DEG DEG: Ciidamada Amisom oo 9 Ruux oo Rayid ah Ayna Ku Jiraan Dumar Ku Laayey Shabeelaha Hoose


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ugu yaraan 9 ruux oo rayid ah oo saddex ka mid ah ay yihiin haween ayaa geeriyootay labo kalana waa ay dhaawacmeen ka dib markii ciidamo ka tirsan AMISOM ay rasaas ku fureen dad reer Guuraa’ ah oo ku sugnaa duleedka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dad deegaanka ku sugan iyo saraakiil ciidamada dawlada oo ku sugan degmada Leego ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan kuwa Yugaandha oo ku jiray hawlgal sahan ah ay la kulmeen dad reer Guuraa ah oo ku sugnaa dhul miyi ah oo dhir badani ay ku taallo ka dibna ay toogteen dadkii ay arkeen, waxaana goobta ku geeriyootay sagaal ruux oo saddex dumar ahaayeen.

Labo ruux oo dhaawacantay ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla magaalada Wanlaweyn halkaasoo la soo gaarsiiyey.

Col. Ibraahim Maxamuud oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dawlada federaalka Soomaaliya ee ku sugan Wanlaweyn ayaa sheegay in markii warka dilka dadka rayidka uu soo gaaray ay la xiriireen saraakiisha AMISOM ee ku sugan gobolka balse aysan weli wax war ah ka siinin dilkaasi.

Ma jirto wax war ah oo taliska AMISOM iyo taliska ciidamada dawlada federaalka Soomaaliya ka soo baxay oo ku saabsan dilka dadka reer guuraaga ah loogu geystay duleedka degmada Leego.

Degmada Leego ayaa ka mid ah deegaanadii ay ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al Shabaab sanadkii hore iyadoo deegaanka uu weli yahay dhufeys maadaama aysan ciidamadu dhaafin deegaankan, waxaana marar badan ka dhacay dilal si qalad ah dad rayid ah ay ugu geysteen ciidamada AMISOM ee taageeraya kuwa dawlada Soomaaliya.

Bishii Nofembar ayaa sidoo kale ciidamada AMISOM si qalad ah 10 ruux oo rayid ah waxay ugu laayeen isla deegaanka Leego ka dib markii madfac ay tuureen uu ku dul habsaday dad xoolo dhaqato ah oo halkaasi ku noolaa, kaasoo illaa hadda aan waxba laga qabanin. [AKHRI; Xasuuqii Leego]

 

 

RBC Radio

Illaa hadda

Use Facebook to Comment on this Post

Share

19 Responses for “DEG DEG: Ciidamada Amisom oo 9 Ruux oo Rayid ah Ayna Ku Jiraan Dumar Ku Laayey Shabeelaha Hoose”

  1. the wase man says:

    Misson troops should withdraw our cauntry because what they are doing is an acceptbale for both Somali Government and Somali People.

  2. Banaadir boy says:

    Inaa lllah wa inaa ileehi raajicun waa calool xumo aad u weyn in nafta umada soomaliyed ee sidas raqiis ugu noqoto gaalo calooshod u shaqestayal ah oo dalkena mushar ugu soo doontay in diintena iyo dad nimadena la dagaalaman insha allah mar un waa naga baxayan waayo quwadahii ka awooda weynaa ee cadaankaba wadamadii africa ee eaqtiyadii hore gumesan jiren waa ka baxen mana jiraan qoomiyad dhan oo waligod awood ciidan ama mid maskaxed lagu heesan karo insha allah danbiga iyo xasuuqa ciidamadan geesanayana waxaa ka wakiil ah dadkii markii hore wacday oo dalka soo galshay iyo kuwii markii Ethopiankii xooga lagu saaray ee Ugandeskana la raacsin rabay dhahay hadii Ethopia baxday dagaal waa dhamaaday ee dagaalka hala joojiyo dagaal danbe ma rabno waana la yaqan dadkas insha allah mar un shacabka soomalited waa la xisabtami doonan kuwii dalka cadowgan keenay iyo kuwii dagaalka kala dhantaalay ee kala jabshay dadkii ka sinaa xorenta dalka waayo hada waxa dagaalama waa alshabab oo kali dadkii kale ee u dagaalamayay in ay gumeestaha iska qaadan madaxdodi baa u ololeesay in ugandes aan lala dagaalamin marka masuuliyada ha qaatan waana in aan hada cadowgan gees ka noqonaa oo sidii xabashida Ethopianka aan u burinaa

  3. wadaad yare says:

    Waan ka xunnahey musiibadaan. Waxaan kula talin lahaa dowladda iney iska xil qaamto in dadkaas arrintooda ay iska xil qaamto iney soo baarto oo ugu yaraan ay magdhow iyadu bixiso haddeysan Amisom bixineyn. Taasi waa mid.

    Tan kale waa in loo howl galaa sidii ciidanka shisheeyahaa looga maarmi lahaa oo waa in la dhisaa ciidan qaran oo isku filan.

    Taasna dowladdaan hadda jirtaa waxaan aamminsanahey iney heyso waddadeedi ayna ka guul gaari doonto.

    Ra,iisal wasaaraha wareysi uu bixiyey sannad kahor intii uusan qaban xilka wuxuu ku sheegey inuu mudnaanta siinayo sidii looga maarmi lahaa ciidanka shisheeye.

    Laakiin dad Shabaab oo kalaa oo iyagu masuul ka ah dhibka iney nagu oohin darsadaan oo mashaqada ay dad kusii helaan waa inaan ka weynaanno.

  4. yoonis says:

    waa nasiib daro nagu dhacday masuuliyadeda waxaa qaadaya USC iyo intii taageeraysa waana marag madoonto in dhib walba oo soomaali soo gaadho ay USC saldhig u aheyd waxa ay la dagaalameem dowladii Soomaaliya ee Kacaanka aheyd xamar bey qabsadeen waa la ogaa wixii ka dhacay, C/Qaasim baa la doortay waa la ogaa wixii ay sameeyeen, C/Laahi yuusuf baa la doortay waa la ogaa dhibkey dalka u keneen USC oo magac diin huwan (MAXKAMADIHII IYO INDHACADE) oo xabashi bey u sahleen dalka qabsadaan soomaalina ay gumaadaan.
    waxa ay hada isku dayayaan in dastuurkii soomaali isku raacday oo KMG nimadii looga baxay in ku tuntaan ma waalan yihiin mise wax kalaa jira.
    waa tan hada keentay in dowladi xassan ay banjartay oo marba meel isku qaadayo oo hala i taageero leh.
    dadaalka badan oo wanaag ah ayaa dad qaar bey wadaan laakiin dadaalkaas oo dhan waxaa hal mar liqaya hal mar uu xasan hadlo isagaana iska banjariyey dawlada uu hogaaminayo wax walbuu faraha la galayaa maba akhrisan dastuurka

  5. Banaadir boy says:

    @yoonis bal qadiyada meesha ee mareeso iyo halka uu ka hadlayo walee waxaan oo kale ayaa naga buuxan asaga iyo meesha uu ka yimidba waa soomali hadana cadowga soomaliya waa iyaga garowe iyo xoogaa gaalkacyo ah dhibkina iyo shartina iyo xaasid nimadina allaha ka hayo umada shacabka ah waa hubaal in mar danbe iidan dha dhamin xil sare oo soomaliya ah maxaa yeelay cadowga dalkaba waa adinka qiyaano iyo ruufiyaanimo.com dhamaantin ma oran karo lkn intiina badan

  6. adam says:

    Inaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun waa masiibo Qaran Umadii waa ladhmeyey

  7. Ali Mahad says:

    Yoonis sxb Cudur USC ayaa ku haayo Ilaah haku caafimaadiyo. USC keligeyd dembi meesan gelin Soomaali oo idil ayaa gashay haba ugu darnaadaan Beesha aad kasoo jeedo oo 21 sano dadka Leyneesay dagaaladii kadibna waxa dalka an nabad larabin waa idinka oo Hunguri weynin iyo Isla weyni aan lagula ogeyn kugu jirta. Adeeryaal dalka idinkaa saan ka dhigay ee USC maahan aan runta isku sheegno iska daaya Hunguri weynida iyo wax walba aniga ayey iigu fiicanyihiin mideeda kale Dastuurka aad sheegeysa Diin maahan waxaan noo cuntimin qaadann meyno

  8. Ali soomali says:

    Gari ma qeybsanto, wax kastoo dalkeena ama dadkeena ku dhaca waxaa ka mas’uul ah Alshaydaan ayagaa ka mas’uul ah in ciidan shisheeye ka hawlgalaan dalka soomaliya, iyagaa ka mas’uulah inay meel kasta oo rayid joogo inay dhibaateeyaan, degmooyinka soomalia ha ahaato, kuwo qaxooti ku jira, kuwo wadamo kale degey intaba waxay la daba joogaan qori holcaya, dadkii waxay ka dhigeen kuwo ay barakiciyeen,kuwo ay u diiden jiif iyo joog, kuwo ay miino ku xireen iyo kuwo ay mustaqbalkooda seegiyeen, har iyo habeen waxay ku faanayaan inay soomalia ka dhigeen meel nabad ay ka suushay oo ay caalamka u sheegaan in Xamar iyo soomalia aan la imaan karin sababtoo ah nabad maha,soomalidu cadaw kale maleh aan ka hayn Alshaydaan.

  9. ciid yare says:

    waan ka xumahay laakiin masuuliyadeeda waxaaleh waxaan madax kusheega ee aan damiir iyo mid dal aan lahayn waayo waxaan islahayn waxuu kasaarin ciidankaa shisheeye laakiin waaba soo wadaa waxuuna udhameeyay intii ka hartay shacabkii somaaliyeed qaar waxuu ku sameeyeen kufsi qaar waa xir xireen qaarna waa xasuuqeen aaway masuulkii loo doortay aaway difaacidii shacabka aaway dhibkuu lahaa waan kasaarin waxuu ukeenay dhibkii ugu darnaa waxuuna uceliyay 1991kii mid ka daran iyo mid aan soo marin somaaliya oo aan ula jeedo sheekadaan waxaan kusoo xasuustay sheeko dhex martay dad beelo ah oo qabaail isku dilay ninbaa nin dilay markaa ayaa loo dilay laakiin nin ka mid ah labada isdishay walaal kood ayaa cuqdad ka qaaday walaal kiis oo loo toogtay nin kuu dilay iyo beeshii oo uusan qilaafi karin go aankeeda intaa ka dib gabadhii la dhalatay labada nin midkood ayaa guur satay ninkii la dilay walaal kii oo ay labadii beel ku noq deen xidid ileen naag ku lama tol ahane markaa ayaa waxay dhashay wiil wiil kii ayaa ubaahday abtigii in uu soo arko markaa yay udirtay walaalkeed oo tiri soo booqo abtigaa hal kaasuu joogaa wiil kii markuu utagay abtigii oo uu isku sheegay ayuu naxay hadana waa wiil kii walaashii ee maxuu sameeyaa mar kaa ayuu soo dhawaayay dhawayn dabac san oo uu kuyiri wiil kaygii soo dhawow minanka waa minan kaagii gahwe dhan hana is martiyayn soo dhawayn kadib ayuu waxuu siiyay hadal dar daarana oo uu leeyahay bati maalintii abtigaa ayaan ahay habeen kiina cadowgaa ayaan ahay ee habaynkii abtiga jeebka noo gali kkkkkk wiil kii waa shakiyay waxuuna galay in uu is waar diyeeyo habaynkii maalintiina uu ka cararo oo ka laabto abtigiis markuu hoyadii utagay ayuu way diiyay su aasha uu kuyiri abtigiis hooyadiina waa qosashay ileen waxay ogtahay aanada qabiil ee rerka dhex taal waxna uma aysan sheegin wiil kii ; hadase waa arinta xasan dowladiisu waa taa oo kale oo uu leeyahay maalintii qaran ayaan ahay oo u a deegin shacabka habaynkiina waa mooryaan askartii iyo saraakiishii oo ay kuf sanaayaan dadkii barakaca yaasha subi xiina waxay usoo labisanaayaan dharkii askarta oo uu leeyahay see laguu kufsaday amaba see wax udhaceen ka dibna uu duugin kiiskii ileen asaguu ku soolaaban kkkkkkkkk

  10. ciid yare says:

    tan kale qolooyinkaan dur baanka ugaraaca xasan culusow oo kamidka yihiin wadaayare iyo banaadir; cadaado ; iyo barwaaqo waxaa suu raa in aysan ka hadlin waxaan laxa suuqaayo amaba ay dadka maqa shiinaayaan wan ka xunahay laakiin ay ku taageersan yihiin d\ku sheega xasuuqa dadka ayna uyaqaanaan in ay qabatay howl wanaagasan ileen caqli gooda ayaa taas tusaye mida kale hadii puntland amaba kismaayo habar ku kufto waa ay soo kala haadayaan oo ay iska dhigaayaan sidii hay adahii xaquuqul insaanka udoodi jiray hadana hadii uu xasan laayo hal malyan oo qof oo somaali ah oo ay laayaan huwantaan shi sheeye iyo daba dhilif yada xasan waxba uma arkaan waana usacaba tumaayaan tusaale waagii ay ka dhaceen puntland muda haraad yada qaasatan qardho wadaayare iyo banaadir iyo cadaado qaylada iyo fara bax siga ka dhacaayay waa laga kala cararay oo hadana ay ufara bax sanaayeen faroole ayagoo iska dhigaaya in ay xaqa uhiilinaayaan maantase waad aragtaan in ay amaanayaan ku na taageer sanyihiin xasuuqa ugandhayska iyo kenyatiga iyo xasan hadaba aaway xaqaa ku doodayseen iyo bad baadintii aaad lahaydeen shacab baan bad baadinaynaa mise taageeradu waa usc waxay dhishaa waa looma ooye oo hay adaha xaquuqul insaanku ma qoraan waxii lagu dilaa puntland iyo kismaayo amaba s\land waa qoraan kkkkkk alow sahal amuuraha kkkkkkkk

  11. wadaad yare says:

    Ciid Yare

    Adigu mucaaradnimo aan macno sameyneyn ayaad waddaa ee hakuu caddaado hadafkaagu inta aadan wax dhalliilin.

    Ma Shabaab ayaad ku saf tahey? Haddaad Shabaab ku saf tahey nagu talo iyo towfiiq ma tihide ciddii fikirka Shabaab ka gadmayo u sheeg. Dood nagama dhaxeysee is dil baa naga dhaxeeya nimankaas.

    Haddaad tahey muwaadin soomaaliyeed oo si kale wax u dhaliilsan, haddaan dowladda diidno maxaad kaloo xal ah ood noo heysaa?

  12. Ali Soomali says:

    Ciid yare
    walaal anigu waxaan ka soo jeedaa dadka meesha lagu xasuuqay mana kula qabo fikirkaaga, Xasan waa madaxweynaha Somalia ama halgu jeclaado ama lagu naco, soomali oo dhan ayuu mas’uul ka yahay dibad iyo gudaba, waxaa xaqiiq ah inuusan haysanin ciidan uu ku hanto amaanka somalia oo dhan, mana banaana fursad aan ku dhaliilno ilaa hadda waxabadkiisa waayo waxaa la dooray 4 sano xitaa lix bilood ma joogo xafiiska,waad ogtahay soomalia wax walba waxaa laga bilaabayaa zero,Obama oo wadan dhisan loo dortay ayaa wuxuu ku andacoday in waxyaabo badan uu sameyn waayey 4 sano sidaa dateed fursad la siiyo 4sano oo kale. haddii aadan si kale umaaganeyn wuxuu u baahan yahay waqti in la siiyo (benefit of doubt). wadanka waxaa ciidan u ah AMISOM runtii wax badan bay qabteen waa haddii an abaal leenahay, waagii xamar xabadda AMISOM iyo shabaab ka socotay ayaa dadka xamar degan waxay oran jireen “ooh AMISOM waxay u timid inay na xasuuqdo” anaga maanta oran meyno sidaas ee waxaan leenhay dhibt kasta oo dalkan iyo dadkan ku yimaada waxaa ka mas’uul ah Alshaydaan, xitaa Xasan haday waxyaabihii u ballan qaaday u qabsoomi waayan waxa sabab u ah balaayadan soomali shaydaanku daba dhigay.

  13. Mohammed says:

    Ilaahey ha u naxariisto dadka dhintay, hana caafiyo kuwa dhaawaca ah.

    Taa kadib, dhacdadan waa in la dabagalaa oo lasoo ogaadaa sidey ku dhacday, loogana hortagaa iyadoo kale.

    Tan labaad; Kuwa Shabaabka taageersan iyo Soomaalida ka damqaneysa dhibaatadan dhacday waa labo. Heer Shabaab waxaa naga dhaxaysa isasoo dhiibitaan.

    Xasuusta goortii Shabaabku dhulkaa xukumi jireen, sida gabdhaha Soomaaliyeed loogu gadi jiray ajaanibta, qoorta looga jari jiray dhalinyarta iyo cid walba oo sheegata, wax walbana looga gamban jiray diinta. Ma taa baan u noqonaa ?

    Waa maya.

  14. Ali Mahad says:

    @ Waa asiibtay walaal halkii la rabay ayaad dhigtay Soomaali oo idil haday sidaada camal u fikiri lahaayeen waa Horre ayaan Dayaxa dushiisa aqallo cad cad ka dhisan laheyn balse sorry waxaa jira kuwa badan ay ka mid yihiin Ciidyare iyo Yoonis oo inaga mid ah oo aysan ogeyn hadafka Nolosha iyo reason-ka dunida loo keenay(waa dad iska nool aanan ogeyn waxay u noolyihiin).

  15. Jubbaawi says:

    Asc, qasaaraha meesha ka dhacay dadkeey gaareen allaha u naxariista qoosykoodana badal kheeyr qaba allaha siiya.
    Ciidmada Amisom dilkaan waa kii labaad oo eey ka geeystaan leega, kolkii hore 10 ruux beey aheed hadaeerna waa 9, walina go’aan lataaban kara ama wax ka qabad qaladaadka AMISOM dowladda iyo AMISOM midna lagama haayo, waa ineey magdhaw ka bixiyaan xasuuqa joogtada ah eey ku hayaan shacabka soomaaliyeed, tani waxeey na xasuusineeysaa xasuuqii sidan oo kale ciidamada Kenyanka ah ku dileen sagaal ruux deegaan janaay cabdalle, marka somalida ineey dil u joog noqota ma ahan, dowlada shaqadeeda ha qabsata.
    Waxaa muhiim in la ogaaada in hadda dadka meesha lagu laayay kulli yihiin halbeel, tii hore sidoo kale, dowladda waaa ineeey war cad ka soo saartaa dadkii meesha lagu laayaya ee 19-ka qufna magdhaw ka bixisaa, haddi kale sheekada timir lafbaa ku jirta weeye.

  16. ciid yare says:

    wadaad yare aniga mataageersani shabaab waana kasoo horjeedaa hadaan helaayana anaa ugu horeeya oo wadanka ka tir tiri lahaa iska daa in aan taageerayee al shabaab halkaa nooga daa ayada waana ku midaysan nahay in aan katir tirno wadanka ayaa noo balan ah mida dowlada \ani madii daayo dowlad somaaliyeed oo daacad wax u qabanaysa oo dadkeeda iyo dalkeeda bad baadinaysa laakiin waxaan dii danahay dowlad ku an dacoonaysa oo ku qaraabanaysa shaarka dowlad nimo oo hadana dhibaatay naysa shacabkii somaaliyeed taas ayaan diidin oo aanan uquurin kal mada dowlad oo macna wayn leh ; maxaa xal ah? waxaa xal ah in ay somaali katashato aayaheeda ayadoo kaga tashanaysa daacad in aan iska saar no ciidamadaan shisheeye ee xasuuqin wadan keena in aan soo dhisano ciidankeenii xooga dalka in aan badalno madax kusheegaan oo aan keeno dad karti leh oo aan u adeegin qabiil sida xasan in aan ku dhaqano dastuurkii iyo waxa lagu heshiiyay in umada daacad wax loogu qaybiyo in han tidii dib loo gu kalaceliyo waxii wax kala tabanaayo in taa iyo in kabadan ayaa xal ah laakiin aan kuxasuusiyo wadaad yare hadii dad cadaalad wax uqabanaayo 3 bilood ayay wax ku qaban karaan taas oo udaliila maxkamadihii muqdisho lixda bilood nabada kadhigay oo qab qablayaashii owoodaa ogeed lahaa wada qaasiiyay marka maxaa udiiday xasan oo caalamku garab taagan yahay in aan waxba qaban taas waa ritiga anaa rarin hadana anaa furin hadaa wax fahmaysid waa ifahmi kartaa waxaan kawado hadaan kuu qeexana waxaa waaye baadida nin baa kula dadaya daalna kaa badan oo aad doonayn in aad heshaa daa in abidkaa kkkkkkk

  17. ciid yare says:

    ali somaali waa sax walaal qof kastaa fikirkiisa asaguu ugooni yahay waxaa suuraa in aan wax yaabo badan aan isku raaci karno wax yaala badana aan ku kala duwanaan karno taa waa qof kasta dooqiisa tan dowlada wax qabadkeeda? walaal hadii dowlada wax qabadkeedu daacad yahay waxay wax kuqaban kartaa 2 bilood oo ugu horeeya laakiin waxaan orankaraa waxa dowladaan xasan fashiliyay in ay tahay labo arimood 1_ asagoo kabooday rayiqaadashada shacabka somaaliyeed qay bihiisa kala duwan sida askartii nabadoonadii haween kii culuma udiinkii dhalin yaradii iyo saxaafadii oo asaga isasiiyay taladii dalka 2_in uu xukunkii uu asaga jeebka ugu jiro oo cidii qaladka aragtaa aan ka hadlli karin sida baar lamaanka oo uu aamusiyo iyo cidii uu rabo oo meesha keeno tuu rabina uu ka cay riyo taas oo ay dad badan uga tageen dowladiisa kuna naceen waayo hadii uu soo dhawaysan lahaa waxa uu heli lahaa tilaabo badan sida talooyin dad wax qaban kara oo karti leh iyo dad soo dabi kara bulshada oo hadal wanaagsan ku qanci kara tusaale dowladii shariif waxay kusacotay xowli dadkiina rajadoodii way soo laabatay maxay taas ku gaartay waa latashiga shacabkeeda waana ogayd in madaxdii dalka ayagoo uqud bay naaya dadkooda lasigay naf sadooda qaasatan gaas iyo shariif laakiin xasan waxuu meesha kasaaray shacabka taageeridiisii oo uu karaadin dibada marka taas dowladii c\qaasim ayaa kushaqayn lahayd

  18. ciid yare says:

    ali mahdi walaal waa saa usheegtay anagu waan nool nahay waxaa ku nool nahay nolol fiyow oo caafimaad qabta laakiin cida mug diga ku nool waa adiga iyo waxa kula fikirkaa tan kale waan kala naqaan qaranka daacadaa iyo qaranka beenta wayn oo raba in ay dadka masaakiin taa ay ka dhistaan daaraha aad sheeg tay ayagoo u maraaya wado qaran oo been abuura laakiin alxamdulilaah waxaa nool dad ani iyo yoonis aan ugu horayno oo farta ku fiiqin hadana ka hortagaaya oo aan hurdin maalin cadna jooga waxaana idin leenahay ha is oran lagu ma arkaayee aqala jeexo ha is oran lagu ma arkaayee afka buuxso waa hees taa mida maanta taagan ee bacda dhuuqsada kkkk

  19. Jubbaawi says:

    asc, raxanreeb maxaa dhacay oo commentiyadeeydii aan loo soo bandhigin???? mise waxaad jeceleeysan baa ku qornaa taloow!!!

Leave a Reply