirtaan oo yiraahdaan qofkaan aragno oo caddaan ah waan dileynaa waa arrin yaab leh oo muujineysa in wax qaldanyihiine ma macdanteennaa xun mise dad ugaar ah oo in la tarbiyeeyo oo dad laga dhigo dad u baahan ayaan nahey?
Nacasnimada iyo abaal laawennimo marna in diinta loo tiiriyo ma ahan. Diintu in abaalka la gudo aayadaha iyo axaadiista ay uga hadashey mid lasoo koobi karo ma ahan.
Suudaani
Shakhsi ayaad tahey marna qaran ayaad ka mid tahey. Qaranku dad matala iyo qaab loo wajaho ayuu leeyahey. Qaranka burcad ma matasho oo dowladda ayaa matasha. Ciddii qaranka ku xad gudubta dowladda ayaa la xisaabtameysa. Laakiin ninkaan hadda aan ka hadleyno nin qarannimada ku xad gudbey ma aheyne wuxuu ahaa nin ku yimid heshiis iskaashi. Dadka dhinteyna isagu ma diline isku deygii in lasoo daayo ayey ku dhinteene la soco.
Waxaan ku dhow is xoree oo afkaarta xag jirnimada iyo cuqdadda iska saar cid soomaali col la ah oo dan ka leh ma jirtee.
sxbyaal waaan ina salamay salaan kadib ninkaas waxaaa uu ahaaaa jaaajuuus somalIY soo jaajuusayay marka in ladilooo ayaan aniga tageerayaaaaaa waaana ku saxanyihin in ay toogtaaan ooo walibaa daldalan