DEG DEG: Ciidamo Fara Badan Oo Ka tirsan Nabadsugida & Milateriga Soomaaliya Oo Saaka Soo Buux dhaafiyey Qaar Kamid Ah Isgoysyada Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho(RBC Radio) Ciidamo fara badan oo ka tirsan nabadsugida iyo milateriga Soomaaliya ayaa saaka lagu arkayaa qeybo badan oo kamid ah Isgooysyada magaalada Muqdisho oo ay kamidyihiin Isgooysyada Dabka, Shaqaalaha KM-4 agagaarka Madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed iyo Wadada isku xirta garoonka Aadan Cadde iyo KM-4 ilaa hada lama oga sababta dhabta ah ee ka danbeysay in ciidamadan loo dhigo wadooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamada saaka lagu arkayo wadooyinka Muqdisho ayaa gaadiidka dadweynaha u diidaya iney ka rakaabsadaan isgoysyada ay saaka soo gaareen waxayna gaadiidka iyo dadka qaar u diidayaan isticmaalka wadooyinka qaar iyagoo ku amraya iney ka fogaadaan wadooyinkaas.

Saraakiisha sarsare ee ciidamada dowlada Soomaaliya ayaan ilaa hada ka warbixin ciidamada faraha badan ee saaka lagu arkayo wadooyinka Muqdisho, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Muqdisho ay kusoo fool leeyihiin Madax ka socota beesha caalamka arintanine ay la xiriirto adkeynta amaanka caasimada,

Dadka reer Muqdisho ayeysan ku cusbeen in saacado badan la xanibo wadooyinka qaar xiliyada ay garoonka kasoo dagayaan ama ay ka dhoofayaan masuuliyiinta ugu sareysa dalka Soomaaliya iyo xiliyada ay dalka imaanayaan wufuuda ka socota caalamka.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “DEG DEG: Ciidamo Fara Badan Oo Ka tirsan Nabadsugida & Milateriga Soomaaliya Oo Saaka Soo Buux dhaafiyey Qaar Kamid Ah Isgoysyada Muqdisho”

  1. Banaadir Boy says:

    Raxanreeb thnks akhbaaradkina lkn beenta yareya ama is badalada ka war qaba madaxweyne xasan markuu baxayo iyo imaatinkisaba lama xiro wadooyinka sheekadas mar horaa u danbesay sida aan war fidiyenada kale ka ogaanayba

  2. Banaadir 55 says:

    kkkkkkkkkkkkk Khaliif Erag ayaa dadka indhahooda ka sii jeedinya Ibraada uu dhigtey Inta u dhaxeysa
    Afgooye-Muqdishow oo lacag ka qaadanyo gawaeida iyo rakabka oo ku baarto haddba NSS waa hantiyey qabiil dhiig badan somaliya ku daadiyey haddba ciidankani waa isbaaro doon baan filyaa oo islaamaha ayey ku bartaan meelaha oo ku yirahdan waxaad tahey shabaab

Leave a Reply