DEG DEG: Ciidamo Faransiis ah oo weerarkii ay ku Qaadeen Buula-Mareer oo Dhicisoobay
Muqdisho (RBC Radio) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in howlgalkii ciidamada Faransiiska ay ka sameeyeen gobalka Shabeelaha Hoose uu noqday mid Dhicisoobay.
Wasaarada Difaaca ee Faransiiska ayaa sidoo kale iyana qiratay in howlgalkii Soomaaliya ay ka sameeyeen ciidamada Faransiiska in uu ku soo dhamaaday Fashil.
Wasaaradu waxay sheegtay in ay geeriyoodeen askar ka tirsan ciidamada Faransiiska iyo waliba ninkii laheestaha ahaa ee la doonayay in la soo furto.
Al-Shabaab wali kama aysan hadlin arintaan laakiin waxay sheegeen in ay dileen ciidamo ka tirsan Faransiiska oo ahaa kuwii xalay weerarka soo qaaday.
Wixii ku soo kordhaa kala soco RBC Radio














Meesha ma burcadbeed bay umaleyeen in joogaan
Shabaabka ma waxay moodeen mooryaantii saleebaan ee burcadbadeedka ahaa ee la buufiyey, shabaabku waa dad khamro iyo qaad midna lagu dagi karin,laakiin waxaanrajeynayaa in shabaabka xoog loo adeegsado labo sano kadibna qof shabaaba laga waayo dalka ilaahay haynaga cirib tiro shabaabka aamiin.
Waxaa lasheegayaa in qorshihii duulaanka Faransiisku uu kashifmay ragna looga laayey Buula Mareer, marka waxaa iswaydiinleh arinkaan arinka xiga muxuu noqon karaa?ILLAAH baa og,laakiin saadaashu maxuma (Al shayaadiin Vs French Commondos).
waxan umalaynaya kumandoska faransiska iyo kuman doska alshababa in aay xirfad badan yihin,sida ka muqata wararka intarnaydka,Dawladda Faransiska iyo Cimadeda Kuman doska wa ku fashilmen werarkii aay ku qaden maleshiyada mayalka adeg shabab,waxayna ilatahay in aay garansiyen in aay geed kharar yihiin.
Al shabaab way naga farxiyeen waxay jibiyeen isla waynidii Faransiiska iyo kibir kiisa.
Al shabaab kor alle haka yeelo aaaaamiiiiin.
alloooow naga qabo shabaab walleee puntland waxbaaa haysta ninmaakaaan shabaabka ahi caadi ma aheee ree puntlaanoow is jira kkkkkkkkkkk lllloooz
Shabaabka jaan ee jiniga qaba ilaahoow naga qabo,waxeey u badan yihiin dhalin balwad dilootay oo la tashkiiliyey kuwaas oo isticmaali jiray herowiin iyo kookaa’iin waxeey ka naxayaan ma jiro kuwaas wixii eey arkaanba weey liqaan xitaa barafuun cadar ah oo loogu qooshay herowiin ayey marsadaan.
Mowduucan ah in la raamsaday ciidamadii faransiiska waxeey jidka u xaareysaa in shabaab la ciribtiro oo geyiga Somaaliya meel walbooy jiraan loogu tago oo bad,dhul iyo cirba lagala dagaalamo waadna arki doontiin inshaa alaah kaas Muqdisho soo qortay yaahuu baan kaa iri hadalkaaga meeshaad joogtana waa la yaqaan sxb hoos alaah ha ka dhigo baan leeyahay Shabaabka baas.
Horta Xaqiiqatan Shabaabku waa shayaadiin Arxan Laawayaal ah…..
Laakiin Najaasadaan Franciska Ah Oo Amar la’aanta Dalka Hawlgalka Uga Fuliyay Jabkooda waa Ku Raaxaysanayaa Waxaana Jeclahay waliba Alshabaab Hadii Dagaal Lugu Qaadayo Oo Aan Dawlada Laga Amar Qaadan Dalkasta Oo Ajnibi ah Inuu Xabada Kulaylkeeda Arko Soomaalinimada Magaceeda In Hooos Loo Dhigo Ma Ahan Wasakhdaan wasakhdu Dhashay Gaaladaa Ma Hooyadood Baa Iska Leh Dalka Maxay Kasoo raadsheen Hadii Ay Dawlada Taageerayaaan Ha La Kulmeen Madaxda Iyo Cidii Arimahaas Quseeyaan
[...] in weerarka uu dhacayo.” ayuu yiri C/qaadir Nuur Siidii oo intaa ku daray in uu codsanayo in Faransiiska iyo wadamada kale ee NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya inay gacan ka geystaan sidii loo ciribtiri [...]
Soomaalida badigood raali ayeey ka yihiin ciribtirka ALSHABAAB, waana wax la fahmi karo.
LAAKIIN… waa wax fiican in shisheeyuhu ogaadaan in Soomaaligu geesi yahay xattaa haddii
la khalday oo fikrad kale laga dhaadhiciyay.
Shabaabka haray ha ka faaiidesteen cafiska aay Dowladdu fidisay.
Dalku waxuu u baahanyahay dad difaaca.
Xaalka Buulo-mareer SHABAAB mataagna ee waxaa uu taagan yahay Somali iyo Faransiis.
[...] baxay wax yar ka dib markii ciidamada Kumaandooska Faransiiska ee watay illaa shan diyaaradood ay weerar ku soo qaadeen degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu soo furto Dennis Alex hase yeeshee uu [...]
[...] cadda waxa uu noqon doona go’aanka Al Shabaab ka gaareen Dennis Alex oo ah sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska oo ay ka afduubteen hotel Saxafi bishii July 2009 [...]