DEG DEG: Madaxweyne Faroole iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Garoowe gaaray.
Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wafdi uu hogaaminayo oo indhawaaleba ku Sugnaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Gabal dhicii Caawa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland kadib kulamo balaaran uu lasoo yeeshay cuqaasha dhalinyarada waxgaradka haweenka iyo Maamulka Gobolka Bari kaasi oo la xiriiray Adkeynta Nabadgelyada iyo taageerida Dimuqraadiyad taam ah oo laga hirgesho Deegaanada Puntland Dhamaan.
Wararka ay Raxan-Reeb ay heleyso ayaa sidoo kale sheegaya in imaanshaha Madaxweynaha ay ka dambeyso kadib markii magaalada Garoowe laga bilaabay Qabanqaabo xoogan oo ay wadaan saraakiil ka tirsan ururka Xisbul xaakimka ah ee Horseed ee uu Madaxweyne faroole Hogaamiyo kaasi oo looga gol leeyahay dhamaadka bishan in la qabto shirweynihi lagu dooranlahaa Hogaanka rasmiga ah ee ururka isla markaana loosoo bandhigi lahaa siyaasada dhabta ah ee Ururka waxaana dhici doonta Xaflad uu ka qayb gali doono Madaxweynaha oo ka dhici doonta Magaalada Garoowe.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo in ku dhaw 2bil ka maqnaa Magaalada garoowe ayaa siyaasiyiin badan waxay ku micneenayeen soo laabashadiisa mid lagu adkeynayo siyaasada ururka Horseed kaasi oo ay Madaxda Puntland ku tilmaameen in uu yahay midka kaliya ee Hormar iyo cadaalad u horseedi kara Bulshada reer Puntland sida ay hadalka u dhigeen waxaana la sheegay intii uu joogay magaalada Bosaso madaxweynuhu in uu u kasbaday ururkiisa Taageerayaal badan kana mid noqday Ururka Horseed.
RBC RADIO















WSC,
Salan gadasheed Faroole waqti aas ahaay madaxwayne la doortay laakiin hada maaho, sababtoo eh xoog aas meesh ku heestaa, waana warlord camal waa kaa xoog badanehey camal waaye. Saxaafadana xor maahen oo waxii jiro ma shegi karto, kuwo beeso la siiyo iyo loo cagojugleyo waye.
Puntland waa u dhamatey walaasheeda.
muunye@ af somaaligii baa naga halay say ee carabka maa la dahay mise waad faruuran tahay saxib inta aadan maagin dadka soo samayso carab wanaag san ee lagu gu fah mi karo inta ko horaysa waa faruurow foori gaa lee kkkkkkkk