DEG DEG: Labo Wariye oo Ka Hawlgala Warbaahinta Muqdisho oo Looga Yeeray Maxkamada Sare Berito Xilli Qabqabashada Wariyaasha uu Cirka Isku Shareeray


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta u yeeray labo tifaftire oo ka tirsan labo wargeys oo maalinle ah oo ka soo baxa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kadib markii dhowaan wargeysyadaasi lagu daabacay sawir gacmeed (kartoon) uu qoray Amiin Caamir oo ah wariye sawir gacmeedka caan ku ah.

Tifaftirayaasha loo yeeray ayaa kala ah Cabbaas Cali oo ah tifaftiraha wargeyska Xog-Doon iyo Maxamed Axmed Siyaad oo ah tifaftiraha wargeyska Xog-Ogaal oo mudo dheer ka soo baxayey magaalada Muqdisho.

Labada tifaftire oo caawa Raxanreeb ay la xiriirtay ayaa xaqiijiyey in maanta labadooda la soo gaarsiiyey warqado rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed oo loogu yeeraayo labada wariye inay maxkamada sare ku hor yimaadaan maalinta berito oo ah 14/01/2013 sida ku qoran nuqulka waraaqahaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Ilkaxanaf

Sida ay xaqiijiyeen labada tifaftire ee wargeysyada Xog-Doon iyo Xog-Ogaal waxaa lagu heystaa daabicida sawir gacmeedka Amiin Arts oo ku soo baxay wargeysyadan kaasoo Amin Arts uu ku sheegaayey caddaalad darro hareysay hoggaanka maxkamadda sare ee dawlada federaalka Soomaaliya.

Ilkaxanaf oo isdifaacay

U yeerista labada tifaftire ee maanta looga yeeray maxkamadda sare ayaa timid xilli wareysi uu dhowaan bixiyey gidoomiyaha maxkamadda sare Abuukaato Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf uu ku sheegay in Amin Arts uu si weyn u karaama-tirey maxkamadda sare ka dib markii uu caddaalad darro iyo laaluush ku eedeeyay.

Sawir Gacmeedka la isku heysto

Ilkaxanaf ayaa wareysigaasi  waxaa uu ku sheegay inuu sharciga la tiigsan doono Amiin Caamir oo ah wariye sawir gacmeedyada sameeya kuna nool wadanka Canada, hase ahaatee taasi bedelkeeda ayaa maxkamadda waxay hadda u yeertay tifaftirayaasha wargeysyadii dib u daabacay sawirkii Amin Arts ka sameeyay Abuukaato Ilkaxanaf.

Sida hawlwadeenada labada wargeys ay sheegeena wargeysyada ayaa maalin kasta daabaca sawirada Amin Arts si joogto ah iyagoo siiya xuquuqda qoraalka.

Shabakada Raxanreeb ayaa ka mid ah warbaahinta dib u daabaca sawirada Amiin Caamir ku soo bandhigo boggiisa.

 

 

 

RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “DEG DEG: Labo Wariye oo Ka Hawlgala Warbaahinta Muqdisho oo Looga Yeeray Maxkamada Sare Berito Xilli Qabqabashada Wariyaasha uu Cirka Isku Shareeray”

  1. EX-Muslim says:

    Wariyeyaasha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin xorriyadda wariyeyaasha caalamku leeyihiin.

  2. cali somalia says:

    wariyaasha somaliyeed waxay mudanyihiin xarig iyo dil joogto ah hadaysan ka waantoobin burburinta shacabka iyo dalka !!!

  3. xuquuqda iyo badbaada shacabka somaliyeed says:

    somalidu waxay tiraahdaa qaade iyo qaarshe oo ah sida amin caamir iyo wariyayaasha ku sheega waayo aamiin caamir oo ku caanbaxay aflagaadhada iyo isku dirka dadka somaliyeed marka waa isku mid aminrts iyo kuwa taageera!

  4. Gaarhaye. says:

    Aan wax xadee yaan laay-sheegin,Gudoomiyaha iyo Nuun Cadde Miyaaysan xishoonaayn Cimri iyo Caqli uma harine Bal eega Tuugaan leh,maxaa laay-sheegayaa,Bal eega Nuur Cadde kulahaa Waa laayga Horeeyey guri la kiraaysto,Berina wuxuu soo wadaa inuu dhaho ,Guri safaaradeed oo la iibsado Anigu uguma Horaayn waa gardaro garab Og?

Leave a Reply